Posts

Showing posts from June, 2023

𝗙𝗔𝗔𝗤𝗜𝗗𝗔𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗗𝗔𝗦𝗧𝗨𝗨𝗥𝗞𝗔 & 𝗤𝗔𝗔𝗕 𝗗𝗛𝗜𝗦𝗠𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗪𝗟𝗔𝗗𝗡𝗜𝗠𝗔𝗗𝗔 𝗠𝗔𝗥𝗘𝗬𝗞𝗔𝗡𝗞𝗔

Image
Dowladanimada-cusubi ee dunida maanta ka jirta kuma dhalan kedis ee waxay ku timi dadaalo badan oo soo socday boqolaal sano oo falaasifo, mufakiriin iyo siyaasiyiin soo wadeen oo markii danbana dhaliyay kacdoono, ha    ugu waynaado kacdoonkii faransiiska oo saameyntiisu gaartay dunida oo dhan, halkaasina waxaa ku dhashay dowlad ku dhisan hishiis bulsho oo ka fog tii boqradu ay ku takrifalijireen awoodda iyo hantida shacabka. Dabcan dunida maanta waxaa ka jira nidaamyo maamul – dowladeed – oo kala gadisan se waxay badi ka midaysanyihiin inay hay’adaha dowladdu u qaybsamaan saddex; sharcid dajin, fulin iyo garsoor. dowladda Mareykanka waa mid ka mid eh dowladihii ugu horeeyay ee nidaamka saddexda hay’adood dhidibada u aasaasay. Dastuurka Mareykanka wuxuu ka mid yahay dustuurada ugu faca weyn dunida ee weli shaqeeya, wuxuuna aad u tixgaliyaa mabda'a kalasaaridda awoodaha dawladda; saddexda hay’adood inay kala madaxbanaanaadan iyagoo isla xisaabtamaya, tusaale yar, ma ogolaanayo...