Posts

Showing posts from October, 2024

Nidaamak Doorasho Ee Ku Habboon Soomaaliya

Image
  Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowge eh sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay. Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka. Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan, laakin doorashadoodu waxey u ekeyd xilkaqaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis eh, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musa...

Cadaawadda Itoobiya Ma aha Aragti Shirqool

Image
  Laga soo bilaabo dhamaadkii qarnigii 19aad xilligii gumeystayaashii reer yurub soo gaareen Geeska Afrika ilaa maanta 2024 waxey dowladda Itoobiya ku howlanayd walinga ku howlatnahay inay dhul hor leh Soomaalida ka qaadato; kumana joogsan qaaadashadii Herer, si la mid eh kuma hakan qaadashadii gobolka baaxadda leh ee Soomaali-galbeed, maantana waxey sahmisatay badda iyo dhulka gobollada waqooyi. Colaadda Itoobiyaanka u hayaan Soomaalida waa mid shaacsane ah, kuna koobneyn qowmiyad Oromada ee hadda talada haysa ee Soomaalidana dariska la’eh; tiro hoggaamiyaal oo soomarey talada Itoobiya oo ka soo kala jeedda qowmiyadaha Amharada, Tigreegga iyo Oramada (Minilik, Heyla Salaase, Mela Sanaawi iyo Abey Axmed) ayaa si isku mid eh ugu halaaqay in Soomaalidu u qalmin dhulka baaxadda leh iyo badda ay haystaan. In badanna waxey Soomaaliya ugu yeereen dhaxal Talyaani oo ula jeedaan dowlad gumeystihii Talyaaniaga abuuray oo hore jiritaan u lahayn! Waa iyaga iyo Allahoodee, Soomaalidii hor...