Posts

Waa Kee Buluugga Furan Ee Uu Leeyahay Calankeenu?

Image
  “Qolobaa calankeedu, Waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xiddigyahay cadi...”. Heesta Calanka Soomaaliya. Qodobka 6aad ee Dastuurka 2026 iyo Dastuurkii Kumeel Gaarka wuxuu dhigayaa in calanka Soomaaliya yahay laydi buluug furan oo dhexda kaga taal xiddig cad, balse qodobkau ma xadidin midabka buluuga furan, wuxuuna noqon karaa midabo tirada badan oo isla buluug furan ah, sida ka muuqato sawirka kore, arrintaasina waxay u baahantahay cid jaangoysa. Taariikhda markay ahayd 08/06/2026, Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook qoraal nuxurkiisu yahay in midabka calanka Soomaaliya yahay midabka buluuga ee leh Hex Code: B5D7F1 (RGB: 181, 215, 241), arrintaas oo dad badan ay u riyaaqeen, u na qaateen in qoraalka guddiga uu soo afmeeriyay jahwareer ka jiray midabka buluuga furan ee uu qodobku xusay. Hase yeeshee, waxaa is waydiin mudan in guddiga kan uu leeyahay awood sharciyeed uu ku fasiri karo ...

Isbarbardhig Sida ay Uga Hadleen Hay’adda Garsoorka Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012 Iyo Wax-ka-badalka Dastuurka ee 2026:

Image
  W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi & Xuseen Maxamed Ciyaaye Hordhac Inkastoo Dastuurka Kumeel Gaarka gudihiisa, gaar ahaan Cutubka 15aad, lagu qeexay habraaca qabyotirka iyo dib-u-eegista dastuurka, haddana muddo dheer ayuu ahaa mid qabyo ah, waxaana awoodi waayay inay dhameystiraan ama wax-ka-beddel ku sameeyaan dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray tan iyo sanadkii 2012. Dowladdii ugu horreysay ee lagu soo dhisay dastuurkaas oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadihii 2012–2017, iyo dowladdii xigtay ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee 2017–2022, midkoodna kuma guuleysan inuu soo gabagabeeyo dib-u-eegista dastuurka. Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale dib loo doortay 15-kii May 2022, ayaa muddo xileedkiisa labaad dadaal xooggan ku bixiyay dhammeystirka iyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel gaarka ah. Ugu dambeyn, taariikhda 04/03/2026 Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ...

Diego Garcia.. Jasiiradda uu Mareykanku uga Duullo Bariga Dhexe

Image
  W/Q: Miirfit Cowf W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Okiyaale” Bishii Febraayo 2026, doon yar oo alwaax ah ayaa ku soo xiratay xeebta jasiiradda Île du Coin oo ku taal bartamaha Badweynta Hindiya, waxayna sidday afar nin oo u soo safray inay ku laabtaan dhulkoodii hooyo. Markii ay xeebta u soo dhawaadeen oo ay u jireen dhowr mitir, waxay arkeen qubmo firirsan jiho kasta, muuqaalkaas oo xasuusisay sheekooyinkii ay aabayaashood uga warrami jireen dhulkooda ka hor inta uusan Ingiriisku ka barakicin halkaas muddo laga joogo nus qarni, balse saameynteedu weli taagantahay ilaa iyo maanta; waxaana lugu tiriyaa jasiiradaha Chagos ama arkhabiilka Chagos meelaha uu ku sii danbeeyo gummeysigii Ingiriiska. Afartuba waxay ogaayeen in safarkoodu khatar badan leeyahay oo u badantahay in ciidamada Ingiriiska ka soo musaafurin doonaan jasiiraddaas sidii ay kol hore uga musaafuriyeen jasiiradaha Chagos aabayaashood, si ay dhammaan jasiiradahaasi uga shaqeeyaan danta saldhigga mil...