Isbarbardhig Sida ay Uga Hadleen Hay’adda Garsoorka Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012 Iyo Wax-ka-badalka Dastuurka ee 2026:

 


W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi & Xuseen Maxamed Ciyaaye

Hordhac

Inkastoo Dastuurka Kumeel Gaarka gudihiisa, gaar ahaan Cutubka 15aad, lagu qeexay habraaca qabyotirka iyo dib-u-eegista dastuurka, haddana muddo dheer ayuu ahaa mid qabyo ah, waxaana awoodi waayay inay dhameystiraan ama wax-ka-beddel ku sameeyaan dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray tan iyo sanadkii 2012. Dowladdii ugu horreysay ee lagu soo dhisay dastuurkaas oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadihii 2012–2017, iyo dowladdii xigtay ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee 2017–2022, midkoodna kuma guuleysan inuu soo gabagabeeyo dib-u-eegista dastuurka.

Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale dib loo doortay 15-kii May 2022, ayaa muddo xileedkiisa labaad dadaal xooggan ku bixiyay dhammeystirka iyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel gaarka ah. Ugu dambeyn, taariikhda 04/03/2026 Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ku ahaayeen labada aqal, ku meel mariyay Wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo ay kulankaasi goobjoog ahaayeen 222 xildhibaan, kuwaas oo dhammaantood cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dastuurka.

Kadib ansixinta Baarlamaanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixay wax-ka-beddelka dastuurka taariikhda 08/03/2026.

Si kastaba ha ahaatee, habraaca wax-ka-beddelka dastuurka wuxuu dhaliyay dood siyaasadeed iyo muran sharciyeed, iyadoo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah ay si cad uga horyimaadeen habraaca loo maray iyo sharciyadda ansixinta wax-ka-beddelka dastuurka.

Doodaha iyo muranada ka dhashay wax-ka-badalka dastuurka waa kuwo aan bar dhammaad lahayn oo salka ku haya arrimo siyaasadeed, walina ma cada in wax-ka-badalku noqon doono dhaqangal iyo in la laali doono.

Qormadan waxay isku dayeysaa inay si sharciyeysan u falanqeyso, isbarbardhig ugu sameyso Dastuurkii Kumeel Gaarka iyo Wax-ka-beddelka ee 2026, gaar ahaan Cutubka 9aad ee la xiriira hay’adda garsoorka, si loo fahmo meelaha ay ku kala duwan yihiin labada nuqul, meelaha ay isaga egyihiin iyo heerka uu mid kasta xoogga u saarayo dhinacyada qaar.

Aragti Guud oo Ku Saabsan Cutubka Garsoorka

Waxay ka simanyihiin Dastuurka 2012 iyo Wax-ka-badalkiisa 2026 inay uga hadleen arrimaha garsoorka cutubka 9aad, hase yeeshee waxay ku kala gaddisanyihiin baaxadda qodobada, faahfaahinta iyo heerka muhiimadda ay siiyeen hay’adda garsoorka.

Dastuurkii Kumeel Gaarka ee 2012 wuxuu kaga hadlay arrimaha garsoorka qodobada u dhexeeya qodobka 105aad ilaa qodobka 109C, inkastoo dadka qaar u maleyn karaan in xarafka “C” ee lagu lifaaqay qodobka 109aad uu yahay khalad qoraal, haddana sidaasi ayuu ugu qoran yahay dastuurka, wuxuuna ka kooban yahay qodobkaasi saddex tirsi oo kala ah 109A, 109B iyo 109C.

Dhanka kale, Wax-ka-badalka wuxuu si weyn u ballaariyay cutubka garsoorka, isaga oo u qoondeeyay qodobada u dhexeeya qodobka 126aad ilaa qodobka 149aad, kuwaas oo wadartoodu tahay 24 qodob, si ka duwan dastuurkii 2012 oo si guud u qeexayay nidaamka garsoorka, wuxuu dastuurka cusub si qoto dheer uga hadlay:

·        Qaab-dhismeedka maxkamadaha.

·        Madax-bannaanida garsoorka.

·        Habraaca dacwadaha.

·        Awoodaha maxkamadaha.

·        Maamulka garsoorka.

·        Magacaabista iyo xil-ka-qaadista garsoorayaasha.

·         Golaha Sare ee Garsoorka.

Madaxbannaanida Garsoorka

Waxaa ka mid ah arrimaha ay labada nuqul si wadajir ah u soo hadalqaadeen madaxbannaanida garsoorka, waxayna xuseen in hay’adda garsoorka ka madaxbannaan tahay hay’adaha fulinta iyo sharcidajinta, sidoo kale waxay xuseen inaan garsooraha la baari karin qofnimadiisa iyo hoygiisa iyada oo fasax laga wadan Golaha Sare ee Garsoorka, sidoo kale inaan garsoore lagu oogi karin dacwad ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoornimo. Hase ahaatee nuqulka cusub wuxuu adkeeyay madaxbannaanida garsoorka in ka badan nuqulkii hore; waxaa ku qoran qodobka 127aad, faqraddiisa 4aad in garsoorku u madaxbannaan yahay maamulkiisa iyo maaliyaddiisa, sidoo kale waxaa ku xusan isla qodobka 127aad, faqraddiisa 7aad inaan la basaasi karin xitaa garsooraha, arrintaas oo adkeyneysa madaxbanaanida garsooraha. Sidoo kale qodobka 148 ee nuqulka 2026 wuxuu aasaasay Sanduuqa Garsoorka, arrintaas oo u suuragalinaysa hay’adda garsoorka inay ka madaxbannaanaato hay’adda fulinta ee hadda maamusha miisaaniyadda garsoorka.

Inkastoo ay labada nuqul wada xuseen gole maamula garsoorka oo udub dhaxaad u ah madaxbanaanida garsoorka, haddana magacyada ay u bixiyeen golahaasi ayaa kala duwan, nuqulka cusub wuxuu u la baxay golahaasi "Golaha Sare ee Garsoorka", halka nuqulkii 2012 u la baxay "Golaha Adeega Garsoorka".

Laakin waxay ku kala tageen labada nuqul qaab dhismeedka golaha; nuqulkii 2012, gaar ahaan qodobka 109A, wuxuu ku koobay xubnaha golahaasi 9 xubnood oo kala ah guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalka, Garyaqaanka Guud, laba qareeen oo ka socda ururka qareenada, guddoomiyaha Ururka Xuquuqul Insaanka, saddex qofood oo ka imaanaya bulshada rayidka. Docda kale nuqulka 2026, gaar ahaan qodobka 145aad, ma xadidin tirada xubnaha golahaasi, wuxuuna ku soo koobay sida tan: guddoomiyaha Maxkamadda Sare, guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, guddoomiyaasha maxkamadaha kore ee maamul goboleedyada iyo caasimadda, guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadanaha, laba qareen oo ka imaanaya Ururka Qareenada iyo laba xubnood oo xeeldheerayaal ah. Waxayna noqoneysaa tirade xubnaha golahaasi 16 xubnood, haddii lagu dhiso tirade maamul goboleedyada hadda jira iyo caasimadda [Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeele, Banaadir, Galmudug, Puntland, Waqooyi Bari iyo Soomaaliland], wayna ka badan karaan mustaqbalka, haddii uu soo kordho maamul goboleed cusub.

Sidoo kale, labada nuqul waxay siyaabo kala duwan u qoreen siyaabaha uu imaanayo guddoomiyaha iyo ku-xigeen Golaha Sare ee Garsoorka, wuxuu qabaa nuqulkiii 2012 in doorasho ay ku imaanayaan, halka nuqulka cusub uu qabo in guddoomiyaha golahaasi uu mar walba ahaanayo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalk, ku-xigeenkuna ahaanayo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka.

Habraaca Dacwadaha

Markay timaado habka dacwad qaadista, wuxuu Dastuurka Kumeel Gaarka uga hadlay si kooban (qodobka 107aad), isaga oo sheegay in dacwaduhu ahaadaan kuwo u furan dadweynaha, marka laga reebo xaaladaha aan dadweynaha loo ogoleyn dhageysiga dacwadaha, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in waajib tahay in dhinacyada la siiyo fursad isku mid ah, sidoo kale wuxuu xusay in go’aanka maxkamadda ahaado mid ku qotomo sharciga.

Dhinaca kale, nuqulka 2026 oo hoosta ka xariiqay inta sare ku xusan, wuxuu intaasi ku daray inuu dacwad furan karo ruux kasta iyada oo loo eegeyn diintiisa, dhaqaalihiisa, jinsigiisa iyo maqaamkiisa (qodobka 128aad, faqraddiisa 1aad). Sidoo kale waxaa ku jira isla qodobkaasi, faqraddiisa 4aad in go’aanka maxkamadda la soo saaro iyada oo aan la daahin, haddii aysan jirin asbaab maangal ah, sidoo kale inuu ahaado go’aanka maxkamadda mid qoran, lana ogeysiiyo dhinacyada, lana kaydiyo.

Qaab Dhismeedka Maxkamadaha iyo Ikhtisaaskooda

Ikhtisaaska iyo qaab dhismeedka maxkamadaha waa mid ka mid ah arrimaha ugu waa weyn ee ku kala duwanyihiin labada nuqul; wuxuu qabay nuqulkii 2012 (qodobka 108aad) inuu dalku leeyahay:

a-     Maxkamadda Dastuurka;

b-    Maxkamado heer federaal oo ay ugu sarreyso Maxkamadda Sare ee Dalka;

c-     Maxkamado heer maamul goboleed oo ay ugu sarreyso Maxkamadda Sare ee Maamul Goboleedka.

Hase ahaatee, nuqulkaasi wuxuu uga waramay maxkamadahaasi qaab dulmar ah, mana kala caddaynin arrimo badan oo lagu caddeeyay nuqulka cusub.

Docda kale, wuxuu nuqulka 2026, gaar ahaan qodobka 129aad, jideeyay in maxkamadaha dalka ka koobnaadaan:

a-     Maxkamadda Sare ee Federaalka;

b-    Maxkamadda Dastuurka;

c-     Maxkamadda Kore ee dowlad goboleedyada iyo caasimadda jamhuuriyadda;

d-    Maxkamadda Rafcaanka ee dowlad goboleedyada iyo caasimadda jamhuuriyadda;

e-     Maxkamadda Darajada Koobaad ee dowlad goboleedyada iyo caasimadda jamhuuriyadda.

Si ka duwan nuqulkii 2012, wuxuu nuqulka cusub kala duway ereybixinadii loogu kala yeerayay maxkamadda ugu sarreysa federaalka iyo tan ugu sarreysa maamul goboleedayada iyo caasimadda; sidoo kale wuxuu nuqulkaan xusay caasimadda oo aan lagu soo hadalqaadin nuqulkii 2012, waxayna caasimaddu lahaan doontaa si la mid ah maamul goboleedyada Maxkamad Kore, taas oo meesha ka saareysa dhaqanka hadda jira ee ah in go’aanada Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir cabasho looga qaato Maxkamadda Sare ee Federaalka.

Waxay labada dastuur si wada jir ah u carabaabeen awoodaha Maxkamadda Dastuuriga oo ka kooban 5 garsoore oo uu ku jiro guddoomiyaha, balse nuqulka 2012 wuxuu indhaha ka laabtay inuu xuso awoodaha Maxkamadda Sare ee Federaalka [oo ka kooban 11 garsoore oo uu ku jiro guddoomiyaha] iyo maxkamadda ugu sarreysa maamul goboleedayada “Maxkamadda Kore”. Sidoo kale nuqulk 2012 ma xusin awoodaha maxkamadaha rafcaanka iyo maxkamadaha darajooyinka 1aad.

Sida laga fahmayo qodobada 130, 132, 133 iyo 134 ee nuqulka 2026 dacwaduhu waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah: kuwa federaal ah iyo kuwo aan federaal ahayn, waxayna labaduba ka simanyihiin inay ka bilaabmaan Maxkamadda Darajada Koobaad, balse intaas wixii ka danbeeya waxay kala qaadayaan laba waddo oo kala duwan; dacwadda federaalka waxaa rafcaan looga qaadan karaa Maxkamadda Kore ee maamul goboleeda ama caasimadda, ka dibna maxkamaddaasi waxaa cabasho looga sii qaadan karaa Maxkamadda Sare ee Federaalka. Halka dacwadaha aan federaalka ahayn rafcaan looga qaato Maxkamadda Rafcaanka ee maamul goboleedka ama caasimadda, ka dibna maxkamaddaasi waxaa cabasho looga sii qaadan karaa Maxkamadda Kore ee maamul goboleedka ama caasimadda.

Laakin nuqulka 2012 u ma caddeynin noocyada dacwadaha iyo ikhtisaaska maxkamadaha sida uu u kala dhigdhigay nuqulka 2026.

Kala Duwanaanshooyin Kale

Waxyaabaha u gaarka ah nuqulka cusub ee aan lagu soo hadalqaadin nuqulkii hore waxaa ka mid ah:

a-     Garsoorka Ciidanka, gaar ahaan qodobka 129aad, faqraddiisa 2aad, hase yeeshee faqraddu kaliya waxay ku soo koobtay in Garsoorka Ciidamada lagu nidaamin doono xeer uu soo saari doono barlamaanka; 

b-    Habraaca magacaabista garsoorayaasha iyo kaaliyaasha;

c-     Dhaarinta garsoorayaasha;

d-    Da’da howlgabka garsoorayaasha;

e-     Xilwaayidda garsooraha;

f-      Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Jadwal Soo Koobayo Kala Duwanaanshaha Labada Nuqul:

Arrinta

Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012

Wax-ka-beddelka Dastuurka ee 2026

Farqiga Muhiimka ah

Qodobada Garsoorka

Nuqulkaan wuxuu u qoondeeyay garsoorka qodobada 105aad ilaa 109C.

Nuqulkaan wuxuu u qoondeeyay garsoorka qodobada 126aad ilaa 149aad.

Dastuurka 2026 ayaa qodob badan siiyay garsoorka (24 Qodob).

Madaxbannaanida Garsoorka

Madaxbannaanida garsoorka si guud ayaa loo sheegay

Waxaa si cad loo qeexay madax-bannaanida maamulka iyo maaliyadda garsoorka

Dastuurka 2026 ayaa sii xoojiyay madax-bannaanida garsoorka

Qaab-dhismeedka Maxkamadaha

Qaab guud oo aan faahfaahsaneyn buu u sheegay

Nuqulka 2026 wuxuu caddeeyay in dacwaduhu ahaanayaan 2 nooc, mid walbana mareyso 3 heer.

Nuqulka 2026 wuxuu Meesha ka saaray madmadowgii ku jiray nuqulkii hore.

Nidaamka Garsoor ee Caasimadda

Si gaar ah loogu ma xusin nuqulkaan nidaamka garsoor ee caasimadda.

Nuqulkaan wuxuu la mid dhigay caasimadda maamul goboleedyada dalka.

Nuqulka 2026 wuxuu u abuuray caasimadda “Maxkamad Kore”.

Golaha Sare ee Garsoorka

Nuqulkaan wuxuu ku koobay Golaha Adeegga Garsoorka 9 xubnood.

Sidoo kale in guddoomiyaha golahasi ku imaanayo doorasho.

Nuqulkaan u ma yeelin Golaha Sare ee Garsoorka tiro xadidan.

Nuqulkaan wuxuu ka dhigay guddoomiyaha Maxkamadda Sare guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka.

Dastuurka 2026, wuxuu furay tirada xubnaha golahaasi, isaga oo u furay suurtagalnimada inuu soo kordho maamul goboleed cusub.

Habraaca Dacwadaha

Nuqulkaan wuxuu ka xusay habraaca dacwadaha arrimo kooban.

Nuqulkaan wuxuu xusay xuquuq badan oo la xiriirta habraaca dacwadaha.

Nuqulka 2026 wuxuu gaar la yahay: xaqa dacwada furashada, go’aanku ahaado mid qoran, lana daahin I.Q.K.

Maxkamadda Sare ee Dalka

Nuqulkii hore wax badan kama uusan caddeyn ikhtisaaska Maxkamadda Sare ee Dalka.

Nuqulkaan wuxuu siiyay Maxkamadda Sare ikhtisaas mowduuci oo cad.

Nuqulka cusub wuxuu dhigayaa wixii dacwad oo federaali ah in cabasho looga qaadanayo Maxkamadda Sare ee Dalka.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud

Ma Xusin.

Wuu xusay.

Dastuurka 2026 wuxuu tixgaliyay oo ku duray xafiisyada hoos galaya dalada garsoorka Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud.

Sanduuqa Garsoorka

Ma xusin.

Wuu xusay.

Dastuurka 2026, wuxuu xoojiyay madaxbanaanida maaliyadeed ee garsoorka.

Garsoorka Ciidanka

Ma xusin.

Wuu xusay

Dastuurka 2026, wuxuu aqoonsi dastuuri ah siiyay Garsoorka Ciidanka.

Jadwal muujinaya meelaha ugu cadcad ee ku kala duwanyihiin labada dastuur.

Gabogabo

Wax-ka-badalka dastuurka ee 2026 ama nuqulka cusub, kolba kaad rabto ugu yeer, wuxuu si qoto dheer u faahfaahiyay madaxbannaanida garsoorka iyo habraaca dacwad qaadista, awoodaha maxkamadaha in ka badan inta uu faahfaahiyay Dastuurkii Kumeel Gaarka ee 2012. Sidoo kale wax-ka-badalku wuxuu siiyay maxkamadda ugu sarreysa maamul goboleedyada magac cusub oo ah “Maxkamadda Kore” oo aan hore lagu xusin dastuurkii qabyada; intaas waxa dheer, wax-ka-badalka dastuurka wuxuu tixgaliyay Gobolka Banaadir, isaga oo la simay maamul goboleedyada dalka, u sameeyay Maxkamad Kore oo u gaar ah.

Dhinaca kale, Dastuurkii Kumeel Gaarka ee 2012 wuxuu ahaa mid aan si buuxda u kala dhigdhigin qaabdhismeedka hay’adda garsoorka iyo awoodaha maxkamad kaste, sidoo kale wuxuu indhaha ka laabtay oo uusan meelna ku xusin Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Garsoorka Ciidanka iyo habraaca magacaabista garsoorayaasha iyo kaaliyaasha, iyo kuwo kale.

Inkastoo nuqulka 2026 ka mug balaaranyahay nuqulka 2012, una muuqdo inuu u hagarbaxay garsoorka, haddana nuqulkaan waxaa ku jira sidii kii hore meelo qaar oo loo dhaafay inay nidaamiyaan xeerar mustaqbalka soo bixi doono, sida qodobka 148aad oo xusay in maamulka Sanduuqa Garsoorka lagu faahfaahin doono Xeerka Nidaamka Garsoorka ee la soo saari doono, sidoo kale nuqulka kan wuxuu u dhaafay faahfaahinta ikhtisaaska Garsoorka Ciidanka xeer ay soo saari doonaan barlamaanka. Sidoo kale waxaa ku xusan qodobka 145aad, faqraddiisa 4aad in Golaha Sare ee Garsoorka lahaan doono xeer-hoosaad nidaamiya howlihiisa.

Gabagabadii, garsoorku wuxuu u baahanyahay shaqo ballaaran oo ah in la cusboonaysiiyo xeerarka uu ku shaqeeyo, maadaama dastuurka yahay xeerka hooyada u ah xeerarka dalka, ayna qasab tahay in xeerarkaasi la waafajiyo dastuurka oo dib loo qoro sida ugu dhaqsiyaha badan, gaar ahaan xeerarka laf-dhabarta u ah garsoorka oo ay ugu horreeyaan Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeerka Ciqaabta, Xeerka Habka Ciqaabta, Xeerka Madaniga, Xeerka Habka Madaniga iyo kuwo kale oo dhammaantood soo wada baxay ka hor inta aan la qaadan nidaamka federaalka.

 FG: waxaan ku daabacnay qormadaan warbaahinta Goobjoog, link: https://goobjoog.com/2026/05/17/isbarbardhig-sidee-labada-dastuur-uga-kala-hadleen-laanta-garsoorka/ 

Raadraac

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2012). Dastuurka Ku-Meel Gaarka. https://www.parliament.gov.so/images/Downloads/Dastuurka_ku_meelgaarka_SOM_03092012-1_2.pdf

2- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2026). Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. https://www.osagsomalia.com/media/documents/bulletins-contents/legislation/2026/Dastuurka_JFS_-_2026-2.pdf



 

 


Comments

Popular posts from this blog

Mareegta Geeska.. Mashruuc Lugu Wiiqayo Midnimada Iyo Qaranimada Soomaaliya

Qorrax Soo Baxday Sacabo Lagu Ma Qarin Karo: Ma Qarsoomayaan Dambiyada Ay Imaaradda Abu Dhabi Ka Gashay Umadda