Isbarbardhig Sida ay Uga Hadleen Hay’adda Garsoorka Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012 Iyo Wax-ka-badalka Dastuurka ee 2026:
W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan
Cabdullaahi & Xuseen Maxamed Ciyaaye
Hordhac
Inkastoo Dastuurka Kumeel Gaarka
gudihiisa, gaar ahaan Cutubka 15aad, lagu qeexay habraaca qabyotirka iyo
dib-u-eegista dastuurka, haddana muddo dheer ayuu ahaa mid qabyo ah, waxaana
awoodi waayay inay dhameystiraan ama wax-ka-beddel ku sameeyaan dowladihii kala
dambeeyay ee dalka soo maray tan iyo sanadkii 2012. Dowladdii ugu horreysay ee
lagu soo dhisay dastuurkaas oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud sanadihii 2012–2017, iyo dowladdii xigtay ee Madaxweyne Maxamed
Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee 2017–2022, midkoodna kuma guuleysan inuu soo
gabagabeeyo dib-u-eegista dastuurka.
Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud oo mar kale dib loo doortay 15-kii May 2022, ayaa muddo xileedkiisa
labaad dadaal xooggan ku bixiyay dhammeystirka iyo dib-u-eegista dastuurka
ku-meel gaarka ah. Ugu dambeyn, taariikhda 04/03/2026 Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ku ahaayeen labada aqal, ku meel
mariyay Wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo ay kulankaasi goobjoog ahaayeen 222 xildhibaan,
kuwaas oo dhammaantood cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dastuurka.
Kadib ansixinta Baarlamaanka,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixay wax-ka-beddelka
dastuurka taariikhda 08/03/2026.
Si kastaba ha ahaatee, habraaca
wax-ka-beddelka dastuurka wuxuu dhaliyay dood siyaasadeed iyo muran sharciyeed,
iyadoo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo sidoo kale siyaasiyiin
mucaarad ah ay si cad uga horyimaadeen habraaca loo maray iyo sharciyadda
ansixinta wax-ka-beddelka dastuurka.
Doodaha iyo muranada ka dhashay
wax-ka-badalka dastuurka waa kuwo aan bar dhammaad lahayn oo salka ku haya
arrimo siyaasadeed, walina ma cada in wax-ka-badalku noqon doono dhaqangal iyo
in la laali doono.
Qormadan waxay isku dayeysaa inay si
sharciyeysan u falanqeyso, isbarbardhig ugu sameyso Dastuurkii Kumeel Gaarka
iyo Wax-ka-beddelka ee 2026, gaar ahaan Cutubka
9aad ee la xiriira hay’adda garsoorka, si loo fahmo meelaha ay ku kala duwan
yihiin labada nuqul, meelaha ay isaga egyihiin iyo heerka uu mid kasta xoogga u
saarayo dhinacyada qaar.
Aragti Guud oo Ku Saabsan Cutubka Garsoorka
Waxay ka simanyihiin Dastuurka 2012 iyo
Wax-ka-badalkiisa 2026 inay uga hadleen arrimaha garsoorka cutubka 9aad, hase
yeeshee waxay ku kala gaddisanyihiin baaxadda qodobada, faahfaahinta iyo heerka
muhiimadda ay siiyeen hay’adda garsoorka.
Dastuurkii Kumeel Gaarka ee 2012 wuxuu
kaga hadlay arrimaha garsoorka qodobada u dhexeeya qodobka 105aad ilaa qodobka
109C, inkastoo dadka qaar u maleyn karaan in xarafka “C” ee lagu lifaaqay qodobka
109aad uu yahay khalad qoraal, haddana sidaasi ayuu ugu qoran yahay dastuurka,
wuxuuna ka kooban yahay qodobkaasi saddex tirsi oo kala ah 109A, 109B iyo 109C.
Dhanka kale, Wax-ka-badalka wuxuu si
weyn u ballaariyay cutubka garsoorka, isaga oo u qoondeeyay qodobada u dhexeeya
qodobka 126aad ilaa qodobka 149aad, kuwaas oo wadartoodu tahay 24 qodob, si ka
duwan dastuurkii 2012 oo si guud u qeexayay nidaamka garsoorka, wuxuu dastuurka
cusub si qoto dheer uga hadlay:
·
Qaab-dhismeedka maxkamadaha.
·
Madax-bannaanida garsoorka.
·
Habraaca dacwadaha.
·
Awoodaha maxkamadaha.
·
Maamulka garsoorka.
·
Magacaabista iyo xil-ka-qaadista garsoorayaasha.
·
Golaha Sare ee Garsoorka.
Madaxbannaanida Garsoorka
Waxaa ka mid ah arrimaha ay labada
nuqul si wadajir ah u soo hadalqaadeen madaxbannaanida garsoorka, waxayna
xuseen in hay’adda garsoorka ka madaxbannaan tahay hay’adaha fulinta iyo
sharcidajinta, sidoo kale waxay xuseen inaan garsooraha la baari karin
qofnimadiisa iyo hoygiisa iyada oo fasax laga wadan Golaha Sare ee Garsoorka,
sidoo kale inaan garsoore lagu oogi karin dacwad ka dhalatay fal la xiriira
gudashada xilkiisa garsoornimo. Hase ahaatee nuqulka cusub wuxuu adkeeyay
madaxbannaanida garsoorka in ka badan nuqulkii hore; waxaa ku qoran qodobka
127aad, faqraddiisa 4aad in garsoorku u madaxbannaan yahay maamulkiisa iyo
maaliyaddiisa, sidoo kale waxaa ku xusan isla qodobka 127aad, faqraddiisa 7aad
inaan la basaasi karin xitaa garsooraha, arrintaas oo adkeyneysa madaxbanaanida
garsooraha. Sidoo kale qodobka 148 ee nuqulka 2026 wuxuu aasaasay Sanduuqa
Garsoorka, arrintaas oo u suuragalinaysa hay’adda garsoorka inay ka
madaxbannaanaato hay’adda fulinta ee hadda maamusha miisaaniyadda garsoorka.
Inkastoo ay labada nuqul wada xuseen
gole maamula garsoorka oo udub dhaxaad u ah madaxbanaanida garsoorka, haddana
magacyada ay u bixiyeen golahaasi ayaa kala duwan, nuqulka cusub wuxuu u la
baxay golahaasi "Golaha Sare ee Garsoorka", halka nuqulkii 2012 u la
baxay "Golaha Adeega Garsoorka".
Laakin waxay ku kala tageen labada
nuqul qaab dhismeedka golaha; nuqulkii 2012, gaar ahaan qodobka 109A, wuxuu ku
koobay xubnaha golahaasi 9 xubnood oo kala ah guddoomiyaha Maxkamadda
Dastuuriga, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalka, Garyaqaanka Guud, laba
qareeen oo ka socda ururka qareenada, guddoomiyaha Ururka Xuquuqul Insaanka,
saddex qofood oo ka imaanaya bulshada rayidka. Docda kale nuqulka 2026, gaar
ahaan qodobka 145aad, ma xadidin tirada xubnaha golahaasi, wuxuuna ku soo
koobay sida tan: guddoomiyaha Maxkamadda Sare, guddoomiyaha Maxkamadda
Dastuurka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, guddoomiyaasha maxkamadaha kore ee
maamul goboleedyada iyo caasimadda, guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee
Xuquuqda Aadanaha, laba qareen oo ka imaanaya Ururka Qareenada iyo laba xubnood
oo xeeldheerayaal ah. Waxayna noqoneysaa tirade xubnaha golahaasi 16 xubnood,
haddii lagu dhiso tirade maamul goboleedyada hadda jira iyo caasimadda
[Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeele, Banaadir, Galmudug, Puntland, Waqooyi
Bari iyo Soomaaliland], wayna ka badan karaan mustaqbalka, haddii uu soo kordho
maamul goboleed cusub.
Sidoo kale, labada nuqul waxay siyaabo
kala duwan u qoreen siyaabaha uu imaanayo guddoomiyaha iyo ku-xigeen Golaha
Sare ee Garsoorka, wuxuu qabaa nuqulkiii 2012 in doorasho ay ku imaanayaan,
halka nuqulka cusub uu qabo in guddoomiyaha golahaasi uu mar walba ahaanayo
guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalk, ku-xigeenkuna ahaanayo Guddoomiyaha
Maxkamadda Dastuurka.
Habraaca Dacwadaha
Markay timaado habka dacwad qaadista,
wuxuu Dastuurka Kumeel Gaarka uga hadlay si kooban (qodobka 107aad), isaga oo
sheegay in dacwaduhu ahaadaan kuwo u furan dadweynaha, marka laga reebo
xaaladaha aan dadweynaha loo ogoleyn dhageysiga dacwadaha, sidoo kale wuxuu
hoosta ka xariiqay in waajib tahay in dhinacyada la siiyo fursad isku mid ah,
sidoo kale wuxuu xusay in go’aanka maxkamadda ahaado mid ku qotomo sharciga.
Dhinaca kale, nuqulka 2026 oo hoosta ka
xariiqay inta sare ku xusan, wuxuu intaasi ku daray inuu dacwad furan karo ruux
kasta iyada oo loo eegeyn diintiisa, dhaqaalihiisa, jinsigiisa iyo maqaamkiisa
(qodobka 128aad, faqraddiisa 1aad). Sidoo kale waxaa ku jira isla qodobkaasi,
faqraddiisa 4aad in go’aanka maxkamadda la soo saaro iyada oo aan la daahin,
haddii aysan jirin asbaab maangal ah, sidoo kale inuu ahaado go’aanka
maxkamadda mid qoran, lana ogeysiiyo dhinacyada, lana kaydiyo.
Qaab Dhismeedka Maxkamadaha iyo Ikhtisaaskooda
Ikhtisaaska iyo qaab dhismeedka
maxkamadaha waa mid ka mid ah arrimaha ugu waa weyn ee ku kala duwanyihiin
labada nuqul; wuxuu qabay nuqulkii 2012 (qodobka 108aad) inuu dalku leeyahay:
a- Maxkamadda
Dastuurka;
b- Maxkamado
heer federaal oo ay ugu sarreyso Maxkamadda Sare ee Dalka;
c- Maxkamado
heer maamul goboleed oo ay ugu sarreyso Maxkamadda Sare ee Maamul Goboleedka.
Hase ahaatee, nuqulkaasi wuxuu uga
waramay maxkamadahaasi qaab dulmar ah, mana kala caddaynin arrimo badan oo lagu
caddeeyay nuqulka cusub.
Docda kale, wuxuu nuqulka 2026, gaar
ahaan qodobka 129aad, jideeyay in maxkamadaha dalka ka koobnaadaan:
a- Maxkamadda
Sare ee Federaalka;
b- Maxkamadda
Dastuurka;
c- Maxkamadda
Kore ee dowlad goboleedyada iyo caasimadda jamhuuriyadda;
d- Maxkamadda
Rafcaanka ee dowlad goboleedyada iyo caasimadda jamhuuriyadda;
e- Maxkamadda
Darajada Koobaad ee dowlad goboleedyada iyo caasimadda jamhuuriyadda.
Si ka duwan nuqulkii 2012, wuxuu
nuqulka cusub kala duway ereybixinadii loogu kala yeerayay maxkamadda ugu
sarreysa federaalka iyo tan ugu sarreysa maamul goboleedayada iyo caasimadda;
sidoo kale wuxuu nuqulkaan xusay caasimadda oo aan lagu soo hadalqaadin
nuqulkii 2012, waxayna caasimaddu lahaan doontaa si la mid ah maamul
goboleedyada Maxkamad Kore, taas oo meesha ka saareysa dhaqanka hadda jira ee
ah in go’aanada Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir cabasho looga qaato
Maxkamadda Sare ee Federaalka.
Waxay labada dastuur si wada jir ah u
carabaabeen awoodaha Maxkamadda Dastuuriga oo ka kooban 5 garsoore oo uu ku
jiro guddoomiyaha, balse nuqulka 2012 wuxuu indhaha ka laabtay inuu xuso
awoodaha Maxkamadda Sare ee Federaalka [oo ka kooban 11 garsoore oo uu ku jiro
guddoomiyaha] iyo maxkamadda ugu sarreysa maamul goboleedayada “Maxkamadda
Kore”. Sidoo kale nuqulk 2012 ma xusin awoodaha maxkamadaha rafcaanka iyo
maxkamadaha darajooyinka 1aad.
Sida laga fahmayo qodobada 130, 132,
133 iyo 134 ee nuqulka 2026 dacwaduhu waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala
ah: kuwa federaal ah iyo kuwo aan federaal ahayn, waxayna labaduba ka
simanyihiin inay ka bilaabmaan Maxkamadda Darajada Koobaad, balse intaas wixii
ka danbeeya waxay kala qaadayaan laba waddo oo kala duwan; dacwadda federaalka
waxaa rafcaan looga qaadan karaa Maxkamadda Kore ee maamul goboleeda ama
caasimadda, ka dibna maxkamaddaasi waxaa cabasho looga sii qaadan karaa
Maxkamadda Sare ee Federaalka. Halka dacwadaha aan federaalka ahayn rafcaan
looga qaato Maxkamadda Rafcaanka ee maamul goboleedka ama caasimadda, ka dibna
maxkamaddaasi waxaa cabasho looga sii qaadan karaa Maxkamadda Kore ee maamul
goboleedka ama caasimadda.
Laakin nuqulka 2012 u ma caddeynin
noocyada dacwadaha iyo ikhtisaaska maxkamadaha sida uu u kala dhigdhigay
nuqulka 2026.
Kala Duwanaanshooyin Kale
Waxyaabaha u gaarka ah nuqulka cusub ee
aan lagu soo hadalqaadin nuqulkii hore waxaa ka mid ah:
a- Garsoorka
Ciidanka, gaar ahaan qodobka 129aad, faqraddiisa 2aad, hase yeeshee faqraddu
kaliya waxay ku soo koobtay in Garsoorka Ciidamada lagu nidaamin doono xeer uu
soo saari doono barlamaanka;
b- Habraaca
magacaabista garsoorayaasha iyo kaaliyaasha;
c- Dhaarinta
garsoorayaasha;
d- Da’da
howlgabka garsoorayaasha;
e- Xilwaayidda
garsooraha;
f- Xafiiska
Xeer-ilaaliyaha Guud heer federaal iyo heer maamul goboleed.
Jadwal Soo Koobayo
Kala Duwanaanshaha Labada Nuqul:
|
Arrinta |
Dastuurka
Kumeel Gaarka ee 2012 |
Wax-ka-beddelka
Dastuurka ee 2026 |
Farqiga
Muhiimka ah |
|
Qodobada
Garsoorka |
Nuqulkaan
wuxuu u qoondeeyay garsoorka qodobada 105aad ilaa 109C. |
Nuqulkaan
wuxuu u qoondeeyay garsoorka qodobada 126aad ilaa 149aad. |
Dastuurka
2026 ayaa qodob badan siiyay garsoorka (24 Qodob). |
|
Madaxbannaanida
Garsoorka |
Madaxbannaanida
garsoorka si guud ayaa loo sheegay |
Waxaa
si cad loo qeexay madax-bannaanida maamulka iyo maaliyadda garsoorka |
Dastuurka
2026 ayaa sii xoojiyay madax-bannaanida garsoorka |
|
Qaab-dhismeedka
Maxkamadaha |
Qaab
guud oo aan faahfaahsaneyn buu u sheegay |
Nuqulka
2026 wuxuu caddeeyay in dacwaduhu ahaanayaan 2 nooc, mid walbana mareyso 3
heer. |
Nuqulka
2026 wuxuu Meesha ka saaray madmadowgii ku jiray nuqulkii hore. |
|
Nidaamka
Garsoor ee Caasimadda |
Si
gaar ah loogu ma xusin nuqulkaan nidaamka garsoor ee caasimadda. |
Nuqulkaan
wuxuu la mid dhigay caasimadda maamul goboleedyada dalka. |
Nuqulka
2026 wuxuu u abuuray caasimadda “Maxkamad Kore”. |
|
Golaha
Sare ee Garsoorka |
Nuqulkaan
wuxuu ku koobay Golaha Adeegga Garsoorka 9 xubnood. Sidoo
kale in guddoomiyaha golahasi ku imaanayo doorasho. |
Nuqulkaan
u ma yeelin Golaha Sare ee Garsoorka tiro xadidan. Nuqulkaan
wuxuu ka dhigay guddoomiyaha Maxkamadda Sare guddoomiyaha Golaha Sare ee
Garsoorka. |
Dastuurka
2026, wuxuu furay tirada xubnaha golahaasi, isaga oo u furay suurtagalnimada
inuu soo kordho maamul goboleed cusub. |
|
Habraaca
Dacwadaha |
Nuqulkaan
wuxuu ka xusay habraaca dacwadaha arrimo kooban. |
Nuqulkaan
wuxuu xusay xuquuq badan oo la xiriirta habraaca dacwadaha. |
Nuqulka
2026 wuxuu gaar la yahay: xaqa dacwada furashada, go’aanku ahaado mid qoran,
lana daahin I.Q.K. |
|
Maxkamadda
Sare ee Dalka |
Nuqulkii
hore wax badan kama uusan caddeyn ikhtisaaska Maxkamadda Sare ee Dalka. |
Nuqulkaan
wuxuu siiyay Maxkamadda Sare ikhtisaas mowduuci oo cad. |
Nuqulka
cusub wuxuu dhigayaa wixii dacwad oo federaali ah in cabasho looga qaadanayo
Maxkamadda Sare ee Dalka. |
|
Xafiiska
Xeer-ilaaliyaha Guud |
Ma
Xusin. |
Wuu
xusay. |
Dastuurka
2026 wuxuu tixgaliyay oo ku duray xafiisyada hoos galaya dalada garsoorka
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud. |
|
Sanduuqa
Garsoorka |
Ma
xusin. |
Wuu
xusay. |
Dastuurka
2026, wuxuu xoojiyay madaxbanaanida maaliyadeed ee garsoorka. |
|
Garsoorka
Ciidanka |
Ma
xusin. |
Wuu
xusay |
Dastuurka
2026, wuxuu aqoonsi dastuuri ah siiyay Garsoorka Ciidanka. |
Jadwal muujinaya meelaha ugu cadcad ee
ku kala duwanyihiin labada dastuur.
Gabogabo
Wax-ka-badalka dastuurka ee
2026 ama nuqulka cusub, kolba kaad rabto ugu yeer, wuxuu si qoto dheer u
faahfaahiyay madaxbannaanida garsoorka iyo habraaca dacwad qaadista, awoodaha
maxkamadaha in ka badan inta uu faahfaahiyay Dastuurkii Kumeel Gaarka ee 2012.
Sidoo kale wax-ka-badalku wuxuu siiyay maxkamadda ugu sarreysa maamul
goboleedyada magac cusub oo ah “Maxkamadda Kore” oo aan hore lagu xusin
dastuurkii qabyada; intaas waxa dheer, wax-ka-badalka dastuurka wuxuu
tixgaliyay Gobolka Banaadir, isaga oo la simay maamul goboleedyada dalka, u
sameeyay Maxkamad Kore oo u gaar ah.
Dhinaca kale, Dastuurkii
Kumeel Gaarka ee 2012 wuxuu ahaa mid aan si buuxda u kala dhigdhigin
qaabdhismeedka hay’adda garsoorka iyo awoodaha maxkamad kaste, sidoo kale wuxuu
indhaha ka laabtay oo uusan meelna ku xusin Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud,
Garsoorka Ciidanka iyo habraaca magacaabista garsoorayaasha iyo kaaliyaasha,
iyo kuwo kale.
Inkastoo nuqulka 2026 ka mug
balaaranyahay nuqulka 2012, una muuqdo inuu u hagarbaxay garsoorka, haddana
nuqulkaan waxaa ku jira sidii kii hore meelo qaar oo loo dhaafay inay
nidaamiyaan xeerar mustaqbalka soo bixi doono, sida qodobka 148aad oo xusay in
maamulka Sanduuqa Garsoorka lagu faahfaahin doono Xeerka Nidaamka Garsoorka ee
la soo saari doono, sidoo kale nuqulka kan wuxuu u dhaafay faahfaahinta
ikhtisaaska Garsoorka Ciidanka xeer ay soo saari doonaan barlamaanka. Sidoo
kale waxaa ku xusan qodobka 145aad, faqraddiisa 4aad in Golaha Sare ee
Garsoorka lahaan doono xeer-hoosaad nidaamiya howlihiisa.
Gabagabadii, garsoorku wuxuu
u baahanyahay shaqo ballaaran oo ah in la cusboonaysiiyo xeerarka uu ku
shaqeeyo, maadaama dastuurka yahay xeerka hooyada u ah xeerarka dalka, ayna qasab
tahay in xeerarkaasi la waafajiyo dastuurka oo dib loo qoro sida ugu dhaqsiyaha
badan, gaar ahaan xeerarka laf-dhabarta u ah garsoorka oo ay ugu horreeyaan
Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeerka Ciqaabta, Xeerka Habka Ciqaabta, Xeerka
Madaniga, Xeerka Habka Madaniga iyo kuwo kale oo dhammaantood soo wada baxay ka
hor inta aan la qaadan nidaamka federaalka.
FG: waxaan ku daabacnay qormadaan warbaahinta Goobjoog, link: https://goobjoog.com/2026/05/17/isbarbardhig-sidee-labada-dastuur-uga-kala-hadleen-laanta-garsoorka/
Raadraac
1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2012). Dastuurka Ku-Meel Gaarka.
https://www.parliament.gov.so/images/Downloads/Dastuurka_ku_meelgaarka_SOM_03092012-1_2.pdf
2- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2026). Dastuurka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya. https://www.osagsomalia.com/media/documents/bulletins-contents/legislation/2026/Dastuurka_JFS_-_2026-2.pdf
Comments
Post a Comment