𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮 “𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮” 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗹𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗶𝗶𝗾𝗮𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮:
Geeska.com waa website soo ifbaxay labadii sano ee ugu danbeeyay, daneeya arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo amniga sida ku cad bogga ‘Nagu Saabsan’ ee website-ku isku qeexayo. Waana website ku baxa afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska. Sida ka muuqato magaca iyo loogada ee loo xulay mareegta, waxay si gaar ah diiradda u saartaa arrimaha bulshaweynta Geeska Afrika, waxeyna mareegtu sheegatay inay hiigsanayso inay u horseeddo isbaddal togan bulashada dagta mandiqadda Geeska Afrika ee isugu jira Soomaali iyo shucuub kale.
Hase ahaatee, muddooyinkii
ugu danbeeyay madashu waxay ka beensheegtay istacriifinta ay saaxadda ku soo
gashay, waxayna muujisay falal lid ku ah sheegadeeda. Intaan la gaarin isu soo
dhaweynta bulshada Geeska Afrika, waxey madashu ka shaqeysay kala ququbidda
Soomaalida oo ah ciddii ugu mudnayd inay isu keento. Waxaana lugu baahiyay “Geeska” qormooyin ka buuxaan nacayb, oo kala
fogeynaya beelaha Soomaaliyeed. Waxayna noqotay madal baahisa aragtiyaha
taageera afkaarta lidka ku ah qaranimada Soomaaliya hadday yihiin afkaarta
ururada xagjirka iyo hadday tahay aragtida gooni-goosadka.
Waxaana ku wada baahiya
qoraallada mareegta Geeska qorayaa madaxbanaan iyo koox howlwadeenno oo u
shaqeeya kuna baahiya mgaca Bahda Tifatirka, walow mararka qaarna qolada danbe adeegsadaan
magacyadoodo gaarka ah.
Dhaliisha ugu badani ee
baraha bulshada kala kulantay mareegtu waxay ku wajahnaayeen qormooyin ay
qortay Bahda Tifatirka. Dhaliishu waji kale bay yeelan lahayd haddii madashu ku
dadaali lahayd dhex-dhexaadnimada, kuna kaaftoomi lahayd baahinta curisyada iyo
qormooyinka qorayaasha madaxbanaan, iskana bari yeeli lahayd aragtida ku qoran
curisyadaasi. Hase ahaatee Bahda Tifatirka ayaaba hormuud u noqotay qoridda
qormooyin hurinaya colaadda, qabyaaladda iyo kala fogaanshaha.
Bahda Tifatirka waxey dhoor mar soo bandhigtay si ka arradan
anshaxa saxaafadda qormooyin ijaafaynaya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaana
tusaale ugu soo qaadaneynaa qormo ay daabacday 27 February 2024 ciwaankeeduna
yahay: (Itoobiya, badda cas iyo jamhuuridda/daha Soomaalida), qormada oo falanqaynaysay hishiiskii muranka dhaliyay ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo maamulka
Soomaaliland. Waxaana qormada laga dhex arkayaa yasidda ay
Bahda Tafatirku u hayso dowladda Soomaaliya ee ka hortimi hishiiska; waxayna qortay iyadoo si
jeesjees ah uga faalooneysa falcelinta dowladda Soomaaliya sameysay: “Way yar yihiin falanqeeyayaasha warkan
hanjabaadda ah u qaadanaya in ay ka dhab tahay; waxay u haystaan in Soomaaliya
oo dagaal ku hanjabtaa ay la mid tahay nin waalan oo ku gooddiyaya in uu lugta
iska toogan doono haddii dadka gacanta ku hayaa aanay u yeelin waxa uu rabo!”
Howl wadeennada gacanta ku haya mareegta oo ah koox taageera qadiyadda goon-isu-taagga Soomaaliland baa marar badan u adeegsaday madasha inay ku faafiyaan dacaayadaha beeshooda, taasoo hurisay oo bansiin ku dartay doodudihii qabyaaladeysnaa ee baraha bulshada ka socday, waxaana tusaalle u ah qormada (Muxuu
daarran yahay khilaafka qabyaaladeed ee laga hurinayo gobolka Awdal?) iyo
qormooyin kale oo ay ka qoreen colaaddii Laascaanood.
Waxaa intaa dheer, madashu Geeska waxey noqotay minbar laga
jeediyo afkaarta iyo doodaha taageera ururka al-Shabab ee la’ madallo uu ka soo
muuqdo. Waxeyn howlwadeenada maamula Geeska ka faafiyeen ururkaasi tiro qormooyin ah, iyagoo ku dadaalay inay u muujiyaan ururka mid ka itaal roon dowladda Federaalka Soomaaliya; waxaana
tusaale ugu soo qaadan karnaa qormo la daabacay 23 May 2024, uu qorayna qoraa
ka madaxbanaan Bahda Tifatirka oo cinwaankeedu yahay (Xilliga Xalane: Beesha
Caalamka iyo Gobannimada Soomaaliya); waxaana ku jira qormada hawraaro lagu
sheegayo in ururka ka gacansarreyn doono dowladda federaalka haddii ay baxaan
ciidamada shisheeye ee nabada-ilaalinta u joogo. Waa tanaa qeyb ka mid ah qoraalka: “Haddii
maanta ay Beesha Caalamku joojiso taageerada dhinacyada badan leh ee ay
Soomaaliya siiso ee Ciidamada ATMIS ka midka yihiin, waxaa Soomaaliya ka
dhacaysa sidii ka dhacday Afganistaan oo u gacangashay kooxaha Islaamiyiinta
ah.”
Isla qormadaasi waxey ku tilmaameen beesha caalamka ee taakulayda
dowladda Soomaaliya gumaysi cusub, taas oo ah afkaarta hoggaamiyaasha ururka
al-Shabaab ay ku khudbeeyaan.
Ka dib dhicitaankii nidaamkii Bashaar al-Asad, waxey Geesku daabacday qormo falanqeyneysa falcelinta ay al-Shabaab ka sameeyeen dhacdadaasi. Inkastoo la moodo qormadu inay tahay mid ku kooban tabinta warbixinno ay baahiyeen hoggaamiyaasha ururka al-Shabaab, hase ahaatee waa qormo meel fog lugu gaarsiinayo dacaayadda ururka.
Waxa kale oo ay faafisay Bahda
Tifatirka 20kii March ee sanadkaan qormo uu cinwaankeedu yahay (Gobol Qarka ka
lusha) oo falanqaynaysa colaadaha ka socda gobolka Bariga Afrika.
Waxaana ka buuxay qormadaan xoga khaldan oo ay qaarkood ka soo xigteen qoraal
uu ku qoray Cabdullaahi Axmed Muumin bartiisa twitter-ka, oo ah ruux
mucaaradsan dowladda Federaalka oo marar badanna ku soo qoray bartiisa Facebook aflagaaddo iyo xogo khaldan. Si ka
dhiiran qormooyinkii hore waxey qormaddaani si cad u qorayaan in saadaasha
al-Shabaab inay la wareegto Muqdisho dhowdahay: “Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu booqasho kedis ah todobaadkii
hore ku gaadhay Abuu Dhabi, iyadoo ay sii kordhayaan saadaalaha sheegayana in
al-Shabaab wax yar u jirto in ay xukuumada afgembido.”
Isla qormada dhexdeeda waxey Bahda Tifatirku ku xusday weero ijaafaynaya madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ka falcelinaya hadalkii Wasiir Mukhtaar Roobow ee ahaa Muqdisho Kaabul maahan, Muqdishana Dimishiq maahan, Axmedkiinuna, Axmed Sharac maahan: “in kastoo ay run tahay in aan Axmed Diiriye ahayn Axmed al-Sharac, sidaas oo kale ayuuna Xasan Sheekhna u ahayn, oo Axmed al-Sharac laba maalmood gudahood waxa uu heshiis kula gaadhay xoogagga dimuqraadiga ee Siiriya ee ay hor kacayaan Kurdidu in ay qayb ka noqdaan dawladda, heshiis kaas oo kale ahna waxa uu la gaadhay bulshada Duruusta ee Suweyda ku sugan, isagoo ku hagaajiyay dawladdiisa dhantaalan tanaasul iyo mudakarnimo. Halka Xasan Sheekh kala daadiyay guulihii koobnaa ee laga gaadhay dawlad-dhiska Soomaaliya sannadihii u danbeeyay. Muddo xileedka labaad ee Xasan Sheekh Soomaaliya waa mid fadhiid ah oo sabaynaysa, xukuumadiisu waa midaan waxba soo wadin oo iska daba meeraysanaysa.”
Run ahaantii lama moodo weeraha ay qortay Bahda Tifatirka
qoraal academic ah ama qoraal waafaqasan mabaadi’da anshaxa saxaafadda
sida dhex-dhexaadnimada. Ee baddalka waxaaba la moodaa qoraal uu soo qoray ruux/koox
xanaaqsan.
Dhawaan (20kii April 2025) waxey mareegta Geeska daabacday
qormo cinwaan looga dhigay (Go’doominta Muqdishu: Istiraatiijiyadda Cusub ee
al-Shabaab) oo ah qormo loo qoray si dacaayad ama borobogaando ugu abuurto
ururka al-Shabaab. Maalin ka dibna wuxuu ururku al-Shabaab soo qaatay cinwaanka
qormada, isagoo ku baahiyay bartiisa Radio al-Furqaan iyadoo cinwaakii lugu
lifaaqay falanqayn.
Mareegta Geeska waxaa kale oo ay ku dadaashay inay af
Soomaali u tarjunto qoraal kasta oo u xaglinaya al-Shabaab. Waxaana tusaale ugu
soo qaadan karnaa, qormo ay tarjuntay Geeska, laguna daabacay 26 April 2024, oo
ah cilmibaaris ay qortay qoraayad shisheeye, waxeyn Bahda Tifatirka cinwaan uga
dhigtay cilmibaarista (Sida Qarashka Argagaxisa-la-dirirka Soomaaliyi u
Shidaaliyo Dhiillada). Nuxurku cilmibaaristaan oo ah in kaalmada
argagaxisa-la-dirirka ee Maraykanku siiyo Soomaaliya ay tahay qarash loo
adeegsado dagaal-oogid, u gana sii dareyso nabadgalyada Soomaaliya. Waxa kale
oo Bahda Tifatirka daabacday 26 June 2024 qormo laga soo tarjumay Reuters,
cinwaankeeduna yahay: (Bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo Cabsida Islaamiyiinta).
Qormado oo asalkeedii hore af Ingiriisi ku wada qoreen qoraa Soomali iyo laba
qoraa ajnabi ah ayaa ahayd buunbuunis iyo borobogaando loo abbuurayo kooxda.
Dabcan, waxaa muuqata in Bahda Tifatirku si gaar ah u danayso qoraal kasta oo
lugu buunbuuninayo “al-Shabaab.”
Waxey ahaataba, waxaa jira kala duwanaanshiyo xagga tayada oo
u dhaxeeya, saddexda afood ee uu ku baxo Geeska; waxaana la mooda qeybta af
Soomaaliga inay ugu tayo liidata, waxaana laga dhex helayaa qormooyin af
Soomaaliga loo soo tarjumay oo ku jiraan laxni iyo gafaf qoraal oo innaba caadi
aheyn oo mararka qaar la moodo in mishiin (AI) lugu tarjumay, uusan bini’aadan
tarjumin, waxaana tusaal ugu soo qaadan karnaa qormada (Gobol Qarka ka lusha).
Haddaan isbarbardhigno hal qoraal mar af Soomaali ah, mar kalana af Ingiriisi ah.
Ingiriisi: “Puntland, however, is ultimately fighting a much
leaner militant group in its northern hills. Al-Shabaab is the main external
threat to the government and it forced the government to the backfoot in the
Middle Shabelle region.”
Soomaali: “Siday doonto ha ahaatee, Buntilaan waxay
buuraheeda Waqooyi kula dagaalamaysaa cadaw ka kooban, halista u weyn ee
Soomaaliya oo ah al-Shabaab, kuwaas oo xukuumada ka soo riixday gobolka
Shabeellada Dhexe.”
Waxaa muuqata qoraal Ingiriisiga ah inuu kaliya sheegayo in
Puntland ay kula dirihayso buuraheeda waqooyi urur tiro yar, ka dib wuxuu
qoraalku aadayaa jumlad cusub oo lugu xusaayo in al-Shabaab tahay ururka ugu
halista badan ee dowladda (Federaalka) ka soo riixay gobolka Shabeellada dhexe…
halka qoraal Soomaaliga ah laga fahmaayo in Puntland la dirirayso al-Shabaab,
taas oo ah xog khaldan. Waxaana laga soo heleyaa Geeska qoraallo badan oo
caynkaasi ah.
Soo ifbixii website-ka
Geeska ka dib, waxaa faafay war-suuqeedyo sheegaya in madasha laga leeyahay
dalka Qadar, taasina waxaa taageeraya caddeymo ay
ka mid tahay: website-ka inuu soo xigto, mararka qaarna ka soo tarjumo
qormooyin website-yo laga leeyahay Qadar sida ALARABY, NEWARAB iyo
DIFFAH-ALARABY. Xittaa nashqadda websiteka Geeska waxey u egtahay oo copy u
tahay naqshadda website-ka NEWARAB. Sidoo kale Geeska waxaa lugu daabacaa
qormooyin taageeraya siyaasadda arrimaha dibadda ee Qadar, sida la safashada
milatariga Suudaan ee RSF dagaalka kula jira… iwm.
Aragtidayda, waxey u
badantahay madashaani inay tahay mid laga leeyahay Qadar. Waxaana laga
fili karaa Qadar inay taageero u muujiso al-Shabaab, balse waxaa la yaab leh in
dowladda Qadar ee la dirirta mashaariic kala goynta waddamada carbeed (ee
Imaaraatka Carabta ka waddo Yaman, Liibiya, Suudaan iyo Soomaaliya) inay
mashruucaani ku taageerto kala goynta Soomaaliya.
Su’aalaha dad badani
mareegtaan iska waydiiyeen waxay yihiin: dowladda Qadar ee mulkida tiro
warbaahinno caalami ah maxay tahay danta ay ka leedahay mareegtaan ku wajahan
Soomaalida, ee xargaha goosatay? Dowladda Qadar ee lugu xanto inay gadaal ka
riixayso wadahadallada dowladda iyo al-Shabaab ma waxey ka damacsantahay
mashruuca “Geeska” inuu kor u qaaddo sumcadda ururka al-Shabaab? mise waxaa jira ujeeddooyin intaa ka fog? Mise
waxaa ku gaboodfalaya mareegta howlwadeennada gacanta ku haya oo maalgashatadu reer Qadar wax war ah u ma hayaan, xaalku sidaa miyaa? Wixii jiraba Cakaaru iman!
Gabagabadii, waxaan ugu
baaqayaa waxgaradka Soomaalida inay ka hortaggaan beenaha iyo marinhabaabinta
ay faafiso “Geeska”, la na dhayalsan oo si wada jir ah looga hortago. Sidoo
kale, waxaan ugu baaqayaa dowladda Qadar ee maalgalisay mashruucaani inay dib u
eegis ku sameyso, bacadamaa uu u soojiiday sumcadxumo, ku howlanyahayna
wiiqidda midnimada iyo qaranimada Soomaaliya oo ah faragalin ay xeerarka
caalamigu reebeen.
Comments
Post a Comment