𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗯𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼: 𝗠𝗮 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗯𝘂 𝗗𝗵𝗮𝗯𝗶 𝗸𝗮 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗨𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮
W/Q: Axmed Cusmaan Al-Tuweyjiri
W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi
“Okiyaale”
Tan iyo markii uu bilowday khilaafka u
dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka ee koonfurta Yemen ee la ogaaday siyaasadaha
Abu Dhabi ee ka dhanka ah danaha Sucuudiga, waxay si doqonnimo leh u bilawday
warbaahinta Abu Dhabi inay suurad qurxiyaan walax aan quruxsameyn, iskuna
dayaan daboolidda xaqiiqooyin cadcad oo muuqda, laakiin marna dhici mayso inay qoraxda
ku qariyaan sacbahooda, si kasta oo ay u dadaalaan.
Qorraxda xaqiiqada ayaa ah tan kala saarta
xumaanta iyo wanaagga, khiyaanada iyo ammaanada, beenta iyo runta; waxayna
qoraxdaasi qaawisay oo ceebtood dibadda keentay shirqoolwadayaashii, waxayna
daaha ka feeday baaxadda dambiyada ay ka galeen umadda. Sidoo kale qoraxdaasi
waxay si cad oo aan mugdi ku jirin u muujisay inay yihiin gudin lagu gooyo umadda
iyo duul la bahoobay cadawga ummadda si ay u fuliyaan qorshayaasha lagu kala
qaybinayo dalalka Carabta, gaar ahaan kuwooda waaweyn, looguna beddelayo dawlado-yaryar
oo ku dhisnan qabiil, mad-hab, iyo diin.
Suxufiga reer Israa'iil ee Oded Yinon (oo
ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil,
ahaana la-taliyihii ra'iisul wasaarihii hore ee Ariel Sharon) wuxuu ku soo
bandhigay qormo uu cinwaankeedu ahaa "Istaraatiijiyadda Israa'iil ee Siddeetamaadkii
Qarnigii Labaatanaad/ A Strategy for Israel in the Nineteen Eighties" oo
lagu daabacay joornaalka Israa'iil ee Kivunim bishii Febraayo 1982, qorshe
istaraatiijiyadeed oo nuxurkiisu ahaa in dalalka Carabta ay u nugul yihiin qaybin
isir, mid mad-hab iyo mid diin ku dhisan, sidaas awgeed ay waajib ku tahay
Israa'iil inay ku dadaasho xaqiijinta arrintaas si ay u damaanad qaaddo ammaankeeda
fog ama dhexe.
Sanaddii 2017 Brian Polkinghorne (oo ah
borofisoor ku takhasusay falanqaynta khilaafaadka iyo xallinta khilaafaadka)
iyo Ted Becker ayaa soo wada saaray buug uu cinwaankiisu ahaa "A New
Pathway to World Peace: From American Empire to First Global Nation",
waxayna ku darseen qayb ahaan qorshaha Oded Yinon, waxayna xuseen in fikradihii
ku jiray qormadii Yinon ee 1982 in la qaatay, lana horumariyay oo loo rogay warqad
siyaasadeed sanaddii 1996, warqaddaas oo cinwaankeedu ahaa "A Clean Break:
A New Strategy for Securing the Realm". Waxaana diyaariyay warqaddaasi
khubaro Israa'iiliyiin ah, iyada oo markii dambe saameyn ku yeelatay warqaddaasi
siyaasadda dibadda ee Maraykanka. Waxay ku doodeen Polkinghorne iyo Becker in isbadallada
iyo dhacdooyinka ka dhacay Bariga Dhexe (sida: qabsashada dhulal hor leh,
dagaallo, iyo faragelinno) lagu fasiri karo qorshaha Oded Yinon.
Taariikhda 07/11/2015 Xarunta Daraasaadka Caalamka
(Global Research) ayaa dib u daabacday warqaddaasi oo ku turjuman af Ingiriis.
Michel Chossudovsky, oo ah borofisoor cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda
Ottawa, ahna aasaasaha xaruntaas, ayaa sheegay in warqaddaasi tahay seeska
siyaasadaha casriga ah ee Israa'iil, ayna fasirayso dhaqanka hay'adaha
milatariga iyo kuwa ammaanka ee Israa'iil.
Sidoo kale waxaa xoojiyay aragtidaasi
taariikhyahanka iyo mufakirka reer Israa’iil ee Avi Shlaim, isagoo yiri:
"waxaa iswaafaqay istaraatiijiyadda [qorshaha] Oded Yinon iyo habdhaqanka
garabka midigta xagjirka ah ee Israa’iil". Waxaa mar kale taageeray
aragtidaan aqoonyahanka afafka iyo mufakirka caanka ah ee yuhuudiga ah Noam
Chomsky, isagoo ku sifeeyey warqaddaasi: "inay tahay mid muujinaysa dareenka
xagjirka qowmiyadnimo ee ka jira Israa’iil".
Wuxuu Chomsky ku sheegay buuggiisii soo
baxay 1983-dii ee cinwaankiisu ahaa "The Fateful Triangle"
(Seddex-xagalka Masiiriga ah) inuu qorshahaan ku dhisan dhul ballaarsiga
Israa’iil iyo qaybinta dalalka dariskeeda - haba ahaado xagjir - uu yahay mid
maangal ah, marka la eego sooyaalka Israa’iil.
Haddaba, ruuxa u kuurgala falalka ay madaxda
Abu Dhabi ka sameeyeen dalal badan oo carbeed sannadihii la soo dhaafay, walin
ay ku howlanyihiin, waxaa u soo baxaya in hoggaankaan habaaran uu ku gudajiro fulinta
qorshihii Oded Yinon oo ahaa in dalalka Carabta loo qaybiyo gobolo yaryar oo tabar
daran. Haddii kale, waa maxay ujeedada iyo faa’iidada ugu jirta Abu Dhabi inay ku
taageerto Khaliifa Xaftar oo ah ruux ku falaagoobay maamulka sharciga ah ee
Liibiya balaayiin doollar iyo qalab ciidan? Maxayse tahay faa’iidada ugu jirto
inay adduunka ka soo ururiso calooshood-u-shaqaystayaal si ay ugu gacansiiyaan Xaftar
si uu uga hor yimaado dawladda sharciga ah? Waa maxay ujeedada iyo faa’iidada
laga leeyahay taageeridda iyo xitaa maamulidda ciidamada gooni-u-goosadka ah ee
RSF ee Suudaan, kuwaas oo ay cambaareeyeen Qaramada Midoobay iyo dhammaan
ururada xuquuqda aadanaha, ahna ciidan bahallo ah oo ku kacay dilal, kufsi, iyo
sifeyn isir, isla markaana galay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada?
Waa maxay ujeedada iyo faa’iidada laga
leeyahay taageerada kooxda gooni-u-goosadka ah ee waqooyiga Soomaaliya, kooxdaas
oo laabta gashatay maamulka gumaystaha (Israa’iil), una suuragelisey inuu mindi
ka galiyo dhabarka waddamada Carabta? Maxayse tahay ujeeddada laga leeyahay
faragelinta Tunisiya? Maxayse tahay faa’iidada laga leeyahay kicinta iyo
hurinta fitnada u dhaxaysa Carabta iyo Berberka ee Aljeeriya? Maxay tahay
faa’iidada laga leeyahay taageerada gooni-u-goosadka koonfurta Yemen iyo
keenista calooshood-u-shaqaystayaal ka socda Ameerika, Faransiiska iyo Ruushka
si loo khaarajiyo aqoonyahannada, mufakiiriinta, siyaasiyiinta iyo hoggaanka
ciidanka ee Yaman? Maxay tahay faa’iidada laga leeyahay kicinta dadka maangaabka
ee ku abtirsada qowmiyadaha laga tirada badan yahay iyo kooxaha diimaha ee
Suuriya si ay uga hor yimaadaan dawladda sharciga ah? Ugu danbayntii, waa maxay
ujeedada iyo faa’iidada laga leeyahay shirqoollada qarsoodiga ah ee lugu
curyaaminayo dadaallada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku doonayso inay ku
midayso Yemen, kuna soo celiso nabadgelyada iyo xasiloonida shacabka Yaman?
Dabayaaqadii sannadkii 2020, gaar ahaan
kowdii bishii Diseembar, Maraykanka ayaa ku eedeeyey Imaaraadka inay maalgelisay
calooshood-u-shaqaystayaal Ruush ah oo ku sugan Liibiya, kuwaas oo lagu
eedeeyey inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo inay
jebiyeen cunaqabataynta hubka ee saran dalkaasi. Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca
Maraykanka ayaa sheegtay in Imaaraadku ay taageero dhanka hawada iyo saadka ah
siiyeen kooxda Wagner, oo ah shirkad milatari oo Ruush ah, iyo ciidamo kale oo
daacad u ah hoggaamiyaha bariga Liibiya Khaliifa Xaftar. Sidoo kale, warbixin
ku saabsan la-dagaalanka argagixisida oo ka soo baxday taliska Maraykanka ee
Afrika (AFRICOM) ayaa lagu xusay in Hay'adda Sirdoonka Difaaca Maraykanka (U.S.
Defense Intelligence Agency) ay ogaatay in Imaaraadku uu maalgeliyo hawlgallada
kooxdaas.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay
sannaddii 2020 oo ay daabacday Middle East Monitor ayaa lagu sheegay: "in
koox milatari oo gaar-loo-leeyahay oo xiriir la leh Imaaraadka ay u dirtay koox
calooshood-u-shaqaystayaal oo reer galbeed ah Liibiya, si ay u taageeraan
ciidamada Khaliifa Xaftar ee Liibiya, iyada oo hore uga garab dagaalamayeen ciidanka Xaftar dagaalyahanno
ajnabi ah oo kale sida kooxda Wagner". Warbixinno badan oo lagu kalsoon
yahay oo ay ku jiraan baaritaannada Qaramada Midoobay iyo warbixinno ka soo
baxay warbaahinno waaweyn ayaa xaqiijiyey in dawladda Imaaraadka Carabta ay
faragelisay khilaafka Liibiya si ay u taageerto hoggaamiyaha fallaagada ah ee Khaliifa
Xaftar.
Intaas waxaa dheer, koox khubaro ah oo ka
tirsan Qaramada Midoobay ayaa si cad oo aan madmadow ku jirin u tilmaamay in
Imaaraadku uu "taageero maaddi iyo mid ciidan oo toos ah siiyay ciidamada
uu hoggaamiyo Xaftar, taas oo xadgudub ku ah cunaqabataynta hubka ee Qaramada
Midoobay saartay dalkaasi, waxaana ka mid ah walxaha ay ku taageertay: hub,
diyaarado, gaadiid, iyo taageero dhinaca cirka ah."
Warbixinnadaas ayaa sheegay in
"ciidamada Xaftar lagu qalabeeyay diyaarado, diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn (drones), gaadiidka gaashaaman, iyo qalab kale oo ciidan, iyadoo
garabsocoto horumarinta kaabayaasha ciidanka sida dhisidda saldhigyo
ciidan". Sida ku cad qoraalada ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo
khubarada, shirkado xiriir la leh Imaaraadka ayaa iibsaday helikobtaro iyo
doonyo, ka dibna u diray ciidamada Xaftar iyaga oo dhex maraya dillaaliin, si ay
u xoojiyaan howgallada ciidankaasi ka fuliyaan gudaha Liibiya.
Taariikhda 27/01/2020, bogga telefishanka
iyo raadiyaha Turkiga ee TRT ayaa daabacay warbixin cinwaankeedu ahaa:
"Khiyaano iyo Qasab.. Qaabkaan ayuu Imaaraadku shaqaale Suudaani ah ugu
beddelay calooshood-u-shaqeystayaal ka howlgala Liibiya iyo Yemen".
Warbixintaan ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraadka u sheegtay shaqaalahaas
Suudaaniyiinta ah ee la dagay inay ka shaqayn doonaan shirkado amni
(waardiyeyaal), ka dibna ku khasabtay inay ku tababartaan xeryo gaar ah si ay
ugu dirto dagaallada Yemen iyo Liibiya, waxayna fadeexaddaan ka xanaajisay Suudaaniyiinta
iyaga oo ku dhigay dibaddbaxyo safaaradda Imaaraadka ee Khartuum horteeda.
Haddaan u nimaano Suudaan, waxay u muuqataa
faragalinta Imaaraadka mid cad sida qorraxda oo kale ah. Sida ay sheegtay
wakaaladda wararka ee Suudaan (SUNA), dawladda Suudaan iyada oo u mareysa
ergadeeda joogtada ah ee Qaramada Midoobay ayaa cabasho wadata cadaymo u
gudbisay Golaha Ammaanka oo ku saabsan faragelinta tooska ah ee Imaaraadku ku
hayo dagaalka ka socda dalkaas, oo ay ku jirto ku luglahaanshaha qorista
calooshood-u-shaqeystayaal Kolombiyaan ah iyo u soo dirista inay ka garab
dagaallamaan maleeshiyaadka RSF.
Wakiilka joogtada ah ee Suudaan u fadhiya
Qaramada Midoobay, danjire Al-Xaaris Idiris, ayaa farriin uu u diray Mr. Sangjin
Kim, oo ahaa xilligaasi Guddoomiyaha Golaha Ammaanka, ku yiri:
"Faragelintan qaawan ee Imaaraadka waxay dheeraysay muddada dagaalka,
waxayna sababtay burburka kaabayaashii muhiimka u ahaa Suudaan, isla markaana waxay
dhibaato aan la qiyaasi karin u geysatay dadka rayidka ah, sidaas darteed waxay
ka dhigantahay faragalinta Imaaraadka xadgudub weyn oo ka dhan ah madaxbannaanida
Suudaan, Sharciga Caalamiga ah ee Bini'aadantinimada, iyo shuruucda caalamiga ah
ee xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, waxay faragalintaan jebisay go'aannadii waajibka
ahaa ee Golaha Ammaanka, ee kala ah: Go'aanka 1591 ee soo baxay 2005 iyo
Go'aanka 2736 ee soo baxay 2024. Waxayna sidoo kale faragalintaan khatar toos
ah ku tahay nabadda iyo ammaanka gobolka".
Wuxuu danjiruhu intaas ku daray in dawladda
Suudaan ay ururisay caddaymo ballaaran oo muujinaya in boqollaal
calooshood-u-shaqeystayaal Kolombiyaan ah, oo u badan askar iyo saraakiil
hawlgab ah laga qoray shirkado amni oo gaar-loo-leeyahay oo fadhigoodu yahay
Imaaraadka; waxaana ka mid ah: shirkadda Global Security Service Group (GSSG)
oo uu madax u yahay Maxamed Xamdaan Al-Zacabi oo imaaraati ah, fadhigeeduna
yahay Abu Dhabi, iyo shirkadda International Service Agency (A4SI) oo uu wax ka
aasaasay Alvaro Quijano ahna korneel Kolombiyaan oo howlgab ah, iyaduna waxay
ka hawlgashaa magaalada Al-Cayn ee Imaaraadka. Waxayna shirkadahaasi la galeen
heshiisyo calooshood-u-shaqeystayaal ay u sheegeen inay ka shaqayn doonaan
"howlo amni iyo waardiyeen", laakiin dhab ahaantii waxay toos ugaliyeen
dagaalka Suudaan si ay uga garab dagaalamaan maleeshiyada RSF, iyagoo ku
hawlgalaya magaca "Guutada Yeyda Saxaraha". Waxaa bilowgii laga soo
daadgureeyay Imaaraadka, ka dibna waxaa loo gudbiyay Boosaaso, ka dibna waxaa loo
gudbiyay Bangaasi (Liibiya) iyadoo ay kormeerayeen saraakiil daacad u ah
Jeneraal Khaliifa Xaftar, halkaasna waxaa looga sii gudbiyay saxaraha iyadoo la
sii mariyay dalka Chad ilaa laga geeyay Suudaan.
Warbixin kale ayaa sheegaysa in
diblumaasiyiin Suudaani ah ay sheegeen: "in shirkad fadhigeedu yahay Dubay
ay iskaashi la samaysay shirkad Kolombiyaan ah si ay u qoraan una geeyaan
dagaalyahanno Suudaan; qaar ka mid ah dagaalyahannadaasi oo la qabtay ayaa qirtay
inay u dagaallamayeen ciidanka RSF". Sidoo kale, koox baarayaal oo lagu
magacaabo "The Sentry" ayaa daabacay baaritaanno sheegaya in nin
ganacsade ah oo xiriir la leh Imaaraadka Carabta iyo shirkado amni oo
fadhigoodu yahay Imaaraadka ay ku luglahaayeen qorista, maalgelinta, iyo siinta
ciidanka RSF calooshood-u-shaqeystayaal Kolombiyaan ah. Xitaa warbixinada The
Sentry waxay muujiyeen in milkiyadda shirkadahaasi ay leeyihiin masuuliyiin ka
tirsan dowladda Imaaraadka. Warbixinnada laga qoray
calooshood-u-shaqaystayaasha aad bay u badanyihiiin, xitaa waxaa jiro
warbixinno qoray in calooshood-u-shaqaystayaashaasi tababaraan carruur loo
diyaarinayo inay dagaalamaan.
Warbixin faahfaahsan oo ay soo saartay
shabakadda Sky News ee laga leeyahay Ingiriiska ayaa lagu sheegay "in dunidu
wada ogtahay dambiyada ay gaysteen ciidanka RSF, sababtuna tahay in isla iyagu iska
duubaan muuqaallada dambiyadooda. Lagana helayo internet-ka muuqaallo muujinaya
dagaalyahannada RSF oo daldalaya haween, weeraraya kooxaha gurmadka, ku dul
dabaaldegaya meydad, tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya RSF iyo
ciidanka Suudaan bishii Abriil 2023". Sidoo kale wareysi gaar ah oo ay Sky
News ka qaaday sarkaal ka tirsan sirdoonka RSF ayaa xaqiijiyay in Imaaraadku taageero
ciidanka RSF, ciidankaas oo sababay dagaalka abuuray dhibta bini'aadanimo ee
ugu weyn adduunka xilligaan, dhibtaas oo sababtayna in 13 milyan oo qof ay ka
barakacaan guryahooda.
Dhanka Yemen, dunidu si qotodheer bay uga
warqabtaa in Abu Dhabi ay taageerto kooxda gooni-u-goosadka koonfurta Yaman.
Hase yeeshee intaas waxaa dheer, waxaa jira warbixinno ka soo baxay hay'adaha
caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha sida Euro-Med Monitor iyo SAM oo sheegaya in
Imaaraadku uu adeegsaday calooshood-u-shaqeystayaal ka yimid Mareykanka iyo
Faransiiska oo fuliyay dilal qorsheysan oo lala beegsaday dad rayid ah oo reer
Yemen ah, kuwaas oo aan xiriir toos ah la lahayn argagixisada, arrintaan ayaa
loo arkaa xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee
bini'aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, warbixinno kale oo ka soo
baxay hay'ado kale oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo saaray warbixinno ku
eedaynaya kooxo hubeysan oo xiriir la leh Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta
(STC) oo ay taageerto Imaaraadka inay fuliyeen dilal isdaba joog ah oo ka
dhacay Cadan, kuwaas oo lala beegsaday dad ka soo horjeedada siyaasaddooda iyo
hoggaamiyeyaal amni oo daacad u ah dawladda caalamku aqoonsantahay; waxaana
jira baaqyo calami ah oo ku baaqaya in baaritaano caalami ah lagu sameeyo kiiskaan.
Taariikhda 16/10/2018, wargeyska Israa’iil
ee Haaretz ayaa qoray "in Maxamed Daxlaan, oo ahaa madaxii hore ee amniga
Maamulka Falastiiniyiinta oo ku nool Imaaraadka Carabta heshiis la galay shirkad
uu aasaasay nin haysta dhalashada Hangari iyo Israa’iil isagoo wakiil ka ah
Imaaraadka, kula heshiiyay shikaddaasi inay uga fuliyaan dilal qorsheysan gudaha
Yemen". Sidoo kale baaritaanno dhowr ah, oo uu ka mid yahay baaritaankii
shabakadda BBC ee ay la kaashatay ururka xuquuqda aadanaha ee Reprieve, ayaa caddeeyay
in ku dhowaad 160 dil oo qorsheysan laga fuliyay koonfurta Yemen, xaqiijiyayna
in dhammaan dhibbanayaashaasi aysan wax xiriir ah la lahayn ururrada
argagixisada ah ee qaarkood lagu sheegay inay yihiin; waxaana ka mid ah dadka
la khaarijiyay: siyaasiyiin caan ah, wadaado, dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda
aadanaha, iyo dad kale oo miisaan ku leh bulshada Yemen.
Haddaan isdultaagno qayb yar oo ka mid ah
dadkii ay khaarijiyeem, tusaale ahaan: Samxaan Al-Raawi oo ahaa hoggaamiye ka
tirsan Muqaawamada Koonfurta iyo khadiibkii masjidka Ibnu Qayim waxaa lagu
dilay Cadan; Shiikh Cali Cusmaan Al-Jiilaani isagana waxaa lagu dilay Cadan
isagoo ka soo baxaya masjidkiisa xilli Salaadda Subax. Sidoo kale waxay
khaarijiyeen: Shiikh Cabdiraxmaan bin Marci Al-Cadani oo ka mid ahaa wadaada
Salafiyada ee Yemen; Marwaan Abuu Shawqi oo ahaa kornayl ka tirsan ciidanka iyo
ku-simaha maamulaha nabadgelyada waddooyinka ee Cadan; Mazhar Al-Cadani oo
hoggaamiye ka ahaa Muqaawamada Shacabka; Cabdiraxmaan Al-Zuhri oo ahaa imaamkii
iyo khadiibkii masjidka Al-Raxmaan; Fa'iz Al-Dubyaani oo ka tirsanaa hoggaanka
Muqaawamada Shacabka; Caabid Mujamal oo ahaa khadiibka masjidka Faaruuq,
Yaasiin Al-Cadani oo ahaa khadiibka masjidka Sheekh Zaayid, Fahad Al-Yuunisi oo
ahaa khadiibka masjidka Jaamicu Saxaabah, Haadi Najiib oo ahaa maamulihii
xabsiga Al-Mansuura, iyo Caadil Al-Shahri oo ahaa khadiibka masjidka Sacad Binu
Abii-Waqaas.
Sida ay sheegeen warbixinnada Qaramada
Midoobay iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha, waxaa ka mid ah
calooshood-u-shaqeystayaasha ay Abu Dhabi u adeegsatay fulinta iyo tababarka
dilalka qorsheysan Abraham Golan, aasaasaha shirkadda Spear Operations Group;
waxayna warbixinnadu xuseen in Abraham iyo shirkaddiisu ay ka fuliyeen Yaman
dilal qorsheysan, sidoo kalan ay u tababareen imaaraadka
calooshood-u-shaqaystayaal kale.
Sidoo kale waxay warbixinnadu tilmaameen in
Abraham Golan uu hoggaaminayay koox ay ku jireen xubno hore uga tirsanaan jiray
ciidanka sida-gaarka-ah u tababaran ee Mareykanka iyo Faransiiska, sida Isaac
Gilmore oo hore uga tirsanaan jiray ciidanka badda Mareykanka, wuxuuna ka noqday
shikadda Spear madaxa hawlgallada; wuxuuna Isaac ku sheegay wareysiyo in
Imaaraadku u soo diri jiray liisaska dadka bartilmaameedka ah ee la rabo in lagu
khaarijiyo gudaha Yemen. Sidoo kale, Dale Comstock oo u shaqaynayay shirkadda
Spear ayaa qiray in liisaska bartilmaameedyada ay uga imaan jireen dhinaca
qandaraaska siiyay shirkadda Spear oo ahayd Imaaradda Abu Dhabi.
Waxaa la yaab leh, Abu Dhabi oo mar walba
ku celcelida inay la dagaalanto ururka Al-Qaacida ee Yemen inay qoratay xubno
hore uga tirsanaan jiray ururkaasi si ay uga mid noqdaan unugyo hoos taga
Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC), ayna u tababartay inay ka
qaybqaataan hawlgallada dilalka qorshaysan ee aynu kor ku soo xusnay.
Dhanka Tuunis; madaxweynihii hore ee Tuunis Maxamed Munsif Al-Marzuuqi oo wareysi siiyay
mareegta Arabi21 baa carabaabay: "hoggaanka Imaaraadka wuxuu ka geystay dhammaan
dalalka carabta dhibaatooyin waa weyn... Dhaxalsugaha Imaaraadka Maxamed bin Zaayid
waa cidiyaha bisadda Israa’iil... waana gudin ay adeegsato Sahyuuniyadda...
waagii aan madaxweynaha ahaa wuxuu Imaaraadku ku dhaqaaqay tilaabo kasta oo ay ku
carqaladeyn karaan guulaha xukuumaddeyda, waxayna ii adeegsatay warbaahinteeda...
Si fiican baan uga warhayay dhagarteeda, ka dibna waxaan ku faray Mareykanka
inay iga qabsadaan macmiilkooda... Imaaraadku waa dawlad wakiil u ah
Sahyuuniyadda, shaqadeeduna tahay inay wadnaha ka dalooliso umadda Carabta".
Mar kale, Marzuuqi isaga oo wareysi siinaya
tilfishinka Al-Sharq, wuxuu Maxamed bin Zaayid ku tilmaamay
"Shaydaan", sidoo kale ku eedeeyay Abu Dhabi inay xulufo la tahay
nidaamka Sahyuuniga si ay u kala dhantaasho gobolka Carabta, u burburiso
tiirarkiisa, u dulleysa bulshadiisa. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan talisyada
gobolka inay si adag uga hortagaan dalkaasi.
Dhanka Aljeeriya; madaxweynaha Aljeeriya Cabdilmadjiid
Tebbuun baa ka sheegay shir saxaafadeed uu baahiyay telefishanka rasmiga ee
dalkaas in xiriirka Aljeeriya ay la leedahay waddamada Carabta uu
wanaagsanyahay, marka laga reebo hal dowlad, wuxuuna ugu yeeray dowladdaasi
'dowladda yar', isagoo ula jeeday Imaaraadka, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa
in dowladdaasi rabtay inay soo faragaliso doorashooyinkii madaxtinimada dalkiisa.
Taariikhdu markay ahayd 05/05/2025
telefishanka Aljeeriya ayaa weerar kulul ku qaaday Imaaraadka, isagoo ku
eedeeyay inay hurinayso khilaafaadka isirka ee bulshada Aljeeriya. Mar kale,
warbaahinta Aljeeriya ayaa ku eedeysay Imaaraadka inay kaalin weyn ka
qaadanayso kicinta dawladaha milatariga ah ee Maali, Nayjer, iyo Burkiina Faaso
si ay uga hor yimaadaan Aljeeriya oo la go’doomiyo. Marar kale waxay saxaafadda
Aljeeriya ku eedaysay imaaraadka inay waxyeellaynayaan xasilloonida dalkaas
iyagoo ku soo fatahaya dalkaasi maandooriye ay soo mariyaan shabakado ay ku
leeyihiin waddamada dariska la ah Aljeeriya.
Dhanka Suuriya; bishii Diiseembar 2024,
xilli shacabka Suuriya ay u dabbaaldagayay guusha kacdoonkii sharafta lahaa ee
talada dalkaasi looga tuuray kaligii-taliye Bashaar al-Asad, kaas oo laayay
boqolaal kun oo Suuriyaan ah, wuxuu xilligaasi Maxamed bin Zaayid martigaliyay
Muwafaq Dharif oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee bulshada Druuzta degta dhulka
ay Israa’iil maamusho, kaas oo bilaabay Kacdoonka Suuriya ka dib olole uu ugu
yeerayo bulshada Druuzta Suuriya inay ka go’aan Suuriya inteeda kale.
Intaas kuma ekaan Maxamed bin Zaayid, muddo
ka yar saddex bilood ka dib, wuxuu mar kale martigeliyay hoggaamiyaha bulshada Duruuzta
Suuriya Xikmat al-Hajari, oo ahaa ruux ka soo horjeeday kacdoonka Suuriya, xiriir
dhowna la leh raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu!!! Maxay tahay xiriirka
ka dhexeeya Maxamed bin Zayed iyo bulshada Duruuzta? Maxayse tahay sababta uu
Imaaraadku u faragalinayo arrimaha Suuriya? Jawaabtu waa in Imaaraadku rabo burburinta
Suuriyo, iyo gaaridda yoolka cadowga umadda ee ahaa qaybinta dunida Carabta.
Xaqii baa feeraha ka dilaacay; qolooyinka
ku daadalaya inay asturaan dambiyada Abu Dhabi, sida Daaxi Khalfaan,
Cabdulkhaliq Cabdullaahi, iyo Amjad Daha, ma awoodi doonaaan inay qariyaan dambiyada
madaxda dalkaasi, si kasta oo ay u difaacaan. Eebe ayaa hore noogu sheegay:
"sidaas ayuu Alle ugu tusaaleeyay xaqa iyo baadilka, wixii xumbo ah [baadilka]
way bixi iyadoo engagan, wixii dadka wax u tarayana [xaqa] dhulka ayay ku
nagaan, sidaas ayuu Alle tusaalooyinka u keenaa". Suuratu Al-Racad,
aayadda 17aad.
Gabagabadii, waxaa la wada ogyahay in
shacabka sharafta leh ee Imaaraadka uusan ku lug lahayn dambiyada madaxdooda,
waxayna ka yihiin bari sidii uu yeygu bari uga ahaa dhiigii nabi Yuusuf. Sidoo
kale labeenta bulshadaas intooda garaadka leh hadday yihiin siyaasiin,
indheergarad iyo mufakiriin kuma qanacsano ficillada Maxamed bin Zaayid iyo
siyaasadihiisa musiibada ah. Sidoo kale, shacabka gobta ah ee Imaaraadka guud
ahaan waxay diiddan yihiin caadiyeynta xiriirka Israa’iil, marnabana ma
aqbalayaan in dalkoodu noqdo "Faraskii Trojan" oo loo adeegsado
fulinta qorshayaasha Nidaamka dambiilaha ee Sahyuuniga.
Dhammaad.
Qormada asalka: https://arabi21.com/story/1739053/التويجري-عن-جنايات-أبو-ظبي-في-حق-الأمة-شموس-الحق-لا-يحجبها-غربال
Qormada oo loo tarjumay Ingiriis: https://english.noonpost.com/p/the-suns-of-truth-cannot-be-screened
Comments
Post a Comment