Posts

Showing posts from May, 2026

Isbarbardhig Sida ay Uga Hadleen Hay’adda Garsoorka Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012 Iyo Wax-ka-badalka Dastuurka ee 2026:

Image
  W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi & Xuseen Maxamed Ciyaaye Hordhac Inkastoo Dastuurka Kumeel Gaarka gudihiisa, gaar ahaan Cutubka 15aad, lagu qeexay habraaca qabyotirka iyo dib-u-eegista dastuurka, haddana muddo dheer ayuu ahaa mid qabyo ah, waxaana awoodi waayay inay dhameystiraan ama wax-ka-beddel ku sameeyaan dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray tan iyo sanadkii 2012. Dowladdii ugu horreysay ee lagu soo dhisay dastuurkaas oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadihii 2012–2017, iyo dowladdii xigtay ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee 2017–2022, midkoodna kuma guuleysan inuu soo gabagabeeyo dib-u-eegista dastuurka. Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale dib loo doortay 15-kii May 2022, ayaa muddo xileedkiisa labaad dadaal xooggan ku bixiyay dhammeystirka iyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel gaarka ah. Ugu dambeyn, taariikhda 04/03/2026 Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ...