Waa Kee Buluugga Furan Ee Uu Leeyahay Calankeenu?
“Qolobaa calankeedu, Waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xiddigyahay cadi...”. Heesta Calanka Soomaaliya. Qodobka 6aad ee Dastuurka 2026 iyo Dastuurkii Kumeel Gaarka wuxuu dhigayaa in calanka Soomaaliya yahay laydi buluug furan oo dhexda kaga taal xiddig cad, balse qodobkau ma xadidin midabka buluuga furan, wuxuuna noqon karaa midabo tirada badan oo isla buluug furan ah, sida ka muuqato sawirka kore, arrintaasina waxay u baahantahay cid jaangoysa. Taariikhda markay ahayd 08/06/2026, Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook qoraal nuxurkiisu yahay in midabka calanka Soomaaliya yahay midabka buluuga ee leh Hex Code: B5D7F1 (RGB: 181, 215, 241), arrintaas oo dad badan ay u riyaaqeen, u na qaateen in qoraalka guddiga uu soo afmeeriyay jahwareer ka jiray midabka buluuga furan ee uu qodobku xusay. Hase yeeshee, waxaa is waydiin mudan in guddiga kan uu leeyahay awood sharciyeed uu ku fasiri karo ...