Posts

Showing posts from May, 2025

Falanqayn Kooban Sheekada Maanafaay

Image
  Maanafaay waxay ka mid tahay sheeko faneedyada fara ku tiriska ah ee ku soo baxay af Soomaali ee lugu tilmaamay inay u babacdhigi karto sheeko faneedyada caalamaka, waxaana ku farayareystay sheekada Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa rugcaddaa ah oo badi yaqaanaan bahda aqriska, balse caamadu aysan wada aqoon. Wuxuuna ka tagay qoraagu AHUN dhigaallo kala duwan oo xiriir la leh suugaanta Soomaalida, balse ugu caansantahay sheekadiisa Maanafaay. Sheekada kan Maanafaay ee ku falanqeyn doono qormadaan, waxaa bogaadin iyo amaan huwiyay qoraayo iyo suugaanyahanno wax ku qora afka Soomaaliga kuwooda ugu magaca-dheer sida Barfasoor Cali Jimcaalle oo ku tilmaamay Maanayfaay inay tahay sheekadii u horreyday ee Soomaali ah oo u qalanta in lugu tilmaamo sheeko-faneed, sidoo kale Barfasoor Andrzejewski wuxuu ku tilmaamay inay sheekadu si buuxda u sawirtay noloshada ka jirtay magaallada Xamar. Halka Ibraahin Hawd uu xusay in sheekada Maanafaay jeclaysiisay aqriska iyo qoraalka sheekada Soomaal...

Mareegta Geeska.. Mashruuc Lugu Wiiqayo Midnimada Iyo Qaranimada Soomaaliya

Image
  Geeska.com waa website soo ifbaxay labadii sano ee ugu danbeeyay, daneeya arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo amniga sida ku cad bogga ‘Nagu Saabsan’ ee website-ku isku qeexayo. Waana website ku baxa afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.   Sida ka muuqato magaca iyo loogada ee loo xulay mareegta, waxay si gaar ah diiradda u saartaa arrimaha bulshaweynta Geeska Afrika, waxeyna mareegtu sheegatay inay hiigsanayso inay u horseeddo isbaddal togan bulashada dagta mandiqadda Geeska Afrika ee isugu jira Soomaali iyo shucuub kale. Hase ahaatee, muddooyinkii ugu danbeeyay madashu waxay ka beensheegtay istacriifinta ay saaxadda ku soo gashay, waxayna muujisay falal lid ku ah sheegadeeda. Intaan la gaarin isu soo dhaweynta bulshada Geeska Afrika, waxey madashu ka shaqeysay kala ququbidda Soomaalida oo ah ciddii ugu mudnayd inay isu keento. Waxaana lugu baahiyay “Geeska” qormooyin ka buuxaan nacayb, oo kala fogeynaya beelaha Soomaaliyeed. Waxayna noqotay madal baahisa aragtiyaha t...