𝗙𝗮𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝘆𝗻 𝗞𝗼𝗼𝗯𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗮𝗱𝗮 '𝗠𝗮𝗮𝗻𝗮𝗳𝗮𝗮𝘆'

 


'Maanafaay' waxay ka mid tahay sheeko faneedyada fara ku tiriska ah ee ku soo baxay af Soomaali ee lugu tilmaamay inay u babacdhigi karto sheeko faneedyada caalamaka, waxaana ku farayareystay sheekada Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa rugcaddaa ah oo badi yaqaanaan bahda aqriska, balse caamadu aysan wada aqoon. Wuxuuna ka tagay qoraagu AHUN dhigaallo kala duwan oo xiriir la leh suugaanta Soomaalida, balse ugu caansantahay sheekadiisa Maanafaay.

Sheekada kan Maanafaay ee ku falanqeyn doono qormadaan, waxaa bogaadin iyo amaan huwiyay qoraayo iyo suugaanyahanno wax ku qora afka Soomaaliga kuwooda ugu magaca-dheer sida Barfasoor Cali Jimcaalle oo ku tilmaamay Maanayfaay inay tahay sheekadii u horreyday ee Soomaali ah oo u qalanta in lugu tilmaamo sheeko-faneed, sidoo kale Barfasoor Andrzejewski wuxuu ku tilmaamay inay sheekadu si buuxda u sawirtay noloshada ka jirtay magaallada Xamar. Halka Ibraahin Hawd uu xusay in sheekada Maanafaay jeclaysiisay aqriska iyo qoraalka sheekada Soomaaliga.

Maanafaay waa magaca ay leedahay qofta ugu muhimsan sheekada oo ah gabar Iskuulley ah oo ka soo jeedda qoys reer Banaadiri ah oo dagan Xamar-weyn, waxayna sheekadu ku wareegee jacaylka ka dhaxeeya iyada iyo Axmed Jaamac oo ah wiil aqoonyahan ah oo dibada wax ku soo bartay oo ka shaqeeya xafiis dowladeed, sidoo kale waxaa sheekada door libaax leh ka qaadanaya labada qoys ee Maanafaay iyo Axmed. Halka mararka qaarna meel-meel ka soo galayaan sheekada qofaf soo galooti ah oo ka baxsan labadaas qoys sida Baydaan-Shabeel, Kulmiye oo saaxiib la ah Axmed Jaamac, Faadimo Yariisey iyo kuwo kale.

Sheekada Maanafaay waxay wax badan ka ifinee dhaqanka reer Banaadiriga sida guurka qaraabada, dhaqanka makhbiyadda iyo lahjaddooda. Wuxuuna qoraagu adeegsaday magacayada shaacsanaha ka dhex ah reer Banaadiriga sida: Maana, Jiija, Aay-caddeey Cumarey iyo kuwo kale; xitaa qoraagu wuxuu u qoray hadalka ay ku hadlayaan qoyska reer Banaadiriga qaabka ay ugu dhawaaqaan reer Banaadirigu, tusaalle wuxuu ku badalay xarafka ‘q’ xaraka ‘kh’ oo ah qaabka ay reer Banaadirigu ugu dhawaaqaan ‘q’: “ Khubeys.. suukha.. soo nakhatid” uu ula jeedo: qubeys, suuqa iyo soo noqotid. Sidoo kale waxaa ka buuxa sheekada howraaro u gaar ah lahajadda Banaadirga sida (ani lillaahi aan kugu waday, adna lakhdabo aa igu waday!.. Shukhulkaanaa ii keentay maahinoo..); taasina waxay muujinaysaa dadaalka dheeriga ah uu qoraagu galiyay sheekada maadaama uusan ahayn ruux ku dhex barbaaray reer Banaadiriga.

Sidoo kale sheekadu ka marna suugaanta Soomaalida xoola-raacatada ee ku hadla lahjadda Maxaatiri Waqooyi, waxaana sheekada dhex filiqsan maahmaahyo iyo jumlado halhays ah oo aalaaba adeegsadaan Soomaalida ku hadasha lahjaddaas, waana mid ka mid ah sababaha sheekadu uga gudubtay reer Banaadirga ay u noqotay sheeko Soomaalida oo dhan wada xiiseeyaan.

Inkastoo sheekadu tahay jacayl, haddana sheekadu siyaabo kala duwan waxay u muujinee aafooyin ka jiray (oo walina ka jira) bulshada Xamar xilligee Dowladdii Kacaanka oo ay ka mid yihiin ku tagrifal hantida dowladda oo dhaqan u ahayd Jaamac Dheeg oo ahaa Maareeye Guud, waxaa la arkayaa isaga oo mar diidaya in loo soo daayo shaqaallo mushaar la’aan ahaa, isla jeerkaasna qaabilaya haweenay fataalad ah oo gabdhaha yaryarka u diyaarisa madaxda tumata, sidoo kale waxaa la arkayaa isaga oo siyaabo gurracan u adeegsanaya gaadiidka iyo guryaha dowladda. Aafooyinka kale ee sheekada muujisay waxaa ka mid ah dulminta dadka nugul taasoo lugu muujiyay Faadumo Yariisey oo adeegto ka ah guriga Beydaan Shabeel oo la soo kulantay dulmi heerar kala duwan leh, hadday ahaato dowladdu oo kala wareegtay beerta qoyskeeda, iyo in shaqo ka tanbadan loo diro iwm. Sidoo kale waxay sheekadu muujisay kala duwanaashaha dabaqadda ladan iyo tan saboolka ah, sida laga aqrin karo bogagga 95-97 marka uu Axmed Jaamac si kedis u soo dhexmarayo maqaayad yar oo dad diif iyo duruuf ka muuqato saf ugu jira inay ka gattaan bur-saliid; qoraagu isagoo soo dhex maraya Axmed Jaamac wuxuu is-barbardhig ku sameynayay labada xaafadood, wuxuuna ku soo gunaanaday: “waa laba adduun oo la leeyahay, waa hal magaallo”.

Waxa kale oo sheekadu sadarro yar ku ifisay musuqa deeqaha waxbarashada oo lugu xusayo taariikh nololeedka Kulmiye oo ah ruux helay deeqo waxbarasho Talyaaniga ah isagoo aan ka gudbin dugsiga dhexe.

Wuxuu qoraagu sheekadu ku warinayaa qaabka wax-walba-aqoon oo ah qaab la adeegsado, balse qoraagu wuxuu xitaa soo warinayaa wada sheekeysiga niyadda ah ee uurka ku jira, wuxuuna ku kala soocay hadalka caadiga iyo kan uurka ah inuu kan danbe janjeeriyay, tusaale Maanafaay baa nafteeda kula sheekeysanee “Allow yaa beriga saddexaad lee ii bootiya”. Wuxuuna qoraagu wax badan ku muujiyay isla-sheegeysiga munaafaqadda reer magaalku ku dhaqmaan, iyo sidoo kale dareennada dhabta ah ee dadka ku duugan laabtooda. Waana lugu ammaani karaa niyad wanaagga qoraagga, hase ahaatee waxaa jira falanqeeyaal ku qiimeeya sheekada u ekaanshaheeda waaqica dhabta ee dadka, oo ka soo horjeeda inuu qoraagu u soo wariyo sheekada wax-walba aqoon.

Ina Afrax wuxuu ku guulaystay inuu si heer sarreysa isugu xero cutubyada sheekada Maanafaay marka laga reebo qaybaha danbe ee shaakada. Qaybaha hore iyo qaybaha dhexe ee sheekada waxay kugu abuurayaan xeelad iyo xiiso aan innaba caadi ahayn, oo waxaadba is arkee adiga oo tobaneeyo bog aqriyay oo aan dareemin xitaa waqtiga, balse qeybaha danbe waxaa la moodaa in degdeg lugu qoray oo si fiican loo soo dhisin dhacdooyinka sida qaybaha hore iyo dhexe loo soo dhisay. Tusaale, Bogga 285 ama Cutubka 12aad, qeybtiisa (IX) waxay qeybtaasi bilaabmee iyada oo Maanafaay laga soo badbaadiyay gurigii Sarta Cagaarnaa oo la waraysanayo Beydaan Shabeel oo lala leeyahay maxaa kugu kalifay inaad gabartaan shirqooshid, balse waxaa la moodaa in qoraagu ka booday dhacdooyin halkaasi ku jiray, sida: qaabka guriga lugu galay, xaalka Jaamaca Dhagey oo guriga ku jiray, iyo halka ay ku kulmeen labada kooxood ee guriga u soo wada socday, kooxda uu horkacaayay Axmed Jaamac iyo kooxda kale ee labada ruux ahayd Baydaan Shabeel iyo Canbaro.

Xaashiyaha ugu danbeeya ee sheekada wuxuu qoraagu ka tagayaa xeeladdii uu sheekada ku soo dhisay qaybaha hore iyo dhexe oo dhan, wuxuuna diiradda ku saarayaa xardhidda fariimo wacyigalin iyo hanuunin ah, taas oo dhaawacaday sheekada xeeladdeedii.

Ceebaha kale ee sheekadu leedahay waxaa ka mid ah waxaa ku badan dhacdooyinka wada kulmaya, oo mararka qaar la moodo in laysla doontay, tusaale safarka Axmed Jaamac iyo waxaa wada kulmaaya  go’aanka aabaheed ee ah in loo guuriyo ina-adeerkeed, marka kale waxaa wada kulmaya Maanafaay oo gacanta ku haysa laan qaad iyo Axmed Jaamac oo marka qolka soo galaya, iyo kuwo kale, dhacdooyinkaasi wada kulmay waxay sheekada xoogaa ka fogeeyeen dhab u ekaanshaheeda. 

Si guud, sheekada Maanafaay waxay wax badan uga egtahay sheekooyinka jacaylka ee filimaanta hindida ee aalaaba atooraha iyo atariishadu is helaan dhammaadka filinka, balse inta ka horreysa mara silic iyo saxariir. Waxaa la arkayaa Maanafaay oo geed kasta u fuuleysa siday u hele lahayd gacaliyaheeda iyadoo ku gacansayrinaysa qorshaha guurka ee qoyskeeda, ka badbaadeysa shirqoollo Beydaan Shabeel iyo Jaamaca Dhagey u maleegeen, oo ugu danbeyn la bahoobaysa Axmed.

Waxay ahaataba, sheekada Maanafaay waa sheeko xaanbaarsan farriimo xoojinaysa dhaqanka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed, waxayna da’ yarta baree tabta ay uga weecan lahaayeen dabinada iyo shirqoolada dadka xuma wad-wadka ah maleegaan, sidoo kale waa sheeko kobcinaysa qaamuus afeedka dhalinyarada Soomaaliyeed, sidaas awge’ed waxaan ku boorinayaa in sheekada Maanafaay in lugu daro manhajka waxbarashada iskuulaadka, sidoo kalana loo tarjumo afafka dunida, si ay u aqristaan bulshooyinka caalamka halabuurka qoraaga Soomaaliyeed.

Dhammaad.

 

FG: nuqulka aan aqriyay sheekada wuxuu soo baxay 2018, waxaana soosaartay Madbacadda Loox.

 


Comments

Popular posts from this blog

𝗞𝘂𝗹𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗦𝗮𝗳𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗿𝗲𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮:

𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮 “𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮” 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗹𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗶𝗶𝗾𝗮𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮:

𝗜𝘀𝗯𝗮𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗛𝗮𝘄𝗱