15 Qaab oo Dhalinyarada kula Dagaalami Karaan Musuqmaasuqa
August 12keeda waxay dunida uga asteesantahay maalinta dhalinyarada, haddaba waxaan u dabaaldegeynaa dhalinyarada iyo doorka ay ka qaataan cadaaladda; dhalinyaro badan ayaa la dagaalama musuqmaasuqa oo saameyn togan ku yeesha bulshadooda. Dhalinyara badan ayaa raba inay ka mid noqdaan kuwaas oo ka go’antahayna inay joojiyaan musuqmaasuqa, laakiin ma garanayaan meel ay wax ka bilaabaan, haddaba halkaan waxaa ah 15 fikradood – lugula dagaalamo musuqa – oo idiin diyaarisay Transparency International’s Youth anti-Corruption : 1. Dabagal ku samee lacagta: Aalaaba dawladdu waxaa gacanteeda ku jira lacago aad u badan oo loogu talo galay in loogu adeego bulshada, hase yeeeshee lacagtaasina waxay halis ugu jirtaa musuq. Intii tabartaada eh dabagal ku samee lacagtaas iyo qaabka dawladdu u isticmaasho, u iftiimi bulshada lacagahaasi in la lunsaday ama xadgudub uu jiro. 2. Tiri alaabta: Tusaale: Iskoolada dawladda badanaa waxaa loo geeyaa alaabo ay ka mid yihiin buugaagta wax l...