Posts

Showing posts from May, 2022

15 Qaab oo Dhalinyarada kula Dagaalami Karaan Musuqmaasuqa

Image
  August 12keeda waxay dunida uga asteesantahay maalinta dhalinyarada, haddaba waxaan u dabaaldegeynaa dhalinyarada iyo doorka ay ka qaataan caddaaladda; Dhalinyaro badan ayaa la dagaalama musuqmaasuqa oo saameyn togan ku yeesha bulshadooda.  Dhalinyara badan ayaa raba inay ka mid noqdaan kuwaas oo ka go’antahayna inay joojiyaan musuqmaasuqa, laakiin garanayn meel ay wax ka bilaabaan, haddaba halkaan waxaa ah 15 fikradood – lugula dagaalamo musuqa –   oo idiin diyaarisay Transparency International’s Youth anti-Corruption : 1. Dabagal ku samee lacagta: Waxay Dawladdu haysaa lacag aad u badan oo loogu talo galay in loogu adeego bulshada, lacagtaasina waxay halis ugu jirtaa musuq. Intii tabartaada eh dabagal ku samee lacagtaas iyo qaabka dawladdu u isticmaasho, u iftiimi bulshada lacagahaasi in la lunsaday ama xadgudub uu jiro. 2. Tiri alaabta: Tusaale: Iskoolada dawladda badanaa waxaa loogeeyaa alaaba sida buugaagta wax lagu barto, qalabka shaybaadhka ama waxyaalaha kale e...