Posts

Showing posts from August, 2024

Goorma Ayuu Qishku Xalaal Noqday?

Image
  Bishii Maay ee sanadkii 2019, wasaaradda waxbarashadu ee federaalku waxay laashay imtixaankii dugsiga sare oo meel dhexe marayay ka dib markii internetka lagu baahiyay nuqullo ka mid eh imtixaanka, go’aankaasina wuxuu ka carraysiiyay ardaydii imtixaanka galaysay iyo maamul-goboleeyada qaar sida Hirshabeelle oo waagaas ku hanjabtay inay iskeed u qaadan doonto imtixaankeeda.[1] Dhacdadaasi maaha markii ugu horreysay oo la soo dusiyo qishka imtixaanka dugsiga sare, sidoo kale kuma ekeyn sanadkaas oo wixii ka danbeeyay sanadkaasi waxaaba la dhihi karaa si joogto eh baa loo soo dusinayay imtixaanka dugsiga sare. Qishku micna ahaan waa imtixaanka oo si tuuganimo looga shaqeeyo, se micnaha ay u dajiyeen bahda waxbarashada waa ka balaaran yahay, waxaana soo hoosgalaya khiyaano kasto uu ardaygu sameeyo si uu ugudbo ama buundo dheeri eh ku helo, tusaale: jawaabaha imtixaanka ama layliga oo si sharcidarro eh u helo, imtixaanka oo looga shaqeeyo, ardayga oo sheegta xog uusan lahayn (plag...

Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Kabtan Guure?

Image
  Marxuun: Axmed Cilmi Guure, Source: Hassan Ali Kheyre's Facebook Page Waxaa dhawaan ku geeriyood magaalada Otawa ee dalka Kanada, taariikhdu 28 July 2024, kabtan Axmed Cilmi Guure oo ahaa aasaasihii shabakadd wararka Hiiraan Online, sida lagu xusay wareysiyo la qaaday geeridiisa ka dib, marxuumku wuxuu maalmihiisii ugu danbeeyay ahaa sariir-yaal la ildarnaa xanuun, ALLAH ha u naxariistee ee wuxuu ku dhintay da’da 68 jir, isagoo ka tagay xaas iyo todobo caruur. Markii la soo shaaciyay warka geerida marxuunka waxaa baraha bulshada soomaalida qabsaday fariimo tacsi oo masuuliyiintu iyo indheergaradkuba u dirayaan qoyska marxuumka iyo bulshad soomaliyeed uu ka baxay si guud, se nasiibxumo dhalinyarro badan  - dhalinta Facebook iyo Tiktok ku koray - baa markaas fariimaha tacsida ku bartay Guure! Haddaba Guure waa qofma? Guure wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi sanaddii 1956, wuxuuna ku soo koray magaalada Beledweyn oo uu waxbarashadiisa inta ugu badani ku soo qaatay, se d...