𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗟𝗨𝗚𝗨 𝗫𝗔𝗦𝗨𝗨𝗦𝗔𝗡 𝗗𝗢𝗢𝗡𝗔𝗔 𝗞𝗔𝗕𝗧𝗔𝗡 𝗚𝗨𝗨𝗥𝗘?
| Marxuun: Axmed Cilmi Guure, Source: Hassan Ali Kheyre's Facebook Page |
Waxaa dhawaan ku geeriyood magaalada Otawa ee
dalka Kanada, taariikhdu 28 July 2024, kabtan Axmed Cilmi Guure oo ahaa
aasaasihii shabakadd wararka Hiiraan Online, sida lagu xusay wareysiyo la
qaaday geeridiisa ka dib, marxuumku wuxuu maalmihiisii ugu danbeeyay ahaa
sariir-yaal la ildarnaa xanuun, ALLAH ha u naxariistee ee wuxuu ku dhintay
da’da 68 jir, isagoo ka tagay xaas iyo todobo caruur.
Markii la soo shaaciyay warka geerida marxuunka
waxaa baraha bulshada soomaalida qabsaday fariimo tacsi oo masuuliyiintu iyo
indheergaradkuba u dirayaan qoyska marxuumka iyo bulshad soomaliyeed uu ka
baxay si guud, se nasiibxumo dhalinyarro badan - dhalinta Facebook iyo Tiktok ku koray - baa markaas fariimaha
tacsida ku bartay Guure!
Haddaba Guure waa qofma?
Guure wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi
sanaddii 1956, wuxuuna ku soo koray magaalada Beledweyn oo uu waxbarashadiisa
inta ugu badani ku soo qaatay, se dhamaadkii waxbarashadiisii dugsiga sare buu
u soo wareegay muqdisho kuna dhameeyay dugsiga sare iskoolka Banaadir sanadkii
1977. ka dib qalinjebintii iskoolka, Guure wuxuu ka mid noqday 18 arday oo
loo qaatay inay bartaan duuliyanimo oo helay deeq ay bixinaysay shirkadda
Jarmalka Luftansa, wuxuuna ku bartay Jarmalka casharada (Theories) halka markii
danbana qaybta barashada wadida diyaarada (Practical) ku soo qaatay Gobolka
Arizona Mareykanka.
Ka dib qalinjabintii towbarka, Guure wuxuu ku
soo laabtay dalka wuxuuna ka mid noqday duuliyaashii ugu horeeyay ee shirkadda Somalia Airline u shaqeeya, wuxuuna soo waday diyaarado ay ka mid yihiin Fokker F27 & Dornier 228 sida uu
xusay saaxiibkii kabtan Ibraahin Abiikar.
| Kabtan Ahmed Guure & Ibrahin Abikar Nur, Source: Hiiraan Online |
Kagadaal burbrukii wuxuu ka mid ahaa wax-garadkii qurbaha u hayaamay, gaar ahan wuxuu qoyskiisa ula baxsaday dalka Kanada halkaasi buuna ka kasbaday magac iyo maamuus, sanadkii1999 wuxuu aasaasay mid ka mid eh website-yadii ugu magaca dheeraa gayiga soomaalida oo wararka iyo qormooyinka-aragti (opinion articles) lugu daabaco. Guure isagoo wareysi siinaya TV Somali Channel wuxuu sheegay in sababta ugu wayn ee ku riixday aasaasidda mareegta inay ahayd inuu daboolo baahida qurbjoogtii isa soo taraaye oo u oomaanaa helidda wararka dalkii hooyo, sidoo kale wuxuu raaciyay in xilliga iyo goobta uu joogayba ay ku dhiirigaliyeen; dhamaadkii sagaashameeyada waxaa dunida ka socday kacdoon tiknoolaji oo loogu magacdaray Dot-com oo ka dhigay maalgashatadii inay si xad-kabax eh u maalgashadaan websaydyada iyo ganacsiyada online-ka, sidoo kale Guure wuxuu xusay magaalada Ottawa uu joogay inay ku horreysay ganacsi iyo abuuridda website-yada iyo web-servers.
Muddo rubuc
qarni eh oo mareegta Hiiraan shaqaynaysay waxay ahayd walina tahay hormuudka wabsayada
laga xigto wararka Soomaaliya iyo dhacdooyinka la xiriira Geeska-afrika, waxaana
taasi loogu tiiriyaa dadaaladii Guure uu galiyay tafatiridda iyo xaqiijinta
walaxda la daabacayo. Warbaahinta caalamigaba sida BBC, VOA, Al Jazeera, Chatham
House, The Guardian iyo Anadolu Agency baa marar badan xigtey xog ay baahisay
Hiiraan Online, sidoo kale bahda akaademiga baa wax ka xigta xogta lagu daabaco
wabsaydka Hiiraan Online.
Marka laga yimaado wararka oo ay mareegtu
daabacdo, waxa kale oo ay daabacdaa qormooyinka ka faalooda Soomaalida noocay
ahaadaanba (opinion articles), waxaan qoraal ku faafiyay qaybtaas
aqoonyahannada iyo siyaasiinta Soomaalida kuwooda ugu magaca dheer sida,
Maxamed Turunji, Borfeysar Cabdi Ismaaciil Samatar iyo walaalkii Axmed, Dr.
Afyare Cabdi Cilmi, Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf, Madaxweyne Xasan Shiikh
Maxmuud, Cabdullahi Goodax Barre, Yuusuf Garaad iyo ajaanib sida James Swan iyo
kuwa kale. Taasina waxay cadeen u tahay maqaamka iyo burjiga ay mareegtu ka
joogto soomaalida.
Waxaa kale oo xusid mudan, websaydku wuxuu ku soo
kordhiyay warbaahinta Soomaalida qiimeyn sanadla eh oo lagu dooranayo qofka ugu
kartida badnaa sanad kasta (HOL Person of the Year); tusaale sanadkii tagay
2023 waxa ku guuleystay Abuukar Baale, wuxuuna ugu guuleystay dadaaladii uu
galiyay qaadista cunaqabateynta hubka iyo deen cafint Soomaaliya. Abaalmarintani
waxay soo socotay tan ilaa iyo 2004; waxaan ku guuleystay haldooro ay ka mid
yihiin: Dr. Xawo Cabdi, Amiin Caamir, Shiikh Shariif, Ra’iisul-wasaare Nuur
Xasan, Madaxdii Somaliland Riyaale iyo Siilaanyo, Xildhibaanka keenya Yuusuf
Xasan, Madaxweynaha Kilinka Mustafa Cagjar, Barkhad Batuun, Cali Jeyte iyo kuwo
kale.
Marxuumku wuxuu inbadan ku taamay soo
nooleysiinta shirkaddii Somali Airline; laga soo bilaabo burburkii ka dib
markii ay hawl-gabtay shirkaddu wuxuu ka mid ahaa dadkii u ololeynayay soo
nooleysiinta shirkadda, sidoo kale wuxuu isu-xilqaamay maamulidd website-kii
shirkadda. Isagoo oo wali ka raja dhigin fikradda soo nooleysiinta shirkadda
Somali Airline buu wuxuu bilaabay sanadkii 2019-kii dhigashada Master's in
Airline Management – Jaamacadda Coventry, sidoo kale intuu
lataliyaha ka ahaa wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada wuxuu iskuday
xaqiijinta yoolkaas.
Guure, inbadan waxaa
lugu xasuusan doona website-ka Hiiraan Online oo ka mid ahaa website-yadii
ugu horreeyay ee Af Soomaali lugu qoro lagana xigto wararka soomaaliya xilliyo qaar
oo adkayd in la helo war sugan, sidoo kale ahaa website qalinlaydu ku
qoraan qormooyin toosin iyo dhisid eh, kuna qoraan afafak Soomaaliga iyo
Ingiriiska, sidoo kale waxa lugu xasuusan doono soo kordhinta fikradda
abaalmarinta qofka sanadka.
Comments
Post a Comment