𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗟𝗨𝗚𝗨 𝗫𝗔𝗦𝗨𝗨𝗦𝗔𝗡 𝗗𝗢𝗢𝗡𝗔𝗔 𝗞𝗔𝗕𝗧𝗔𝗡 𝗚𝗨𝗨𝗥𝗘?

 

Marxuun: Axmed Cilmi Guure, Source: Hassan Ali Kheyre's Facebook Page


Waxaa dhawaan ku geeriyood magaalada Otawa ee dalka Kanada, taariikhdu 28 July 2024, kabtan Axmed Cilmi Guure oo ahaa aasaasihii shabakadd wararka Hiiraan Online, sida lagu xusay wareysiyo la qaaday geeridiisa ka dib, marxuumku wuxuu maalmihiisii ugu danbeeyay ahaa sariir-yaal la ildarnaa xanuun, ALLAH ha u naxariistee ee wuxuu ku dhintay da’da 68 jir, isagoo ka tagay xaas iyo todobo caruur.

Markii la soo shaaciyay warka geerida marxuunka waxaa baraha bulshada soomaalida qabsaday fariimo tacsi oo masuuliyiintu iyo indheergaradkuba u dirayaan qoyska marxuumka iyo bulshad soomaliyeed uu ka baxay si guud, se nasiibxumo dhalinyarro badan  - dhalinta Facebook iyo Tiktok ku koray - baa markaas fariimaha tacsida ku bartay Guure!

Haddaba Guure waa qofma?

Guure wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi sanaddii 1956, wuxuuna ku soo koray magaalada Beledweyn oo uu waxbarashadiisa inta ugu badani ku soo qaatay, se dhamaadkii waxbarashadiisii dugsiga sare buu u soo wareegay muqdisho kuna dhameeyay dugsiga sare iskoolka Banaadir sanadkii 1977. ka dib qalinjebintii iskoolka, Guure wuxuu ka mid noqday 18 arday oo loo qaatay inay bartaan duuliyanimo oo helay deeq ay bixinaysay shirkadda Jarmalka Luftansa, wuxuuna ku bartay Jarmalka casharada (Theories) halka markii danbana qaybta barashada wadida diyaarada (Practical) ku soo qaatay Gobolka Arizona Mareykanka.

Ka dib qalinjabintii towbarka, Guure wuxuu ku soo laabtay dalka wuxuuna ka mid noqday duuliyaashii ugu horeeyay  ee shirkadda Somalia Airline u shaqeeya, wuxuuna soo waday diyaarado ay ka mid yihiin Fokker F27 & Dornier 228 sida uu xusay saaxiibkii kabtan Ibraahin Abiikar.

Kabtan Ahmed Guure & Ibrahin Abikar Nur, Source: Hiiraan Online

Kagadaal burbrukii wuxuu ka mid ahaa wax-garadkii qurbaha u hayaamay, gaar ahan wuxuu qoyskiisa ula baxsaday dalka Kanada halkaasi buuna ka kasbaday magac iyo maamuus, sanadkii1999 wuxuu aasaasay mid ka mid eh website-yadii ugu magaca dheeraa gayiga soomaalida oo wararka iyo qormooyinka-aragti (opinion articles) lugu daabaco. Guure isagoo wareysi siinaya TV Somali Channel wuxuu sheegay in sababta ugu wayn ee ku riixday aasaasidda mareegta inay ahayd inuu daboolo baahida qurbjoogtii isa soo taraaye oo u oomaanaa helidda wararka dalkii hooyo, sidoo kale wuxuu raaciyay in xilliga iyo goobta uu joogayba ay ku dhiirigaliyeen; dhamaadkii sagaashameeyada waxaa dunida ka socday kacdoon tiknoolaji oo loogu magacdaray Dot-com oo ka dhigay maalgashatadii inay si xad-kabax eh u maalgashadaan websaydyada iyo ganacsiyada online-ka,  sidoo kale Guure wuxuu xusay magaalada Ottawa uu joogay inay ku horreysay ganacsi iyo abuuridda website-yada iyo web-servers.

Muddo rubuc qarni eh oo mareegta Hiiraan shaqaynaysay waxay ahayd walina tahay hormuudka wabsayada laga xigto wararka Soomaaliya iyo dhacdooyinka la xiriira Geeska-afrika, waxaana taasi loogu tiiriyaa dadaaladii Guure uu galiyay tafatiridda iyo xaqiijinta walaxda la daabacayo. Warbaahinta caalamigaba sida BBC, VOA, Al Jazeera, Chatham House, The Guardian iyo Anadolu Agency baa marar badan xigtey xog ay baahisay Hiiraan Online, sidoo kale bahda akaademiga baa wax ka xigta xogta lagu daabaco wabsaydka Hiiraan Online.

Marka laga yimaado wararka oo ay mareegtu daabacdo, waxa kale oo ay daabacdaa qormooyinka ka faalooda Soomaalida noocay ahaadaanba (opinion articles), waxaan qoraal ku faafiyay qaybtaas aqoonyahannada iyo siyaasiinta Soomaalida kuwooda ugu magaca dheer sida, Maxamed Turunji, Borfeysar Cabdi Ismaaciil Samatar iyo walaalkii Axmed, Dr. Afyare Cabdi Cilmi, Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmuud, Cabdullahi Goodax Barre, Yuusuf Garaad iyo ajaanib sida James Swan iyo kuwa kale. Taasina waxay cadeen u tahay maqaamka iyo burjiga ay mareegtu ka joogto soomaalida.

Waxaa kale oo xusid mudan, websaydku wuxuu ku soo kordhiyay warbaahinta Soomaalida qiimeyn sanadla eh oo lagu dooranayo qofka ugu kartida badnaa sanad kasta (HOL Person of the Year); tusaale sanadkii tagay 2023 waxa ku guuleystay Abuukar Baale, wuxuuna ugu guuleystay dadaaladii uu galiyay qaadista cunaqabateynta hubka iyo deen cafint Soomaaliya. Abaalmarintani waxay soo socotay tan ilaa iyo 2004; waxaan ku guuleystay haldooro ay ka mid yihiin: Dr. Xawo Cabdi, Amiin Caamir, Shiikh Shariif, Ra’iisul-wasaare Nuur Xasan, Madaxdii Somaliland Riyaale iyo Siilaanyo, Xildhibaanka keenya Yuusuf Xasan, Madaxweynaha Kilinka Mustafa Cagjar, Barkhad Batuun, Cali Jeyte iyo kuwo kale.

Marxuumku wuxuu inbadan ku taamay soo nooleysiinta shirkaddii Somali Airline; laga soo bilaabo burburkii ka dib markii ay hawl-gabtay shirkaddu wuxuu ka mid ahaa dadkii u ololeynayay soo nooleysiinta shirkadda, sidoo kale wuxuu isu-xilqaamay maamulidd website-kii shirkadda. Isagoo oo wali ka raja dhigin fikradda soo nooleysiinta shirkadda Somali Airline buu wuxuu bilaabay sanadkii 2019-kii dhigashada Master's in Airline Management – Jaamacadda Coventry, sidoo kale intuu lataliyaha ka ahaa wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada wuxuu iskuday xaqiijinta yoolkaas.

Guure, inbadan waxaa lugu xasuusan doona website-ka Hiiraan Online oo ka mid ahaa website-yadii ugu horreeyay ee Af Soomaali lugu qoro lagana xigto wararka soomaaliya xilliyo qaar oo adkayd in la helo war sugan, sidoo kale ahaa website qalinlaydu ku qoraan qormooyin toosin iyo dhisid eh, kuna qoraan afafak Soomaaliga iyo Ingiriiska, sidoo kale waxa lugu xasuusan doono soo kordhinta fikradda abaalmarinta qofka sanadka.


Comments

Popular posts from this blog

𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮 “𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮” 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗹𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗶𝗶𝗾𝗮𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮:

𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗯𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼: 𝗠𝗮 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗯𝘂 𝗗𝗵𝗮𝗯𝗶 𝗸𝗮 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗨𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮

𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗛𝗔𝗕𝗕𝗢𝗢𝗡 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔