Nidaamka Dowliga Ee Cusub... Shaam Waxa La Hoos Geeyay Israa'iil
W/Q: Casmi Bushaara – qoraa Filistiin T: Cabdirisaaq Cabdiraxaam Cabdullaahi (Okiyaale) Haddii taladu u wada toosto Trump iyo kooxdiisa yar, oo ay helaan fursado ku filan iyagoon la kulmin mucaarado gudaha ama dibadda ah oo miisaan leh, waxaa isbaddal weyn ku dhici doonaa dhaqankii soojireenka ahaa iyo qawaaniinta xiriirka caalamiga ah ee saldhigtay tan iyo dagaalkii 2aad ee adduunka. Waxaana loo guuri doonaa dhanka xukunka xeerka duurjoogta, halkaas oo ka xoogga badani uu cuno kan daciifka ah haddii uu cidlo ku helo. Waagii nidaamka labada quwadood (Midowga Soofiyeet & Mareykanka) dunida ka talin jireen, waxaa jiray soohdinno aan rasmi ahayn oo u dhexeeyay aagag labada dhinaci ka talin jireen, waxeyna labada dhinac ku loolami jireen wixii ka baxsan aagaggaas. Xilligaasi waxey dunidu soo afjartay gumeysigii, sidaas awgeed labadii quwadood ee dunida ka talinayay waagaas midkoodna ma awoodin inuu si cad oo bareer eh ku weeraro dal isagoo dano dhaqaale ka raba, xitaa...