Posts

Showing posts from June, 2024

Adeeg Aan La Mahadin

Image
  Waxaan dhoor jeer maqlay tabasho ka dhan eh xafiisyada dawladda gaar ahaan kuwa adeeg-dadwaynaha bixiya, adeegyada dawladdda iyagoo iska kooban haddana waxaa jira guux dadweyne oo si taban wax uga sheega. Si kastaba ha ahaatee, 28 May ee sanadkan 2024 waxa go’aansaday inaan cusboonaysiisto baasaboorkayga, anigoo og in cusboonaysiinta iyo qaadashada koobaad isku process iyo qarash yihiin baan hawsha galay. waxaan ku horumaray xarunta CID si aan uga qaato warqadda dambi’la’aanta. Xarunta kadinkeeda askartii joogtay markay ibaareen waxay iwaydiiyeen dantaan u imi, ka dibna askartii mid ka mid eh baa igu boobay hawsha aad rabto qof kuu fududeenaya ayaa jira ee lanbarkaan qaado, intaan ku gacansayray askarigii baan gudihii ugalay xaruntii. Sarkaal shaqaalaha hay’adda ka mid eh oo barxadda xarunta joogay baan waydiiy dhanka aan processka ka bilaabayo, isaguna wuxuu iwaydiiyay kolka iigu danbaysay ee aan imi xarunta, markaan u sheegayna wuxuu igu warceliyay data-daada waa la helaa o...

Fadeexaddii Mashruuca Quudinta Caruurta

Image
  Cudurkii saf-mareenka ahaa ee koroona fayras ( COVID-19 )    markuu soo ifbaxay dhamaadkii sanadkii 2019, wuxuu waqti kooban ku faafay dunida oo dhan isagga oo galaaftay oo qabriga galiyay malaayiin ruux; halka malaayiin kalana sariirta saaray, kuwa kalana ka jaray ishii dakhliga. Dawladihii dunida iyagoo ka jawaabaya saameynta cudurka waxay bilaabeen inay kabaan oo gacan siiyaan bulshooyinkooda kuwooda nugul. Dawladda maraykanku waxay hormuud u ahayd dawladihii sida xoogan lacagta u bixiyay, qaab toos eh iyo qaab dadbanba. Xilligaas, wasaaradda beeraha ee mareykanka waxay ugu deeqday bulshada soomaalida-minisoota deeqo lacageed, iyadoo u soo marsiinaysa hay’ado samafalayaal, ujeedka deeqahaasi wuxuu ahaa quudinta iyo nafaqada caruurta soomaalida ee gobolka minisoota. Maadaama lacagta deeqda ahayd lacagtii canshuur-bixiyaasha marnaba dabagal la’aan iyo xisaabxer la’aan kuma bixi lahayn, se inta aysan hay’adaha dabagalka maaliyadeed baaritaankooda bilaabin waxaa soo ...

Samafalku wuxuu Kor U Qaadaa Caafimaadka Maskaxda & Jirka

Image
“maalin maalmaha ka mid eh baan qof wax ku sadaqaystay, dabadeedna waan iska ooyay, miskiinkii aan wax ku sadaqaysanayay baa si naxariis leh ii soo eegay, wuxuuna   iweydiiyey ducadaan jeclaan lahaa inaan alle ka baryo, markaas baan ka codsaday inuu iigu duceeyo alle inuu kabo niyadayda jaban, dhab ahaantii miskiinkaasi isagaa wax isiiyay ee anigu waxba ma siin!” Ruqiya Cabdilcadim qaabkaas waxbixinta eh bay ku dhaqaaqday si ay u ga soo kabato murugadii iyo niyadjabkii hayay; waxay ahayd gabadh da’da yar oo la il daran istareska kadeedka kadib yimaada ( Post-traumatic stress disorder ) in ka badan saddex bilood, waxayna martay qaab daawayn oo Saykoolaji eh, iyadoo daawayntaas u socoto bay go'aansatay inay isku daydo waddo ka duwan daawaynta caadiga eh, waxayna ku dhaqaaqday dhanka samafalka, waqti kooban bay ku dareentay isbadal togan. Ruqiyo iyadoo hadalka siiwadata waxay tiri: “saaxiibteyda baa iigu dhiirigalisay samafalka iyo sadaqaynta oo ii sheegtay sida ay uga soo kabatay...