𝗔𝗗𝗘𝗘𝗚 𝗔𝗔𝗡 𝗟𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗𝗜𝗡

 


Waxaan dhoor jeer maqlay tabasho ka dhan eh xafiisyada dawladda gaar ahaan kuwa adeeg-dadwaynaha bixiya, adeegyada dawladdda iyagoo iska kooban haddana waxaa jira guux dadweyne oo si taban wax uga sheega. Si kastaba ha ahaatee, 28 May ee sanadkan 2024 waxa go’aansaday inaan cusboonaysiisto baasaboorkayga, anigoo og in cusboonaysiinta iyo qaadashada koobaad isku process iyo qarash yihiin baan hawsha galay. waxaan ku horumaray xarunta CID si aan uga qaato warqadda dambi’la’aanta. Xarunta kadinkeeda askartii joogtay markay ibaareen waxay iwaydiiyeen dantaan u imi, ka dibna askartii mid ka mid eh baa igu boobay hawsha aad rabto qof kuu fududeenaya ayaa jira ee lanbarkaan qaado, intaan ku gacansayray askarigii baan gudihii ugalay xaruntii.
Sarkaal shaqaalaha hay’adda ka mid eh oo barxadda xarunta joogay baan waydiiy dhanka aan processka ka bilaabayo, isaguna wuxuu iwaydiiyay kolka iigu danbaysay ee aan imi xarunta, markaan u sheegayna wuxuu igu warceliyay data-daada waa la helaa oo warqadaadu waa diyaar ee processka soo mar oo isagoo ii tilmaamaya qolka ugu shisheeya oo eh qolka sawirka lugu galo; albaabka qolka sawirka oday fadhiyay baa magacaygii iyo lanbarkaygii iga diiwaangaliyay, ka dibna qolkii aan u gudbay, oo waxaan diray lacag gaareysa saddex dollar iyo bar oo eh sawirka; kamirada laygu sawiray, scannerka sawirka soo saaray iyo agabka kale ee qolka yiilay intuba waxay u muuqdeen alaab raqiis iyo duugba eh!
Markaan ka soo baxay qolkii sawirka, waxaan dib ugu tagay sarkaalkii barxadda, wuxuuna igu dhahay: “adiga farahaaga system-ka bay ku jiraan warqadaadu waa soo baxee ee halkaas ii fariiso”, ku dhawaad markaan fadhiyay saacad aan dib ugu laabtay, wuxuuna farta iga saaray warqadii aan rabay wuxuuna ii diray xafiiska lacagta lugu bixiyo; si lamid eh qolkii sawirka ayuu duug yahay oo xitaa warqadda-darbigiisa (wall paper) aaba soo fiiqantay, laakin qolkani waa ka wayn yahay kii hore waana ka shaqaale badan yahay.
Safkii lacagta anigoo ku jiraba waxa mar kaliya nalugu wargaliyay in tobankii qofood hal qof udiraan lacagta – toban doolar – sidoo kalana warqadahana udhiiban, qofkaasina uu kaligii qolka ku haro inteena kale banaanka u baxno, taasi waan u garaabay waxaan u qaatay inay tahay hawl fudeedsi oo kaliya. Ka dib daqiiqado waxan laykeenay rasiidkii lacagta, sidaasi baan xaruntii CID uga soo baxay anigoo oo layaaban labada xabo ee sawirka ee aan wato, lacagtooda maba badna se damiirku wuxuu i waydiinayay sidee sawir aan la’adeegsanayn qof loogu xujeynayaa?! Waxaa ila dareen ahaa maalintaas kuwo iyagoo sawiro wato la dhahay dib ugala, waxaana nafteyda ku sasabay in kuwaasi aan dhaamo ugu yaraan; laba qarash aysan igalin!!
Maalintii xigtay waxaan toos u aaday hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, baaritaan ka bacdi, waxa toos u abaaray halka lanbarka laga goosto, gabar maalintaas shaqada ku qornayd baa si dhimrisan ii waydiisay warqadaha iyo dukumentiyadeyda, anne waxaa u taagay baasboorka la cusboonaysiinayo, warqadda danbi-la’aanta iyo warqadda sugnaanta oo bishii Febraayo ee sanadkan ka qaatay xarunta NIRA. Gabartii si dhimirsan bay igu tiro: “warqaddii dhalasha iyo sugnaanta ee gobalka banaadir meeday?” Waxaan ugu jawaabay: “warqadda dhalasha ee gobolka banadir mid ka xoogan baan wataa oo eh warqadda sugnaanta NIRA”. Waxay gabartii carabka ku adkaysay in warqaddaas soo qaato hadii aan rabo in lay cusboonaysiiyo baasaboorka.
Halkii baan ka soo baxay anigoo layaaban wada shaqayn la’aanta laamaha dawladda iyo ku dheelidda hantida dadka, waxaan soo abaaray xarunta dagmada Hodan oo ka mid goobaha lagu bixiyo warqadda dhalashada iyo sugnaanta, saf yar baa ku feelay; markii laysoo gaaray waxaa gudaha u galay qol xogta lagu buuxiyo, markii xogteydii soo buuxiyana waxa laysiiyay rasiit, ka dibna waxaan aaday qolka lacagta lugu baxsho oo waxaan diray lacag shan iyo toban dollar eh, gudaha xarunta degmeada waxa la mooda in xoogaa ka bilic qurxoontahay xaruntii CID kana nidaamsantahay.
Hawsha cusboonaysiinta baasabookra waxay isoo xasuusisay waagii suudaan waxbarasha u joogay 2013 -2018, xilligaas markaan iqaamada – sharciga joogista dalka – hawsheeda ku jiro waxaa la kulmi jiray awood-sheegasho iyo dulmi,  waxaan arki jiray qof safka maalin dhan ku jiray oo warqad koobigeeda oo shaqaaluhu koobiyeen karaan in loo buriyo oo maalin kale imow la dhaho. shaqaalaha hay’adda socdaalka Suudaan waxay u badnaayeen saraakiil ciidan, awood dheeri eh bay isbidi jireen, waqti koobanne way shaqeyn jireen; tusaale subaxii waxay soogali jireen 9:00 AM, xoogaa yar ka dib abaaro 10:00 AM quraac bay u bixi jireen, saacad ka dib markay soolaabtaan oo saacad kale shaqeeyaan waxay u dareeri jireen salaadda duhur, ka dibna qado baa ku xigta, qadada ka dib inyar baa ka soo laaban jirtay, iyado oo safafku buuxaan!
Waagaas, Suudaan waxa ka talinayay nidaam milatari oo shacabka Suudaanta iyo ajaanibtuba ka baqi jreen, waxay ahaadaanba, hay’adaha dawaladda ee bulshada u adeega laguma xaman jirin laaluush se waxay caan ku ahaayeen ku tagrifal awoodeed; inay bixiyaan amaro qalafasan sida “bax beri kaalay, warkale majiro!”.
Aan ku soo laabto soomaaliya, maalmihii aan ku howlanaa hawsha cusboonaysiinta baasaboorkayga waxaa la kulmay tiro dad eh oo si uun u saluuksan ama dhaliilaya habka ay wax u socdaan, iyagoo oo qaarkood adeegsanay ereyo laga dhadhasan karo nacayb fog.
Dhaliilaha bulshadu sheegayaan markaan u kuurgalay waxaa ii soo baxday inay wax ka jiraan oo shaqaalaha ka shaqeeya adeegyada dadwaynaha inay u shaqeeyaan habka ay bulshada uga qaadi lahaayeen lacag ka baxsan adeegga ama inay falkiyaan dabino ay lacag ku qaadanayaan. Tusaale aan ku caddeeyo; warqadda danbi’ la’aanta iyo warqadda dhalashada iyo sugnaanta markaad soo qaadato oo tagdo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha waxaa lagaa qaadanaa dukumentiga orijinaalka, si hadii u baahatid mar kale ugu qasbanaatid inaad dib usoo sameysatid; warqad danbi la’aanta in lagaa qaado waa loo garaabi karaa laakin dhalasho mar walba soo sameyso lagu dhahaayo oo haddana orjinaalka lagaa qaadanaayo waxa loo fasiran karaa inay tahay dabin lacag lugu qaato!
Sidoo kale, lacag dheeri ah baa laga qaadaa dadka loo adeegaayo hadii ay dagdag ku rabaan, lacagtaasi dheeriga eh waxaa lugu diraa koonto aan ahayn tii dawladda, tusaale xarunta CID waxa warqada lugu qaataa toban doolar iyado uu qofka sugayo hal maalin, halka hadii uu baxsho shan iyo toban doolar oo dheer eh uu ku heli doon isla maalintaas. Sidaasi si lamid eh warqadda dhalashada iyo sugnaanta, xitaa baasaboorka waxaa ku heli kartaa dagdag ee waxay ku xerantahay jeebkaaga!
Daraasaadka soobandhiga hufnaanta dawladaha, waxay Soomaaliya ku tilmaamaan wadanka ugu musuqmaasuqa badan dunida, daraasadahaasi waxaa ugu caansan daraasadda sanadle ah oo ay sameyso Transparency.org; daraasaddani waxay xustay la xisaabtan la’aantan sarakiisha iyo shaqaalaha dawladdu inay tahay ta xoojisa oo bulaalisa musuqmaasuqa (Transparency, 2023). Halbeegga ay daraasaddani ku cabirto musuqa maaha oo kaliya laaluushka la qaato ee waxaa kale oo ka mid eh ku tagrifalka awoodda iyo xukmid la’aanta danbiilayaasha, dhaqamadaasina waxay ku badanyihiin wadamada dunida saddexaad oo uu dalkeenu ugu horeeyo.
Gunaanad, xafiisyada iyo hay’adaha dawladda oo sumcad beela, waxay halis iyo niyadjab ku tahay dawladnimadeena curdinka eh; si sumcada iyo kalsooni bulsho dib loo abuuro waa in dib loo qaabeeyo hay’adaha iyo xafiisyada adeegga-dadweynaha bixiya, isla-xisaabtankana iyo dhagaysiga tabashooyinka bulshadana diiradda la saaraa.

References:
  1. Transparency. (2023). Corruption perceptions index. (https://www.transparency.org/en/cpi/2023/index/som )
  2. Photo source: Gettyimages.com.


Comments

Popular posts from this blog

𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮 “𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮” 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗹𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗶𝗶𝗾𝗮𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮:

𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗯𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼: 𝗠𝗮 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗯𝘂 𝗗𝗵𝗮𝗯𝗶 𝗸𝗮 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗨𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮

𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗛𝗔𝗕𝗕𝗢𝗢𝗡 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔