Posts

Showing posts from April, 2026

π——π—œπ—˜π—šπ—’ π—šπ—”π—₯π—–π—œπ—”.. π—π—”π—¦π—œπ—œπ—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗨𝗨 𝗠𝗔π—₯π—˜π—¬π—žπ—”π—‘π—žπ—¨ π—¨π—šπ—” π——π—¨π—¨π—Ÿπ—Ÿπ—’ 𝗕𝗔π—₯π—œπ—šπ—” π——π—›π—˜π—«π—˜

Image
  W/Q: Miirfit Cowf W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Okiyaale” Bishii Febraayo 2026, doon yar oo alwaax ah ayaa ku soo xiratay xeebta jasiiradda Île du Coin oo ku taal bartamaha Badweynta Hindiya, waxayna sidday afar nin oo u soo safray inay ku laabtaan dhulkoodii hooyo. Markii ay xeebta u soo dhawaadeen oo ay u jireen dhowr mitir, waxay arkeen qubmo firirsan jiho kasta, muuqaalkaas oo xasuusisay sheekooyinkii ay aabayaashood uga warrami jireen dhulkooda ka hor inta uusan Ingiriisku ka barakicin halkaas muddo laga joogo nus qarni, balse saameynteedu weli taagantahay ilaa iyo maanta; waxaana lugu tiriyaa jasiiradaha Chagos ama arkhabiilka Chagos meelaha uu ku sii danbeeyo gummeysigii Ingiriiska. Afartuba waxay ogaayeen in safarkoodu khatar badan leeyahay oo u badantahay in ciidamada Ingiriiska ka soo musaafurin doonaan jasiiraddaas sidii ay kol hore uga musaafuriyeen jasiiradaha Chagos aabayaashood, si ay dhammaan jasiiradahaasi uga shaqeeyaan danta saldhigga m...