Soomaalida Mareykanka Waa Miskiin Baa Misko La Fuulo Leh
Waayadaan waxaa ku socday Soomaalida Ameerika olole suuradxumeyn ah oo laga wada dhigayo inay yihiin dad dulsaar ku ah dadka Mareykanka, lidna ku ah dhaqanka iyo qaayasoorka bulshada Mareykank, wuxuuna ololahaasi la bilawday dib-u-doorashadii Donald Trump oo hadda laga joogo sanad iyo bilo. Trump oo tan iyo xilligiisii hore caadeystay ijaafada dadyowga Afrikaanka baa waayadaan si takoor ah u bartilmaamaydsaday Soomaalida, isagoo marar kala duwan ku tilmaamey ereyo liidasho ah sida: inay qashin “ garbage ” yihiin, inay musuqmaasuq miiran yihiin, iyo inay burcad-badeed yihiin, inay leeyihiin dalka ugu xun adduunka, inaysan waxba ku kordhin shacabka Mareykanka iqk. Sidoo kale wuxuu Trump si tirabeel ah u aflagaadeeyay xilidhibaanadda matasha bulshada Soomaalida Minisoota ee Ilhaan Cumar, isaga oo ku tilmaamay inay tahay qashin, mar kale ku tilmaamay inay mudan tahay in laga musaafuriyo Mareykanka, mar kale ku tilmaamay inay tahay tuugad, xitaa ku tilmaamay inay tahay “bitch”. ...