𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗿𝗲𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗠𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝗻 𝗯𝗮𝗮 𝗺𝗶𝘀𝗸𝗼 𝗹𝗮 𝗳𝘂𝘂𝗹𝗼 𝗹𝗲𝗵:
Waayadaan waxaa ku socday Soomaalida Ameerika olole suuradxumeyn ah oo laga wada dhigayo inay yihiin dad dulsaar ku ah dadka Mareykanka, lidna ku ah dhaqanka iyo qaayasoorka bulshada Mareykank, wuxuuna ololahaasi la bilawday dib-u-doorashadii Donald Trump oo hadda laga joogo sanad iyo bilo. Trump oo tan iyo xilligiisii hore caadeystay ijaafada dadyowga Afrikaanka baa waayadaan si takoor ah u bartilmaamaydsaday Soomaalida, isagoo marar kala duwan ku tilmaamey ereyo liidasho ah sida: inay qashin “garbage” yihiin, inay musuqmaasuq miiran yihiin, iyo inay burcad-badeed yihiin, inay leeyihiin dalka ugu xun adduunka, inaysan waxba ku kordhin shacabka Mareykanka iqk.
Sidoo kale wuxuu Trump si tirabeel ah u aflagaadeeyay
xilidhibaanadda matasha bulshada Soomaalida Minisoota ee Ilhaan Cumar, isaga oo
ku tilmaamay inay tahay qashin, mar kale ku tilmaamay inay mudan tahay in laga
musaafuriyo Mareykanka, mar kale ku tilmaamay inay tahay tuugad, xitaa ku
tilmaamay inay tahay “bitch”.
Ololahaasi lagu shaydaameenayo Soomaalida iyo Ilaaan Cumar
waxaa la wada Trump siyaasiyiin, maalqaabeeno iyo muuqaal-baahiyaal u
ololeeya xisbiga Jamhuuriga. Tusaale, Tucker Carlson oo waayadaan
hormuud u ahaa dhaqdhaqaaq la magac baxay MAGA ayaa taariikhda 18/12/2025
baahiyay muuqaal soconaya saacad iyo 18 daqiiqo,[1]
wuxuuna muuqaalkaas ku lafoguaray duulaanka ay Soomaalidu ku hayaan Ameerika,
waa sida uu Tucker qabo, wuxuuna ku tilmaamay bulshada Soomaalida ee ku
sugan gobolka Minisoota inay yihiin kuwa aan rabin inay ku milmaan bulshada
Ameerika si gaar ahna isku soocaan, badidoodna aysan xitaa aqoonin luqadda
Ingiriiska, sidoo kale wuxuu ku tilmamay Ilhaan Cumar inaysan daacad u ahayd dhaarta
ay u martay inay ilaaliso danaha iyo qaranimada Ameerika, isagoo oo ku duraya
hadallo ay waqti hore ka jeedisay golayaal iyo munaasabado Soomaaliyeed, sida
inay Xasan Sheekh Maxamuud ugu yeertay “Madaxweynahayna” iqk.
Ololahaasi lagu ijaafeynayo Soomaalida Ameerika wuxuu isa
sootaro uu gaaray figta sare ka dib markii Nick Shirley oo ah Youtuber u
ololeeya MAGA, ka baahiyay Soomaalida Minisoota muuqaal borobogaandho ah oo ku
andacoonayo inuu booqday xarumaha lagu daryeelo caruurta oo ay Soomaali
maamulaan. Muuqaalka Nick Shirley
oo soconaya oo 43 daqiiqo oo cinwaan looga dhigay “I Investigated
Minnesota’s Billion Dollar Fraud Scandal”[2]
baa aad ugu faafay baraha-bulshada, gaar ahaan barta X ama hore loogu yiqiin Twitter,
waxaana laga dhex daawaday bartaas in ka badan 138 milyan, waxaana ka
qaybqaatay faafinta muuqaalkaas siyaasiyiinta ugu waa weyn Xisbiga Jamhuuriga
sida: JD Vance iyo Elon Musk iqk. Waxaana laga sii sameeyay muuqaalkaaas
muuqaallo gaagaaban, sawirro iyo kartoon aad u kordhiyay faallaynta iyo hadalhaynt
mowduuca uu daarnaa muuqaalkaas.
Wuxuu ku dooday Nick Shirley inuu daaha-uga-feeday
muuqaalkaasi shabakad xatooyo oo ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid Soomaalida
Minisoota ee maamula xarumo lagu daryeelo caruurta, wuxuuna ku doodayaa in
xarumahaasi iska qaataan lacago iyaga oo kaliya u gudbiya dowladda magacyo caruur
oo beenabuur ah, isaga oo u cuskanaya kaliya inuu arki waayay caruurtaas intii
uu ku gudajiray duubista muuqaalka; waxaana muuqaalka laga dhex arkayaa isaga
oo uu wehliyo ruux kale oo booqanaya xarumo xeran, halka xarumaha qaarna ee
furnaa la arkay iyagoo howlwadeenada xarumahaasi u diideen inuu gudaha u galo,
dhammaadka muuqaalka wuxuu Nick Shirley dusha ka saaraay wixii danbi ah ama gaabis ah ee
ka dhex dhacay xarumahaasi xukuumadda maamul goboleedka Minisoota.
Waxyaabaha qosolka leh ee muuqaalka baahiyay waxaa ka mid
ahaa, ee dadkuna aad uga falceliyeen in xarun ka mid ah xarumahaasi lahayd boor
uu ku qoranyahay magac higgaad ahaan khaldan, waxaana ku qornaa “Quality
Learing Center”, waxaa ka maqan ereyga “Learing” xarafka “n”, waxayna
qoloyoonkii cunsuriyiinta ee fursad gaadka ahaa ka dhigteen gafkaas inuu
caddayn u yahay xatooyada uu Youtuber-ku eedeynayo Soomaalida.
Waa iyaga iyo Allahood, illaa iyo hadda ma jiraan maxkamado
xaqiijiyay eedaha uu Nick Shirley u jeediyay xarumahaasi, taa badalkeeda
Wasaradda Arrimaha Caruurta, Dhalinyarta iyo Qoyska ee Minisoota waxay sheegtay
in baaritaano hordhac ah lagu xaqiijiyay in tobanka xurumood ee ka soo muuqday
muuqaalka inay u shaqaynayeen si dabiici ah, marka laga reebo hal xurun oo
maalintaas xernayd, waxayna wasaaradda ku tilmaantay in muuqaalkaasi sheegayo
eedo aan la xaqiijin saxnaanshahooda wali, sidoo kale suuragal ay tahay in xogta muuqaalkaasi tahay mid marinhabaabin ah[3],
sidoo kale TV ka howlgala gobolka Minisoota oo la dhaho WCCO TV oo sameeyay
baaritaano baa deedifeeyay eedaha qaar ee Nick Shirley u jeediyay
xarumahaasi[4].
Hase yeeshee, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada
Bini’aadamka ee Fadaraalka Maraykanka waxaa la moodaa inay ganbar gaaban ugu
fadhiday Soomaalida ama gobolada dimuqraadiga, waxay markiiba hakisay deeq-lacageedkii
loogu talagalay xarumaha daryeelka caruurta ee gobolka Minisoota.
Muddada sanadka ah ee uu joogo Maamulka Trump wuxuu
qaaday tilaabooyin ka dhan ah Soomaalida hadday yihiin kuwa ku nool gudaha
Mareykanka iyo kuwa ku nool dibaddiisa; waxaana ka mid ah tillaabooyinkii ugu
horreeyay ee uu qaaday in la joojiyo hay’addii USAID oo ahayd deeqbixiyihii ugu
weynaa Soomaaliya, sidoo kale wuxuu maamulkaan ku daray Soomaaliya dalalka aan
soo galikarin dhulka Mareynka, sidoo kale taliska Trump wuxuu baabi’iyay oo ka
dulqaaday Soomaalida Mareykana ku nool ee aan haysan sharciga dalk-ku-joogista
xaalad la yiraahdo “Temporary Protected Status”, xaaladdaas oo u
ogolaanaysay Soomaalidaasi inay dhexjoogaan gudaha Mareykanka, kana
hor-istaagaysay in la tarxiilo. Haddana waxay damacsanyihiin Trump iyo
kooxdiisa inay markaan Soomaalida Mareynkanka dusha u saariyaan eedo aad uga
wayn wixii hore oo ah maalgalinta ururka Alshabaab.
Wasiirka Qasnadda “Maaliyadda” Mareynka, Scott Bessent
baa ku soo qoray bartiisa X taariikhda 02/12/2025 qoraal micnihiisu yahay: “in
wasaaraddiisa baari doonto eeddaha sheegaya in xilligii madaxweyne Joe Biden
iyo gofornatoore Tim Walz loo diray lacagta canshuur bixiyaasha gobolka
Minisoota ururka Alshabaab”.[5]
Sidoo qolooyinka midigta waxay baraha bulshada ku faafiyeen tan iyo dhamaadkii
November 2025 warbixin borobogaando ah oo uu daabacay joornaal ujanjeera
Jamhuuriyiinta oo la dhaho City Journal, waribixintaas oo cinwaankeedu
ahaa: Maalgaliyaha ugu weyn ee ururka Alshbaab waa canshuurbixiyaasha gobolka
Minisoota “The Largest Funder of Al-Shabaab Is the Minnesota Taxpayer”.
Dhinaca kale, Xisbiga Dimuqraadiga oo mar walba garab u ahaa
Soomaalida baa aad uga horyimid arrintaan beenabuurka ah, ee kaliya ku dhisan
nacayb isir iyo foolxumay. Gofornatooraha Minisoota isaga oo ka falcelinaya
arrintaan buu wuxuu dhahay hadal micnihiisu yahay: “ma aha in bulsho dhan la
wada mariyo hal riinji, oo halis la wada galiyo iyada oo aan loo hayn arrintaas
wax caddayn ah”[6]. Sidoo
kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minisoota xilliyadi Obama iyo Biden,
Andy Lugar, baa xoojiyay dooddaas, wuxuuna carabka ku adkeeyay in
Soomaalidii lagu qabtay lunsashada mashruuca quudinta caruurta ee Minisoota
damacsanaayeen inay hantiilayaal noqdaan, balse aysan niyadooda ahayn inay
maalgaliyaan urur argagaxiso ah.
Soomaalida Minisoota sida aysan u wada ahayn tuugo bay sidoo
kalana u wada ahayn dad danbi la’ ama nadiif ah, waxaa xaqiiq ah oo la dafiri
karin oo la xaqiijiyay tiro dad Somaalida Minisoota ah inay ku luglahaadeen kiiisas
musuqmaasuq sida: kiiska Quudinta Caruurta “Feeding Our Futur” ee dhacay
xilligii karoonaha (COVID-19) oo ilaa iyo hadda la xukumay 62 qofood oo u badan
Soomaali[7].
Waxaa kale oo lagu heley sanadkii tagay 2025 dhexdiisa laba ruux oo Soomaali ah
xatooyo xoolo, waxayna lunsadeen qandaraas ay ku qaateen daryeelidda caruurta
qabta cudurka Autisim “Autism Program”. Sidoo kale waxaa hadda dacwaddoodu
socotaa dad Soomaali u badan oo lagu soo eedeeyay lunsasho hanti oo ka qaatay
qandaraasyo mashruuc la juujiyay oo lagu magacaabi jiray Mashruuca Gurisiinta
Dadka Tabaaleysan “Housing Stabilization Service”. Waana suuragal inay
soo baxaan mustaqbalka kiisas kale oo hor leh, oo dad Soomaali ah qayb ka
yihiin.
Walow kiiska lunsashada lacagta quudinta caruurta ee
Soomaalidu qayb ka ahayd xilligii karoonaha uu yahay kiisaskii ugu waa weynaa marka
la eego xaddiga lacagta la lunsaday, lacag dhan 250 milyan, haddana lama dhihi
karo falka lunsashada lacagta canshuurbixiyaasha waa dhaqan ku koobno Soomaalida
Minisoota oo kaliya, run ahaantii waa faldanbiyeed ku faafsan gobolada
Mareykanka, waxaana qayb ka noqdeen dad ka soojeedo isirro kala duwan, waxaana
tusaale ugu soo qaadan karnaa kiiska “Karnezis
brothers PPP loan scam” oo ka dhacay gobolka Arizona, laguna
lunsaday lacago dhan 109 milyan; kiiska “COVID-testing fraud” oo ka
dhacay gobolka Illinois, laguna lusaday lacag gaareyso 83 milyan; kiiska
“Recycling companies' fake PPP loan ring” oo ka dhacay gobolka Texas,
laguna lunsaday lacag markay ugu yartahay lagu qiyaasay 53 milyan; kiiska “California
PPP fraud scheme” oo ka dhacay gobolka California, laguna lunsaday
lacag dhan 27 milyan[8];
kiisaskaasi iyo kuwo kale oo badan midna
kuma aysan lugyeelan Soomaali.
Dhawaan taariikhda 02/01/2026 waxaa lugu daabacay joornaalka The
Wall Street Journal qoraal cinwaan looga dhigay “Minnesota Isn’t the
Only Magnet for Welfare Malfeasance”[9],
qormadaan oo ahayd mid aragtiyeed wuxuu qoraagu ku lafoguray musuqmaasuqa ka
jira xafiisyada duqa iyo gofornatooraha New York, wuxuuna qoraagu
dhiraandhiriyay in xatooyada xoolaha ku ekayn gobolka Minisoota oo kaliya, kana
jirto gobollo kale sida gobolka New York. Dhacdooyinka uu xusay qoraagu waxaa
ka mid ah in duqii hore ee magaalada New
York, Eric Adams siiyay qandaraas dhan $432 milyan shirkadda DocGo si ay ugu sameyso guryo dadka magangalyo
doonka ah, iyada oo shirkaddaasi aysan galin wax tartan ah, sidoo kalana aysan
lahayn wax khibrad hore oo la xiriirta dhisidda guryaha degdeg ah, balse laba bilood
ka dib markii ay shirkaddaasi qandaraaska qaadatay waxay baarayaashu ogaadeen
in lacagtii labadaas bilood loo fasaxay shirkaddaasi oo dhamayd 13.8 milyan in
11 milyan oo ka mid ah aysan caddayn sidii ay u adeegsatay, hase yeeshee markii
uu heley xogtaasi duqii magaalada New York ee xilligaasi joogay wuxuu ku
adkaystay in shaqada shirkaddaasi sii socoto. Sidoo kale wuxuu qoraagu xusay in
baaritaano ay sameysay waaxda baaritaanada ee isla xafiiska duqa New York
ogaatay dhammaan 51 hay’ad ee qandaraas ka qaatay xafiiska duqa New York inay 1
mar sameeyeen gaf, halka 80% hay’adahaasi ugu yaraan 3 jeer galeen gaf. Wuxuu
kale uu qoraagu sheegay in gofernatooraha gobolka New York, Kathy Hochul,
iyaduna siisay qandaraas ku kacaya 600 milyan shirkad uu leeyahay ruuxii ka soo
qaybqaatay ololaheedii doorashada, shirkaddaas oo aanan marin wax tartan
ah.
Malaha xaaladda musuqa ee Mareykanka waxaa soo koobeysa
maahmaahdii reer Xamarka ay ahayd “digaagu waa wada cunaa saxarada, balse
aftirasho is dheeryihiin!”.
Haddaba maxaa keenay in warbaahinta iyo siyaasiinta Xisbiga
Jamhuuriga diiraddasaaraan kiiska musuq Soomaalida Mareykanka?
Warbaahinta taageerta Xisbiga Dimuqraadiga baa ku tilmaantay
in ololahaani lagu foolxumeynayo Soomaalida yahay mid siyaasadeysan oo laga
leeyahay dano siyaasadeed, waxyaabaha la xusayna waxaa ugu cadcad in Xisbiga
Jamhuuriga rabo inuu ka saaro gobolkaasi oo ay ka dhici doonta doorasha
gofernatoorihiisa Novermber 2026 gacanta dimuqraadiyiinta oo ka talinayay
gobolkaas tan iyo 2011[10],
iyada oo loo dhexmarayo in la yareeyo taageerada bulshada gobolkaasi u hayaan Tim
Walz oo loo badinayay inuu isa soo sharaxo kal 3aad, hase yeeshee taasi
hadda meesha waa ka baxday oo wuxuu Tim Walz sheegay taariikhda
05/01/2026 inuusan isa soo sharixi doonin jagada governatooraha kal danbe.
Sidoo kale waxaa sanadkaan dhammaadkiisa dhici doonta
doorashada dhex oo la dooran doono dhammaan wakiillada Aqalka Hoose ee Mareykanka
iyo qaar ka mid ah wakiilada Aqalka Sare ee Mareykanka, sidaas aawadeed waxay u
egtahay in suurad xumayta Soomaalida qayb ka tahay ololaha doorashooyinka
Mareykanka ee aayar-aayra ku socda, sidoo kale waxaan la fogeyn karin in
ololahaani wixii xun Soomaali baa leh la leeyahay inuu qayb ka yahay hab looga
leexiyo bulshaweynta Mareynkanka arrimo kale oo ay waaydaan ku howlanaayeen
sida fadeexadda Jeffrey Epstein iyo doodda ka taagan faragalinta
Israa’iil siyaasadaha gudaha Mareykanka oo tan iyo dilkii Charlie Kirk
isa soo taraayay.
Trump iyo kooxdiisa waxay u bartilmaamaydsanayaan Soomaalida
Ameerica oo ka matalaysa bulshada dalkaas boqolley aad u yar (qiyaastii ka yar
0.08%) waa miskiin baa misko la fuulo leh, maadaama ay ogyihiin in dadkaasi aysan
ka danbayn dowlad xoogan waxaa la qumanaatay inay ku kaarto baxaan [scapegoat] oo
wixii fashil siyaasadeedna ee
maamulkooda soo waajahana ku qariyaan bahdilidda Soomaalida, iyaga oo tusinaya
codbixiyaashii soo doortay inay socoto shaqadii loo doortay oo ahayd yareynta
soogalootiga iyo balanqaadayadii kale.
Gunaanadkii, Soomaalideena ku sugan gudaha Soomaaliya ama
daafaha caalamka annaga bay teena na cuslaysay oo waxaaba iska yar intaan u
qaban karno Soomaalida ku nool carro Mareykan, hase yeeshee waxaan awoodnaa markay
ugu yartahay inaan ka qaybqaadano oo ka hortagno ololaha ka socda baraha
bulshada ee ku dhisan isir nacaybka ee lagu xumaynayo isirka Soomaaliga.
[1] Tucker
Carlson on the Somali Invasion and the Self-Loathing Ideology Destroying
America. By: Tucker Carlson. Date: 18/12/2025. (https://www.youtube.com/watch?v=IC_4mzDIT4M&t=2202s).
[2] I
Investigated Minnesota’s Billion Dollar Fraud Scandal. By: Nick Shirley. Date:
26/12/2025. (https://www.youtube.com/watch?v=r8AulCA1aOQ&t=2s).
[3] Minnesota
child care centers accused of wrongdoing were operating as expected, report
says. By: Rebekah Riess and Ray Sanchez. Date: 03/01/2026. (https://edition.cnn.com/2026/01/02/us/minnesota-child-care-centers-fraud-investigation).
[4] Minnesota
Fraud Scandal Challenges Gov. Tim Walz’s 2026 Re-Election Bid. By: John
McCormick. Date: 02/01/2026. (https://www.wsj.com/politics/policy/minnesota-fraud-scandal-challenges-gov-tim-walzs-2026-re-election-bid-0ca28dc9).
[6] Treasury
investigating whether Minnesota welfare money went to Somali terror group al
Shabaab, Bessent says. By: Joe Walsh.
Date: 03/12/2025. (https://www.cbsnews.com/news/treasury-investigating-minnesota-somalia-al-shabaab-bessent-says/).
[7] Everything
we know about Minnesota's massive fraud schemes. By: Jonah Kaplan and Joe Walsh.
Date: 05/01/2026. (cbsnews.com/news/minnesota-fraud-schemes-what-we-know/#:~:text=Even%20before%20the%20video%20spread,with%2062%20convicted%20—%20and%20counting).
[8] Minnesota
fraud case is biggest among many multimillion-dollar pandemic scams. Here are
the 10 most costly. By: John Kelly. Date: 11/12/2025. (https://www.cbsnews.com/news/minnesota-fraud-case-biggest-pandemic-scams/#:~:text=Outside%20the%20Minnesota%20case%2C%20the,%24109%20million%20and%20%2463%20million.).
[9] Minnesota
Isn’t the Only Magnet for Welfare Malfeasance. By: Kate Farmer. Date:
02/01/2025. (https://www.wsj.com/opinion/minnesota-isnt-the-only-magnet-for-welfare-malfeasance-76ba455e).
[10] Minnesota
Fraud Scandal Challenges Gov. Tim Walz’s 2026 Re-Election Bid. By: John
McCormick. Date: 02/01/2026. (https://www.wsj.com/politics/policy/minnesota-fraud-scandal-challenges-gov-tim-walzs-2026-re-election-bid-0ca28dc9).
Comments
Post a Comment