𝗧𝗔𝗔𝗥𝗜𝗜𝗞𝗛𝗗𝗨 𝗠𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗠𝗥𝗜𝗗𝗢!
Qormadaan koobani waxaan ku soo bandhigeynaa sooyaalka ruux burburiyey sumcaddiisii wanaagsaneyd, tacabkiisiina ka dhigey hal bacaad lagu lisey, kalgacalkii loo hayayna u rogey naceyb iyo sumcadbeel, ruuxa aan ka hadleyno waa Ulysses Grant oo noqdey madaxweynihii 18aad ee Mareykanka, xilkana soo hayay muddo siddeed sano eh, sanaddadii 1869 – 1877. Grant wuxuu door mug leh ka qaatay soo afjaridda dagaalkii sokeeye ee Mareykanka oo ahaa dagaal ba’an oo aad loogu halligmay, ku dhinteen dad kor u dhaafaya 600,000 qof; wuxuuna guulo waa weyn u soo hoyey dowladda dhexe ee Mareykanka oo u dagaalmeysay qaddiyadd akhlaaqi eh (adddonsiga in la joojiyo), taas oo dhaxalsiisey howlwadeenadii iyo saraakiishii dagaalka sida Grant inay helaan taageero baaxad leh. Haddaan dib u jaleecno sooyaalka dagaalkii Sokeeye ee Mareykanka (1861 - 1865) halka uu Ulysses Grant ka soo dhexbexay, magaca iyo taageeradana ka kasbadey. Dagaalka sokeeye ee Mareykanku wuxuu bilowdey ka dib markey soo ifbaxeen olole ...