𝗧𝗔𝗔𝗥𝗜𝗜𝗞𝗛𝗗𝗨 𝗠𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗠𝗥𝗜𝗗𝗢!
Qormadaan
koobani waxaan ku soo bandhigeynaa sooyaalka ruux burburiyey sumcaddiisii wanaagsaneyd,
tacabkiisiina ka dhigey hal bacaad lagu lisey, kalgacalkii loo hayayna u rogey naceyb
iyo sumcadbeel, ruuxa aan ka hadleyno waa Ulysses Grant oo noqdey
madaxweynihii 18aad ee Mareykanka, xilkana soo hayay muddo siddeed sano eh,
sanaddadii 1869 – 1877.
Grant
wuxuu door mug leh ka qaatay soo afjaridda dagaalkii sokeeye
ee Mareykanka oo ahaa dagaal ba’an oo aad loogu halligmay, ku dhinteen dad kor
u dhaafaya 600,000 qof; wuxuuna guulo waa weyn u soo hoyey dowladda dhexe ee
Mareykanka oo u dagaalmeysay qaddiyadd akhlaaqi eh (adddonsiga in la joojiyo), taas
oo dhaxalsiisey howlwadeenadii iyo saraakiishii dagaalka sida Grant inay
helaan taageero baaxad leh.
Haddaan
dib u jaleecno sooyaalka dagaalkii Sokeeye ee Mareykanka (1861 - 1865) halka uu
Ulysses Grant ka soo dhexbexay, magaca iyo taageeradana ka kasbadey.
Dagaalka sokeeye ee Mareykanku wuxuu bilowdey ka dib markey soo ifbaxeen olole
ku baaqaya in la laalo addoonsiga, sidoo kalna talada dal weynaha Mareykanka la
wareegey madaxweyne rumeysan aragtidaas Abraham Lincoln; halka gobollada
koonfureed oo ku tiirsanaa waxsoosaarka cudbiga ka horyimaadeen ololahaas iyagoo
u arkey inuu lid ku yahay dhaqaalahooda oo ku tiirsanaa addoomada cudbiga
beera.
Kadibna,
waxaa gooni-ugoosad ku dhawaaqey gobolladii koonfureed, sidaas buuna dagaalkii
ku qarxey; waxaana iska horyimi waqooyiga oo eh dowladda federaalka Mareykanka
(the Union) iyo koonfurta oo eh gobooladdii go’ay oo ku midoobey dallad
ay u la baxeen Koonfedraal (the Confederacy).
Abraham
Lincoln bilowge hore dagaalka, wuxuu u magacaabey Report Edward
Lee hogaamiyaha guud ee ciidanka federaalka, hase ahaatee Report Lee
wuxuu iska casiley xilkii ka dib markuu ogaadey in gobolkiisa uu ka mid yahay
gobolladii go’ay, wuxuuna dhinac kale uga soojeestey dagaalkii wuxuuna hogaamiye
u noqdey ciidankii Koonfederaalka. Dabadeedna, wuxuu Lincoln u
magacaabey janaraal George McClellan Taliyiha guud ee ciidanka; mudd
laba sano uu ahaa taliyaha guud ee ciidanka wuxuu McClellan lagu dhaleeceyn
jirey fuleynimo iyo u dhimrid badan, taasoo ugu danbeyntii galaafatay xilkiisa.
Docda
kale, intuu xilka hayey McClellan uu la rafaadayey jabhadda bari, waxaa
galbeedka Mareykanka wacdarro ka dhigey taliye unug oo soo hoyey guulo waa weyn,
baaba’shayna difaacyo, qalcado iyo magaalooyin ay ka talinayeen ciidankii Koonfedraalka;
halyeeygaasi waa Ulysses Grant oo sumcaddii uu kasbadey ku dallacay oo
ugu danbeyntii booska ka tuurey MacClellan.
Ulysses
Grant wuxuu gabi-ahaanba baddeley markii loo magacaabey taliyaha
guud ee ciidanka istraatiijiyaddii dagaalka ee taliyihii ka horreeyey ku
hawlgalijirey ee ku dhisneyd ka baaraandagid iyo dhimrid, wuxuu la soo baxey
qorshe qallafsan oo qar-iskatuurnimo eh, ugu danbeyna waxaa qorshihii ku jabay
oo isdhiibey ciidankii Koonfedraalka ka dib markey la kulmeen khasaaro aysan ka
soo kaban karin.
Guushii
dagaalkii sokeeye waxaa sumcad ku heley Madaxweyne Abraham Lincoln iyo
Taliyihiisii Ulysses Grant; hase ahaatee Lincoln waxaa la diley
laba maalin ka dib markey saxeexeen Koonfedraalku hishiiskii isdhiibidda,
isagoo u dabaaldagaya guusha taariikhiga ee ciidankiisu gaareen. Halka, Ulysses
Grant noolaadey, heley fursad uu isku soo sharrexo xilka madaxweynaha, kuna
guuleystay xilkaas laba jeer oo isxiga.
Ayaandarradu
waxey tahey in Abraham Lincoln yahay halyeey qaran oo shacabka
Mareykanku wada maamuusaan; aalaaba wax laga qoro, sida sheekooyink, filimo,
farshaxanno, halka Ulysses Grant oo ahaa halyeey dagaal iyo madaxweyne
siddeed sano soo taliyey yahay qof la hilmaamey. Iskaddaa Ulysses Grant in
lala barbardhigo Abraham Lincoln ee waxaa maanta ka taageero iyo
qaddirin badan horjoogayaashii Koonfedraalka, oo u dagaalamayey qaddiyad lid ku
eh akhlaaqda, haddana waxey heystaan taageero iyo caadifad gobollada koonfureed
ee Mareykanka, uusan ka heysan Ulysses Grant gobollada waqooyi, ogsoonow
Grant wuxuu u dagaalmay qadiyad sharafta iyo karaamada bini-aadamka kor u
qaadeysa.
Haddaba
xaggee cuqubadu ka heysataa Ulysses Grant? Grant wuxuu sumcad
beeley intuu ahaa madaxweynaha, wuxuuna maamulkiisii ku caanbaxey musuqmaasuqa
iyo fadeexadooyin isxigxiga. Wuxuuna gaarey heer taariikhyahannada qaar ku
tilmaamaan madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badanaa ee soomara sooyaalka Mareykanka.
Waxaa
ka mid eh fadeexadihii dhacey xilligiisii, tiro wasiiradiisa ka mid eh in lagu
eedeey iney laaluush qaateen sida wasiirkii dagaalka, wasiirkii badda iyo
wasiirkii arrimaha gudaha, sidoo kale Ulysses Grant laftirkiisa waxaa
lugu eedeeyey inuu qaraabadiisa qaar sida walaalkii Orvil ku daray
liiska shaqaalaha mushaarka qaata iyagoo shaqaale aheyn. Waxa kale uu
sakrateerkiisa ku lug lahaadey fadeexad saraakiisha qaar ku dhimayeen dakhaliga
dawladda ka soo gala canshuurta badeecadaha qaar.
Dadka
u qiilraadiya Ulysses Grant waxey ku tilmaamaan inuu ahaa nin daacad eh,
se ku meegeeranyihiin tuugo iyo munaafiqiin, foolxumana u soo jiidey
taliskiisii. Waa isla qiilkii loo raadiyey Richard Nixon ka dib markuu
ku lug lahaadey fadeexaddii caanka aheyd ee Watergate. Waxaa kale oo
qiilkaas aad u adeegsado Soomaalida, oo kolba hoggaamiyaasha ay taageeraan ku
difaaca.
Carabta
waxey ku maahmaahdaa markey arkaan laba xaaladood oo isu eg [u ekaa habeenka
kan xaley; ما اشبه
الليل بالبارحة]; sooyaalka siyaasiin badan oo dalkeena soomarey
iyo kuwa hadda jooga baa si igula eg sooyaalkaa Grant; waxaa dalkeena
soomerey siyaasiin bilowgii waxqabad lahaa sumcad ku lahaa bulshada se gadaal
ka burburiyey wax kasto oo ay soo dhiseen, maantana loogu abtiriyo burburkii
dowladnimada Soomaaliya.
Walina,
waxaa saaxadda siyaasadda joogo siyaasiin sumcad lahaan jirey, ka mid ahaa aasaasayaashii
waxbarashada iyo horjoogayaashii hay’adaha samafalka iyo ururuda diiniga,
laakin ku sumcadbeelay inay faraha lagaleen howlo sharci darro eh, sida
dhul-boobid, hanti-boobid, darooggo iyo qaad ka macaashid.. iqk.
Taariikhdu
ma dhimridu, ma daboosho foolxumada, daah ma saarto ceebaha, sidaa si la mid eh
samaha ma dafirto, waxqabadka ma inkirto; ninba wuxuu hormarsado bey soo
bandhigtaa; “ninkii timir abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba, taariikhdu waa
warin!”
FG: waxaan qormadaan ku faafiyay mareegta Raadreeb: https://raad-reeb.com/taariikhdu-ma-dhimrido/
Comments
Post a Comment