Qorrax Soo Baxday Sacabo Lagu Ma Qarin Karo: Ma Qarsoomayaan Dambiyada Ay Imaaradda Abu Dhabi Ka Gashay Umadda
W/Q: Axmed Cusmaan Al-Tuweyjiri W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Okiyaale” Tan iyo markii uu bilowday khilaafka u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka ee koonfurta Yemen ee la ogaaday siyaasadaha Abu Dhabi ee ka dhanka ah danaha Sucuudiga, waxay si doqonnimo leh u bilawday warbaahinta Abu Dhabi inay suurad qurxiyaan walax aan quruxsameyn, iskuna dayaan daboolidda xaqiiqooyin cadcad oo muuqda, laakiin marna dhici mayso inay qoraxda ku qariyaan sacbahooda, si kasta oo ay u dadaalaan. Qorraxda xaqiiqada ayaa ah tan kala saarta xumaanta iyo wanaagga, khiyaanada iyo ammaanada, beenta iyo runta; waxayna qoraxdaasi qaawisay oo ceebtood dibadda keentay shirqoolwadayaashii, waxayna daaha ka feeday baaxadda dambiyada ay ka galeen umadda. Sidoo kale qoraxdaasi waxay si cad oo aan mugdi ku jirin u muujisay inay yihiin gudin lagu gooyo umadda iyo duul la bahoobay cadawga ummadda si ay u fuliyaan qorshayaasha lagu kala qaybinayo dalalka Carabta, gaar ahaan kuwooda waaweyn, looguna bedde...