𝗗𝗜𝗘𝗚𝗢 𝗚𝗔𝗥𝗖𝗜𝗔.. 𝗝𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗨𝗨 𝗠𝗔𝗥𝗘𝗬𝗞𝗔𝗡𝗞𝗨 𝗨𝗚𝗔 𝗗𝗨𝗨𝗟𝗟𝗢 𝗕𝗔𝗥𝗜𝗚𝗔 𝗗𝗛𝗘𝗫𝗘
W/Q: Miirfit Cowf
W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Okiyaale”
Bishii Febraayo 2026, doon yar oo alwaax ah ayaa ku
soo xiratay xeebta jasiiradda Île du Coin oo ku taal bartamaha Badweynta
Hindiya, waxayna sidday afar nin oo u soo safray inay ku laabtaan dhulkoodii
hooyo. Markii ay xeebta u soo dhawaadeen oo ay u jireen dhowr mitir, waxay arkeen
qubmo firirsan jiho kasta, muuqaalkaas oo xasuusisay sheekooyinkii ay
aabayaashood uga warrami jireen dhulkooda ka hor inta uusan Ingiriisku ka barakicin
halkaas muddo laga joogo nus qarni, balse saameynteedu weli taagantahay ilaa iyo
maanta; waxaana lugu tiriyaa jasiiradaha Chagos ama arkhabiilka Chagos
meelaha uu ku sii danbeeyo gummeysigii Ingiriiska.
Afartuba waxay ogaayeen in safarkoodu khatar badan
leeyahay oo u badantahay in ciidamada Ingiriiska ka soo musaafurin doonaan
jasiiraddaas sidii ay kol hore uga musaafuriyeen jasiiradaha Chagos aabayaashood,
si ay dhammaan jasiiradahaasi uga shaqeeyaan danta saldhigga milatari ee ku
yaala jasiiradda Diego Garcia oo ku taalo cirifka koonfureed ee jasiiradahaas.
Myslee Mandarin oo hoggaaminayay safarka dib-u-laabashada, ahna ruux ku
dhashay jasiiradaha Chagos, ayaa la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in
soo laabashadoodu aysan sinaba khatar ugu ahayn saldhigga, ayna rabaan inay la
noolaadaan saldhiggaas.
Kaliya Ingiriiska iyo dadka reer Chagos isku ma
haystaan milkiyadda jasiiradahaasi, sidoo kale waddanka Mauritius ayaa u
arka in taariikh ahaan raacsanaayeen jasiiradahaasi; arrintaas oo ugu danbeyn
Ingiriisku qiray sanadkii hore, waxaana hadda socda hannaanka wareejinta
madaxbannaanida jasiiradahaasi, loogu wareejinayo Mauritius. Heshiiska
ay ku heshiiyeen Ingiriiska iyo Mauritius ayaa u oggolaanaya dadka reer
Chagos ee rabay inay ku laabtaan dhulkooda hooyo inay degi karaan jasiiradaha Chagos
marka laga reebo jasiiradda Diego Garcia, jasiiraddaas oo saldhig u
ahaan doonta Ingiriiska iyo Mareykanka muddo 99 sano. Wuxuuna heshiiskaan
madax-xanuun ku riday qayb ka mid ah bulshada reer Chagos oo ka soo
horjeeda ku biiridda Mauritius, iyagoo doorbidaya inay ku laabtaan
dhulkooda, dushana uu ka maamulo Ingiriiska, isaga oo ah maamulkii ka musaafuriyay
dadkaasi dhulkooda muddo nus qarni ka hor!
Sanaddii 1966 waxaa heshiis qarsoodi ah ku saxiixday
safaaradda Mareykanka ee ku taala magaalada London dowladaha Ingiriiska
iyo Mareykanka; wuxuuna ku tilmaamay mid ka mid ah saraakiishii goobjoogga ahaa
heshiiskaas inuu ahaa mid madmadow badan ku hareereysnaa. Wuxuuna heshiiskaasi u
oggolaanayay Washington inay ka dhisto saldhig ciidan jasiiradda Diego
Garcia oo ku hoos jirta gummeysiga Ingiriiska, waxaana degenaa 2,000 oo qof
oo loo yaqaanno dadkii Chagos “Chagossians”, kuwaas oo loogu
magac daray jasiiradaha Chagos oo ay Diego Garcia qayb ka tahay.
Wuxuuna ingiriisku ugu badashay Mareykanka
saldhiggaasi inuu u sameeyo qiimodhimis gaaraysa 14 milyan oo doollar oo laga
jaray lacagta gujisyada nukliyeerka ee Polaris ee uu ka gadanayay
Mareykanka. Waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in laga raro dadkii degenaa arkhabiilkaasi,
loona raro jasiirado kale oo ku yaal Badweynta Hindiya si loo hirgaliyo
saldhigga. Lixdameeyadii, waxay u muuqatay qorraxda gummeysiga inay ka sii
dhacayso dunidu, hase yeeshee qorraxdaasi waxay figtii ugu sarreysay u joogtay
jasiiradda Diego Garcia, xilligaas uu Ingiriiska reebay inuu dib ugu soo
laabto jasiiraddaas ruuxii safar caafimaad ama mid socdaal uga baxa oo aada
dhanka Mauritius.
Intaas ka dib, Ingiriisku wuxuu bilaabay inuu xaddido raashinka
iyo daawooyinka soo gaaraya jasiiradaha Chagos, isagoo ugu dan leh inuu
cadaadis saaro dadka degen jasiiradahaasi si ay uga baxaan. Sanaddii 1971
ciidanka Mareykanka ayaa bilaabay dhismaha saldhigga, waxayna ka codsadeen
dowladda Ingiriiska inay gabi ahaan musaafuriso dadkii ku bixiwaayay
cadaadiska; halkaas waxaa ka bilaabmay cutubka ugu madoobaa taariikhda jasiiradahaasi,
ka hor intaan la tarxiilin dadkaasi, waxaa lagu hor gowracay xoolahoodii, ka
dibna waxaa looga saaray dhulkooda sifo xoog ah, intii u dhaxeysay 1971 ilaa
1973, iyagoo loo daabulay dalalka Mauritius iyo Seychelles.
Dabayaaqadii toddobaatanaadkii buu Ingiriisku bilaabay
inuu qirto dambiga uu ka galay dadkaasi, wuxuuna magdhow ahaan u siiyay $6,000 dhibbane
kaste oo xoog looga soo raray dhulkiisa; lacagtaasina waxay ahayd mid aad u yar
oo aan waxba ka beddelin nolosha dadkaasi oo ka sii dartay ka dib markii laga
musaafuriyay dhulkoodii hooyo. Sidaadsna waxay jasiiradahaasi ku noqdeen kuwo
haawanaya oo nafar bini’aadan ah ku nooleyn, marka laga reebo ciidamada Mareykanka
iyo Ingiriiska ee la wareegay. Ahmiyadda jasiiradahaasi waxay kor u kaceen
xilligii Dagaalkii Qaboobaa, xilligaasi oo uu Mareykanku ku howlanaa inuu ka
hortaggo Midowgii Soofiyeeti oo gacansaar la lahaa tiro waddamo Afrikaan iyo Eeshiyaan
ah oo ku teedsan Badweynta Hindiya.
Jasiiradda Diego Garcia waxay dhacdaa bartamaha
Badweynta Hindiya, waxayna dhulbaraha ka xigtaa koonfur; waddanka ugu dhow waa
jasiiradaha Maldives oo dhanka waqooyi ka xiga, halka Hindiya ay ka
xigto dhanka waqooyi-bari, dhanka koonfur-galbeed waxaa ka xigto jasiiradda Mauritius.
Wax badan kama naqaanno jasiiraddaasi ka hor qarnigii 16-aad oo ah xilligii uu
Boortaqiisku cagaha saaray jasiiraddaasi, xitaa waxaa u bixiyay magaca ay hadda
leedahay sahamiyihii Boortaqiiska ahaa ee Diego Garcia de Moguer, bartimihii
qarnigaasi, isaga ayaana isugu magacdaray.
Jasiiraddu waxay ahaan jirtay mid aan la degganayn
ilaa laga soo gaaro dhammaadkii qarnigii 18-aad, markaas oo ay soo degeen dad
Faransiis ah oo ka yimid jasiiradda Mauritius oo xilligaas Faransiisku
ka talinayay. Laakiin saamayntii Faransiisku ma raagin; ka dib kacdoonkii
Faransiiska iyo dagaalladii Napoleon, Ingiriiska ayaa kala wareegay
jasiiraddaas; wuxuuna dusha ka maamulayay addoomadii Afrikaanka ahaa ee uu hore
u keenay Faransiiska jasiiraddaasi, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsanayd beeraha
qumbaha.
Lixdameeyadii qarnigii tagay markii uu
Ingiriisku bilaabay inuu dib uga baxo waddamadii Afrikaanka ee uu gumeysanayay,
wuxuu ku haray jasiiraddaas isagoo u arkayay inay tahay goob istaraatiiji ah; wuxuuna
ka dhisay jasiiraddaas dhabbe ay diyaaraduhu ku degaan intii uu socday
Dagaalkii 2aad ee Adduunka. Sannadkii 1965-tii, London waxay go'aansatay
inay jasiiradaha Chagos ka goyso Mauritius, intaas ka dibna waxay
bilowday hawlgalkii barakicinta ee aan kor ku soo xusnay iyadoo la kaashanaysa Washington.
Kacaankii Iiraan ee 1979-kii wuxuu Washington
iyo xulafadeeda ku abuuray warwar ay ka qabaan in taliska cusub ee Iiraan uu
xiro marin-biyoodka Hurmuz haddii ay diriraan, cabsidaas darteed wuxuu ciidanka
Mareykanku gudagalay xilligaasi ballaarinta xarumaha milateri ee jasiiradda. Ka
dib burburkii Midowga Soofiyeeti, waxay Washington u aragtay in khatartii
Ruushka ee gobolka meesha ka baxday, halka ay u aragtay in khatarta Iiraan wali
taagan tahay, taas oo ah sababta ay Washington ugu aragto in saldhiggu
muhiim wali u yahay.
Wuxuu Mareykanku si xooggan u adeegsaday saldhigga kan
xilligii uu socday duulaanadii uu ku qaaday Afgaanistaan iyo Ciraaq. Sidoo kale
wuxuu saldhiggaas adeegsaday bishii Juun 2025, xilligaas oo Mareykanku duqeeyay
Tehraan, sidoo kale wuxuu Mareykanku rabay inuu adeegsado saldhiggaas bishii
Febraayo ee sanadkaan 2026, balse Ingiriiska ayaa bilowgii ka hor istaagay,
arrintaas oo dhalisay carada Donald Trump.
Ka dib is-hortaagga Ingiriiska, wuxuu Mareykanku ku
qasbanaaday inuu adeegsado badalka saldhiggaasi maraakiibtiisa diyaaradaha
xambaara, wuxuuna ku qasbanaaday in ciidankiisa cirka ay duulaan saacado
dheeraad ah si ay u gaaraan hawada Iiraan ayna u fuliyaan weeraro milateri.
Inkastoo Ingiriisku markii dambe u oggolaaday Washington inay saldhigga
u isticmaasho “ujeeddooyin difaac oo keliya”, haddana tani ma ahayn markii ugu
horreysay ee Washington ay ka carooto maamulka Ingiriiska ee Diego
Garcia.
Sanadkii 2019-kii waxaa ku dhacay isbeddelka
taariikhiga kiiska jasiiradaha Chagos, xilligaas oo Maxkamadda
Caddaaladda Adduunka (ICJ) ay soo saartay xukun talo-bixin ah oo u hiilinaya
dalka Mauritius. Wuxuuna xukunkaasi ku qasbay London in sanaddii
2022 ay la yeelato Mauritius wadahadallo la xiriira jasiiradaha Chagos,
kuwaas oo ku soo dhammaaday bishii Meey 2025 Heshiiska Chagos; heshiiskaas
oo uu Ingiriisku uga tanaasulay madax-bannaanida jasiiradahaasi Mauritius,
iyadoo lagu daray heshiiskaas shardi dammaanad qaadaya jiritaanka saldhigga Diego
Garcia.
Inkastoo Ingiriisku uu shardi uga dhigay oggolaanshaha
Washington isbeddel kasta oo lagu sameynayo xaaladda sharci ee
jasiiraddaas, haddana mowqifka madaxweyne Donald Trump wuxuu ahaa mid
is-bedbeddelaya; bilowgii wuxuu ku tilmaamay heshiiska Ingiriiska iyo Mauritius
“guul weyn”, hase yeeshee wuxuu si degdeg ah uga laabtay hadalkaas, isaga oo ku
tilmaamay mar danbe inuu yahay “astaan daciifnimo”,
“falkii ugu doqonsanaa”, iyo “tanaasul sabab la'aan ah oo laga sameeyay goob
muhiim ah”. Balse Ingiriisku wuxuu u fasirtay isbeddelka mowqifka Trump
inuu yahay cadaadis diblomaasiyadeed, oo uu Mareykanku uga gol leeyahay inuu
meesha ka saaro taageerada Ingiriisku u haayo gooni-isu-taagga Greenland
oo uu Ingiriisku u arko inay xoojinayso saameyntiisa Cirifka Waqooyi (Arctic),
halka arrintaas ay ka careysiinayso Washington oo u aragta in taageerada
madaxbannaanida Greenland ay tahay mid wiiqaysa dadaallada ay ku
doonayso inay kula wareegto Greenland.
Laakiin dhab ahaantii arrintu way ka qotodheer tahay
khilaafka ku saabsan taageerada Greenland; waayo? Ka hor intuusan
bilaaban dagaalka Mareykanka iyo Iiraan, Washington waxay u aragtay
heshiiskaas inuu khatar ku yahay amnigeeda qaranka, gaar ahaan halis ku yahay
istiraatiijiyaddeeda fog ee ay kaga hortageyso Shiinaha. Waxayna ku doodeen
xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga in madax-bannaanida jasiiraddaasi ay tahay
dammaanadda keliya ee lagu ilaalin karo saldhigga Diego Garcia, haddiise
laga tanaasulo madaxbanaanidaasi inay koobnaan doonaan hawlgallada milateri ee saldhiggaasi
ku dhaqaaqi karo mustaqbalka. Waxaana laga yaabaa inay taasi tahay sababta ku qasabtay
Ingiriiska inay ku la heshiiso Mauritius in jasiiradda Diego Garcia
ahaato mida kaliya ee aan loo oggolayn inay dadku ku soo laabtaan.
Saldhiggaan ay wada maamulaan Ingiriiska iyo Mareykanku
waa dhisme milateri oo aad u ballaaran, kaas oo lagu qalabeeyay nidaamyada
difaaca ee ugu xooggan; wuxuuna leeyahay kaabayaal isgaarsiin oo ku xiran
dayax-gacmeedka, sidoo kale wuxuu leeyahay kaabayaal ay adeegsadaan maraakiibta
dagaalka iyo deked leh biyo qoto dheer oo ay ku soo xiran karaan maraakiibta
xambaara diyaaradaha, iyo dhabbe diyaaradeed oo aad u dheer oo ay adeegsan
karaan diyaaradaha waa weyn ee xambaara banbooyinka culus.
Waxay Washington u aragtaa saldhiggan tiir muhiim
u ah amniga caalamiga iyo ka hortagga khataraha murugsan, sida amniga tamarta
iyo la-dagaallanka argagixisada; waxayna u isticmaashay saldhiggaas sanadadii
ugu danbeeyay hawlgallo iyo duqaymo milateri oo tira badan, tusaale Dagaalkii
Labaad ee Khaliijka (1990-1991) wuxuu Mareykanku ka soo ganay saldhiggaasi ugu
yaraan 80% dhammaan gantaalladii la adeegsaday dagaalkaas, sidoo kale wuxuu
adeegsaday saldhiggaas dagaalladii Afgaanistaan iyo Ciraaq, iyo hawlgalladii u
dambeeyay ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta.
Waxayna Washington ku dadaashaa inay ku
qalabeyso saldhiggaan hubkeeda ugu casrisan, bishii Abriil ee 2025 waxay geysay
saddex meelood oo meel (1/3) ka mid ah diyaaradaha qarsoodiga ah ee nooca B-2
Stealth Bombers. Waxaana ku sugan saldhigga kan 2,500 askar ah oo u badan
Mareykan iyo tiro yar oo Ingiriis ah, kuwaas oo ah dadka kaliya ee degen
jasiiraddaas oo tan iyo toddobaataneeyadii qarnigii tagay ahayd xero milateri.
Wuxuu Mareykanku shaki weyn ka qabaa galaangalka
Shiinaha ee sii kordhaya ee dalka Mauritius, wuxuuna ka baqayaa Mareykanku
in Shiinuhu ka sameysto Mauritius xarumo uu kula soconayo dhaqdhaqaaq
milateri ee ka socda saldhigga Diego Garcia, isla markaana ku basaasayo
gujisyadiis. Dhab ahaantii wuxuu Shiinuhu wadaa dadaallo nidaamsan oo uu rabo
inuu ka dhisto gobolka saldhig iyo shabakad saad. Soddonkii sano ee ugu
danbeeyay wuxuu Shiinuhu maalgashi ku sameeyay 17 dekedood oo ku yaalla
badweynta Hindiya, sida dekedda Mombasa ee Keenya, dekedda Gwadar ee Baakistaan,
dekedda Jabuuti, iyo dekedda Hambantota ee Sri Lanka. Sidoo kale,
Beijing waxay xarkaha internetka ee badda hoosteeda mara u xiriirisaa
dalalka jasiiradaha ah ee badweynta Hindiya sida Seychelles, Comoros,
Maldives, iyo Sri Lanka.
Laga ma yaabo in Ingiriisku si fudud ku lumiyo dhufeyskiisii ugu
dambeeya Badweynta Hindiya, sababtoo ah Ingiriisku wuxuu rabaa inuu door ka
ciyaaro ka hortagga budhcad-badeedda [badweynta Hindiya], sidoo kale wuxuu
rabaa inuu xoojiyo isbahaysiga uu la leeyahay Mareykanka. Sidaa darteed,
saldhigga Diego Garcia oo Ingiriisku maamulo, wuxuu u taagan yahay arrimo
kala duwan sida ilaalinta ganacsiga caalamiga ah iyo xakameynta kooxaha ka soo
horjeeda danaha reer Galbeedka. Sidoo kale, waxaa saldhiggaan dugaalsada
dalalka xulafada la eh Galbeedka oo ay ugu horreyso Australia.
Wuxuu yahayba saldhiggaasi, Washington iyo London
waxaa horyaala imtixaan adag oo lagu ogaanayo inay yihiin dalal tixgaliya dimuqraadiyadda
iyo in kale; waxaana labadooda laga rabaa inay soo afmeeraan gumeysiga
jasiiradahaasi, sidoo kale dib-u-dajin u sameeyaan dadkii laga barakiciyay
jasiiradahaasi. Maadaama heshiiskii 2025 uu hoosgeeyay gobanimada dhuleed ee
jasiiradahaasi Mauritius oo ka mid ah dalalka saxiixay Heshiiskii Pelindaba
(oo dhigaya in Afrika laga dhigo aag ka caagan hubka nukliyeerka), waxaa Washington
laga rabaa inay sheegto sharciyad u ogoolaaneyso inay ka soo dajiso saldhiggaas
diyaaradaha qaada bambooyinka culus, sidoo kale ku soo xirto dekedda saldhiggaas
gujisyada nukliyeerka.
Waxaa jira hadalhayn badan oo ku saabsan loolanka
quwadaha waa weyn, hase ahaatee waxaa layska indhatiray oo aad looga hadlin
masiirka dadka reer Chagos iyo xuquuqdoooda taariikhiga ah. Dad badan oo
reer Chagos ah ayaa u arka heshiiska u dhexeeyay Britain iyo Mauritius
inuu ahaa “guul qayb ah” oo keliya, sababtoo ah heshiiskaasi wuxuu hoosgeeyay
gobonimada dhuleed ee jasiiradahaasi Mauritius, wuxuuna u fasaxay dadka
reer Chagos inay dib-ugu-laabtaan dhulkooda marka laga reebo Diego
Garcia. Ka soo reebista jasiiradda “Diego Garcia” waxay kicisay
carada qayb ka mid bulshada Chagos, iyagoo dareemaya in xuquuqdoodii aayo-ka-tashiga
ay ku gorgortameen dawlado kale, iyadoo aan la siin madax-bannaani buuxda oo ay
ku maamulaan dhammaan jasiiradaha Chagos, kuwaas oo ay u arkaan inay
yihiin dalkoodii hooyo ee ay xaq u lahaayeen inay ka go'aan gaaraan ka hor inta
aysan u go’aamin London iyo Port Louis.
Dabcan Saldhigga Diego Garcia ayaa weli ah
caqabadda ugu weyn ee hortaagan dib-u-laabasha dhammaystiran ee dadka reer Chagos,
maadaama heshiisku dhigayo in Britain iyo Mareykanku ay sii maamuli doonaan
Diego Garcia muddo 99 sano ah. Waxay u arkaan reer Chagos in
saldhiggaasi ka dhigay jasiiradahooda walax lagu gorgortamo, waxayna hadda
dalbanayaan dammaanad qaadyo cad oo sheegaya in saldhiggu uusan ka hor istaagi
doonin howlaha ay dib-ugu-dhisayaan jasiiradaha deriska la ah jasiiradda uu
saldhigga ku yaallo.
Bilowgii 2026 waxaa ku soo laabtay jasiirada Peros
Banhos oo ka tirsan arkhabiilka Chagos dadkii ugu horreeyay, isla
xilligaas waxaa ka soo baxay Ingiriiska xukun maxkamadeed oo reebaya in markale
laga barakiciyo dadkaasi arkhabiilkaas. Hase yeeshee diidmada ay dadka qaar ku
diidanyihiin in gobanimada dhuleed ee jasiiradahaasi la hoos geeyo Mauritius
waxay noqon doontaa caqabad sharci mustaqbalka dhow; waxaana xitaa laga yaabaa
inay arrintaasi u noqoto Washington fursad ay kula wareegto
arkhabiilkaas, si la mid ah sida ay Washington rabto inay u la wareegto Greenland,
iyadoo rabto inay u sii marto taageerada qolooyinka raba in iyada la hoosgeeyo
gobonimada jasiiradahaasi.
Haddii uu la wareego Mareykanku gobanimada dhuleed ee jasiiradahaasi,
waxaa laga yaabaa inuu u soo jiido dadka Chagos colaado aysan iyagu ku
lug lahayn, sidii dhacday 21 Maarso ee sanadkaan 2026, maalintaas oo la sheegay
in Iiraan oo ka fog arkhabiilkaas 4 kun oo kiiloomitir ku soo ridday 2 gantaal
oo nooca ballistic-ga ah, inkastoo Iiraan ay beenisay warkaasi, sidoo
kale labadaas gantaalna aysan gaarin bartilmaameedkoodii, haddana Ingiriisku
wuxuu judhiiba uga falceliyay dhacdadaas inuu ballaariyay oggolaanshaha uu siisay
ciidamada Mareykanka, wuxuuna u oggolaaday inay ka fuliyaan saldhiggaas
hawlgallada lagu burburinayo goobaha laga soo rido gantaallada Iiraan ee lala
beegsado maraakiibta mareysa marin-biyoodka Hurmuz.
Joogitaanka Mareykanka arkhabiilka Chagos wuxuu
niyadjabinayaa qolooyinka Chagos ee mucaaradsan in la hoos geeyo Mauritius.
Dhab ahaantii, Diego Garcia wali waxaa loo aqoonsanyahay inay tahay
hanti ciidan iyo saldhig istiraatiiji ah, ayna sii ahaan doonto ugu yaraan 99
sano ee soo socota. Illaa iyo hadda, London waxay isku dayaysaa inay ahaato
quwad reer galbeed, garaad leh oo u hoggaansan sharciga caalamiga ah, halka Washington
ay u sii socoto adeegsiga awooddeeda iyo ka tallaabidda gobanimada dhuleed ee
waddamada, waxaana laga yaabaa in habdhaqankeedaas uu galaafto Diego Garcia,
Greenland, iyo waddamo kale.
Kala duwanaanshaha habdhaqanka Mareykanka iyo
Ingiriiska wuxuu galinayaa mustaqbalka saldhigga khatar, sidoo kale ololaha xaqa
aayo-ka-tashiga oo ay dalbanayaan qayb ka mid ah bulshada reer Chagos,
wuxuu isaganu madmadow badan galinayaa mustaqbalka saldhigaas, xaqaas oo ah mid
aan si fiican loogu xusin heshiiskii ay saxiixdeen Ingiriiska iyo Mauritius.
Wali Washington waxay si buuxda u adeegsaneysaa saldhigga, waxayna miciinsan
doontaa cid kasta oo kala shaqayn doonta ku negaashaha jasiiraddaas; ha ahaato inay
heshiis gaar ah la gasho Mauritius si ay uga fogeyso saameynta Shiinaha,
ama inay taageerto qolooyinka u ololeeyo gooni-isu-taagga arkhabiilka Chagos,
si ay u sii joogto halkaas.
Dhammaad.
FG: ereyga “arkhabiil/ archipelago” waa erey af qalaad oo micnihiisu yahay koox jasiirado oo isku agyaal.
Qormada asalka: https://www.aljazeera.net/politics/2026/3/26/دييغو-غارسيا-كيف-تحولت-آخر-مستعمرات
Comments
Post a Comment