𝗗𝗜𝗘𝗚𝗢 𝗚𝗔𝗥𝗖𝗜𝗔.. 𝗝𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗨𝗨 𝗠𝗔𝗥𝗘𝗬𝗞𝗔𝗡𝗞𝗨 𝗨𝗚𝗔 𝗗𝗨𝗨𝗟𝗟𝗢 𝗕𝗔𝗥𝗜𝗚𝗔 𝗗𝗛𝗘𝗫𝗘

 



W/Q: Miirfit Cowf

W/T: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi “Okiyaale”

Bishii Febraayo 2026, doon yar oo alwaax ah ayaa ku soo xiratay xeebta jasiiradda Île du Coin oo ku taal bartamaha Badweynta Hindiya, waxayna sidday afar nin oo u soo safray inay ku laabtaan dhulkoodii hooyo. Markii ay xeebta u soo dhawaadeen oo ay u jireen dhowr mitir, waxay arkeen qubmo firirsan jiho kasta, muuqaalkaas oo xasuusisay sheekooyinkii ay aabayaashood uga warrami jireen dhulkooda ka hor inta uusan Ingiriisku ka barakicin halkaas muddo laga joogo nus qarni, balse saameynteedu weli taagantahay ilaa iyo maanta; waxaana lugu tiriyaa jasiiradaha Chagos ama arkhabiilka Chagos meelaha uu ku sii danbeeyo gummeysigii Ingiriiska.

Afartuba waxay ogaayeen in safarkoodu khatar badan leeyahay oo u badantahay in ciidamada Ingiriiska ka soo musaafurin doonaan jasiiraddaas sidii ay kol hore uga musaafuriyeen jasiiradaha Chagos aabayaashood, si ay dhammaan jasiiradahaasi uga shaqeeyaan danta saldhigga milatari ee ku yaala jasiiradda Diego Garcia oo ku taalo cirifka koonfureed ee jasiiradahaas. Myslee Mandarin oo hoggaaminayay safarka dib-u-laabashada, ahna ruux ku dhashay jasiiradaha Chagos, ayaa la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in soo laabashadoodu aysan sinaba khatar ugu ahayn saldhigga, ayna rabaan inay la noolaadaan saldhiggaas.

Kaliya Ingiriiska iyo dadka reer Chagos isku ma haystaan milkiyadda jasiiradahaasi, sidoo kale waddanka Mauritius ayaa u arka in taariikh ahaan raacsanaayeen jasiiradahaasi; arrintaas oo ugu danbeyn Ingiriisku qiray sanadkii hore, waxaana hadda socda hannaanka wareejinta madaxbannaanida jasiiradahaasi, loogu wareejinayo Mauritius. Heshiiska ay ku heshiiyeen Ingiriiska iyo Mauritius ayaa u oggolaanaya dadka reer Chagos ee rabay inay ku laabtaan dhulkooda hooyo inay degi karaan jasiiradaha Chagos marka laga reebo jasiiradda Diego Garcia, jasiiraddaas oo saldhig u ahaan doonta Ingiriiska iyo Mareykanka muddo 99 sano. Wuxuuna heshiiskaan madax-xanuun ku riday qayb ka mid ah bulshada reer Chagos oo ka soo horjeeda ku biiridda Mauritius, iyagoo doorbidaya inay ku laabtaan dhulkooda, dushana uu ka maamulo Ingiriiska, isaga oo ah maamulkii ka musaafuriyay dadkaasi dhulkooda muddo nus qarni ka hor!

Sanaddii 1966 waxaa heshiis qarsoodi ah ku saxiixday safaaradda Mareykanka ee ku taala magaalada London dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka; wuxuuna ku tilmaamay mid ka mid ah saraakiishii goobjoogga ahaa heshiiskaas inuu ahaa mid madmadow badan ku hareereysnaa. Wuxuuna heshiiskaasi u oggolaanayay Washington inay ka dhisto saldhig ciidan jasiiradda Diego Garcia oo ku hoos jirta gummeysiga Ingiriiska, waxaana degenaa 2,000 oo qof oo loo yaqaanno dadkii ChagosChagossians”, kuwaas oo loogu magac daray jasiiradaha Chagos oo ay Diego Garcia qayb ka tahay.

Wuxuuna ingiriisku ugu badashay Mareykanka saldhiggaasi inuu u sameeyo qiimodhimis gaaraysa 14 milyan oo doollar oo laga jaray lacagta gujisyada nukliyeerka ee Polaris ee uu ka gadanayay Mareykanka. Waxayna labada dhinac ku heshiiyeen in laga raro dadkii degenaa arkhabiilkaasi, loona raro jasiirado kale oo ku yaal Badweynta Hindiya si loo hirgaliyo saldhigga. Lixdameeyadii, waxay u muuqatay qorraxda gummeysiga inay ka sii dhacayso dunidu, hase yeeshee qorraxdaasi waxay figtii ugu sarreysay u joogtay jasiiradda Diego Garcia, xilligaas uu Ingiriiska reebay inuu dib ugu soo laabto jasiiraddaas ruuxii safar caafimaad ama mid socdaal uga baxa oo aada dhanka Mauritius.

Intaas ka dib, Ingiriisku wuxuu bilaabay inuu xaddido raashinka iyo daawooyinka soo gaaraya jasiiradaha Chagos, isagoo ugu dan leh inuu cadaadis saaro dadka degen jasiiradahaasi si ay uga baxaan. Sanaddii 1971 ciidanka Mareykanka ayaa bilaabay dhismaha saldhigga, waxayna ka codsadeen dowladda Ingiriiska inay gabi ahaan musaafuriso dadkii ku bixiwaayay cadaadiska; halkaas waxaa ka bilaabmay cutubka ugu madoobaa taariikhda jasiiradahaasi, ka hor intaan la tarxiilin dadkaasi, waxaa lagu hor gowracay xoolahoodii, ka dibna waxaa looga saaray dhulkooda sifo xoog ah, intii u dhaxeysay 1971 ilaa 1973, iyagoo loo daabulay dalalka Mauritius iyo Seychelles.

Dabayaaqadii toddobaatanaadkii buu Ingiriisku bilaabay inuu qirto dambiga uu ka galay dadkaasi, wuxuuna magdhow ahaan u siiyay $6,000 dhibbane kaste oo xoog looga soo raray dhulkiisa; lacagtaasina waxay ahayd mid aad u yar oo aan waxba ka beddelin nolosha dadkaasi oo ka sii dartay ka dib markii laga musaafuriyay dhulkoodii hooyo. Sidaadsna waxay jasiiradahaasi ku noqdeen kuwo haawanaya oo nafar bini’aadan ah ku nooleyn, marka laga reebo ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ee la wareegay. Ahmiyadda jasiiradahaasi waxay kor u kaceen xilligii Dagaalkii Qaboobaa, xilligaasi oo uu Mareykanku ku howlanaa inuu ka hortaggo Midowgii Soofiyeeti oo gacansaar la lahaa tiro waddamo Afrikaan iyo Eeshiyaan ah oo ku teedsan Badweynta Hindiya.

Jasiiradda Diego Garcia waxay dhacdaa bartamaha Badweynta Hindiya, waxayna dhulbaraha ka xigtaa koonfur; waddanka ugu dhow waa jasiiradaha Maldives oo dhanka waqooyi ka xiga, halka Hindiya ay ka xigto dhanka waqooyi-bari, dhanka koonfur-galbeed waxaa ka xigto jasiiradda Mauritius. Wax badan kama naqaanno jasiiraddaasi ka hor qarnigii 16-aad oo ah xilligii uu Boortaqiisku cagaha saaray jasiiraddaasi, xitaa waxaa u bixiyay magaca ay hadda leedahay sahamiyihii Boortaqiiska ahaa ee Diego Garcia de Moguer, bartimihii qarnigaasi, isaga ayaana isugu magacdaray.

Jasiiraddu waxay ahaan jirtay mid aan la degganayn ilaa laga soo gaaro dhammaadkii qarnigii 18-aad, markaas oo ay soo degeen dad Faransiis ah oo ka yimid jasiiradda Mauritius oo xilligaas Faransiisku ka talinayay. Laakiin saamayntii Faransiisku ma raagin; ka dib kacdoonkii Faransiiska iyo dagaalladii Napoleon, Ingiriiska ayaa kala wareegay jasiiraddaas; wuxuuna dusha ka maamulayay addoomadii Afrikaanka ahaa ee uu hore u keenay Faransiiska jasiiraddaasi, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsanayd beeraha qumbaha.

Lixdameeyadii qarnigii tagay markii uu Ingiriisku bilaabay inuu dib uga baxo waddamadii Afrikaanka ee uu gumeysanayay, wuxuu ku haray jasiiraddaas isagoo u arkayay inay tahay goob istaraatiiji ah; wuxuuna ka dhisay jasiiraddaas dhabbe ay diyaaraduhu ku degaan intii uu socday Dagaalkii 2aad ee Adduunka. Sannadkii 1965-tii, London waxay go'aansatay inay jasiiradaha Chagos ka goyso Mauritius, intaas ka dibna waxay bilowday hawlgalkii barakicinta ee aan kor ku soo xusnay iyadoo la kaashanaysa Washington.

Kacaankii Iiraan ee 1979-kii wuxuu Washington iyo xulafadeeda ku abuuray warwar ay ka qabaan in taliska cusub ee Iiraan uu xiro marin-biyoodka Hurmuz haddii ay diriraan, cabsidaas darteed wuxuu ciidanka Mareykanku gudagalay xilligaasi ballaarinta xarumaha milateri ee jasiiradda. Ka dib burburkii Midowga Soofiyeeti, waxay Washington u aragtay in khatartii Ruushka ee gobolka meesha ka baxday, halka ay u aragtay in khatarta Iiraan wali taagan tahay, taas oo ah sababta ay Washington ugu aragto in saldhiggu muhiim wali u yahay.

Wuxuu Mareykanku si xooggan u adeegsaday saldhigga kan xilligii uu socday duulaanadii uu ku qaaday Afgaanistaan iyo Ciraaq. Sidoo kale wuxuu saldhiggaas adeegsaday bishii Juun 2025, xilligaas oo Mareykanku duqeeyay Tehraan, sidoo kale wuxuu Mareykanku rabay inuu adeegsado saldhiggaas bishii Febraayo ee sanadkaan 2026, balse Ingiriiska ayaa bilowgii ka hor istaagay, arrintaas oo dhalisay carada Donald Trump.

Ka dib is-hortaagga Ingiriiska, wuxuu Mareykanku ku qasbanaaday inuu adeegsado badalka saldhiggaasi maraakiibtiisa diyaaradaha xambaara, wuxuuna ku qasbanaaday in ciidankiisa cirka ay duulaan saacado dheeraad ah si ay u gaaraan hawada Iiraan ayna u fuliyaan weeraro milateri. Inkastoo Ingiriisku markii dambe u oggolaaday Washington inay saldhigga u isticmaasho “ujeeddooyin difaac oo keliya”, haddana tani ma ahayn markii ugu horreysay ee Washington ay ka carooto maamulka Ingiriiska ee Diego Garcia.

Sanadkii 2019-kii waxaa ku dhacay isbeddelka taariikhiga kiiska jasiiradaha Chagos, xilligaas oo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) ay soo saartay xukun talo-bixin ah oo u hiilinaya dalka Mauritius. Wuxuuna xukunkaasi ku qasbay London in sanaddii 2022 ay la yeelato Mauritius wadahadallo la xiriira jasiiradaha Chagos, kuwaas oo ku soo dhammaaday bishii Meey 2025 Heshiiska Chagos; heshiiskaas oo uu Ingiriisku uga tanaasulay madax-bannaanida jasiiradahaasi Mauritius, iyadoo lagu daray heshiiskaas shardi dammaanad qaadaya jiritaanka saldhigga Diego Garcia.

Inkastoo Ingiriisku uu shardi uga dhigay oggolaanshaha Washington isbeddel kasta oo lagu sameynayo xaaladda sharci ee jasiiraddaas, haddana mowqifka madaxweyne Donald Trump wuxuu ahaa mid is-bedbeddelaya; bilowgii wuxuu ku tilmaamay heshiiska Ingiriiska iyo Mauritius “guul weyn”, hase yeeshee wuxuu si degdeg ah uga laabtay hadalkaas, isaga oo ku tilmaamay mar danbe inuu yahay “astaan daciifnimo”, “falkii ugu doqonsanaa”, iyo “tanaasul sabab la'aan ah oo laga sameeyay goob muhiim ah”. Balse Ingiriisku wuxuu u fasirtay isbeddelka mowqifka Trump inuu yahay cadaadis diblomaasiyadeed, oo uu Mareykanku uga gol leeyahay inuu meesha ka saaro taageerada Ingiriisku u haayo gooni-isu-taagga Greenland oo uu Ingiriisku u arko inay xoojinayso saameyntiisa Cirifka Waqooyi (Arctic), halka arrintaas ay ka careysiinayso Washington oo u aragta in taageerada madaxbannaanida Greenland ay tahay mid wiiqaysa dadaallada ay ku doonayso inay kula wareegto Greenland.

Laakiin dhab ahaantii arrintu way ka qotodheer tahay khilaafka ku saabsan taageerada Greenland; waayo? Ka hor intuusan bilaaban dagaalka Mareykanka iyo Iiraan, Washington waxay u aragtay heshiiskaas inuu khatar ku yahay amnigeeda qaranka, gaar ahaan halis ku yahay istiraatiijiyaddeeda fog ee ay kaga hortageyso Shiinaha. Waxayna ku doodeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga in madax-bannaanida jasiiraddaasi ay tahay dammaanadda keliya ee lagu ilaalin karo saldhigga Diego Garcia, haddiise laga tanaasulo madaxbanaanidaasi inay koobnaan doonaan hawlgallada milateri ee saldhiggaasi ku dhaqaaqi karo mustaqbalka. Waxaana laga yaabaa inay taasi tahay sababta ku qasabtay Ingiriiska inay ku la heshiiso Mauritius in jasiiradda Diego Garcia ahaato mida kaliya ee aan loo oggolayn inay dadku ku soo laabtaan.

Saldhiggaan ay wada maamulaan Ingiriiska iyo Mareykanku waa dhisme milateri oo aad u ballaaran, kaas oo lagu qalabeeyay nidaamyada difaaca ee ugu xooggan; wuxuuna leeyahay kaabayaal isgaarsiin oo ku xiran dayax-gacmeedka, sidoo kale wuxuu leeyahay kaabayaal ay adeegsadaan maraakiibta dagaalka iyo deked leh biyo qoto dheer oo ay ku soo xiran karaan maraakiibta xambaara diyaaradaha, iyo dhabbe diyaaradeed oo aad u dheer oo ay adeegsan karaan diyaaradaha waa weyn ee xambaara banbooyinka culus.

Waxay Washington u aragtaa saldhiggan tiir muhiim u ah amniga caalamiga iyo ka hortagga khataraha murugsan, sida amniga tamarta iyo la-dagaallanka argagixisada; waxayna u isticmaashay saldhiggaas sanadadii ugu danbeeyay hawlgallo iyo duqaymo milateri oo tira badan, tusaale Dagaalkii Labaad ee Khaliijka (1990-1991) wuxuu Mareykanku ka soo ganay saldhiggaasi ugu yaraan 80% dhammaan gantaalladii la adeegsaday dagaalkaas, sidoo kale wuxuu adeegsaday saldhiggaas dagaalladii Afgaanistaan iyo Ciraaq, iyo hawlgalladii u dambeeyay ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta.

Waxayna Washington ku dadaashaa inay ku qalabeyso saldhiggaan hubkeeda ugu casrisan, bishii Abriil ee 2025 waxay geysay saddex meelood oo meel (1/3) ka mid ah diyaaradaha qarsoodiga ah ee nooca B-2 Stealth Bombers. Waxaana ku sugan saldhigga kan 2,500 askar ah oo u badan Mareykan iyo tiro yar oo Ingiriis ah, kuwaas oo ah dadka kaliya ee degen jasiiraddaas oo tan iyo toddobaataneeyadii qarnigii tagay ahayd xero milateri.

Wuxuu Mareykanku shaki weyn ka qabaa galaangalka Shiinaha ee sii kordhaya ee dalka Mauritius, wuxuuna ka baqayaa Mareykanku in Shiinuhu ka sameysto Mauritius xarumo uu kula soconayo dhaqdhaqaaq milateri ee ka socda saldhigga Diego Garcia, isla markaana ku basaasayo gujisyadiis. Dhab ahaantii wuxuu Shiinuhu wadaa dadaallo nidaamsan oo uu rabo inuu ka dhisto gobolka saldhig iyo shabakad saad. Soddonkii sano ee ugu danbeeyay wuxuu Shiinuhu maalgashi ku sameeyay 17 dekedood oo ku yaalla badweynta Hindiya, sida dekedda Mombasa ee Keenya, dekedda Gwadar ee Baakistaan, dekedda Jabuuti, iyo dekedda Hambantota ee Sri Lanka. Sidoo kale, Beijing waxay xarkaha internetka ee badda hoosteeda mara u xiriirisaa dalalka jasiiradaha ah ee badweynta Hindiya sida Seychelles, Comoros, Maldives, iyo Sri Lanka.

Laga ma yaabo in Ingiriisku si fudud ku lumiyo dhufeyskiisii ugu dambeeya Badweynta Hindiya, sababtoo ah Ingiriisku wuxuu rabaa inuu door ka ciyaaro ka hortagga budhcad-badeedda [badweynta Hindiya], sidoo kale wuxuu rabaa inuu xoojiyo isbahaysiga uu la leeyahay Mareykanka. Sidaa darteed, saldhigga Diego Garcia oo Ingiriisku maamulo, wuxuu u taagan yahay arrimo kala duwan sida ilaalinta ganacsiga caalamiga ah iyo xakameynta kooxaha ka soo horjeeda danaha reer Galbeedka. Sidoo kale, waxaa saldhiggaan dugaalsada dalalka xulafada la eh Galbeedka oo ay ugu horreyso Australia.

Wuxuu yahayba saldhiggaasi, Washington iyo London waxaa horyaala imtixaan adag oo lagu ogaanayo inay yihiin dalal tixgaliya dimuqraadiyadda iyo in kale; waxaana labadooda laga rabaa inay soo afmeeraan gumeysiga jasiiradahaasi, sidoo kale dib-u-dajin u sameeyaan dadkii laga barakiciyay jasiiradahaasi. Maadaama heshiiskii 2025 uu hoosgeeyay gobanimada dhuleed ee jasiiradahaasi Mauritius oo ka mid ah dalalka saxiixay Heshiiskii Pelindaba (oo dhigaya in Afrika laga dhigo aag ka caagan hubka nukliyeerka), waxaa Washington laga rabaa inay sheegto sharciyad u ogoolaaneyso inay ka soo dajiso saldhiggaas diyaaradaha qaada bambooyinka culus, sidoo kale ku soo xirto dekedda saldhiggaas gujisyada nukliyeerka.

Waxaa jira hadalhayn badan oo ku saabsan loolanka quwadaha waa weyn, hase ahaatee waxaa layska indhatiray oo aad looga hadlin masiirka dadka reer Chagos iyo xuquuqdoooda taariikhiga ah. Dad badan oo reer Chagos ah ayaa u arka heshiiska u dhexeeyay Britain iyo Mauritius inuu ahaa “guul qayb ah” oo keliya, sababtoo ah heshiiskaasi wuxuu hoosgeeyay gobonimada dhuleed ee jasiiradahaasi Mauritius, wuxuuna u fasaxay dadka reer Chagos inay dib-ugu-laabtaan dhulkooda marka laga reebo Diego Garcia. Ka soo reebista jasiiradda “Diego Garcia” waxay kicisay carada qayb ka mid bulshada Chagos, iyagoo dareemaya in xuquuqdoodii aayo-ka-tashiga ay ku gorgortameen dawlado kale, iyadoo aan la siin madax-bannaani buuxda oo ay ku maamulaan dhammaan jasiiradaha Chagos, kuwaas oo ay u arkaan inay yihiin dalkoodii hooyo ee ay xaq u lahaayeen inay ka go'aan gaaraan ka hor inta aysan u go’aamin London iyo Port Louis.

Dabcan Saldhigga Diego Garcia ayaa weli ah caqabadda ugu weyn ee hortaagan dib-u-laabasha dhammaystiran ee dadka reer Chagos, maadaama heshiisku dhigayo in Britain iyo Mareykanku ay sii maamuli doonaan Diego Garcia muddo 99 sano ah. Waxay u arkaan reer Chagos in saldhiggaasi ka dhigay jasiiradahooda walax lagu gorgortamo, waxayna hadda dalbanayaan dammaanad qaadyo cad oo sheegaya in saldhiggu uusan ka hor istaagi doonin howlaha ay dib-ugu-dhisayaan jasiiradaha deriska la ah jasiiradda uu saldhigga ku yaallo.

Bilowgii 2026 waxaa ku soo laabtay jasiirada Peros Banhos oo ka tirsan arkhabiilka Chagos dadkii ugu horreeyay, isla xilligaas waxaa ka soo baxay Ingiriiska xukun maxkamadeed oo reebaya in markale laga barakiciyo dadkaasi arkhabiilkaas. Hase yeeshee diidmada ay dadka qaar ku diidanyihiin in gobanimada dhuleed ee jasiiradahaasi la hoos geeyo Mauritius waxay noqon doontaa caqabad sharci mustaqbalka dhow; waxaana xitaa laga yaabaa inay arrintaasi u noqoto Washington fursad ay kula wareegto arkhabiilkaas, si la mid ah sida ay Washington rabto inay u la wareegto Greenland, iyadoo rabto inay u sii marto taageerada qolooyinka raba in iyada la hoosgeeyo gobonimada jasiiradahaasi.

Haddii uu la wareego Mareykanku gobanimada dhuleed ee jasiiradahaasi, waxaa laga yaabaa inuu u soo jiido dadka Chagos colaado aysan iyagu ku lug lahayn, sidii dhacday 21 Maarso ee sanadkaan 2026, maalintaas oo la sheegay in Iiraan oo ka fog arkhabiilkaas 4 kun oo kiiloomitir ku soo ridday 2 gantaal oo nooca ballistic-ga ah, inkastoo Iiraan ay beenisay warkaasi, sidoo kale labadaas gantaalna aysan gaarin bartilmaameedkoodii, haddana Ingiriisku wuxuu judhiiba uga falceliyay dhacdadaas inuu ballaariyay oggolaanshaha uu siisay ciidamada Mareykanka, wuxuuna u oggolaaday inay ka fuliyaan saldhiggaas hawlgallada lagu burburinayo goobaha laga soo rido gantaallada Iiraan ee lala beegsado maraakiibta mareysa marin-biyoodka Hurmuz.

Joogitaanka Mareykanka arkhabiilka Chagos wuxuu niyadjabinayaa qolooyinka Chagos ee mucaaradsan in la hoos geeyo Mauritius. Dhab ahaantii, Diego Garcia wali waxaa loo aqoonsanyahay inay tahay hanti ciidan iyo saldhig istiraatiiji ah, ayna sii ahaan doonto ugu yaraan 99 sano ee soo socota. Illaa iyo hadda, London waxay isku dayaysaa inay ahaato quwad reer galbeed, garaad leh oo u hoggaansan sharciga caalamiga ah, halka Washington ay u sii socoto adeegsiga awooddeeda iyo ka tallaabidda gobanimada dhuleed ee waddamada, waxaana laga yaabaa in habdhaqankeedaas uu galaafto Diego Garcia, Greenland, iyo waddamo kale.

Kala duwanaanshaha habdhaqanka Mareykanka iyo Ingiriiska wuxuu galinayaa mustaqbalka saldhigga khatar, sidoo kale ololaha xaqa aayo-ka-tashiga oo ay dalbanayaan qayb ka mid ah bulshada reer Chagos, wuxuu isaganu madmadow badan galinayaa mustaqbalka saldhigaas, xaqaas oo ah mid aan si fiican loogu xusin heshiiskii ay saxiixdeen Ingiriiska iyo Mauritius. Wali Washington waxay si buuxda u adeegsaneysaa saldhigga, waxayna miciinsan doontaa cid kasta oo kala shaqayn doonta ku negaashaha jasiiraddaas; ha ahaato inay heshiis gaar ah la gasho Mauritius si ay uga fogeyso saameynta Shiinaha, ama inay taageerto qolooyinka u ololeeyo gooni-isu-taagga arkhabiilka Chagos, si ay u sii joogto halkaas.

Dhammaad.

 

FG: ereyga “arkhabiil/ archipelago” waa erey af qalaad oo micnihiisu yahay koox jasiirado oo isku agyaal.

 

Qormada asalka: https://www.aljazeera.net/politics/2026/3/26/دييغو-غارسيا-كيف-تحولت-آخر-مستعمرات

 

 

Comments

Popular posts from this blog

𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮 “𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮” 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗹𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗶𝗶𝗾𝗮𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮:

𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗯𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼: 𝗠𝗮 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗯𝘂 𝗗𝗵𝗮𝗯𝗶 𝗸𝗮 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗨𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮

𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗛𝗔𝗕𝗕𝗢𝗢𝗡 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔