𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗛𝗔𝗕𝗕𝗢𝗢𝗡 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔
Sooyaalka codbixinta waa mid fog,
oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey
taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowge
eh sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu
kala aragti duwanyahay. Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii
Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan,
la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka.
Giriiggii hore oo lagu tiriyo
bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal
dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan, laakin doorashadoodu
waxey u ekeyd xilkaqaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan
masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u
codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana
6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis eh, wuxuu waayijirey xilka,
waxaana loogu darijirey musaafurin.
Tan ilaa iyo Giriiggii waxaa
isbaddello waa weyn ku dhacay hababkii coddeynta, xittaa wxaa isbaddeley
qalabkii lugu codeynayey, wuxuu ka yimi cad dhoobo eh, wuxuu soomarey banooni
yar oo midab leh, maanta wuxuu yahay warqad, halka doorashooyinka qaarna lugu
codeeyo fariimo danabeysan [1].
Dunida waxaa maanta ka jira nidaamyo
codadbixin oo kala geddisan oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo murugsan, oo dalalkuna
ku kala xulasho duwanyihiin, se aalaaba dalalku waxey doorbidaan nidaamyada
kafaalaqaadi kara caddaaladda ay ku taammayaan, inkastoo jiraan dalal doorbida nidaamyada
tashiila dhaqaalaha iyo kuwa qabashadoodu fududdahay.
Qeybaha hore ee qormadaan waxaan ku lafaguri
doonaa nidaamyada codbixineed ee dunida ka jira kuwooda ugu doorka roon, ka
dibna waxaan ka faaloon doonaa hanaanka doorasho ee ku habboon dalkeena, iyadoo
hadalka ku afeefaneyna inuusan jirin nidaam boqolle eh oo ka fayow ceeb iyo cillad
oo dhan.
Nidaamka 1aad: Horreeyaa Guuleysta (First Past the Post/ Plurality):
Nidaamkani waxaa lugu tiriyaa
nidaamka codbixin ee ugu fudud ee la adeegsado, waxaana lugu kala adkaadaa
kaliya cod dheerida, muhimna maaha musharraxa inuu helo aqlabiyadda codadka
bulshada (50%+1). Habkani sida magaciisa ka muuqato waa sida tartamada ciyaaraha,
guushu waxay wada raacdaa [koobka] musharraxa kaalinta koobaad gala, halka
kaalmaha kale ay wax la’aan baxaan.
Daldaloolada uu nidaamkani leeyahay
waxaa ka mid eh, inuu miraha guusha wada siiyo cidda ugu codka badan, isagoo ka
soo qaadey tartamayaasha kale codadkoodu eber, oo waxba ka siineyn guusha.
Waxaaba dhacda xisbiga iyo musharraxa guuleysta in uusan haysan aqlabiyad
codadka, sida ka dhacdo Ingiriiska, laga soo bilaabo 1945 ilaa doorashadii 2024
xisbiga ku guuleysta doorashooyinka barlamaanka Ingiriiska marnaba ma aheyn xisbiga
haystey aqlabiyadda codadka shacabka oo dhan [2].
Waxaa kale uu nidaamkani dulmiyaa
murashaxiinta yaryarka; wuxuu codbixiyaashu ku dhiirigaliyaa inay doortaan
musharrax soobixistiisu sarreyso oo kaliya, maadaama hal qof guuleysanaayo
codbixiyaashu waxey ujanjeersamaan musharrixiinta caanka eh ay u badinayaan
inay guuleystaan, halkay u arkaan codeynta musharrixiinta yaryarka arrin
khasaaro eh.
Nidaamkani wuxuu ka hanaqaadey
Ingiriiska iyo dalalkii ku hoosjirey boqortooyadiisa sida Mareykanka, Kanada,
Hindiya, Neyjeeriya, Kenya iyo dalal kale; tiro ilaa 44 dal ayaa maanta
adeegsata nidaamkaan.
Nidaamak 2aad: Codeynta Dooqeysan (Preferential Voting/ Instant-Run off Voting):
Nidaamkani waxey codbixiyaashu
lanbareeyaan musharrixiinta kolba sidey u doorbidayaan, waxaa lagu hor qoraa
musharraxa dooq koobaad eh lanbar 1, mushurrax dooqa labaad ehna waxaa lugu hor
qoraa lanbar 2, ilaa laga gaaraayo musharraxa ugu danbeeyo. Waxaana guuleyta
musharraxa hela aqlabiyadda dooqa koobaad ee bulshada (50%+1).
Haddii musharrax heli waayo
aqlabiyadda codka koobaad ee bulshada, waxaa hoos lagaa soo furfuraa
musharrixiinta heley codadka ugu yar, waxaana codadkooda loo qeybiyaa musharrixiinta
lagu qorey kaalinta labaad, kolba sida loo qeybinayo codadkaas, waxaa soo baxa
musharrax dhaafa 50%+1; guushuna sidaas bey ku raacdaa.
Nidaamkani wuxuu ku habboonyahay
bulshooyinka heerkooda waxbarashadu sarreyso, waxaana aalaaba loo adeegsadaa
doorashooyinka ururada ardayda iyo doorashooyinka hay’aduhu qabsadaan, waana
dhif in loo adeegsado doorashooyinka dadweynaha. Ceebaha uu nidaamkani leeyahay
ayaa eh suuragalnimada inuu guuleysto musharrax aan heysan codadka ugu badan ee
kaalinta koobaad, taasoo eh caddaalad-darro dadban.
Nidaamka 3aad: Codeynta Wareegyada Badan (Voting Multiple Rounds):
Nidaamkaan wuxuu dhinac uga eg
yahay nidaamkii Horreeya Guuleysta, se wuxuu leeyahay wareegyo badan, aalaaba
wuxuu ka koobanyahay laba wareeg; waxaa la qabtaa wareega koobaad ee codeynta
oo hadduu mursharrax heli waayo aqlabiyadd codadka dadweynaha (50%+1) waxaa loo
gudbaa wareega labaad, waxaan wareeegaasi u soo gudba musharrixiinta ugu
sareeyay wareegii koobaad, codeynta labaad ayaa la qabtaa, waxaana guuleysta
musharraxa hela aqlabiyadda codadka dadweynaha.
Se haddii dhici weydo waxaa loo
gudbaa wareeg ugu danbeeya, waxaan ku tartama labada musharrax ee ugu codka
badnaa wareegii labaad, waxaana guuleysta kooda cod bata (dabcan midkood ayaa
heli doona aqlabiyadda codadka).
Nidaamkani waxaa adeegsada dalal
badan ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Iiraan. Hase ahaatee kama marno cillad,
wuxuu suuragaliyaa iney guuleystaan musharraxiin wareega koobaad ku jirin
kaalinta koobaad, taasoo dad badani u arkaan iney tahay caddaalad darro.
Nidaamka 4aad: Nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran (Proportional Representation):
Nidaamkani waa kan ugu adeegsiga
badan dunida, aalaaba waxaa loo adeegsadaa doorashooyinka kuraasta
xildhibaanada, waxaana adeegsada in kabadan 100 dal gaar ahaan u adeegsada
doorashooyinka barlamaanada, waxaa ugu cadcad waddamadaas: Isbeyn, Jarmal,
Turki, Talyaani, Noorway, Baraasiil, Arjentiin, Biiru, Indunuusiya, Koonfur
Afrika iyo dalal kale oo badan [3].
Nidaamkani wuxuu uga geddsinyahay
nidaamyada kale wuxuu hoos u dhigaa codadka khasaari kara, oo cod walba wuxuu uyeelaa
matalaad; xisbi kasta wuxuu siiyaa kuraas u dhiganta boqolleyda uu ka heley
codadka. Tusaale xisbigii hela 10% codadka dadweynaha wuxuu badalkeeda helaa
10% kuraasta barlamaanka.
Nidaamkaan wuxuu gabi ahaanba lid
ku yahay nidaamka Horreeya Guuleysta ee ku dhisnaay ninkii raayaa reerka u
haraaya, ee wuxuu gabbaad siiyaa xisbiyada yaryarka. Hase ahaatee kama dhigna
inuu ceeb-ka-saliin yahay, wuxuu nidaamkani abuuraa barlamaano iyo xukuumado
xisbiyo kala duwan ku bahoobaan (coaliation government) taasoo marar
badan horseeda jahwareer siyaasadeed. Waxaana ka farcama noocyo badan, waxaana
ugu caansan:
A.
Nidaamka Liiska
Xisbiyada Furan ama Xiran (Open and Closed List Systems):
Nidaamkani wuxuu u kala baxaa
Liiska Furan iyo Liiska Xiran; waxeyna ku kala geddisanyihiin marna
codbixiyaashu baa u codeeya musharrixiin la yaqaano oo xisbi ka socda waana
nidaamka Liiska Furan, marna bulshadu khiyaar u ma leh iney doortaan qof ee
baddelka waxey u codeeyaan xisibiyo u gubdistey liisaska musharrixiinta guddiga
doorashooyinka, waana nidaamka Liiska Xiran.
Labada nidaamba waxey xisibiyadu
helaan kuraas u dhiganta boqolleyda codadka ay heleen, tusaale hadday
deegaan-doorashada Beledweyn taalo 10 kursi ee u tartamaan xisbiyada seddex
xisbi oo kala eh Barwaaqo, Wadajir iyo Kaah; hadduu Barwaaqo helo 30% codadka,
Wadajir 50% halka Kaah 20%. Haddaba waxey u kala qaadanayaan qaab u dhiganta
saamiga codadka ay heleen, wadajir wuxuu qaadan doonaa 5 kursi; mar waa la yaqaanaa musharrixiinta guuleystey oo
haddii nidaamku yahay Liiska Furan, marna lama yaqaano oo guddiga doorashada
ayaa u magacaabi doono 5 qof ee ugu sarreyso qoraal ahaan liiska uu xisibga
Wadajir soo gudbiyey, waana nidaamka Liiska Xiran.
Isla tusaalahaan haddaan ka
dhigno kuraasta 11 kursi, waxaa nagu adkaanaya in si caadi ugu qeybinno
kuraasta, waxaana soo baxaya xisaab jajab eh. Haddaba waxaa xusid mudan,
qeybinta kuraasta si ay u galin xisaab jajab eh waxaa la adeegsadaa qaacidooyin
gaar eh oo marnaba suuragalineyn iney kuraasto noqdaan jajab, waxaana ugu
caansan qaacidooyinkaas: D’hondt method iyo The Sainte-Laguë method [4].
B.
Nidaamka Codadka Gudba (Single Transferable
Vote):
Nidaamkani wuxuu dhinac uga egyahay nidaamka Codeynta Dooqeysan, oo waxey
codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta, hase ahaatee wuxuu uga duwanyahay
musharrixiintu waxey leeyihiin saqaf la rabo iney gaaraan (target point);
waxaana guuleysta musharrixiinta soogaara saqafkaas, hase ahaatee markey
soogaaraan saqafka wixii cod ee dheeri ay helaan waxaa loo xawilaa musharrixiinta
lugu qorey kaalinta labaad.
Tusaale, hadduu yahay saqafka doorashada degmada Boosaaso 20,000 cod,
kuraasta taalana tahey 13 kursi, waxaa soobixi kara musharraxii gaara 20,000,
codadka dheeriga ehna (ka badan 20,000) waxaa loo xawili doonaa musharrixiinta
lugu qorey booska labaad, sidaasna waxaa ku soo bixi kara musharraxiin bilowga
hore saqafka gaarin laakin codbixiyaal badan dookha labaad u ahaa.
Nidaamkc 5aad: Nidaamka Codeynta Condorcet (Condorcet Voting System):
Nidaamka kan waxaa hindisay oo
loogu magacdarey fiilasoofarkii faransiiska ee Condorcet, waa nidaam
murugsan oo aalaaba adeegsigiisu yaryahay, nidaamka kan waxey codbixiyaashu
isbarbardhigaan musharrixiinta mid-mid, oo midkey doortaana wuxuu helaa dhibco,
waxaana guuleysta musharraxa ugu dhibco bata.
Tusaale haddey isa soo sharraxaan
A, B & C , codbixiyuhu wuxuu mid-mid isbarbardhigi doonaa oo u codeynayaa
musharrixiinta saddexda eh: kow wuxuu u codeynayaa A & B midkood, laba
wuxuu u codeynaa A & C midkood, saddex wuxuu u codeynaa B & C midkood,
mid walbana wuxuu heli doonaa dhibico u dhigma inta jeer ee loo codeeyay.
Nidaamka kan wuxuu ku dhisanyahay
caddaalad, hase ahaatee kama marna cillado, koow: nidaamkani waxaa adag
fulintiisa xaaladaha qaar, tusaale haddii musharrixiintu bataan waxaa
codbixiyaasha ku adkaanaya codeynta; laba: nidaamkani wuxuu suuragalinyaa
xaalad ay musharrixiinta qaar codadkooda isla ekaadaan, waxaana loogu yeeree Condorcet
paradox, taaso eh ceeb aad u weyn.
Nidaamyada codbixinta waa ka
badanyihiin shantaas nidaam, hase ahaatee afarta hore ayaa loogu adeegsiga
badanyahay maanta, mana rabno inaan waqti badan galin nidaamyo adeegsigoodu
koobanyahay.
Nidaamka ku habboon Soomaaliya:
Haddaan dib u soo milicsano sooyaalka doorashooyinka Soomaaliya, waxaa
markii ugu horreeyey doorasha lagu qabtey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1954
waxeyna ahayd doorashada dowladaha hoose, nidaamka la adeegsadeyna wuxuu ahaa
nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran ee ku saleysan
degmooyinka badan, isla nidaamkaas baa lugu qabtay doorashooyinkii guud ee 1956
iyo 1959. Xorriyaddii kadibna waxaa sii hanaqaadey isla nidaamkii oo lagu
qabtey doorashooyinkii 1964tii iyo 1969kii [5].
Kadib kacaannkii kaligiitaliska ahaa iyo muddo dowlad la’aan la’ahaa,
waxey Soomaalidu ugu danbeyntii ku hishiiyeen sanadkii 2000 nidaam doorasho oo
dadban oo ku dhisan nidaamka wareegyada badan kaasoo lagu soo doorto xubnaha
labada aqal ee barlamaanka, guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha. Hase ahaatee
tan ilaa 2017 waxaa daarnaa dood adag oo ku saabsan nidaamka doorasha uu dalka
u guuri doono [6].
Sanadkii 2019kii waxey ansixisay xukuumaaddii Xasan Cali Kheyre xeer
doorashooyin oo ku dhisan nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran,
inkastoo Golaha Wadatashiga Qaranka uu hore u soo ansixiyey xeerkaas sanadkii
2018dii haddana ma hanaqaadin [7]. Sanad ka dib (sanadkii 2020kii) wuxuu barlamaanku
iyo madaxweyne Farmaajo wada ansixiyeen xeer doorasho oo ku dhisan nidaamka
Horreeyaa Guuleysta, hase ahaatee wuxuu dhaliyey buuq siyaasadeed waxaana ugu
danbeyntii laysku raacey in lugu laabto doorashadii dadbaneyd.
Dhanka kale, Xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud ee hadda dalka ka talisa
waxey jujuub ku wadaa xeer doorasho oo saldhig looga dhigey nidaamka Metelaadda
Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran kuna saleysan hal deegaan doorasho.
Guud ahaan doorashada cod-iyo-qof noocey ahaataba waxey warwar ku haysaa
qaybo ka mid bulshada Soomaalida gaar ahaan, reeraha tiro ahaan yar ama ku
filiqsan deegaano ballaaran, sababtuna waxey u arkaan qoondada kuraasta ay
hadda haystaan iney waayi karaan. Waxey ahaataba, waxaa shaki ku jirin in
hanaanka doorashada ee hadda jira ee dadban kuna dhisan 5 beel (4.5) uusan
ahaan doonin nidaam waara, maalin uun noqon doona mid laga guurey.
Haddaba nidaamkee ku habboon doorashada Soomaalia? Soomaaliya waxaa ku habsan
nidaam doorasho oo dammaanad qaadaya matalaadda beelaha laga tirada badanyahay,
isla jeerkaasna qarash yar, sidoo kalana farsama ahaan fudud. Shuruuddaas
koobani haddaan ku qiimeyno nidaamyadii kor ku soo xusnay, waxaa inoo soobaxaya
in nidaamyada Codeynta Dooqeysan, Wareegyada badan iyo Condorcet saddexduba
farsamo ahaan adagyihiin, sidoo kalana tixgalin xoogan siineyn musharrixiinta matalaya
bulshada laga tirade badanyahay.
Docda kale, nidaamka Horreeyaa Guuleysta waa nidaam fudud laakin wuxuu si
bareer eh u dafiraa matalaadd bulshada laga tirada badan yahay. Halka nidaamka codadka
gudba uu tixgalin u haayo musharrixiinta ka socda beelaha yaryar, maadaama uu
codadka saqaf u yeelo wixii ka battanna saqafkaasi siiyo musharrixiinta dookha
labaad eh, taasoo fursad u eh musharrixiinta bulshada laga tirada badanyahay,
hase ahaatee waa nidaam adag farsamo ahaan.
Haddaba dulucdu qormadani waxey
ku soo biyoshubmee nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska
Furan ayaa ku habboon doorashada barlamaanka Soomaaliya, sababtuna waa nidaam
si buuxda u tixgalinaya codadka musharrixiinta laga tirada badanyahay isla
jeerkaasna farsamo ahaan fudud, sidoo kale u ma baahno wareegyo badan oo
codbixin eh; wuxuuna uga fiican yahay nidaamka Liiska Xiran in codbixiyaashu
garanayaan cidda ay u codeynayaan taasoo xoojineysa isla-xisaabtanka iyo
matalaadd bulshada.
Nidaamka Liiska Furan waxaa
adeegsado waddamo ay ka mid yihiin Indunuusiya, Baraasiil, Biiruu, Biljam,
Deenmaark, Giriig, Fiji iyo Sirilaanka. Waxey waddamadu ku kala geddsinyihiin
tafaasiisha hoose [8].
Dr. Afyare Cilmi oo horraantii
sanadkaan ku qorey mareegta BBC laanta Af Soomaaliga qormo uu uga faalooynayo nidaamka
doorasho ee munaasabka ku ah Soomaaliya ayaa qorey: “Anigu waxaan marar badan
ku dooday, welina aan rumeysanahay in nidaamka doorashooyinka ee dalka ku
habboon uu yahay nidaamkii aan lahayn 1954-1969 ee ahaa Liiska Xiran ee
Metelaadda Isku-dheelli-tiran oo ku salaysan degmooyin badan.”
Wuxuu Afyare marar badan xusey in
nidaamka Liiska Xiran ku habboonyahay Soomaaliya, isagoo cuksanaya qodobo ay ka
mid yihiin inuu yahay nidaam fudud oo dhowri kara qoondada dumarka iyo qoondada
barakacayaasha, iyo qodob kale, hase ahaatee wuxuu mooganyahay in nidaamkani
gabi ahaanba wiiqo matalaadda shacabka maadaama bulshadu si toos eh u dooran musharrixiinta
ey baddalka doortaan xisbiyo; musharrixiintu waxey isku hawlaan habka ay ugu
sare mari lahaayeen liiska xisbiyadooda baddalka ay isku howli lahaayeen iney
kasbadaan deegaan doorashadooda.
Guud ahaan, nidaamka Metelaadda
Isku-dheelitiran wuxuu ku toolmoonyahay doorashada kuraasta xildhibaanada iyo
golayaasha deegaanka oo kaliya, wuxuuna ku habboonyahay dalalka barlamaaniga uu
barlamaanku iska sii dhex xusho ra’iisul wasaaraha, laakin Soomaaliya waa dal
qaatay nidaamka isku-dhafka eh ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha iska garab
shaqeeyaan, walina lama go’aamin cidda dooraneysa madaxweyaha haddii loo gudbo
doorasho qof-iyo-cod.
Aragti ahaan waxaa ila toolmoon
in shacabku si toos eh u doorataan madaxweynaha, gabi ahaanba la laalo nidaamka
hadda ee laaluushka ku dhisan ee xildhibaanadu doortaan madaxweynaha; waxaa ila
quman in madaxweynaha lagu doorto nidaam fudud oo dadweynuhu codeynayaan una
baahney wareegyo badan oo codbixin eh sidoo kale daaqadda ka saaraya wada
lahaanshiyaha xukunka (xisbiyo kala geddisan xukunka wada lahaanayaan) taasoo
waddamo badan u horseeday jahwareer siyaasadeed, sidaaada awgeed waxaa quman in
madaxweynaha ku dooranno nidaamka Horreeyaa Guuleysta.
Gunaanad, doorashada qof-iyo-cod
ee la rabo in loo wareego waa doorasho is dul barkan yihiin howlo badan, sida go’aaminta
xisbiyada tartamaya, qaybinta kuraasta deegaan doorashooyinka, qoondada
dumarka, tirada ugu yar (threshold
system) ee xisbiyada laga rabo iney gaaraan si kuraas u helaan, iyo kuwa
kale; mana fududa sida siyaasiinta muxaafidku ugu ololeeyaan.
Hadal iyo dhamaantii, waxaa
dalkeena munaasib ku eh laba nidaam doorasho, midi wuxuu ku toolmoonyahay
doorashooyinka barlamaanka waa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan
nooca Liiska Furan, kan kalena waa nidaamka Horreeyaa Guuleysta wuxuuna ku habboonyahay
doorashada madaxweynaha.
Dhamaad.
FG: waxaan qormadaan ku daabacay (20 October 2024) website-ka warbaahinta Dawan: https://dawan.so/nidaamka-doorasho-ee-ku-habboon-soomaaliya/
References:
[1]Yogesh Rajput & Sunny Kumar. (2017). How the
World votes. (https://voicenet.in/data/How-The-World-Votes.pdf).
[2] Statista. (2024). Share of votes in general
elections in the United Kingdom from 1918 to 2024, by political party. (https://www.statista.com/statistics/717004/general-elections-vote-share-by-party-uk/).
[3] Thea Ridley-Castle. (2024). How many countries
around the world use proportional representation? (https://www.electoral-reform.org.uk/how-many-countries-around-the-world-use-proportional-representation/).
[4] Dylan Difford. (2021). What is the difference
between D’hondt, Sainte-Laguë and Hare? (https://www.electoral-reform.org.uk/what-is-the-difference-between-dhondt-sainte-lague-and-hare/).
[5] Dr Afyare Cilmi. (2024). Halista Soomaaliya uga
imaan karta hal deegaan doorasho iyo sida ay tahay in loo xalliyo. (https://www.bbc.com/somali/articles/cy951ddnng7o).
[6] Elmi, A. (2021). The Politics of the Electoral
System in Somalia: An Assessment. Bildhaan: An International Journal of Somali
Studies, 21(1), 10. (https://digitalcommons.macalester.edu/cgi/viewcontent.cgi?article=1241&context=bildhaan).
[7] Muhyadin Roble. (2023). Lix arrin oo ay tahay
in aad ka ogaatid nooca doorasho qof iyo cod ee Soomaaliya. (https://www.bbc.com/somali/articles/cw8nyqljp53o).
[8]Wall, A. (n.d.). Open List Proportional
Representation. (https://www.idea.int/sites/default/files/publications/open-list-proportional-representation.pdf).
Comments
Post a Comment