𝗦𝗔𝗠𝗔𝗙𝗔𝗟𝗞𝗨 𝗪𝗨𝗫𝗨𝗨 𝗞𝗢𝗥 𝗨 𝗤𝗔𝗔𝗗𝗔𝗔 𝗖𝗔𝗔𝗙𝗜𝗠𝗔𝗔𝗗𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗦𝗞𝗔𝗫𝗗𝗔 & 𝗝𝗜𝗥𝗞𝗔
“maalin maalmaha ka mid eh baan qof wax ku sadaqaystay, dabadeedna waan iska ooyay, miskiinkii aan wax ku sadaqaysanayay baa si naxariis leh ii soo eegay, wuxuuna iweydiiyey ducadaan jeclaan lahaa inaan alle ka baryo, markaas baan ka codsaday inuu iigu duceeyo alle inuu kabo niyadayda jaban, dhab ahaantii miskiinkaasi isagaa wax isiiyay ee anigu waxba ma siin!”
Ruqiya
Cabdilcadim qaabkaas waxbixinta eh bay ku dhaqaaqday si ay u ga soo kabato
murugadii iyo niyadjabkii hayay; waxay ahayd gabadh da’da yar oo la il daran
istareska kadeedka kadib yimaada (Post-traumatic stress disorder) in ka badan
saddex bilood, waxayna martay qaab daawayn oo Saykoolaji eh, iyadoo daawayntaas
u socoto bay go'aansatay inay isku daydo waddo ka duwan daawaynta caadiga eh,
waxayna ku dhaqaaqday dhanka samafalka, waqti kooban bay ku dareentay isbadal
togan.
Ruqiyo iyadoo
hadalka siiwadata waxay tiri: “saaxiibteyda baa iigu dhiirigalisay samafalka
iyo sadaqaynta oo ii sheegtay sida ay uga soo kabatay xaalad dhimir eh oo ay ku
jirtay iyo sida uu samafalku ugu reebay qalbigeeda saamayn wanaagsan iyadoo oo
waxbixinta markii danbe joogtaysay. kadib, waxaan bilaabay inaan raaco dhaqankeeda,
mar kasta oo aan sameeyo camal wanaagsan waxaa jirkayga saaqaya nafis iyo
raynrayn, waxaana indhaha la raaca wejiga qofkaan caawinayo anigoo u
mahadcelinayo, waxaan ogaaday inay dhab ahaantii isagu/iyadu i caawinayso,
anigu se ahayn caawiyaha”
Maxaa dhacaya
marka aynu samayno camal wanaagsan? ma waxaa jira isbeddello jirka iyo maskaxda
eh, mise innagaa nafta moodsiinayna inaan qabannay hawl wanaagsan oo sidaas
darteed baan dareemnaa farxad?! Sida cilmibaarisyadu sheegayaan waxaa
jira isbeddello la xidhiidha samafalka iyo jidhka, maskaxda, iyo nafta qofka
sameeya, waxaana ka mid eh:
1- Xanuun
yarayn:
Daraasad la
daabacay 2017, koox cilmibaarayaal ah ayaa ogaaday in waxsiinta iyo doorbididda
dadka kale – taas oo ay ku qeexeen
caawinta dadk iyada oo aan laga sugaynin abaal – ay ka qaybqaadato yaraynta xanuunka; cilmibaarayaashu
waxay ogaadeen in dadka qaba xanuunada daba-dheeraada inay hagaagtay xaaladooda
oo ay dareemeen xanuun yar, ka dib markii ay si tabaruc ah u qabteen hawlo
samofal eh.
2- Yareenta
khatarta dhiigkarka:
Afar
saacadood todobaadkii haddii ugu talogashi howlo samafal, waxay hoos u dhigee
cadaadiska dhiigga 40% muddo afar sano gudahood, cilmibaaris 2013 lagu sameeyay
mutadawiciin da'doodu ka weyn tahay 50 sano ayaa shaaca ka qaaday natiijadaas.
3- Yareenta
walbahaarka iyo daalka:
Barfesooradda
ku xeeldheer cilmiga saykoolajiga ee la dhaho Liz Dunn oo xiiseysa xiriirka ka
dhexeeya lacagta iyo farxadda ayaa sameysay tijaabo fudud, waxayna ku ogaatay
inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya deeqsinimada iyo caafimaadka jirka. Tijaabada ay
sameysay marka la soo kobo; waxay $10 siisay dadkii tijaabada lagu sameenaayay
waxayna kala dooransiisay inay lacagta wada qaataan ama kis inay ku deeqaan.
Natiijada ka
soo baxday daraasaddani waxay la jaanqaadaysay daraasadihii hore, taas oo caddaynaysa
markastoo dadku lacag ku deeqaan inay dareemayaan farxad, taa cagsigeedana waa
sax oo markastoo dadku lacagta bakhiilaan waxay dareemayaan wajigabax (niyadjab)
taasina waxay sare u qaadee heerarka korostaroolka – cortisol – ee jirka, sare u kaca karastaroolkuna wuxuu sababay daal iyo jiro. Liz Dunn oo xoojinaysa natiijada cilmibaaristeeda ayaa
tiri: “hab-dhaqanka qofku wuxuu la xiriiraa caafimaadkiisa, ka qayb-qaadashada
shaqooyinka samafalka waxay sababaan cumri dheeri, sirtuna waa korostaroolka”
4- Kordhinta farxadda
iyo raaxada:
Hawlaha samafalka
inay horseedaan farxad waa arin la wada ogyahay, laakin Sonja Lyubo Mirsky oo
ah borfesoorad saykoolaji oo bare ka eh Jaamacadda kalifoorniya, in ka badan 20
sano baaritaano ku waday farxadda, waxay baaris ku gaartay hawlaha samafalka oo
todobaadkiiba mar la sameeyo inay kor u qaado dareenka farxadda iyo baraaraha.
5- Yareenta
murugada iyo niyadjabka
"Dareenka
murugada wuxuu iga tagaa markasta oo aan lacag sadaqaysto, ma iloobo maalin aan
soo iibsaday kiilo hilib ah oo aan rabay inaan karsado, laakiin waxaan jidka ku
arkay islaan sabool ah oo agfadhida
wiilkeeda naafada eh, anigoo laba-labayn baan siiyay hilibkii aan ku soo
iibsaday lacagtii u dambaysay biilka, waxaa se naftayda ku qanciyay in hilib nagu
filan cunay bishaas, naguna filantahay kis yaroo oo misir eh ama ukun iska shiilano”
sidaasi waxaa tiri Aamina Cabdilwaaxid, oo dhakhtarka saykoolaji ka socda SASA POST ka
daawaynayay niyadjab.
Aamino hadalka
sii wada waxay tiri: “ma jiro wax ka weyn dareenkaas qotada dheer ee farxadda
iyo reynreyn ah ee aan dareemay, ilaa aan maalintii xigtay hurdada ka kacay anigoo
oohintii toddobaadyo waday joojiyay. Runtii, waxay ahayd habeenkii u horreey oo
si fiican u seexdo, waxaana soo toosay iyada oo wax oohin eh ihayn.” Hadalka aamina
waxaa taageeraya daraasad ku saabsan saamaynta togan ee samafalku uu ku leeyahay
niyadjabka, iyo kor u qaadista heerka qanacsanaanta nolosha.
Laakin, sidee
buu camalka wanaagsan inoo caawinayaa?
Waa run in
cilmibaarisyo saynis ah ay hore u muujiyeen saamaynta muddada dheer iyo muddada
gaaban ee shaqada samafalku leedahay, laakiin macluumaadkan ku jira daraasad la
daabacay Diisambar 2019 waxay isku daydey inay hesho habka (mechanism) ay tani
u dhacdo. Intii lagu guda jiray daraasaddan oo ay ka qaybgaleen 278 qof, waxay
ogaadeen cilmibaarayaashu in kuwa ku deeqay dhiigooda ka dib dhulgariir dhacay inay
dareemeen xanuun yar marka loo eego koox sameeyay baaritaanka caadiga ah ee
dhiigga, inkastoo sirinjada loo isticmaalay mutadawiciinta ay af weyneyd!
Intaa kaliya
maaha, waxa tijaabo kale lagu sameeyay laba kooxood oo kooxi tahay mutadawiciin
(volunteer) caawiya caruurta iyo koox dad caadi eh, labada kooxba waxa lugu
furay hawo qabow eh: kooxdii mutadawiciinta waxqabow kama sheegan!
Dareenka farxadda
kuma yimaado kaliya xanuunka oo la joojiyo, sidoo
kale wuxuu ku yimaadaa falgalada kiimikada ee ka dhaca gudaha maskaxda, waxaa arrintaasi caddaysay daraasad
lagu sameeyay saameynta shaqada wanaagsan iyo saameynta togan ay ku leedahay samafalaha iyo
dareenkiisa "farxadda", markasta oo samafal sameysid waxa
firfircoonaanaya maskaxda meelo ka mid eh.
Qofka bilaaba
samafalka ma ahaanayo sidiisii hore; Waxay la mid tahay gelitaanka goob aanu
qofku mar kale awood u lahayn inuu ka soo baxo, sida lagu sheegay daraasad lagu
daabacay wargeyska saykoolajiga ee la dhaho Psychological Science, cilmibaarayaasha
Adam Grant iyo Jane Dutton waxay rabeen inay fahmaan ku-fakridda
samafalka sida ay u saameyso dhaqanka, waxay ogaadeen in caawinta, waxbixinta,
tabarucnimada iyo falalka kale ee la doonayo in lagu caawiyo dadka kale inay
door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta caafimaadka, horumarinta waxbarashada, la
dagaallanka faqriga iyo gaajada, iyo bixinta gargaarka musiibooyinka, laakiin
tan ugu muhiimsan ku fakiridda waxbixinta waa qalab awood leh oo kugu
dhiirigalinaya caawinta iyo samafalka. Markastoo ku fakirno samafal waa
markastoo samafal badan sameyno.
Qormada
Asalka eh: التعافي بالأعمال التطوعية: هكذا يساعد فعل الخير في
تحسين الصحة النفسية والجسدية
Qoraa: Rixaab
Lu’ay
Website: www.sasapost.com
Tarjume: Abdurisaq
A. Abdullah

Comments
Post a Comment