𝗙𝗔𝗗𝗘𝗘𝗫𝗔𝗗𝗗𝗜𝗜 𝗠𝗔𝗦𝗛𝗥𝗨𝗨𝗖𝗔 𝗤𝗨𝗨𝗗𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗖𝗔𝗥𝗨𝗨𝗥𝗧𝗔
![]() |
Cudurkii saf-mareenka ahaa ee koroona fayras (COVID-19) markuu soo ifbaxay dhamaadkii sanadkii 2019, wuxuu waqti kooban ku faafay dunida oo dhan isagga oo galaaftay oo qabriga galiyay malaayiin ruux; halka malaayiin kalana sariirta saaray, kuwa kalana ka jaray ishii dakhliga. Dawladihii dunida iyagoo ka jawaabaya saameynta cudurka waxay bilaabeen inay kabaan oo gacan siiyaan bulshooyinkooda kuwooda nugul.
Dawladda
maraykanku waxay hormuud u ahayd dawladihii sida xoogan lacagta u bixiyay, qaab
toos eh iyo qaab dadbanba. Xilligaas, wasaaradda beeraha ee mareykanka waxay
ugu deeqday bulshada soomaalida-minisoota deeqo lacageed, iyadoo u soo
marsiinaysa hay’ado samafalayaal, ujeedka deeqahaasi wuxuu ahaa quudinta iyo
nafaqada caruurta soomaalida ee gobolka minisoota.
Maadaama
lacagta deeqda ahayd lacagtii canshuur-bixiyaasha marnaba dabagal la’aan iyo
xisaabxer la’aan kuma bixi lahayn, se inta aysan hay’adaha dabagalka
maaliyadeed baaritaankooda bilaabin waxaa soo ifbaxay shaki iyo mugdi ku
gadaaman qaabka mashruuca u socdo.
May
2021 wasaarada waxbarashada gobalka minisoota
ayaa u dirtay fariin wasaaradda beeraha federaalka, fariinta oo
muujinaysa walaac ay ka qabaan mashruuca nafaqada gaar ahaan hay’adda Feeding our Futur,
waxay wasaaradda waxbarashadu codsatay in baaritaan lagu sameeyo goob ka mid eh
goobaha cuntada lagu bixinayay, iyagoo ka shakiyay tirade caruurta lagu quudiyo.
April
2021 isla wasaaradda waxbarasha ayaa kiiskii la wadaagtay FBI kana codsatay
inay baaritaan sameeyaan. codsigaas bay FBI ku bilaawday baaritaano iyo
fatishaad xafiiska hay’adda Feeding our Future. Baaritaano dheer ka dib
waxay xeer-ilaalintu soo bandhigtay kiiska kan waxayna soo eedeysay 70 qofood
oo u badan soomaali.
Hay’adaha
la soo eedeeyay wax aka mid ahaa Somali Community Resettlement Services,
waa hay’ad kheyri oo ku dhawaad shaqaynaysay 25 sanadood. Sidoo kale waxa ku
jira maqaayado iyo shirkado soomaaliyeed oo qandaraas ku qaatay qaybinta
cuntada mashruucaasi.
Shirkadaha
Soomaalidu waxay qandaraaska ugu badan ka qaateen hay’adda Feeding our Future
oo la’aasaasay sanadkii 2016, mudo kooban ku noqtay hay’adda ugu weyn ee
qandaraasyada ka bixisa gobalka minisoota, madax maamulka hay’adda Aimee
Bock ayaa ka mid eh eedeysanayaasha maxkamadda sugaya, waxaana lagu
eedeeyay si masuuliyad daro eh inay ogolaatay in raashinka caruurta lugu bixiyo
goobaha waxbarashad meel ka baxsan iyo eedo kale; fadeexadda tanna waxaaba
loogu magacadaray hay’addeeda.
Aimee
Bock oo u warantay wargayska Star Tribune ayaa gabi’ahaan beenisay
eedaha loo soojeediyay iyada iyo
qandaraasleyda hoos yimaada, waxayna sheegtay inay bixin jireen in ka badan
100,000 saxan cunto (meal) maalintiiba intii uu socday mashruuca.
Xeer-ilaaliye Attorney Andrew oo galka kiiskan furay baa ku tilmaamay fadeexaddaan; lunsashadii ugu waynad ee ka dhacda gudaha mareykanka intii lugu guda jiray musiibadii karoonaha. Baaritaanada waxa lugu sheegay hay’adaha iyo qandaraaslayda la soo eedeeyay inay lacag yar ay si dhab ah u fuliyeen, lacagta inteeda badanne lunsadeen, waxayna ku qariyeen lacagaasi ay lunsadeen rasiidyo foojari eh iyo magacyo caruur aan jirin!
Waxan
dhawaan la maxkamadeeyay 7 qofood ee ugu horeeyay 70kii lasoo eedeeyay. Ka hor maxkamadeyntii eedeysaneyaasha
waxaa soo shaacbaxday kiis hor leh oo xiriir la leh 7 eedeysane oo eh
laaluushidda xeerbeegtiga kiiska go’aamin lahayd. Xeerbeegtigu waa tiro dad eh
oo laga soo xusho bulshada, kana caawiya garsooraha go’aaminta dacwadaha, sida
caadiga ehna lama shaaciyo magacyada xeerbeegtiga kiiska galeya si aan loo
laaluushin.
Waxay
ahaataba, Xeerbeegtida la rabay in la luusho oo ahayd gabar dhalinyaraa ayaa
booliska u gaysay boors loogu keenay gurigeeda oo ku jirto lacag gaareysa $120000,
waxayna xustay qofka u keenay lacagtaasi inuu ahaa qof dumar eh oo dadan ku
hadleysayna qaab-dhawaqa ingiriiska soomaalida, waxayna u sheegtay haddii ay u
codeyso danbi-la'aanta eedeysanayaash, inay heli doonto boorso kale oo lacag eh.
Ka
dib iskudaygii laaluushidda xeerbeegtiga ee fashilmay, waxaa xabsiga loo
taxaabay 7 eedeysane oo dhamaantood soomaali ahaa; 6 rag yihiin, 1 qofna dumar tahay. Sidoo kale
Garsoorad Nancy Brasel waxay amartay in la baaro
eedeysanayaasha taleefanadooda. Sidoo kale waxaa la dhaariyay dhamaan
xeerbeegtidii kiiska gali lahaa, lagu dhaarinaayo inaysan qaadan wax laaluush
eh, waxaana soo baxday in iskuday kale uu jiray oo mid ka mid xeerbeegtida
qaraabadeeda loo soomaray, waxay maxkamaddu go’aan ku gaartay in 2da xeerbeegti
ee layskuday in la laaluusho in lagu badalo laba kale.
Xeer-ilaalintu
waxay ku soo eedeeysay 7dii eedeysane 41 eed oo ay ku jiraan isdabamarin iyo lacag-dhaqid. Afar maalin oo
ay xeerbeegtidii ka doodayeen waxay maxkamadu danbiga ku heshay 5 ka mid eh
7dii eedeysane; Cabdicasiis Shaafici Faaraxa waxa lagu helay 23 danbi, xeer-ilaalintu
waxay ku tilmaameen inuu ahaa horjoogihii kooxdan, halka Maxamed Jamaal Ismaciil
lagu helay 3 danbi, Cabdimajiid Maxamed Nuur waxaa lagu helay 10 danbi, Mukhtaar
Maxamed Shariif iyo Xayat Nuur waxa labaduaba lagu helay 4 danbi. Halka wax
danbi eh lagu waay Saciid Shaafici Faarax iyo Cabdiwahaab Maalin Iftiin.
Waxaa
kale oo xusid mudan, Xeer-ilaalintu inay soo bandhigeen eedeysanayaasha hababka
ay u isticmaaleen lacagta, waxaana la soo bandhigay kuwa guryo qasriye ka gatay Minisoota dhexdeeda, kuwa gatay baabuurta lagu tamashleeyo, kuwo guryo ka
dhistay Keenya, kuwa u adeegsaday lacagtaasi inay ku dalxiisaan iyo kuwo ku
gatay dahab!
Dhamaan
70 eedeysnae waxa danbiga qirtay 18 ruux oo kaliya, waxayna dib u celiyeen
lacago gaaraya 60 milyan.
Kadib soo ifbixii fadeexadda tan waxa lagala laabtay hay’ad Soomaali leedahay oo Minisoota ka hawlgasha laba mashruuc oo wadarta lacagtoodu tahay 6.5 milyan, mid ka mid eh mashaariicdaasi wuxuu magaciisu ahaa “critical need for affordable housing and commercial space for the Somali community” mashruuca kan ee la’laay waxa uu ujeedkiisu ahaa in lagu dhiso 60 hooy iyo 10 dhismo ganacsi oo qiimo jaban looga gado soomaalida.
Intaa kuma eko fadeexadaha lacag lunsashada ee soomaalida minisoota, bishii May 2024, waxa la soo eedeeyay 8 ruux oo soomaali eh, u badan dumar oo lagu eedeeyay inay lunsadeen mashruuca ku fadhiyay lacag 2.6 milyan, xeer-ilaaliyaha soo eedeeyay waxa uu xusay eedeysanayaashu inay xadeen dukumentiyo muwaadiniin dagnaa deegaanka Faribault ka dibna sheegteen inay uga faa’ideeyeen mashruuca iyagoo waxba siin dadkaasi!
References:
Cabra,
S. (2024). A$120,000 jury bribe disrupts US charity fraud trial. (https://www.bbc.com/news/articles/c4nn657qq9vo)
Winter,
D. (2024). Somali nonprofit got a
million-dollar cut from Feeding Our Future fraud, prosecutors say. (https://minnesotareformer.com/2024/05/23/somali-nonprofit-got-a-million-dollar-cut-from-feeding-our-future-prosecutors-say/)
$250
Million Minnesota Fraud Suit Rattles Somali Community. (2022). (https://www.somtribune.com/2022/09/21/250-million-minnesota-fraud-suit-rattles-somali-community/ )
Eight Minnesota Somalians Charged for US$2.6 million Medicaid Fraud. (2024)(https://www.somtribune.com/2024/05/08/eight-minnesota-somalians-charged-for-us2-6-million-medicaid-fraud/ )
Photo copy right: Associate Press.

Comments
Post a Comment