𝗙𝗔𝗗𝗘𝗘𝗫𝗔𝗗𝗗𝗜𝗜 𝗠𝗔𝗦𝗛𝗥𝗨𝗨𝗖𝗔 𝗤𝗨𝗨𝗗𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗖𝗔𝗥𝗨𝗨𝗥𝗧𝗔

 


Cudurkii saf-mareenka ahaa ee koroona fayras (COVID-19 markuu soo ifbaxay dhamaadkii sanadkii 2019, wuxuu waqti kooban ku faafay dunida oo dhan isagga oo galaaftay oo qabriga galiyay malaayiin ruux; halka malaayiin kalana sariirta saaray, kuwa kalana ka jaray ishii dakhliga. Dawladihii dunida iyagoo ka jawaabaya saameynta cudurka waxay bilaabeen inay kabaan oo gacan siiyaan bulshooyinkooda kuwooda nugul.

Dawladda maraykanku waxay hormuud u ahayd dawladihii sida xoogan lacagta u bixiyay, qaab toos eh iyo qaab dadbanba. Xilligaas, wasaaradda beeraha ee mareykanka waxay ugu deeqday bulshada soomaalida-minisoota deeqo lacageed, iyadoo u soo marsiinaysa hay’ado samafalayaal, ujeedka deeqahaasi wuxuu ahaa quudinta iyo nafaqada caruurta soomaalida ee gobolka minisoota.

Maadaama lacagta deeqda ahayd lacagtii canshuur-bixiyaasha marnaba dabagal la’aan iyo xisaabxer la’aan kuma bixi lahayn, se inta aysan hay’adaha dabagalka maaliyadeed baaritaankooda bilaabin waxaa soo ifbaxay shaki iyo mugdi ku gadaaman qaabka mashruuca u socdo.

May 2021 wasaarada waxbarashada gobalka minisoota  ayaa u dirtay fariin wasaaradda beeraha federaalka, fariinta oo muujinaysa walaac ay ka qabaan mashruuca nafaqada gaar ahaan hay’adda Feeding our Futur, waxay wasaaradda waxbarashadu codsatay in baaritaan lagu sameeyo goob ka mid eh goobaha cuntada lagu bixinayay, iyagoo ka shakiyay tirade caruurta lagu quudiyo.

April 2021 isla wasaaradda waxbarasha ayaa kiiskii la wadaagtay FBI kana codsatay inay baaritaan sameeyaan. codsigaas bay FBI ku bilaawday baaritaano iyo fatishaad xafiiska hay’adda Feeding our Future. Baaritaano dheer ka dib waxay xeer-ilaalintu soo bandhigtay kiiska kan waxayna soo eedeysay 70 qofood oo u badan soomaali.

Hay’adaha la soo eedeeyay wax aka mid ahaa Somali Community Resettlement Services, waa hay’ad kheyri oo ku dhawaad shaqaynaysay 25 sanadood. Sidoo kale waxa ku jira maqaayado iyo shirkado soomaaliyeed oo qandaraas ku qaatay qaybinta cuntada mashruucaasi.

Shirkadaha Soomaalidu waxay qandaraaska ugu badan ka qaateen hay’adda Feeding our Future oo la’aasaasay sanadkii 2016, mudo kooban ku noqtay hay’adda ugu weyn ee qandaraasyada ka bixisa gobalka minisoota, madax maamulka hay’adda Aimee Bock ayaa ka mid eh eedeysanayaasha maxkamadda sugaya, waxaana lagu eedeeyay si masuuliyad daro eh inay ogolaatay in raashinka caruurta lugu bixiyo goobaha waxbarashad meel ka baxsan iyo eedo kale; fadeexadda tanna waxaaba loogu magacadaray hay’addeeda.

Aimee Bock oo u warantay wargayska Star Tribune ayaa gabi’ahaan beenisay eedaha loo soojeediyay iyada  iyo qandaraasleyda hoos yimaada, waxayna sheegtay inay bixin jireen in ka badan 100,000 saxan cunto (meal) maalintiiba intii uu socday mashruuca.

Xeer-ilaaliye Attorney Andrew oo galka kiiskan furay baa ku tilmaamay fadeexaddaan; lunsashadii ugu waynad ee ka dhacda gudaha mareykanka intii lugu guda jiray musiibadii karoonaha. Baaritaanada waxa lugu sheegay hay’adaha iyo qandaraaslayda la soo eedeeyay inay lacag yar ay si dhab ah u fuliyeen, lacagta inteeda badanne lunsadeen, waxayna ku qariyeen lacagaasi ay lunsadeen rasiidyo foojari eh iyo magacyo caruur aan jirin!

Waxan dhawaan la maxkamadeeyay 7 qofood ee ugu horeeyay 70kii lasoo eedeeyay. Ka hor maxkamadeyntii eedeysaneyaasha waxaa soo shaacbaxday kiis hor leh oo xiriir la leh 7 eedeysane oo eh laaluushidda xeerbeegtiga kiiska go’aamin lahayd. Xeerbeegtigu waa tiro dad eh oo laga soo xusho bulshada, kana caawiya garsooraha go’aaminta dacwadaha, sida caadiga ehna lama shaaciyo magacyada xeerbeegtiga kiiska galeya si aan loo laaluushin.

Waxay ahaataba, Xeerbeegtida la rabay in la luusho oo ahayd gabar dhalinyaraa ayaa booliska u gaysay boors loogu keenay gurigeeda oo ku jirto lacag gaareysa $120000, waxayna xustay qofka u keenay lacagtaasi inuu ahaa qof dumar eh oo dadan ku hadleysayna qaab-dhawaqa ingiriiska soomaalida, waxayna u sheegtay haddii ay u codeyso danbi-la'aanta eedeysanayaash, inay heli doonto boorso kale oo lacag eh.

Ka dib iskudaygii laaluushidda xeerbeegtiga ee fashilmay, waxaa xabsiga loo taxaabay 7 eedeysane oo dhamaantood soomaali ahaa;  6 rag yihiin, 1 qofna dumar tahay. Sidoo kale Garsoorad Nancy Brasel waxay amartay in la baaro eedeysanayaasha taleefanadooda. Sidoo kale waxaa la dhaariyay dhamaan xeerbeegtidii kiiska gali lahaa, lagu dhaarinaayo inaysan qaadan wax laaluush eh, waxaana soo baxday in iskuday kale uu jiray oo mid ka mid xeerbeegtida qaraabadeeda loo soomaray, waxay maxkamaddu go’aan ku gaartay in 2da xeerbeegti ee layskuday in la laaluusho in lagu badalo laba kale.

Xeer-ilaalintu waxay ku soo eedeeysay 7dii eedeysane 41 eed oo ay ku jiraan  isdabamarin iyo lacag-dhaqid. Afar maalin oo ay xeerbeegtidii ka doodayeen waxay maxkamadu danbiga ku heshay 5 ka mid eh 7dii eedeysane; Cabdicasiis Shaafici Faaraxa waxa lagu helay 23 danbi, xeer-ilaalintu waxay ku tilmaameen inuu ahaa horjoogihii kooxdan, halka Maxamed Jamaal Ismaciil lagu helay 3 danbi, Cabdimajiid Maxamed Nuur waxaa lagu helay 10 danbi, Mukhtaar Maxamed Shariif iyo Xayat Nuur waxa labaduaba lagu helay 4 danbi. Halka wax danbi eh lagu waay Saciid Shaafici Faarax iyo Cabdiwahaab Maalin Iftiin.

Waxaa kale oo xusid mudan, Xeer-ilaalintu inay soo bandhigeen eedeysanayaasha hababka ay u isticmaaleen lacagta, waxaana la soo bandhigay kuwa guryo qasriye ka gatay Minisoota dhexdeeda, kuwa gatay baabuurta lagu tamashleeyo, kuwo guryo ka dhistay Keenya, kuwa u adeegsaday lacagtaasi inay ku dalxiisaan iyo kuwo ku gatay dahab!

Dhamaan 70 eedeysnae waxa danbiga qirtay 18 ruux oo kaliya, waxayna dib u celiyeen lacago gaaraya 60 milyan.

Kadib soo ifbixii fadeexadda tan waxa lagala laabtay hay’ad Soomaali leedahay oo Minisoota ka hawlgasha laba mashruuc oo wadarta lacagtoodu tahay 6.5 milyan, mid ka mid eh mashaariicdaasi wuxuu magaciisu ahaa “critical need for affordable housing and commercial space for the Somali community” mashruuca kan ee la’laay waxa uu ujeedkiisu ahaa in lagu dhiso 60 hooy iyo 10 dhismo ganacsi oo qiimo jaban looga gado soomaalida.

Intaa kuma eko fadeexadaha lacag lunsashada ee soomaalida minisoota, bishii May 2024, waxa la soo eedeeyay 8 ruux oo soomaali eh, u badan dumar oo lagu eedeeyay inay lunsadeen mashruuca ku fadhiyay lacag 2.6 milyan, xeer-ilaaliyaha soo eedeeyay waxa uu xusay eedeysanayaashu inay xadeen dukumentiyo muwaadiniin dagnaa deegaanka Faribault ka dibna sheegteen inay uga faa’ideeyeen mashruuca iyagoo waxba siin dadkaasi!

 

References:

Cabra, S. (2024). A$120,000 jury bribe disrupts US charity fraud trial. (https://www.bbc.com/news/articles/c4nn657qq9vo)

Winter, D.  (2024). Somali nonprofit got a million-dollar cut from Feeding Our Future fraud, prosecutors say. (https://minnesotareformer.com/2024/05/23/somali-nonprofit-got-a-million-dollar-cut-from-feeding-our-future-prosecutors-say/)

$250 Million Minnesota Fraud Suit Rattles Somali Community. (2022). (https://www.somtribune.com/2022/09/21/250-million-minnesota-fraud-suit-rattles-somali-community/ )

Eight Minnesota Somalians Charged for US$2.6 million Medicaid Fraud. (2024)(https://www.somtribune.com/2024/05/08/eight-minnesota-somalians-charged-for-us2-6-million-medicaid-fraud/ )

Photo copy right:  Associate Press.


Comments

Popular posts from this blog

𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮 “𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮” 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗹𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗶𝗶𝗾𝗮𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮:

𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗯𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼: 𝗠𝗮 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗯𝘂 𝗗𝗵𝗮𝗯𝗶 𝗸𝗮 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗨𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮

𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗛𝗔𝗕𝗕𝗢𝗢𝗡 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔