𝗤𝗜𝗦𝗛𝗞𝗨 𝗚𝗢𝗢𝗥𝗠𝗨𝗨 𝗫𝗔𝗟𝗔𝗔𝗟 𝗡𝗢𝗤𝗗𝗔𝗬?
Bishii
Maay ee sanadkii 2019, wasaaradda waxbarashadu ee federaalku waxay laashay
imtixaankii dugsiga sare oo meel dhexe marayay ka dib markii internetka lagu
baahiyay nuqullo ka mid eh imtixaanka, go’aankaasina wuxuu ka carraysiiyay
ardaydii imtixaanka galaysay iyo maamul-goboleeyada qaar sida Hirshabeelle oo
waagaas ku hanjabtay inay iskeed u qaadan doonto imtixaankeeda.[1]
Dhacdadaasi
maaha markii ugu horreysay oo la soo dusiyo qishka imtixaanka dugsiga sare,
sidoo kale kuma ekeyn sanadkaas oo wixii ka danbeeyay sanadkaasi waxaaba la
dhihi karaa si joogto eh baa loo soo dusinayay imtixaanka dugsiga sare.
Qishku
micna ahaan waa imtixaanka oo si tuuganimo looga shaqeeyo, se micnaha ay u
dajiyeen bahda waxbarashada waa ka balaaran yahay, waxaana soo hoosgalaya
khiyaano kasto uu ardaygu sameeyo si uu ugudbo ama buundo dheeri eh ku helo,
tusaale: jawaabaha imtixaanka ama layliga oo si sharcidarro eh u helo,
imtixaanka oo looga shaqeeyo, ardayga oo sheegta xog uusan lahayn (plagiarism),
buundada imtixaanka ama shahaadad uu gato, buuga qalinjabinta oo loo qoro iyo
wixii la hal maala.
Ayaandarrada
waxay tahay in dhamaan noocyadaas qishka ee kala duwan inay ka jiraan dalkeena,
waliba qishku wuxuu tartiib-tartiib u noqday dhaqan bulsho oo laga sarriigeyn;
kuma hakan ardayda, wuxuu gaaray heer waalidiintu iyo macalimiintu ka wada
shaqeeyaan siduu ardaygu qish u heli lahaa!
Imtixaankii
dowladda federaalka ee sanadkaan waxa la soo wariyay waalidiin iyo maammulayaal
lacag bixiyay si ardaydooda u qishaan; iyagoo laaluushaya waardiyaasha xarumaha
imtixaanka si ay ugu ogalaadaan ardayda in moobil la galaan goobaha imtixaanka.
Waxaa arrintaasi xoojiyay muuqaallo internetka lagu soo baahiyay oo muujinaya
arday qishaysa oo haddana moobilka iska duubaya sida inay ku faanayaan oo ay
carinayaan bulshada; yaa wax naga qaadi karo camal!!!
Qishku
kuma shaacsano Koonfurta Soomaaliya oo kaliya, waxaa sidoo kale uu fara ba’an
ku hayaa iskoolaadka maamulka Soomaliland, warbixin qishka Soomaaliland ka
hadleysay baa lugu xusuy in macalimiintu badanaa aysan u gudbin ardayda qishka
lugu qabto maamulka iskoolka, waxaana taasi lagu sababeeyay macalimiinta oo ka baqa
dagaalka ardayda iyo sidoo kale rabitaan eh bogaadin hela oo ardaydiina ha
baasaan.[2]
Soomaaliya
waxay waaydaan danbe ku suntanayd dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida, sanadkii
hore 2023 waxay Soomaaliya keentay warbixnta hufnaant 11 dhibcood oo buundada
sixiddu tahay 100 dhibicood, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa waddanka ugu
musuqmaasuqa badan liiska 180 dal oo daraasadda lagu sameeyay.[3]
Waxaan
aaminsanahay qishku inuu yahay nooc ugu saameenta daran musuqmaasuqa; sababtuna
wuxuu abuuraa arday tayo liidata oo dabooli karin baahidii bulshada, sidoo kale
wuxuu ardayga baraa noocyada kale ee musuqmaasuqa ee jira sida laaluushka,
xatooyada xoolaha dadweynaha, canshuur xeeladeysi, been-abuuridda iwm.
Burburkii
ka dib waxaa Soomaaliya caado ka noqotay sameysiga dokumentiyo beenabuurka eh
sida baasaboorka, shahaado dhalasho iyo mid waxbarasho. Ammin aan sii fogeyn
waxa suuqa Bakaare gaar ahaan Cabdalla-shideey lugu gadi jiray nooc wal oo
dokumenti eh oo uu qofi u baahdo. Waxaan soo xasuustay sheekooyin laga sheego
ardaydii Soomaali ee deeqaha waxbarashada ka helay waddamada deriska ee watay
shahaado Cabdalla-shideeyo oo dhibcaha ku qorani yihiin 100 iyo 99 oo la kulmay
jeesjeesid, laguna dhahay: “ugu yaraan natiijo caqligal eh maad soo qorotaan..
haddaaba 100 dhibcood keeni kartaan maaddo walba maxaad wax u baranaysaan?!..
imtixaanka dugsigeena sare haddaad fariistaan, eber xitaa keenimaysid ee sidaa
ma u ogtihiin!!!”
Soomaalidu
iyo qishku waxaaba la moodaa qof iyo harkii oo kala harayn; qishku xitaa waxa uu
ka jiray oo walinaa ka jiraa dowalad deegaanka Soomaalida Itoobiya sida uu
sheegay Madaxweyne Mustaf oo wareysi siinaay Cabdisalaan Hereri[4], isagoo ka
jawaabay su’aal ku saabsanayd sababta ardayda deegaanka ee ka gudba imtixaanka
dugsiga sare uga yaryihiin 3%, wuxuu yiri:
“..
waxbarashada tayadeed way xumaatay lama dhihi karo haddii qishkii la
xakameeyay.. meelaanu ardaygu dhaceenin, meel macalimuunti iyo waalidiintu ka
wada shaqaynayaan inuu ardaygu qish ku baaso ayaan ugu nimid dalka”
Runtii
waxaan aaminsanahay in nidaamka waxbarashada la’adkeeyo oo marnaba qish la
ogalaan haddana ardayda dhacaya waa inay ka hooseyn 60%, haddii ay dhacdana
waxaan qabaa in la baasiyo ardayda kuwooda dhibcaha yar ku dhacay. Xaaladda
waxbarashada Itoobiya ee 96.8% ardaydu dhaceen waa musiibo xargahagoosatay;
sanadkii hadda tagay 2022/2023 waxa kaliya ee ka baasay imtixaanka dugsiyada
sare 27,267 arday, wadartuna tahay 845,099 arday taasoo u dhiganta (3.2%),
halka nasiib-xumo nisbadu ka sii yareed gobolka Soomaalida.[5]
Laga
yaabaa Soomaali badan inay ogolaan lahaayeen qishka badalka arday intaas la’eg
intay dhici lahaayeen, laakin waxaa jira oo aysan ogeyn qaacidooyin xisaabeed
oo la ogolyahay oo arday badan lagu baasin karo iyagoo loo kala eexan! (waxaa
jira qaacido xisaabeed loo adeegsado marka la rabo in la baasiyo ardayda ku
dhacday maaddo ee u dhaxeeya buundooyinka 25-49, dhamaadka qormada ka daalaco).
Docda kale, Imtixaanaadka dugsiga sare (fasalka 12-aad) ee qaaddo dawladda federaalka waxaa dhaca tiro yar marka lala barbar dhigo Itoobiya, tusaale sanadkii 2021/2023 waxaa dhacay 1143 arday (u dhiganta 3.4%) waxaana u fariistay imtixaanka 33468 arday[6], halka sanadkii 2019/2020 dhaceen 8550 arday (25.3%), halka sanadkii 2018/2019 dhaceen 6,935 arday (23.5%).[7]
Sidoo
kale waxaa la mid eh Puntlanad iyo Soomaaliland oo iskeed u qaada imtixaanka
dugsiga sare, sanadkii 2022/2023 waxaa imtixaanka Puntland dhacay 151 arday (u
dhiganta 2%),[8] halka isla sanadkaas Soomaliland ka dhaceen 357 arday (u
dhiganta 2.5%).[9]
Haddii
aan dib ugu soo noqonno mowduuceenii qishka, bulshadeenii waxay marayaan heer
la colloobaan qofka u istaaga tayaynta waxbarashada ama inay ku maadeystaan
dadkii la dagaalamaay aafadaas markay turaanturoodaan sida ku dhacday Goodax
Barre oo ka mid eh wasiiradii soomaray uguna magaca dheeraa sanadadaan danbe
wasaaradda waxbarashada, masuulna ka ahaa go’aankii lagu laalay imtixaankii
2019kii, Goodax waa lagu maadeystay sanadkii 2022 markii uu ku guuldaraystay
inuu xajisto kursigii xildhibaan ee uu u tartamay. Dhalinyaro badan baa ku soo
qoray barahabulshada qoraal jeesjees eh sida in cuqabadii ardayda ka soo baxday
iyo wax la hal maala.
Qishku
kuma hakan iskoolaadka oo kaliya ee wuxuu u gudbay xitaa waxbarashadii sare,
nasiib xumo Soomaaliya wax ka buuxo jaamacado tayoliita (ka badan tirade
jaamacadaha Kiinya & Itoobiya) gaar ahaan Muqdisho oo ujeedda kaliya ee loo
furay tahay macaash; xitaa waxa jira hadal suuqeed dhaho “Jaamcaduhu ma ridaan
ardayda; Jaamacaduhu lacag lee rabaan; Jaamacadu waa bakhaaro camal…” halka
jaamacadaha qaar lagu xanto inay gadaan shahaadada!
Waxaa
kale oo xusid mudan, ardayda jaamacadaha ee ku jira sanadka ugu danbeeya waxaa
caado ka noqotay in loo soo diyaariyo buugga qalijabinta, waxaaba bilaabmay
ganacsi la xiriir qoridda buugga qalinjabinta oo si gabasho lahayn loogu
xayaysiiyo baraha bulshada, halka ardayda qaar kale magaca kaliya ka badalaan
buug jaamacad kale laga gudbiyay kol hore, waxaana taas u fududeenaya dalkeena
oo lahayn server kaydiyo xogta cilmibaarista ardayda, si looga ilaaliyo xatooyo
iyo wixii la mid eh.
Luulyo
2018, waxaa xilka wasiirnimada ku waayay saacado ka dib hadal uu ka yiri tayada
jaamacadaha Soomaaliya, wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ahaa wasiirka
waxbarashada ee dowladda federaalka, hadalka wasiirku wuxuu ahaa: “Anaga ma
jirto jaamacad aan aqoonsanahay, waxbarashada ay bixiso iyo qaabka ay u
dhisantahay jaamacad aan dhihi karno waan aqoonsanahay ma jirto, sababtoo ah ,
waan qiyaasaynaa in ay jiraan jaamacaad badan oo shuruudaha soo buuxin kara,
laakiin weli maanaan isu imaanin, maanan samaysanin jaangooyadaas, tayada
waxbarashada. Markaan samaysano ayaan oran karnaa tana waan aqoonsanay, tana ma
aqoonsanin, oo aan dhihi karno shuruudaha koow illaa afar waa soo buuxisay,
xitaa jaamacadda ummada oo ka mid ah jaamacadaha dalka“[10]
Durbaba
hadalkii wasiirkii waxaa ka falceliyay kooxo diidan isbadal ama in nidaamin
lugu sameeyo waxbarashada jaamacadaha, xukuumaddii waagaas joogtay iyaduna
waxay ka doorbidday tayada waxbarashada danaha kooxahaas. Xilkaqaadistii
wasiirka waxay caddayn buuxda u tahay in bulshadu iyo xukuumadduba muhimmad u
lahayn tayada waxbarashada.
Nasiibxumo,
xukuumaddii, maammulayaashii, macalimiintii iyo waalidiintiiba waxay ka
doorbideen tayadii waxbarashada, dano kale, ee su’aashu waxay tahay ardayga
maanta qish uga baxa iskoolka oo berina Jaamacad tayo liidata ka soo
qalinjabiya sidee loogu filan karaa inuu noqdo dhaqtar, Injineer, Xisaabiye,
Macalin ama Maamule tayo leh oo daacad u eh bulshadiisa?!
Gunaanad,
aafo markay xarkogoosato oo shaacsane noqoto waxaa kaliye ee lugu dabri karo
waa in la abuuro xeerar lid ku ah oo dul dhigaya ciqaab qof wal oo ka
qaybqaadanaya, sidaa awgeed waxaan soojeedinaa in la hindiso sharci dib u
nidaaminaya waxbarashada diiraddana saaraya tayaynta waxbarashada iyo
ciribtirka qishka. Hadii kahortag la semeyn waayo, qishku iyo tayoxumada
waxbarashadu waxay noqon doonaan astaan bulsho, oo Soomaalidu leedahay kagana
soocantahay bulshooyinka dunida!!
Dhamaad.
Lifaaq:
Waxa
jira qaacidooyin ay adeegsan karaan guddiyada imtixaanaadka haddii ay rabaan
inay yareeyaan tirade arday dhacaysa. Tusaale, natiijada ardayda qaar ee
maaddada xisaabta hadday sidaan tahay 45, 25, 81, 100 waxa la gudbin karaa
wixii ka sareeyo 25 buundo, iyadoo la dulminayn ardayda baastay; natiijada
ardayda oo dhan baa si siman loo marsiinayaa qaacido xisaabeed.
Qaacidadu
waxay tahay; natiijada ardayga oo xidid la galiyay baa lugu dhufanaa tirade
Toban: (√natiijada ardayga)*(10)
(√45)*(10)
= (6.7)*(10) =67
(√25)*(10)
= (5)*(10) = 50
(√81)*(10) = (9)*(10) = 90
Waxa
laga yaabaa inaad iswaydiisid ardayga keena dhibicda ugu sareysa oo ah boqolka
wixii u kordhi lahaa?! Jawaabtu waxay tahay halkiisuu taagnaanaa oo wax u
kordhaayo maleh.
(√100)*(10)
= (10)*(10) = 100.
Qaacidaan
waxa lagu badbaadin karaa ardayda dhacday maadda ee ka sarreysa 25.
References:
[1]
Hiiraan Online. (2019). Somali government’s response to school exams cheating
scandal causes controversy among regional states.
[2]
Somalilnad Sun. (2015). Somaliland: Consequences of Cheating in National
Examinations and Preventive Measures.
(https://somalilandsun.com/somaliland-consequences-of-cheating-in-national-examinations-and-preventive-measures/).
[3]
Transparency International. (2024). Corruption Perceptions Index. (https://www.transparency.org/en/cpi/2023/index/som).
[4]
YouTube. (2024). Madaxwayne Mustafe oo waraysi dheer kaga Hadley xaalada
deegaanka Somalida iyo guud ahaanba Ethiopi.
(https://www.youtube.com/watch?v=SQzMB2656lI).
[5]
African News. (2023). Ethiopia: only 3% of high school students pass university
entrance exams.
(https://www.africanews.com/2023/10/10/ethiopia-only-3-of-high-school-students-pass-university-entrance-exams//).
[6]
Keyd Media. (2022). Natiijada Imtaxaanka fasalka 12aad oo la shaaciyay.
(https://www.keydmedia.net/so/news/natiijada-imtaxaanka-fasalka-12aad-oo-la-shaaciyay).
[7]
Mustaqbal Media. (2024). Imtaxaanka shahaadiga ee fasalka 12aad oo sanadkaan
galay sanadkiisa 10aad.
(https://mustaqbalmedia.net/so/imtaxaanka-shahaadiga-ee-fasalka-12aad-oo-sanadkaan-galay-sanadkiisa-10aad/).
[8]
Horseed Media. (2023). Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Puntland Fasalka
Afaraad 2022/2023 oo la shaaciyey.
(https://horseedmedia.net/natiijada-imtixaanka-dugsiyada-sare-ee-puntland-fasalka-afaraad-2022-2023-oo-la-shaaciyey-382311).
[9]
Wargeyska Dawan. (2023). Dugsiyada ugu Sareeyay Natiijada Imtixaankii
Shahaadiga ee JSL.
(https://wargeyskadawan.com/2023/09/16/dugsiyada-ugu-sareeyay-natiijada-imtixaankii-shahaadiga-ee-jsl/).
[10]
BBC Somalia. (2018). Waa sidee tayada jaamacadaha Soomaaliya?
(https://www.bbc.com/somali/war-44979467).
Comments
Post a Comment