15 𝗤𝗔𝗔𝗕 𝗢𝗢 𝗗𝗛𝗔𝗟𝗜𝗡𝗬𝗔𝗥𝗔𝗗𝗨 𝗞𝗨𝗟𝗔 𝗗𝗔𝗚𝗔𝗔𝗟𝗔𝗠𝗜 𝗞𝗔𝗥𝗔𝗔𝗡 𝗠𝗨𝗦𝗨𝗤𝗠𝗔𝗔𝗦𝗨𝗤𝗔
August 12keeda waxay dunida uga asteesantahay maalinta dhalinyarada, haddaba waxaan u dabaaldegeynaa dhalinyarada iyo doorka ay ka qaataan caddaaladda; Dhalinyaro badan ayaa la dagaalama musuqmaasuqa oo saameyn togan ku yeesha bulshadooda. Dhalinyara badan ayaa raba inay ka mid noqdaan kuwaas oo ka go’antahayna inay joojiyaan musuqmaasuqa, laakiin garanayn meel ay wax ka bilaabaan, haddaba halkaan waxaa ah 15 fikradood – lugula dagaalamo musuqa – oo idiin diyaarisay Transparency International’s Youth anti-Corruption:
1. Dabagal ku samee lacagta:
Waxay Dawladdu haysaa lacag aad u badan oo loogu talo galay in loogu adeego bulshada, lacagtaasina waxay halis ugu jirtaa musuq. Intii tabartaada eh dabagal ku samee lacagtaas iyo qaabka dawladdu u isticmaasho, u iftiimi bulshada lacagahaasi in la lunsaday ama xadgudub uu jiro.
2. Tiri alaabta:
Tusaale: Iskoolada dawladda badanaa waxaa loogeeyaa alaaba sida buugaagta wax lagu barto, qalabka shaybaadhka ama waxyaalaha kale ee lagama maarmaanka u ah fasalka. Keliya waxaa loo baahanyahay waa hufnaan; weydii alaabta inta ay tahay ka dibna tiri hadday tiradu noqon waydana waydii maxay ku dhacday.
3. Ururi Cabashada bulshadaada:
Dadka intooda badan waxay aragti ka dhiibtaan dawladooda ama adeegyada ay bixiso, laakiin imisa jeer ayay waqti ku qaataan inay qoraan aragtidooda? Waxaad ka qayb qaadan kartaa ururinta cabashooyinka ama jawaabcelinta ay ka bixiyaan dadku adeegyada dadweynaha.
Waxaa laga yaabaa in hal qof cabashadiisa aysan ku fadhiyin macne weyn, laakiin ururinta boqollaal ama kumanaan cabasho oo ku saabsan waxqabadka dawladda; ka dibna lala wadaago warbaahinta, dabadeedna bulshadana loo soo bandhigo, waxay abuuri kartaa isbeddel.
4. Samee xal teknoolaji eh:
Haddii aad tahay qof aqoon u leh teknoolojiyadda, waxaad bulshadaada ka caawin kartaa inay diiwaan geliyaan kiisaska musuqmaasuqa adiga oo wabsayd ama App moobaylka sameynaya, ama adeegso barahabulshada; waa hab wax ku ool eh oo wax looga qabankaro musuqmaasuqa waqtiga uu dhacayo, tusaale; waxaa soo duubi kartaa marka laaluush ama baad lagaa qaadayo; bal eega waxaa layga qaadayaa baad!
5. Samee majaajilo ama sawir-kartoon:
Majaajilada waa hab awood leh oo sare loogu qaado wacyiga la dagaalanka musuqmaasuqa. Iskudarka sawirrada iyo qoraalka ayaa sidoo kale kaa caawin kara la dagaalanka musuqa - wayna fududahay in la soo saaro, waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa qalin iyo warqad.
6. Isticmaal masraxa iyo riwaayadaha:
Waxaad la imaan kartaa halabuurnimo kaga hortagi kartid musuqmaasuqa adiga oo masraxa adeegsanaya. Sidoo kale muusigada, riwaayadaha, gabayada ama ciyaaraha dhaqanaka ayaa loo isticmaali karaa in lagu tuso muwaadiniinta sida loola dagaalamo wixii xun oo dhan, waxaana lugu soo gudbin karaa fikrado lugu horumarinayo bulshada.
7. Adeegso Geemam:
Geemamka (games) waa wax laysku madadaaliyo sidoo kale waxa lugu gudbin karaa fariimo xitaa mawduucyo halis ah sida musuqmaasuqa. Geemamku waxa lugu kobcin karaa aqoonta, dabeecadaha iyo qiyamka dhalinyarta.
8. Wacyigelinta ciyaaraha (isboortiga):
Waa maxay ciyaaraha ay bulshadaadu xiisayso? waxaad kor u qaadi kartaa wacyiga la dagaallanka musuqmaasuqa adigoo u dhexmarinaya wacyigelin iyo ciyaaro isku lamaan.
9. Ku biir koox dhalinyaro ah oo dagaalka kula jira musuqa:
Waxa bulshadaada ku jirikara kooxo dhalinyaro eh oo dhan uga soohorjeeda musuqmaasuqa, waxay yeelan karaa heer deegaan iyo heer qaran. Kooxahaasi kala duwani waxay dabcan lahaan karaan ujeedooyin kala duwan, laakiin waxay wadaagaan hal shay: rabitaan ah inay joojiyaan musuqmaasuqa iyo ka wacyigelinta bulshada dhibaatooyinka xun ee musuqu leeyahay, haddaba ku biir ururadaas oo ku xoojiy wixii tamar taa eh.
10. Ka faaidayso markaad dalxiis ama baashaal u baxdid:
La dagaalanka musuqmaasuqa ma aha inay noqoto hawl mar walba serious eh ee markaad dalxiis ama cawabari (camping) u baxdid waa gudbin kartaa fariintaada.
11. Bixi lacagta Zero- corruption:
Fikradda lacagtaan waxay ka timid Hindiya halkaas oo laga yaqaan dhaqdhaqaaqa zero-rupee, waxayna muujisay inay tahay xeelad adag oo lagula dagaalamo musuqmaasuqa. Qaabka lacagtaasi u shaqayso: marka lagu weydiiyo laaluush, waxaad bixinaysaa warqad u eg lacagta dhabta ah laakiin dhab ahaantii waa lacag feeg ah oo ay ku qoranyihiin farriimo ka dhan eh musuqmaasuqa.
12. Ka qaybgal mudaaharaadyada:
Mudaaharaadku waa hab ay muwaadiniinta isugu yimaadaan fagaare si ay u muujiyaan taageero ballaadhan ama ka soo horjeedsadaan arrin gaar ah; waxay noqon karaan qalab xooggan oo loo adeegsado ololeyaasha ka hortagga musuqmaasuqa ee ka qaybgal.
13. Samee codsiyo:
Ka qayb-qaado codsiyada – petitions – lugu uruurinaayo saxeexyada dadka taageersan qaddiyadaha ka dhanka eh musuqa; codsigaasna waxa loo bandhigayaa go'aan-gaarayaasha kuwaas oo leh awoodda ay ku abuuraan isbeddelka aad rabto.
14. Weydiiso ballanqaadyo murashaxiinta:
Inta lagu guda jiro doorashada waxaa isha lagu hayaa musharixiinta, waxaana habboon markaas in la weydiisto ballanqaadyo; waxaad waydiisan kartaa murashaxiinta deegaankaaga inay saxeexaan ballanqaad ka dhan ah musuqmaasuqa ama qaadaan tallaabooyin gaar ah oo lagu joojinayo musuqmaasuqa. tusaale ahaan; waxay ballanqaadi karaan inaysan iibsan ama codadka ama iibin codkooda xilliga doorashada, oo ah nooc musuqmaasuq oo aad u badan.
15. korjoogtaynta doorashada:
Qoraal ama fariimo email adigoo adeegsanaya waxaad ogeysiin kartaa aduunka khaladaadka doorasho ee ka jira dalkaaga. Macluumaadka qaar xitaa waxaa soo galin kartaa madal furan oo onlayn ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad si fudud fariimahaaga u soo bandigto, sidoo kale waxay kuu suuragalinee inaad aragto waxyaabaha dadka kale ee bulshadaada ay ka warbixinayaan.
Waxaan rajaynaynaa inaad ku riyaaqday 15kan talo ee wax ku oolka eh! Haddii aad hayso talooyin kale oo ku jirin liiskan, waxaan jeclaan lahayn inaad nala wadaagto!
Qormada Asalkaa: https://www.transparency.org/en/news/15-ways-young-people-can-fight-corruption

Comments
Post a Comment