Waa Kee Buluugga Furan Ee Uu Leeyahay Calankeenu?

 



“Qolobaa calankeedu,

Waa ceynoo,

Innaga keenu waa,

Cirkoo kale e,

Oon caadna lahayn,

Ee caashaqaye.

Xiddigyahay cadi...”. Heesta Calanka Soomaaliya.

Qodobka 6aad ee Dastuurka 2026 iyo Dastuurkii Kumeel Gaarka wuxuu dhigayaa in calanka Soomaaliya yahay laydi buluug furan oo dhexda kaga taal xiddig cad, balse qodobkau ma xadidin midabka buluuga furan, wuxuuna noqon karaa midabo tirada badan oo isla buluug furan ah, sida ka muuqato sawirka kore, arrintaasina waxay u baahantahay cid jaangoysa.

Taariikhda markay ahayd 08/06/2026, Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook qoraal nuxurkiisu yahay in midabka calanka Soomaaliya yahay midabka buluuga ee leh Hex Code: B5D7F1 (RGB: 181, 215, 241), arrintaas oo dad badan ay u riyaaqeen, u na qaateen in qoraalka guddiga uu soo afmeeriyay jahwareer ka jiray midabka buluuga furan ee uu qodobku xusay.

Hase yeeshee, waxaa is waydiin mudan in guddiga kan uu leeyahay awood sharciyeed uu ku fasiri karo dastuurka iyo in kale. Dhab ahaantii, waxaan aaminsanahay go'aanka fasiraadda midabka buluuga furan ee uu yeelanayo calankeena iyo fasiraad kasta oo laga bixinayo qodob dastuuri ah inay leedahay awooddaas Maxkamadda Dastuuriga ee aan wali la dhisin, si waafaqsan qodobka 131aad ee Dastuurka 2026, inta ay maqan tahay waxaa awooddaas iska leh Maxkamadda Sare ee Dalka, sida uu yahay dhaqanka hadda jira.

Aniga oo u kuurgalaya sida uu Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ku qaatay go’aanka midabka buluugga, baan wareystay sharciyaqaan la shaqeeya guddiga, wuxuuna ila wadaagay oo uu ku afeeftay in go'aanka midabka calanka yahay go'aan si kumeel gaar ah lagu sii dhaqayo dalka inta ay maxkamadda dastuuri ka dhismeyso, kana go’aaminayso midabka rasmiga ah. Ka dib markaan waydiiyay sababta ay ku dooreen midabka leh Hex Code: B5D7F1; wuxuu iigu warceliyay in midabkaasi yahay midabka cirka ee loogu heesay calanka Soomaaliya!

Waa sax heesta calanka inay sheegtay in midabka buluuga ee calankeena ku jira yahay buluugga cirka; haddaba su’aashu waxay tahay cirku waa buluug noocee ah?

Sawir muujinaya kala duwanaanshaha midabka uu cirku leeyahay


Inkastoo cilmi ahaan cirku uusan buluug ahayn, balse midabka buluug ee uu arko bini’aadamku - ku abuurmo refelection mowjadaha iftiinka qorraxda oo ku kala firirsama hawada sare (atmosphere) ee dhulka - ayaa loogu yeeraa midabka cirka.

Midabka buluuga ah ee cirka ma aha midab hal meel ku sugan, wuxuuna u dhaxeeyaa heerar, mararka qaar waa buluug furan, halka mararka qaarna yahay buluug tiq ah, marar bandanna wuxuu u dhexeeyaa labadaas heer; waxaana jaangooya midabka cirka boorka ku jira jawiga ee loo yaqaano “Aerosols”, marka uu boorkaasi ku yaraado hawada wuxuu cirku u ekaadaa buluug tiq ah, marka uu ku bato wuxuu u ekaadaa buluug furan, hadduuse aad ugu bato jawiga wuxuu cirku yeeshaa midab caddaan ah. Sidoo kale, waxaa xusid mudan in cirku uu leeyahay midab aan buluug ahayn xilliyada qorraxdu soo baxeyso iyo markay sii dhaceyso.

Intaas waxaa dheer, Hex Code: B5D7F1 (RGB: 181, 215, 241) uu dooray guddiga ma aha buluuga ay dunidu u taqaano Buluuga Cirka, waxayna dunida u taqaanaa midabka Buluuga Cirka midabka leh Hex Code: #87CEEB, (RGB: 135, 206, 235), hase ahaatee midabka uu guddigu dooray waa midab ka ag dhaw Buluuga Cirka, magac gaar ahna ma leh, midabka ugu dhawna waxaa loogu yeeraa Pastel Sky Blue “Buluuga Cirka ee Khafiifka ah”, leh Hex Code: B4D9EF (RGB: 180, 217, 239).

Haddaba, halkaan waxaa ku burtay doodda sharciyaqaanka guddiga ee ahayd in Hex code uu guddiga dooray yahay midabka saxda ee cirka.

Waxay ahaataba, waxaa jirta dood maangal ah oo uu ku doodi karo guddigu oo ah inuu isagu shaaciyay midabka buluuga ee ku yaala bogga 105aad ee Dastuurka 2026 ee lagu sawiray calanka Soomaaliya, hase yeeshee dooddaasi waxaan ugu jawaabayaa oo ku deedifeynayaa in nuqulk la baahiyay (ee ku jira website-ka Xafiiska Garyaqaanka Guud) lagu daabacay daabacaad khadkeedu khafiif yahay, arrintaas oo ka dhigan in daabaacaddu doorisay midabka asalka.

Gunaanadkii, marka laga yimaado sharci ahaanta fasiraadda guddiga, haddana wali ii ma muuqato sabab maangal ah oo ku dooray guddigu midabka leh Hex Code: B5D7F1 (RGB: 181, 215, 241), sidaas darteedna waxaan aaminsanahay inaan cidna lagu qasbi karin inuu qaato midabka uu dooray guddiga.

 Dhammaad.

 

 

References:

 

1- Why is the sky blue? By: Amy Arthur. Date: 29/05/2026. https://www.skyatnightmagazine.com/space-science/why-is-the-sky-blue


2- Website-ka aan ka soo xigtay code-ka midabada https://www.color-name.com/

 

Comments

Popular posts from this blog

Isbarbardhig Sida ay Uga Hadleen Hay’adda Garsoorka Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012 Iyo Wax-ka-badalka Dastuurka ee 2026:

Mareegta Geeska.. Mashruuc Lugu Wiiqayo Midnimada Iyo Qaranimada Soomaaliya

Qorrax Soo Baxday Sacabo Lagu Ma Qarin Karo: Ma Qarsoomayaan Dambiyada Ay Imaaradda Abu Dhabi Ka Gashay Umadda