Madal aan Rukun U Ahaa 3 Sano

 


Ku dhawaad 3 sano waxaan si joogta ah habeen kasta oo Talaado ah u tagijiray naadi aqris oo la magacbaxay “Saaloonka Garaad Sheekeysi”; wuxuuna iiga qiimo badnaa kulanka habeenkaas kulamada iyo shirarka aqoonta ay soo abaabulaan jaamacadaha iyo hay’adaha cilmibaarista ee joogtada ahayn, sababo dhowr ah dartood. Saaloonka Garaad-sheekeysi sida magaciisa laga dheehan karo waa goob garaadka lagu shiilo iyada oo la siinayo ka soo qaybgalayaasha iyo doodjeediyaha waqti ku filan – badanaa 3 saacadood oo xiriir ah - oo ay ku doodaan, kuna deedifeeyaan dhinacba dhinaca kale, waana arrin dhif ah oo aan ka dhicin kulamada iyo shirarka aqoonta.

Habeenba waxaan u madlanaanjirnay cinwaan gaar ah, badanaaba la xiriira noloshada casriga ee Soomaalida, sida suugaanta Soomaaliyeed, dowladnimada casriga, siyaasadda arrimaha dibadda dalkeena, falsafadda, mandiq, taariikhda gobonimodoonka Soomaalida, nidaamka dowliga iyo qaar kale. Badanaa waxaa soo diyaarinjiray cinwaanka dooda oo jeedinjiray ruux marti ah, ruuxaas oo lagu tuhmayo inuu xogogaal u yahay cinwaanka lagu qoray. Waxaana soo maray saaloonka aqoonyahanno, abwaano, siyaasiin iyo masuuliyiin heerar kala duduwan leh oo ay ku jiraan wasiiro iyo madaxweyne.

Badi dadka ku cusub naadiga Garaad Sheekeysi waxay iswaydiiyaan micnaha laga wado ereyga “saaloon”; dabcan ereyga saaloon waa erey af qalaad ah, wuxuunaa ka soo jeeda af Talyaaniga, micnihiisuna yahay hool ama qol balaaran oo martida lagu soo dhaweeyo, ka dibna wuxuu yeeshay micnaha kulanada suugaaneed ee lagu qabto guryaha; waxayna ka hanaqaadeen saaloonadii ugu horreeyay Talyaaniga, ka dibna waxay uga sii faafeen Faransiiska oo ay saameyn xoogan ku lahaayeen qarniyadii 17aad iyo18aad.

Waxaana mid iyo labo ka xusi karnaa sooloonadii caanka ahaa ee dunida soo maray: Salon Madame Geoffrin, Saaloonkii Caqaad, Salon Bluestockings iyo saaloonkii suugaanyahanadda Mey Ziyaadah ee sida saaloonkeena la qabanjiray maalin kasta oo Talaado ah. Mid iyo labo waxaan ka xusikarnaa saaloonada nool ee hadda ka jira dunida “London Cultural Salon” oo ay Safaaradda Sucuudiga ee London qabato; saaloonka “Asmaar wa-afkaar” ee uu qabanqaabiyo Dr. Xaamid Al-axmari.

Si ay ka soo qaybgalayaashu u dareemaan kalsooni dheeri ah oo dooda u cabiraan si furan wuxuu Saaloonka Garaad Sheekeysi qaatay xeer ah inaan la duubin kulanka, laysna xigan oo dooda halkeeda looga kaco, waana xeerka caanka ku tahay madasha The Chatham House; hase yeeshee arrintaasi waxay ka dhigtay saaloonka madal aan gaarikarin bulshada oo ku kooban kooxyar oo ka soo qaybgalayaal ah, waana mid ka mid ah dhaliilaha hadda uu leeyahay saaloonka ee habboon in laga gudbo.

Gunaanadkii, naadiga ama saaloonka Garaad Sheekeysi waa madal ay aasaaseen koox dhalinyaro ah, saldhiggiisuna yahay maqaayadda Summer, faa’ido doona ahayn, waana mashruuc aqooneed oo u babac dhigi kara hay’ado aqooneed oo ku howlgala miisaaniyado culus. Waxaana kula talinayaa asxaabteyda inay ila soo milicsadaan naadigaan, waxaana hubaal ah inay ka heli doonaan aqoon iyo waayo-aragnimo ka maqnayd, sidoo kale ku baran doonaan dad raasamaal ah oo qiimobadan.


Hoolka ay ka socotay xafladda sanadguuradii 4aad ee Saaloonka Garaad Sheekeysi, taariikhda 01/09/2026.



Sawir aan kula jiro asxaab i gala tirsan naadiga Garaad Sheekeysi


 Sawir gaar ah oo aan kula jiro Avv. Ilhaan oo ah xubin ka tirsan naadiga Garaad Sheekeysi


Sawir kale oo aan kula jiro akhyaar ka tirsan naadiga.





 

Comments

Popular posts from this blog

Isbarbardhig Sida ay Uga Hadleen Hay’adda Garsoorka Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012 Iyo Wax-ka-badalka Dastuurka ee 2026:

Qorrax Soo Baxday Sacabo Lagu Ma Qarin Karo: Ma Qarsoomayaan Dambiyada Ay Imaaradda Abu Dhabi Ka Gashay Umadda

Mareegta Geeska.. Mashruuc Lugu Wiiqayo Midnimada Iyo Qaranimada Soomaaliya