𝗖𝗔𝗗𝗔𝗔𝗪𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗜𝗧𝗢𝗢𝗕𝗜𝗬𝗔 𝗠𝗔'𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗥𝗔𝗚𝗧𝗜 𝗦𝗛𝗜𝗥𝗤𝗢𝗢𝗟:

 


Laga soo bilaabo dhamaadkii qarnigii 19aad xilligii gumeystayaashii reer yurub soo gaareen Geeska Afrika ilaa maanta 2024 waxey dowladda Itoobiya ku howlanayd walinga ku howlatnahay inay dhul hor leh Soomaalida ka qaadato; kumana joogsan qaaadashadii Herer, si la mid eh kuma hakan qaadashadii gobolka baaxadda leh ee Soomaali-galbeed, maantana waxey sahmisatay badda iyo dhulka gobollada waqooyi.

Colaadda Itoobiyaanka u hayaan Soomaalida waa mid shaacsane ah, kuna koobneyn qowmiyad Oromada ee hadda talada haysa ee Soomaalidana dariska la’eh; tiro hoggaamiyaal oo soomarey talada Itoobiya oo ka soo kala jeedda qowmiyadaha Amharada, Tigreegga iyo Oramada (Minilik, Heyla Salaase, Mela Sanaawi iyo Abey Axmed) ayaa si isku mid eh ugu halaaqay in Soomaalidu u qalmin dhulka baaxadda leh iyo badda ay haystaan. In badanna waxey Soomaaliya ugu yeereen dhaxal Talyaani oo ula jeedaan dowlad gumeystihii Talyaaniaga abuuray oo hore jiritaan u lahayn!

Waa iyaga iyo Allahoodee, Soomaalidii hore faraha kama qaadin daandaansiga iyo faraglinta Itoobiyaanka ee baddalkeed waxey kala hortageen difaac, waxeyna dowladihii Soomaalida rayidka iyo milatraigaba u muujiyeen geesinimo iyagoo mar kastana ku taammaya iney ka soo ceshadaan dhulkii Herer iyo Soomaali Galbeed ee gumeystihii Ingiriisku sida hagardaamada eh ugu wareejiyay Itoobiya.

Dowladdii Aaden-Cadde waxey taageero iyo towbarro u fidisay jabahaddii ugu horreyday ee ka dhalata gobolka Soomaali Galbeed ee la oran jiray Jeeshkii-Nasrullah, sidoo kale madaxweyne Aaden- Cadde wuxuu diiday inuu saxiixo go’aankii Ururka Midowga Afrika ee dalalka afrikaanta amrayay iney xushmeeyaan xuduudda gumeystaha ka tagey, isagoo ka fogaanayo inuu si dadban u bixiyo dhulka Soomaali Galbeed.

Sidoo kale waxey xukuumaddii Aadan-iyo-Sharmaake kaga hortogeen duulaankii Itoobiya ee sanadkii 1964 dagaal xooggan oo ku hakiyay xabashida dhufeysyadoodii, tusiyayna xaqiiqada qaraar ee ah in Soomaalida si fudud lugu wiiqi karin, ku darso xisaabta dagaalka wuxuu ku beegmay xilli kala-guur eh oo xukuumaddu ku howlanayd doorasho, waxaana hal-hays dagaalkii iyo doorashadii wada yimi u noqday hawraartii ra’iisul wasaare Cabdirashiid “gacan waa lagu codeynayaa, gacanna dalka ayaa lagu difaaci.”

Xukuumaddii milatariga ee timid sanaddii 1969, waxey kala wareegtay talisyadii rayidka ahaa qaddiyadii Soomaali Galbeed, waxey dib u yagleeshay jabhad sii wadda halgankii hubeysnaa ee Soomaalidu ku xoreynayeen dhulalkii ka maqnaa, waxaana jabhaddaasi loogu wanqalay (Western Somali Liberation Front/ WSLF); waxaana ka qarxay dhaqdhaqaaqyadii jabhadda dagaalkii-77 oo Soomaalidu si ba’an u jabsheen ciidankii Itoobiyaanka, hase ahaatee faragalintii ciidamadii shisheeye ee Ruushka, Kuuba iyo Yamanta Koonfureed baa ku qasbay Ciidankii Soomaalida iney dib uga soo baxaan dhulkii ay qasbadeen.

Dagaalkii ka dib, waxey talisyadii Siyaad Barre iyo Xeyle Maryan ka shaqeeyeen midba ka kale rididdiisa, iyagoo gabaad iyo hubba siinaya jabhadaha iyo kooxo fallaagada ku eh midba mid kale.

Ayaandarro, burburkii ka dib (ka dib 1991) markey dalkii la wareegeen jabhadihii Itoobiya saldhigga u ahaa sida SNM, SSDF iyo USC waxaa  lumay hankii dib u xorreynta dhulkii maqnaa, waxaana baddalay hayb qabiileed u adeegeysa danaha Itoobiyaanka, laga soo bilaabo waagaas waxaa isa soo tarayay siyaasiinta gumoobay ee isu dhiibay Itoobiyaanka. Waxaana hormuud u ahaa siyaasiyaasiinta maamullada Soomaaliland iyo Buntland oo u kala baratamijiray u dhiibista  Itoobiya xubnaha jabahadda gobanima doonka ee ONLF ee u soo baxsada deegaanadooda. Sidoo kale, Koonfurta Sooomaaliya waxaa muddo dheer haystay hoggaamiye kooxeedyo toos ugu xernaa Itoobiya, hubka iyo rasaastana ka helijiray, oo caqabad ku noqday dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya, ilaa ay ka soo baxeen Maxaakimtii Islaamiga oo cagta wada mariyay hoggaamiya kooxeedyadii.

Soo ifbixii Maxaakimita waxaa amakaak iyo fajac la noqotey dowladda Itoobiya oo ka shaqeyn jirtay (walina ka shaqeysa) in gayiga Soomaalidu ka dhalan maamul hana qaada, hase ahaatee waxey go’aansatay haddii ayba Soomaalidu maamul yeelanayaaanba oo laga baxsan waayo iney yeeshaan mid iyada gacansaar la eh, sababtaas bey garab u siisay xukuumad Cabdullaahi Yuusuf oo sharicyad haystay hase ahaatee ku koobnayd Baydhabo.

Gefkii taariikhiga ahaa ee dowladdii Cabdulaahi Yuusuf ku dhacday, hore ugu dhaceen jabhadihii lidka ku ahaa Siyaad Bare ee ahaa cadowgaaga inaad kaashato wuxuu Itoobiyaankii u suuragaliyay iney gacanta ku dhigaan oo jiheeyaan siyaasadda dowladda Soomaaliya, kana dhigtaan maamul ay ku dheeldheelan oo ka ilaashadaan dalalka kale; xitaa dhexdegaan madaxtooyada looga arrimiyo oo safaaraddooda ka dhistaan!

Waxaana shaacsane noqotay in ereyga Itoobiya laga horreysiiyo “dowladda walaalaha”, xitaa waxaa dhacday in madaxdii dowladda Federaalka Soomaaliya aflagaadeeyaan oo xumeeyaan jabhaddii gobanimadoonka ONLF, mar ku tilmaamaan “argagaxiso”, mar kalana ku tilmaamaan “danbiilayaal injir iyo raamo leh!” mar saddexaadna kula tartamaan Soomaliland iyo Buntlaand dhiibista hogaamiyaashii jabahadda ONLF.

Itoobiya oo leh caqliyad gumeyste baa sidii gumeystayaashii reer Yurub u adeegsta Soomaalida aragtida [qeybi oo xukunk] waxey tan iyo burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii ka shaqeyneysay kala qoqobidda Soomaaliya, iyadoo soo dhaweysay gooni-isutaagga Soomaaliland, mar kale bogaadisay gooni-isu-soocidda Puntland, xitaa waxey barakeysan nidaamka Federaalka ey Soomaalidu qaateen, ee Soomaaliya u qaybinaayo maamullo yaryar, wiiqayana awoodda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Rabitaanka Itoobiyo inay Soomaaliya kala qoqobnaato maaha wax qarsoon ee waa istiraatiijiyadda u dagsan, kawaadirteeduna soo bandhigaan, sanadkii 2018-dii waxaa wada qorey qormo caan noqotay (cinwaankeedu ahaa: The Practicalities of Living with Failed States) Seyoum Mesfin oo labaatan sano soo ahaa wasiirka arimaha dibadda Itoobiya iyo Abdeta Dribssa Beyene oo eh cilmibaare Itoobiyaan eh, qormada waxey u jidbixineysa habka loola noolaado dal amni la’aani ka jirto, waxeyna ku doodeen inta amniga Soomaaliya dabacsanyahay in danta iyo istiraatiijiyadda Itoobiya ku jirto Soomaaliya oo qeybsan, u na qeybsan gobollo yaryar (xarfiyan waxey qoreen: u qeybsan jaziirado yaryar).

Qoreyaasha qormadaas waxey si cad u diideen in dowladda Soomaaliya maamulkeeda toos u hoosgeyso maamullada hadda dhisan ee nabdoon sida Soomaaliland iyo Buntland, waxeyna ku andacoodeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya damaanad qaadi karin ammaanka dhulka deeganadaasi, suuragalna tahay in haddii la hoosgeeyo in loo adeegsado dhulkaas khalkhalgalinta ammaanka Itoobiya!

In fact, the government of Somalia is unable to credibly guarantee to Ethiopia that these territories will not be used to threaten Ethiopia…

Waxay sidoo kale ku baaqayaan in qayb ka mid eh dhulka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Itoobiya xuduudda la leh ahaado dhul-caagan (Buffer Zone), dhul ka caagan dhaqdhaqaaqyada ciidan, sidoo kalana ka taliyaana maamullo ama maleeshiyo gacansaar la eh Itoobiya markey ugu yartahay.

Waxey Itoobiyaanku in badan ku dhaqmeen, qormadaasna ku xalaaleysteen, ku xadgubidda gobanimada dhuleed ee Soomaaliya oo shuruucda caalmaiga eh reebeen in lagu xadgudbo gobanimada dhuleed ee dali uu leeyahay, hase ahaatee Soomaalida waxey hore ugu maahmaahday “nin aan shantaada kaa celin sharci kaama celiyo.”

Itoobiya iyadaa amni-darrada Soomaaliya door weyn ku leh, laga soo bilaabo hubeyntii jabhadihii burburiyay dowladdii dhexe Soomaaliya, ku xiji hubenyntii hogaamiya kooxeedyadii, iyo tuuriddii nidaamkii Maxaakimta Islaamiga oo ridistiisu abuurtay Al-shabaab, haddana waxey rabtaa iney dunida ka gaddo aragtida eh iney dhibane u tahay daris-la-ahaanshiyaha dal amni-la’aan ka jirto; Itoobiyaanka intey na gumaadeen, dhulkeenana boobeen na hagardaamiyeen bey dunidana nooga horreeyaan iyagoo dacwad qaba!

Khilaafkii ka dhashay saxiixiddi hishiis beenaadkii MOU maaha khilaaf u dhaxeeya Masar iyo Itoobiye sidey u fasiraan siyaasiinta nacabkalkaalka ee waa khilaaf u dhaxeeya Soomaalida iyo Itoobiyaanka, taabanaya jiritaanka umadda Soomaaliya iyo dowladdeeda; Itoobiya waxey u socotaa iney qaadato qeybo ka mid eh gobollada waqooyi ama gabi ahaanba gobollada waqooyi, sidey Ruushka u qaatay Jasiirad-lamoodda Qirim (Crimea) iyadoo ka faa’ideysanaysa maamulka Biixi ee macangaga eh ee u hammuun kursiga, rabana inuu daboolo fashalkiisa siyaasadeed; waxey ahaataba, dowladda Soomaaliya waxaa u furan iney adeegsato wadiiqo kasta oo ku difaaceyso dhulkeeda, hawadeeda iyo baddeeda hala bahowdo dowlad wal oo danteeda kala shaqeyn karta, badalkeeda ha taageerto dhaqdhaqaayada lidka ku eh taliska Abey… iwm.

Siyaasiinta Itoobiye-kalkaal eh ee diidan hishiiysayada dowladda Soomaaliya la gashay dalka Masar ama imaanshiyaha ciidankooda, ee ku ololeeya in laga fogaado in Soomaaliya korkeeda ku dul diriraan laba dal oo is-haya (Proxy war), iyagoo u la jeeda Masar iyo Itoobiya, waxaan waydiin lahaa dhulka iyo badda gobollada waqooyi ee Itoobiyadu rabto inay qaadato dalka ay raacsanyihiin Masar ama Soomaaliya?!

Ma jiro dal dhayal ku bixinaya dhul iyo kheyraad uu leeyahay, waana sababta u taagantahay colaadda Yukreyn iyo Ruushka iyo colaado badan oo dunida ka taagan, waxaana waajib ku eh dowladd Soomaaliya iney difaacato dhulkeeda u kaashatana xitaa Shaydaan haddii loo baahdo; sidoo kale Itoobiyaanku waa iney ogaadaan Soomaalida inay si naba uga tanaasulin dhulkii hore looga qaatay, mid hor leh in laga qaato daayee.
Dhamaad.


FG: Qormadaan waxaan ku daabacay mareegta raadreeb: https://raad-reeb.com/cadaawadda-itoobiya-maaha-aragti-shirqool/


Comments

Popular posts from this blog

𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮 “𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮” 𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰 𝗹𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗶𝗶𝗾𝗮𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮:

𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝘅 𝗦𝗼𝗼 𝗕𝗮𝘅𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗮𝗰𝗮𝗯𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼: 𝗠𝗮 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗯𝘂 𝗗𝗵𝗮𝗯𝗶 𝗸𝗮 𝗴𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗨𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮

𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗛𝗔𝗕𝗕𝗢𝗢𝗡 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔