Posts

Showing posts from July, 2023

𝗔𝗥𝗔𝗚𝗧𝗜 𝗦𝗛𝗔𝗥𝗖𝗜𝗬𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗚𝗢𝗢𝗡𝗜-𝗨𝗚𝗢𝗢𝗦𝗔𝗗𝗞𝗔 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗟𝗔𝗡𝗗

Image
  July 2023, waxaan ku daabacay joornaalka International Journal of Geopolitics and Governance qormo lafaguraysa aragtiga shuruucda caalamiga eh ey ka qaaban gooni-ugoosashadaa soomaliland. Halkaan waxaan idinku soo gudbinayaa nuxurka qormada, qofkii raba inuu aqristo qormadoo dhamstiran ha raaco link-ga hoose: Article DOI:  https://journals.eanso.org/index.php/ijgg/article/view/1323 Nuxurka (Abstract): Qormadaan waxay baareysaa gooni-ugoosashada Somaliland inay xad-gudubi ku tahay gobanimada dhuleed ee Soomaaliya marka loo eego shuruucda caalamiga ah. Sidoo kale qormadu waxay si kooban usoo bandhigaysaa sooyaalkii xornimada ee soomaaliland iyo la midowgii Soomaaliya ilaa ku dhawaaqidii madaxbanaanida 1991.  Waxa kale ay soobandhigaysaa shuruudaha lagu aqoonsado dal, iyadoo Somaliland buuxisay saddex ka mid ah afarta shuruudood. Sidoo kale waxay si qoto dheer u lafaguraysaa mabaadi'da aayokatashiga, madaxbannaanida, iyo gobanimada dhuleed marka loo eego shuruucda caa...