Posts

Showing posts from May, 2024

𝗨𝗚𝗔𝗔𝗦, 𝗠𝗔𝗔𝗡𝗧𝗔 𝗟𝗔 𝗠𝗜𝗗 𝗠𝗔𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗟𝗔𝗬!

Image
  Beesha Xawaadle waa beesha kaliya ee dagta Koonfurta Soomaaliya oo odayaal-dhaqameedku hogaanka u hayaan taladeeda, waxaa marag u eh dagaaladii beesha iyo Alshabaab wada galeen, doorka ay ka qaateen nabadoonadu, gaar ahaan waxa aad loo xasuustaa doorkii abaabul ee  nabadoon Cilmi Hagar Allaha u naxariistee ka qaatay; qaabka ay beesha iskuguduubmatay oo dagaalka ugashay waxay cadayn u noqotay mudnaanta ay leeyihihiin go'aanada nabadoonadoodu, waa adagtahay in koonfurta laga soo helo beel sida xawaadle isuguduuban. Waxaa kale oo marag u noqon kara caanashubka/geerida ugaaska beesha wuxuu  reebaa dareen xoogan oo ka duwan  kana adag caanashubka/geerida ugaasyada beelaha kale ee koonfurta. Inkastoo doorkii iyo saameyntii nabadoonada beelaha soomaalida sii yaraanayo oo doorkoodii xalinta khilaafaadkuna sii shiiqayo haba u darnaadaan beelaha koonfurto, haddana reero dhif eh baa wali hiddihii iyo dhaqankii ku taagan, waxaana ka mid eh beelahaasi Dhulbahante iyo Xawaadle o...