Posts

Showing posts from November, 2024

𝗜𝘀𝗯𝗮𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗛𝗮𝘄𝗱

Image
Ibraahin Yuusuf Hawd waa halabuure magacweyn qoreyna ruwaayadda aanadii Nageeye, tiro sheekooyin gaagaaban iyo qormooyin tiro beel eh, waxaana lagu tiriyaa hormuudka sheeko-faneedda Soomaaliga, labeeya Maxamed Daahir Afrax oo eh aabaha sheeka-faneedka Soomaaliga, qoreyna riwaayadda ugu caansan Soomaalida ‘Maanafaay’ iyo sheekooyin kale, sidoo kalana katagay tiro dhigaallo falanqeynaya suugaanta Soomaalida. Hase ahaatee, Hawd wuxuu dheeryahay Afrax iyo suugaanyahanno badan baraarujinta dhalinyarta dhanka maanfurnaanta iyo la dagaalidda quraafaadka iyo aragtiyaha xagjirka, isagoo u soomarinaya dhanka mareegyada iyo baraha-bulshada, wuxuuna tusaale (role-model) u noqday dhalinyaro badan oo xiiseeya akhriska. Sanadaan danbe, ka dib doorashadii Muuse biixi 2017, Hawd wuxuu la soo baxay dhaqan lid ku eh qiyamkii uu ku hababin jiray dhalinyarta, wuxuuna u xuubsiibtay dhaqan geeljire oo sinaba u la jaanqaadi karin nolosha magaalowga, isbadalkaasi waxaa la fajacay indheergarad badan oo jaal l...