𝗗𝗢𝗢𝗥𝗞𝗜𝗜 𝗔𝗥𝗗𝗔𝗬𝗗𝗔 𝗝𝗔𝗔𝗠𝗔𝗖𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗞𝗛𝗔𝗥𝗧𝗨𝗨𝗠 𝗘𝗘 𝗞𝗔𝗖𝗗𝗢𝗢𝗡𝗔𝗗𝗔 𝗦𝗨𝗨𝗗𝗔𝗔𝗡
Kacdoonkii 1964, dibadbaxyaal wata sawirka Axmed al-Qurashi - Source: mail.suna-news.net Waxa la sheegaa waagii gumaystihii Ingiriisku haystay Waqooyiga Soomaaliya inuu dhib badan kala kulmay hirgalinta waxbarashada nidaamiga iyadoo ugu wacantahay Soomaalida oo ka aaminsanaa iskoolaadka gooba caruurta lagu gaalaysiiyo. Waxay ahaadaanba Soomaalidu , Suudaanta oo ka bislaa baa calmaday jaamacaddii ugu horeysay ee laga dhiso bariga iyo geeska Afrika sanadkii 1901, wuxuu Ingiriiskii oo dhisay jaamacaddaas ugu magacdaray Jeneraal Goordon [Kuliyadii Goordon] oo ahaa madaxdii hawgalkii gumeysiga Suudaan oo ay ciidankii Mahdigu dileen sanado ka hor aasaaska kuliyadda – sanadkii 1885. Ka dib xornimadii Suudaan 1956, waxaa magacii kulliyadda loo badalay Jaamacadda Khartuum, sidoo kale maamulka jaamacadda iyo macalimiintaba waxa la soo wareegay Suudaani. Furitaankii kulliyadda Goordon waxay saameyn ku yeelatay bulshadii Suudaan, waxayna sare u qaaday aqoontii bulshadii suudaanta oo...