𝗗𝗢𝗢𝗥𝗞𝗜𝗜 𝗔𝗥𝗗𝗔𝗬𝗗𝗔 𝗝𝗔𝗔𝗠𝗔𝗖𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗞𝗛𝗔𝗥𝗧𝗨𝗨𝗠 𝗘𝗘 𝗞𝗔𝗖𝗗𝗢𝗢𝗡𝗔𝗗𝗔 𝗦𝗨𝗨𝗗𝗔𝗔𝗡
| Kacdoonkii 1964, dibadbaxyaal wata sawirka Axmed al-Qurashi - Source: mail.suna-news.net |
Waxa la sheegaa waagii gumaystihii Ingiriisku haystay Waqooyiga Soomaaliya inuu dhib badan kala kulmay hirgalinta waxbarashada nidaamiga iyadoo ugu wacantahay Soomaalida oo ka aaminsanaa iskoolaadka gooba caruurta lagu gaalaysiiyo. Waxay ahaadaanba Soomaalidu, Suudaanta oo ka bislaa baa calmaday jaamacaddii ugu horeysay ee laga dhiso bariga iyo geeska Afrika sanadkii 1901, wuxuu Ingiriiskii oo dhisay jaamacaddaas ugu magacdaray Jeneraal Goordon [Kuliyadii Goordon] oo ahaa madaxdii hawgalkii gumeysiga Suudaan oo ay ciidankii Mahdigu dileen sanado ka hor aasaaska kuliyadda – sanadkii 1885. Ka dib xornimadii Suudaan 1956, waxaa magacii kulliyadda loo badalay Jaamacadda Khartuum, sidoo kale maamulka jaamacadda iyo macalimiintaba waxa la soo wareegay Suudaani.
Furitaankii kulliyadda Goordon waxay saameyn ku yeelatay bulshadii Suudaan, waxayna sare u qaaday aqoontii bulshadii suudaanta oo waxay soosaartay haldooradii ugu horeeyay ee wargaysyada wax ku qora iyo siyaasiintii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa urur sanadkii 1918kii.
Jaamacad Khartuum waxay ku bilaabatay sadexda kuliyadood oo kaliya, maanta waxay ka koobantahay 21 kuliyadood iyo 12 machad, waxayna ku filiqsanyihiin afar kombos oo ku kala yaala saddexda magaalo ee gobolka Khartuum ka koobanyahay [Khartuum, Umu-durmaan iyo Baxri], afrata kombos waxay kala yihiin: Mujamacu al-Wasad oo eh komboska ugu baaxadda wayn jaamacada wuxuuna ku yaala magaalada Khartuum, wuxuuna ka koobanyahay kuliyadaha injineeriga, culuumta sayniska, xisaabta, dhaqaalaha, suugaanta, qaanuunka, maamulka, juqraafiga iyo tiknoolajiyadda. Kombaska labaadina waa Mujamacu Shambaat wuxuuna ku yaala magaalada Baxri gaar ahaan deegaanka Shambaat, wuxuuna ka koobanyahay afar kuliyadood; beeraha, xanaanada xoolaha, waxsoosaarka xoolaha iyo kulliyadda kaymaha. Halka kombaska saddexaadi yahay Mujamucu Tarbiyah oo eh kulliyadda mucalimiinta waxayna ku taalaa magaalada Umu-durmaan, halka kombaska afaraadi yahay Mujamacu Dib oo ka kooban lix kulliyadood oo caafimaadka hoos taga, waxa uuna ku yaalaa magaalada Khartuum.
In kabadan 120 sano oo ay jaamacadda Khartoum
shaqaynaysay waxay ku asteysnayd hormuudka waxbarashada Suudaan, iyadoo
soosaartay culimada, siyaasiinta, garyaqaanada, abwaanada, hal-abuurayaasha ugu
magaca dheer Suudaan; sida Xasan al-Turaabi, Tayib Saalax, Cabdallah Dayib,
Xasan Makki, Ibraahim Cabuuda, Sir-alkhatim Khaliifah iyo Cabdallah Xamdook. Sidoo kale waxay jaamacaddu door wayn ka dheeshay kacdoonadii waa
weynaa ee Suudaan ka dhacay.
Doorka ardayda ee kacdoonada maaha arrin ku kooban Suudaan
ee waa arrin soojireen eh; kacdoono iyo mudaahraadyo badan oo dunida badalay
waxaa hormuud u ahaa ardayda jaamacaaha iyo kuwo dugsiyada sare, waxaana ugu
caansan: kacdoonkii masar 1919, kacdoonkaasi wuxuu ku bilawday mudaaharaadyo ay
soo abaabuleen arday kuliyada qaanuunka ee Jaamacadda Qaahira, mudaahraadyadii
oo isa siitaray waxay abuureen kacdoon kaasoo ku qasbay gumeystihii Ingiriiska
inuu xorriyada siiyo Masar. Sidoo kale; mudahraadadii dagaalka Fiitnaam 1968 –
1970, hormuudna u ahaayeen ardaydii Jaamacadd Columbia, sidoo kale mudahaaraadkii
Suweeto (Soweto uprising) 1976 ee Koonfur Afrika, mudaaharaadkii Czechoslovakia
ee 1989, mudaaharaadkii Indunuusiya 1998 iyo kacdoonka Gaza 2024 ee ka dhacay walina
ka socda gudaha jaamacaha Mareykanka.
Dhanka kale, dhamaan kacdoonadii waa weynaa ee Suudaan
ka dhacay ee ridayna talisyadii ay ku kaceen (kacdoonkii 21 oktoobar,
Kacdoonkii 1985 iyo Kacdoonkii 2019) waxaa mashiin iyo shidaal u ahaa ardayda
jaamacadaha; gaar ahaan Jaamacadda Khartuum.
Inta
la ogyahay mudahaaraadkii ugu horeeyay ee Suudaan ka dhaca waxaa soo abaabulay
qaar ka mid eh qalinjabiyaashi jaamacadda Khartuum sanadkii 1924 bishii Juun,
mudaaraadkaasi wuxuu ku faafay gobolada Suudaan, kumana ekeyn dibadbax hal
mar dhacay, bishii August ee isla sanadkaas 51 arday dhigatay kuliyada
milatariga Jaamacdda Goordon (Khartuum) ayaa dhigay mudaharaad iyagoo dharkooda
ciidan xeran, taasi oo ahayd dhacda ugub ah, waxayna ardaydii mudaaharaaday la
kulmeen ciqaab adag, oo waxaa lagu xukumay 8 sano oo xabsi eh.
Kacdoonkii 1964tii waxaa lagu tiriyaa kacdoonkii ugu horeeyay ee rida talis oo kadhaca waddamada Carabta; kacdoonkani wuxuu ku bilaawday dibadbaxyo looga soohorjeeday gaboodfalladii xukuumadda Suudaan kula kacaday gobolada koonfureed (Koonfurta Suudaan), ka dibna waxaa isasiitaray dibadbaxyadii, ka dibna shaqaalihii dawladduna waxey ku dhawaaqeen shaqojoojin, ugu danbayn Generaal Ibraahin Cabuuda oo la kulmay cadaadis milatari iyo mid siyaasi baa iscasilay xilkiina ku wareejiyay gole shacab eh. Dibadbaxyadii ugu horreeyay ee kacdoonkaasi waxay ka bilawdeen fagaaraah bari ee Jaamacad Khartuum, shahiidkii ugu horreeyay ee kacdoonkaasina wuxuu ahaa Axmed Al-qurashi oo ahaa arday ka mid eh jaamacadda, sidoo kale kacdoonkii 1985tii ee xidida u siibay taliskii Jacfar Numeyri wuxuu ka soo unkaday Jaamacadda Khartuum.
Khibradeydii
Suudaan; dabayaaqadii sanadkii 2012 ayaan u hayaamay Suudaan aniga iyo koox
arday isku iskool ahayn (Al-niileyn Secondary School – Hargeisa) oo deeq
waxbarasho helay, runtii maalintii safarka waxay ii ahayd maalin farxadeed, waxaan
rumeysnaa inaan guranayo mirihii dadaalkii dheera ee waxbarashada dugsiga sare,
waxay ahaataba, waxaan aan ku soo qaatay kulliyadii beeraha ee Jaamacadda
Khartuum (mujamacu shambaat) lix sano, shan sano oo ka mid eh waxay ahaayeen
sanadihii loogu talagalay kulliyadda maadaama ahayd kulliyad saynis eh, halka
sano ee dheeri ahi ku yimi sanad jaamacaddu u xerentay buuq siyaasadeed.
Waxa
lugu naaneysaa Jaamacatu Khartuum quruxleydii mar la’aragta [Al-jamiilah
wal-mustaxiilah الجميلة والمستحيلة], waxay ahaataba, Jaamacad Khartuum waxa astaan u ah afar
kalimadood oo ardaydeeda ku afeeftaan markay golayaasha siyaasadda ka khudbaynayaan, waxeyna yihiin: Eebe, Dalka, Xorriyadda iyo Insaaniyadda.
Marka
laga yimaado kulamada aqooneed ee ka baxasan muqararka ardayda ee jaamacaddu
soo agaasinto, waxay Jaamacadda khartuum caan ku ahayd golayaasha ardaydu ku
doodaan [ruknu niqaash ركن نقاش], ku ololeeyaan ama ku khudbeeyaan; barxadaha iyo darjiimooyinka
jaamacadda ayay ardaydu isugu yimaadaan markay xiisadaha ka soo bogtaan iyagoo
halkaasi dood ku qabasanaya. waxaana xusid mudan, xeer-nidaamiyaasha jaamacad Khartuum waxay ogolyihiin
is-abaabulkasta oo nabdoon oo ardaydu qabsadaan, ha ahaado dhaqan ama siyaasad
ama mid akaadeemi, xitaa ardaydu waxa loo ogolyahay inay bandhig faneed
(Show) ku dhex-qabsadaan jaamacadda!
Doodaha
ardayda Jaamacadda Khartuum baa gogol xaar u ahaa mudaahraadda jaamacdda
gudaheedda ka dhaca oo isku roga dibadbaxyo waa weyn oo Suudaan oo dhan
gaara; waxayna ku unkadaan ardayda xisbiyada mucaaridka oo doodooda ku qanciya
ardayda intooda kale.
Xilligeygii, ururada
saameynta ku leh jaamacadda ayaa isugu jiray ururo diimeed sida Suufiyada oo
madaahib badnayd kaliya ku midaysnaa ka hortagga ururada wahaabiga,
Ansaaru-Sunnah ama Alwahaabiyah iyo ururo siyaasadeed sida Xisb al-Shuuci, Xarakah
Al-islaamiyah labadeeda garab Xisbiga al-Mu’tamar al-wadani (Keyzaan) iyo
Xisbiga al-Mu’tamar Shacbi, xisbiga al-Jamhuuriyuun, xisbiga Dimuqraadiyiinta,
xisbul al-Ummah, sidoo kale waxa jaamacadda jiritaan kulahaa qaar ka mid eh jabahadihii
hubeysnaa ee gobollada cirifka ka dagaalama sida Jabahadda kacdoonka [الجبهة الثورية] labadeeda garab;
jabhadda Sinaanta iyo Cadaaladda [حركة العدل والمساواة] iyo Jabhaddd Xoreynta
Suudaan [حركة تحرير السودان].
Taariikh ahaan, xisbiga shuuciga waxa lagu tiriyaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeedkii ugu horeeyay ee ka soo dhex muuqda goleyaasha ardayda Jaamacad Khartuum ka hor afartameeyadii qarnigii 20aad, halka ururka al-Xarakah al-Islaamiya uu soo ifbaxay afartameeyadii, labadaasi urur baa inta badan ku dhex loolami jiray fagaarayaash jaamacadda iyo tan dalkaba.
Komboska
Shambaat halka ay ku taallo kulliyadeyda beeraha, waxay ardaydu si joogto eh u qabsan jireen doodo siyaasadeed, badanaa
dooduhu waxay ka dhici jireen barxadda Labakha oo ah barxad yar oo har
leh, sidaa caadiga eh subaxa hore baa la soo dhigi jiray barxadda kursi la
saaray boor (Flip Chart Paper) lagu qoray cinwaanka doodda, xiriiriyaha
iyo xilliga. Runtii doodaha Ruknu-niqaash ka dhicijiray ma aha doodo laba qof
ishorfadhiyaan ee waa doodo u dhaca in dhinac fikir soobandhigo
dhegeystayaashuna su’aalo waydiiyaan, “qofkii ra’yigeena diidan barxadda
iskeen!”
Doodaha
siyaasadda ayaa lahaa saameynta iyo
falgalka ugu xoogan; badanaa doodahaas baa dhalin jiray mudahraadada gudaha
jaamacadda ka dhaca; waxayna badanaa la xiriirijireen doodaha kululi gobolka Daarfuur. Waxaa kale oo dhici jiray doodo iyo mudahraadyo ka
dhasho tabashooyinka adeegyada jaamacadda gaar ahaan hoyga ardayda
(Daakhiliyadda).
Ictisaam, waa erey-bixinta suudaanidu ugu yeeri jireen mudaaharaadyada
jaamacadda ka dhex dhaca, waxayna lahaayeen mudaharaadadaasi heerar, waxaa jiray
kuwa nabdoon oo ardaydu ku egyihiin inay warqado iyo boorar qaataan oo ku soo
dhex wareegaan jaamacadda, iyo kuwa rabshado watta oo mudaharayaashu ishortaagi
jireen shaqada jaaamacadda iyaga oo dhex jibaaxaya hoolalka iyo shaybaarada wax
lugu barto, taasi waxay dhici jirtay markay siyaasaddu dalku cakiranto.
Waxaana mudaahraadadaas shidaal u ahaa heesah iyo ereyo hal-haysa eh oo ardaydu falkin
jireen iyagoo sacab iyo durbaanno ku kabaya, sida; ereyga [الثورة] oo saddex jeer marka la
dhaho la sacbinaayo. Sidoo kale, afarta erey ee astaanta
jaamcadda bay ardaydu marar badan adeegsan jireen. Waxaan xasuustaa maalin imtixaan ku jirnay, in arday reer Daarfuur oo
gadoodsan hoolkii noo soo galeen iyagoo ku qaylinaaya "الجامعة تدين المتخاذلين!" oo micnaheedu yahay "Jaamacaddu waxay canbaaraynee khaa’iniinta", waxeyna khaa'iniinta ula jeedaan ardayda imtixaanka galay ee mudahraadka ka haray.
Taliskii
Cumar al-Bashiir oo ka dheregsanaa halista ardayda jaamacaddan ayaa ku dadaali
jiray marwalba inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee jaamacadda iyada oo
laga dhex ololeynayo jaamacadda gudaheeda lagu dadaalayo kasbashada ardayda
siiba kuwa cusubi, markay maareen waayana waxay Jaamacadda ku soo fasixi-jireen
ciidan nabad-sugid (Jihaaz-amni) oo xerxera ardayda mudahraadada wada, waxaana
ka dhalan jiray gaboodfallo.
Waxaa
kale oo xusid mudan, Markasta oo jaamacaddu u taagwaydo mudahraadada waxay
qaadi jirtay talaabo qalafsan oo eh xeridda jaamacadda muddo aan cayinayn, laga
yaabaa in sanad gaarto sidii ku dhacday dufcaddeenii sanad-dugsiyeedkii
2016/2017.
Dhaqdhaqaaqaya
ardayda Jaamacadda Khartuum wuxuu saameyn jiray ardayda jaamacahada kale dhigta,
gaar ahaan jaamacadaha dowaladdu leedahay, sida ay Jaamacadda Columbia u saameyso
jaamacadaha kale ee Mareykanka, waxa ka mid eh jaamacadaha mudahraadadu ka
dhici jireen, haba kala duwanaadaan sababah: Jaamacadda Suudaan, Jaamacadda al-Niileyn, Jaamacadda Baxrul-axmar, Jaamacadda Jaziirah iyo kuwa kale.
Dhamaadkii
Sanadkii 2017kii waxay dawladda Suudaan jartay lacagtii-kabka ay ku bixin
jirtay qamadiga, taasi oo sababtay sare u kaca rootiga oo u ah bulshada
suudaanta quutal-daruuri, waxaaba durtaba circka isku shareeray mudahraadyo
jaamacadaha dhexdooda eh oo hormuud u tahay Jaamacad Khartuum oo looga soohorjeedo
sare u kaca rootiga. Bilihii xigay waxa daafaha Suudaan oo
dhan ku faafay dibadbaxyo looga soohorjeedo sare u kaca maciishada iyadoo ugu
danbayn ku soo idlaaday tuuriddii Cumar al-Bashiir bishii Abriil 2019. Waxa xusid mudan, kacdoonkii 2019 xitaa waxa ka
qaybqaatay maclimiinta Jaamacad Khartuum oo boqol ka mid eh si wada jir eh
warbaahinta ugu soo muuqdeen.
Waxaan
maqliy jiray waagii jaamacadda weedha (ardayda Jaamacatu Khartuum
hiddasidayaashooda waxa ku jira mid dheeri eh oo u taagan kacdoon!) waxay
ahaadaanba, xisbiyadii iyo jabahadihii mucaaridka Suudaan waxay mar-walba u
arkayeen ardayda jaamacad Khartuum jaranjar ama faraskii Trojan
oo kale kuna gaari karaan talada dalka.
| Sawir aan kula Jiro mufakir Xasan Alturaabi oo kulan u qabanayay ardayda jaamacadaha - Juun 2015. |
Comments
Post a Comment