𝗢𝗚𝗔𝗔𝗡𝗧𝗔 𝗟𝗔𝗙𝗧𝗘𝗘𝗗𝗔 𝗗𝗜𝗟𝗔!
Waxa aynu wada ogsoonahay in dalkeena laysku shaqaaleysiiyo reernimo, saaxiibtinimo iyo garasho oo dhamaantoodba eh sharcidarro, balse waxaa jira arrin ka halis weyn taas markey timaaddo go’aaminta masuuliyiinta iyo shaqaalaha loo rabo iney ku fariistaan kuraasta awood qaybsiga ku dhisan ee beelo gaar eh u xeran; waxaa waayadaan danbe jiray xulasho manhajeysan oo adeegsadaan masuuliyiinta xulata shaqaalahaas, oo aasaas looga dhigay fogeynta kawaadirta iyo ruux kasta oo waayo-aragnimo durugsan leh, baddalkeedna la doorto ruux bilaa tayo eh! Xulashada caynkaasi waxey halbeeg iyo astaan u ahayd taliskii madaxweyne Farmaajo, walina waxaa adeegsada maamul-goboleedyada qaar. Dabcan kama dhigno dhamaan masuuliyiinta ay magacaabaan nidaamyada sidaa gurracan u fakira iney wada yihiiin juhalo aqoon ka arradan, hase ahaatee waxey ka mideysanyihiin iney xilalka muhimka eh u xushaan gaar ahaan jagooyinka beelaha kala dhaxeeyo loolanka, masuuliyiin aqoontoodu hooseyso. Hadda...