𝗧𝗮𝗿𝗷𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝘂 𝗺𝗮 𝗸𝗵𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮?
Hawraarta ‘ Traduttore Traditore ’ oo eh maahmaah Talyaani oo micnaheedu yahay [tarjumaanku waa khaa’in] ayaa aalaaba la adeegsado marka la tilmaamayo in tarjumiddu marnaba wada gudbin karin macnaha dhabta ee uu leeyahay qoraalka asalka. Run ahaantii afafku waa ku kala gaddisanyihiin qaab-dhismeedka iyo balaaqada, aalaabana waa adagtahay in si buuxda loo soo wada minguuriyo macnaha ay xanbaarsanyihiin, haba ugu darnaato suugaanta tiraabta eh oo mar kasta adagtahay in la raro macnaha iyo dareenka ay xambaarsanatahay. Waxaana jira tiro khubaro eh oo taageersan khiyaanada lugu eedeeyo tarjumaanada, waxeyna u kala qaadaan khiyaanada mid dadban oo ka baxsan awoodda tarjumaanka iyo khiyaano toos eh uu tarjumaanku ku lug leeyahay. Khiyaanada dadban waxey ku qeexaan in tarjumaanku minguuriyo fahankiisa qoraalka (ama hadalka) uu tarjumayo, taasoo keeni karta inuu ka leexdo micnihii uu qoraagu ula jeeday. Hase ahaatee taasi waa cilad aadamiga uu dhani lahaan karo, hore ayaana loo yiri ‘had...