𝗧𝗮𝗿𝗷𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻𝗸𝘂 𝗺𝗮 𝗸𝗵𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗮?
Hawraarta ‘Traduttore
Traditore’ oo eh maahmaah Talyaani oo micnaheedu yahay [tarjumaanku
waa khaa’in] ayaa aalaaba la adeegsado marka la tilmaamayo in tarjumiddu
marnaba wada gudbin karin macnaha dhabta ee uu leeyahay qoraalka asalka. Run
ahaantii afafku waa ku kala gaddisanyihiin qaab-dhismeedka iyo balaaqada,
aalaabana waa adagtahay in si buuxda loo soo wada minguuriyo macnaha ay
xanbaarsanyihiin, haba ugu darnaato suugaanta tiraabta eh oo mar kasta
adagtahay in la raro macnaha iyo dareenka ay xambaarsanatahay.
Waxaana jira tiro khubaro eh oo
taageersan khiyaanada lugu eedeeyo tarjumaanada, waxeyna u kala qaadaan
khiyaanada mid dadban oo ka baxsan awoodda tarjumaanka iyo khiyaano toos eh uu
tarjumaanku ku lug leeyahay.
Khiyaanada dadban waxey ku qeexaan
in tarjumaanku minguuriyo fahankiisa qoraalka (ama hadalka) uu tarjumayo,
taasoo keeni karta inuu ka leexdo micnihii uu qoraagu ula jeeday. Hase ahaatee
taasi waa cilad aadamiga uu dhani lahaan karo, hore ayaana loo yiri ‘hadal
nin si u yiri, ninna si u qaaday’. Sidoo kale waxey khiyaano
dadban ku tilmaamaan marka tarjumaanku waayo ereyo isu qalma badalkoodana uu
adeegsado ereyo soo dhaweynaya micnaha, taasina waxey u arkaan khiyaano laga
galay qoraalkii asalka ahaa.
Halka khiyaanada tooska ku qeexaan
(soo hoosgaleysa dalaayadda plagiarism)
inuu tarjumaanku kas iyo ku talagal uga baxo qoraalka asalka ah kuna daro
weedho aan ku jirin amaba kuwo kale ka reebo isagoo dano kaleh. Waxaana
sooyaalka tarjumaanada laga soo heleyaa kuwo ku dheeldheelay dhigaaladii ay
tarjumayeen iyagoo ilaalinaya dookha bulshada ay u minguurinayaan qoraalka,
sida iney tirtiraan qeybaha anshax bulshadooda ka hor imaanaya iyo wixii la hal
maala; sidoo kale waxaa la soo heleyaa tarjumaano ku darsaday qoraalkii aslaka
ahaa weero aan ku jirin iyagoo ugu dan leh iney xiiso u yeelaan qoraalka.
Dhaqnka kanna wuxuu shaacsanaa
casriyadii hore (wixii ka horreeyay qarnigii 18aad), sababtuna waxey ahayd
inaan ceeb weyn loo arki jirin sidoo kalana adkayd in laga dabatago tarjumaanka
khiyaanadaasi sameeyay oo badi dadku ma wada heleyn ilaha aqoonta. Balse, si
kasto uu bini’aadamku u gaaray horumar wixii ka danbeeyay qarnigii 18aad,
aqoontuna u faaftay wali ma wada suulin dhaqankaasi gurracan. Nasiib xumo,
mararka qaar waxaa falkaasi ku dhaqaaqa tarjumaanada ugu magaca dheer bulshada
ee qoraaladooduna la xiiseeyo sida tarjumaankii reer Iiraan Zabihollah Mansouri (noolaa
qarnigii 20aad) oo caan ku ahaa inuu xeelado iyo xamaasad u yeello qoraalada uu
tajumo isagoo badanaa ugu dan lahaa ujeeddooyin aan xumeyn inuu xiisogaliyo
aqristayaasha ku taxnaa wargeysyada uu ku faafiyo sheekooyinka iyo qoraallada
uu tarjumo.
Amir Ahmadi baa dhawaan faafiyay
qormo uu cinwaan uga dhigay [In
serach of Zabihollah Mansouri] wuxuu ku gorfeynayay waxqabadkii
tarjumaan Zabiihullah; walxaha uu xusay
waxaana ka mid ahaa inuu Zabiihullahi oo ka soo tarjumi jiray af-Faransiiska uu
caadeystey inuu ku darsado dhacdooyin qoraalada uu tarjumayo, ama mararka qaar
buug uu maankiisa ka alifo ka dibna ugu abtiriyo qoraa ajnabi eh isagoo
rumeysnaa iney adagtahay in bulshada reer Iiraan ee jahliga ku badnaa xilligaas
iney ka salgaari karaan been’abuurkiisa. Hase ahaatee, wuxuu aqriska
jecleysiiyay jiil dhan oo bulshada reer Iiraan eh, walina iyadoo la ogaaday
khiyaanadiisa waxey bulshadiisa u hayaan xushmad iyo qaddarin.
Docda kale, Tarjumaanada iyo
aqoonyahanada qaar baa dafirsan khiyaanada lagu eedeeyo tarjumaanada oo dhan,
waxey ku doodaan in nuxurka afafka aadamuhu is ku mid yahay, tarjumaanaduna
gudbiyaan nuxurkaas, eeddaasina sida wadartaa loo saaray tarjumaanada oo dhanna
ay mala’awaal tahay, lana mid tahay weedha caanka aeh ee faransiisku
adeegsadaan ‘Belles infidels’ oo micnaheedy
yahay [quraxley kasta waa khiyaanooleey!]. Sida quruxley oo dhan gogol-dhaaf
loogu eedeyn karin ayaa tarjumaan oo dhanna loogu eedeyn karin khiyaanoole bay
ku doodaan.
Kaliya waxey khiyaano u arkaan
tarjumaanka si bareer eh micnaha uga baxa oo nuxurka waxaan ahayn soo tarjuma.
Khiyaano uma arkaan hadduu tarjumaanku fahankiisa soo minguuriyo ama hadduu
adeegsado ereyo soo dhaweynaya michanaha asalka ah.
Waxaa kale ay ku deedifeeyaan
doodda kuwa taageersan fikradda in tarjumaan oo dhanna khiyaano dhaqan u tahay
in maahmaahda ay doodoodu ku dhisantahay ‘Traduttore
Traditore’ kaliya lagu dhisay qaafiyad, sidaa awgeedna ku
faaftay. Waxeyna la mid dhigaan gabayada iyo maahmaahyda bulshooyinka caalamka
leeyihiin ee qaafiyadda ku dhisan; dabcan maahmaahyadu xarfiyan looma rumeyn
karo, lagumana doodi karo inay xaqiiqo biyo kama dhibcaan yihiin.
Geesta kale, suugaanyahannada qaar
waxey khiyaanada tarjumaaka halbeeg uga dhigaan qoraal macaanida tarjumaanka,
dhigaal kastana oo af kakan lagu tarjumayna waxey ku eedeeyaan khiyaano! [كل ترجمة رذيئة خيانة!]; waxaana aragtidaas
qabay tarjumaankii Filistiiniga Saalax Calmaani ee ku caanbaxay tarjumidda
suugaanta Af-Isbaanishka, waxaana laga diiwaangliyay weedha: ‘amaanada
tarjumaanka waxey dhameystirmee markuu u tarjumo qoraalka si cuddoon oo
aqristuhuna dareensiineen in qoraalka af qalaad laga soo tarjumay!’
Hase ahaatee aqoonyahanno badan baa
aragtidaasi dura oo qaba qoraalkast oo qurxoon inuusan wada aheyn mid fayow
tarjumo ahaan.
Taariikhda ahaan, waxaa jira
tarjumaano lagu suntay khaa’iniin kaliya ku muteystay iney tarjumeen dhigaalo
la diidanaa. Mutarjimkuna kuma noqonayo khiyaanoole hadduu daaha ka feeddo siro
aqooneed ay bulsho lahayd oo u qarsoonaa ama hadduu tarjumo kutubo muqaddas
ahaa oo la diidanaa in la tarjumo. Qarniyadii dhexe waxey kaniisaddu diidi
jirtay in kitaabka Injiilka loo tarjumo afafka iyo lahjadaha ka farcama afka
Laatiinka ee uu ku qornaa Injiilku. Waxey rabeen wadaadadii kaniisadda iney ku
gumeystaan caamada jahliga ay ka qabaan Injiilka, waxeyna khiyaanoolayaal ku
shaanbadeeyeen tarjumaanadii ugu horreyay ee u tarjumay injiilka afafka
bulshooyinka Yurub, sida Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska iyo kuwo kale.
Wixii la rabo ha lugu eedeeyo
tarjumaanada, balse laga ma maarmo. Ilbaxnimada dunidana ma soo gaarteen
heerkaan la’aantood, mana awoodi laheyn inaan aqrino dhigaaladii falaasifaddii
Giriigga, sidoo kale waxna kama ogaan laheyn qoraaladii umadihii hore nooga
tageen ee ku xardhan dhagaxaanta iyo xaashiyadaha, xitaa diimuhu kama
tallaabeen deegaanada ay ka uskumeen, mana soo dhaafeen afafka ay ku dhasheen.
Nasiib xumo, waxaa laga yaabaa dunida maanta ee digitalka ee la helaayo websites iyo applications wax tarjuma inaan
la dareemin qiimaha tarjumaanka, balse dunidii hore waxaa dhif ahayd in la helo
qof afaf badan wax ka yaqaana, waxaa qiimo badan lahaa tarjumaanka.
Gabagabadii, Tarjumaanku wuxuu
kaliya khiyaanoole ku noqonayaa hadduu soo minguuriyo micno aan waafaqeyn
micnaha asalka; waxaana mar walba saaran tarjumaanka masuuliyad la mid eh tan
qoraaga oo eh inuu ilaaliyo amaanada aqoonta, kana fogaado xatooyo iyo
marinhabaabin.
FG: qormada waxaan ku daabacay mareegta Raad-reeb: https://raad-reeb.com/tarjumaanku-ma-khiyaanoolaa/
Comments
Post a Comment