𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗞𝗔 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗘𝗘 𝗞𝗨 𝗛𝗔𝗕𝗕𝗢𝗢𝗡 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔
Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowge eh sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay. Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka. Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan, laakin doorashadoodu waxey u ekeyd xilkaqaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis eh, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musa...