𝗙𝗮𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝘆𝗻 𝗞𝗼𝗼𝗯𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗮𝗱𝗮 '𝗠𝗮𝗮𝗻𝗮𝗳𝗮𝗮𝘆'
'Maanafaay' waxay ka mid tahay sheeko faneedyada fara ku tiriska ah ee ku soo baxay af Soomaali ee lugu tilmaamay inay u babacdhigi karto sheeko faneedyada caalamaka, waxaana ku farayareystay sheekada Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa rugcaddaa ah oo badi yaqaanaan bahda aqriska, balse caamadu aysan wada aqoon. Wuxuuna ka tagay qoraagu AHUN dhigaallo kala duwan oo xiriir la leh suugaanta Soomaalida, balse ugu caansantahay sheekadiisa Maanafaay. Sheekada kan Maanafaay ee ku falanqeyn doono qormadaan, waxaa bogaadin iyo amaan huwiyay qoraayo iyo suugaanyahanno wax ku qora afka Soomaaliga kuwooda ugu magaca-dheer sida Barfasoor Cali Jimcaalle oo ku tilmaamay Maanayfaay inay tahay sheekadii u horreyday ee Soomaali ah oo u qalanta in lugu tilmaamo sheeko-faneed, sidoo kale Barfasoor Andrzejewski wuxuu ku tilmaamay inay sheekadu si buuxda u sawirtay noloshada ka jirtay magaallada Xamar. Halka Ibraahin Hawd uu xusay in sheekada Maanafaay jeclaysiisay aqriska iyo qoraalka sheekada S...