𝗔𝗗𝗘𝗘𝗚 𝗔𝗔𝗡 𝗟𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗𝗜𝗡
Waxaan dhoor jeer maqlay tabasho ka dhan eh xafiisyada dawladda gaar ahaan kuwa adeeg-dadwaynaha bixiya, adeegyada dawladdda iyagoo iska kooban haddana waxaa jira guux dadweyne oo si taban wax uga sheega. Si kastaba ha ahaatee, 28 May ee sanadkan 2024 waxa go’aansaday inaan cusboonaysiisto baasaboorkayga, anigoo og in cusboonaysiinta iyo qaadashada koobaad isku process iyo qarash yihiin baan hawsha galay. waxaan ku horumaray xarunta CID si aan uga qaato warqadda dambi’la’aanta. Xarunta kadinkeeda askartii joogtay markay ibaareen waxay iwaydiiyeen dantaan u imi, ka dibna askartii mid ka mid eh baa igu boobay hawsha aad rabto qof kuu fududeenaya ayaa jira ee lanbarkaan qaado, intaan ku gacansayray askarigii baan gudihii ugalay xaruntii. Sarkaal shaqaalaha hay’adda ka mid eh oo barxadda xarunta joogay baan waydiiy dhanka aan processka ka bilaabayo, isaguna wuxuu iwaydiiyay kolka iigu danbaysay ee aan imi xarunta, markaan u sheegayna wuxuu igu warceliyay data-daada waa la helaa o...