Posts

Showing posts from August, 2024

𝗤𝗜𝗦𝗛𝗞𝗨 𝗚𝗢𝗢𝗥𝗠𝗨𝗨 𝗫𝗔𝗟𝗔𝗔𝗟 𝗡𝗢𝗤𝗗𝗔𝗬?

Image
  Bishii Maay ee sanadkii 2019, wasaaradda waxbarashadu ee federaalku waxay laashay imtixaankii dugsiga sare oo meel dhexe marayay ka dib markii internetka lagu baahiyay nuqullo ka mid eh imtixaanka, go’aankaasina wuxuu ka carraysiiyay ardaydii imtixaanka galaysay iyo maamul-goboleeyada qaar sida Hirshabeelle oo waagaas ku hanjabtay inay iskeed u qaadan doonto imtixaankeeda.[1] Dhacdadaasi maaha markii ugu horreysay oo la soo dusiyo qishka imtixaanka dugsiga sare, sidoo kale kuma ekeyn sanadkaas oo wixii ka danbeeyay sanadkaasi waxaaba la dhihi karaa si joogto eh baa loo soo dusinayay imtixaanka dugsiga sare. Qishku micna ahaan waa imtixaanka oo si tuuganimo looga shaqeeyo, se micnaha ay u dajiyeen bahda waxbarashada waa ka balaaran yahay, waxaana soo hoosgalaya khiyaano kasto uu ardaygu sameeyo si uu ugudbo ama buundo dheeri eh ku helo, tusaale: jawaabaha imtixaanka ama layliga oo si sharcidarro eh u helo, imtixaanka oo looga shaqeeyo, ardayga oo sheegta xog uusan lahayn (plag...

𝗛𝗜𝗥𝗦𝗛𝗔𝗕𝗘𝗘𝗟𝗘...

Image
  Maamul heshiiskii uu ku dhisnaa laalay, Maamul beelihii wada dagnaa colaad dhex dhigay, Maamul gunnimo dhaqan ka dhigtay, Maamul marinhabaabin yool ka dhigtay, Maamul qorshela’aan qorshe ka dhigtay, Maamul madaxweynihiisu B iyo T kala aqoon, Maamul kuxigeenkiisu khibraddiisu tahay mooryaannimo, Maamul wasiiradiisu yihiin qowsaaro, Maamul agaasimayaashiisu soo dhaafin wadada makal-mukaramah, Maamul shaqada kaliya uu qabto tahay igu-sawir, Maamul sheegta waxqabadka hay’adaha gargaarka, Maamul dhisan la’ xafiisyo iyo xarumo dowladeed, Maamul qaadi waay isbaarooyinka, Maamul dhiiqada iyo biyobaxada iska maareen la’,   Intaas oo musiibo inta ay ka jiraan Hirshabeele, ma furmi karto dooda calanka Hirshabeele; calanka ma qurxoon ee aynu badalno iyo huuhaa.

𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗟𝗨𝗚𝗨 𝗫𝗔𝗦𝗨𝗨𝗦𝗔𝗡 𝗗𝗢𝗢𝗡𝗔𝗔 𝗞𝗔𝗕𝗧𝗔𝗡 𝗚𝗨𝗨𝗥𝗘?

Image
  Marxuun: Axmed Cilmi Guure, Source: Hassan Ali Kheyre's Facebook Page Waxaa dhawaan ku geeriyood magaalada Otawa ee dalka Kanada, taariikhdu 28 July 2024, kabtan Axmed Cilmi Guure oo ahaa aasaasihii shabakadd wararka Hiiraan Online, sida lagu xusay wareysiyo la qaaday geeridiisa ka dib, marxuumku wuxuu maalmihiisii ugu danbeeyay ahaa sariir-yaal la ildarnaa xanuun, ALLAH ha u naxariistee ee wuxuu ku dhintay da’da 68 jir, isagoo ka tagay xaas iyo todobo caruur. Markii la soo shaaciyay warka geerida marxuunka waxaa baraha bulshada soomaalida qabsaday fariimo tacsi oo masuuliyiintu iyo indheergaradkuba u dirayaan qoyska marxuumka iyo bulshad soomaliyeed uu ka baxay si guud, se nasiibxumo dhalinyarro badan  - dhalinta Facebook iyo Tiktok ku koray - baa markaas fariimaha tacsida ku bartay Guure! Haddaba Guure waa qofma? Guure wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi sanaddii 1956, wuxuuna ku soo koray magaalada Beledweyn oo uu waxbarashadiisa inta ugu badani ku soo qaatay, se d...