𝗞𝘂𝗹𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗦𝗮𝗳𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗿𝗲𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮:
Madasha Minbar oo looga
bartay soo qabanqaabidda doodaha dadweynaha ayaa shaley oo taariikhdu ahayd 10
December 2024 soo agaasintay kulan doodwadaag eh oo lugu wareysanayo safiirka
Mareykan Richard Riley. Iima aheyn markii iigu horreysay ee aan ka
qeybgalo kulamada Minbar, waxaan hore uga qeybgaley kulamo badan oo ay u soo
qabanqaabisay siyaasiin Soomaaliyeed iyo kuwa masuuliyiin ajnabi eh ba.
Kulanka kan ee safiirka
Mareykanka waxaa lugu qabtay gudaha xerada Xalane, halka ay degaan safaaradaha iyo shisheeyaha Soomaaliya ka shaqeeya. Gaar ahaan wuxuu kulanka ka
dhacay RA Hotel, wuxuuna ahaa kulan agaasimkiisu aad u heer sarreeyay oo si
quruxbadanna loo nidaamiyay fadhiga, hase ahaatee lama dhowrin waqtigii lagu
balansanaa in la bilaabo (10:00 AM) ku dhawaadna saacad ayuu dib udhacay
kulanku.
Waxaana cinwaan looga
dhigay kulanka [understanding Somalia-US relations: the way forward]; wuxuuna
kulanka ku bilowday furfurasho kooban uu sameeyay agaasimaha madasha Minbar, ka
dibna waxaa kala wareegay wariye Abdulsalam Salwa oo toos u bilaabay dooddii;
waxaana la riyaaqey furfurshada kooban ee noocaani oo ku yar Soomaalida,
badanaa waxaa shirarka iyo munaasibadaha Soomaalida ka dhaca furfurasho dheer
oo dhoor masuul hadalka kala qaataan
iyagoo qaarkood mowduuca ka baxa!
Su'aashii koobaad ee
safiirka la waydiiyay baa ahayd is qeex kumaa tahay? Wuxuuna bilaabay safiirku
inuu ka sheekeeyo khibraddiisa diblumaasi ee kor u dhaafayso soddomeeyo gu' oo ku
baahsan badi qaaradaha dunida; Afrika, Aasiya, Yurub iyo Ameerika. Wuxuuna
xusay jagooyin uu ka soo kala qabtay safaaradaha dalkiisa ee ku leeyahay dalalka:
Canada, Norway, Pakistan, Iraq, Afghanistan, Yemen iyo kuwale kale. Waxa
kale uu safiirka cabbiray inuu ku faraxasanyahay shaqada safiirnimo (Safiirka
Ameerika ee Soomaaliya) ee dhawaan mudda aan lix bilood ka fogeyn loo soo
magacaabay, markii loo soo bandhigayna uu toos u ogalaaday.
Isqeexiddii ka dib
waxaa isxigxigay su'aalo ay waydiinayeen ka sooqeybgalayaasha iyo xiriiriyaha
oo dhamaan Af Ingiriis lugu waydiinaayay. Waxaana laga warsaday safiirka
mowqifka uu dalkiiisu ka taaganyaahy dhacdooyin
la xiriiray siyaasadda Soomaaliya sida khilaafka dowladda Federaalka iyo
Jubalaand, arrinta Khaatumo, hishiis beenaadkii MOU iyo kuwa kale, wuxuuna
safiirka uga wada jawaabay si diblumaasi eh oo xanafna laga dareemin, wuxuuna
ku dadaalay inuusan dhawaacin gobanimada dhuleed ee Soomaaliya.
Waxaa kale oo laga
wareystay safiirka mashaariicda bini'aadanimo iyo horumarineed ee dowladdiisa
ugu talagashey Soomaaliya, wuxuuna xusay iney Soomaaliya ka taageeraan dhanka
amniga oo tababaro siiyaan ciidanka iyo booliska, sidoo kale wuxuu carabka ku
adkeeyay in dowladda Mareykanka tahay deeqbixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya
jooga, maalin walbana bixiyaan lacago malaayiin eh oo lugu badbaadinayo barakacayaasha
Soomaaliyeed.
Hase ahaatee,
aqoonyahan Soomaali Ameerikaan ahaa baa kaga naxsaday safiirka su'aal ahayd ma
hubtaa lacagtayaga haddaan nahay canshuur bixiyaasha Mareykanak iney si sax eh
loo adeegsado? Sidoo kale aqoonyahanku wuxuu la soo baxay buugag isagoo xusaya
howraaro ku qoran buugtaas oo dulucdoodu tahay Soomaaliya ma istaahisho
lacagaha deeqbixiyaasha maadaama wax ka qaldanyihiin qaab dhismeedka
dowladnimadeeda!
Yeelkadiise, safiirkii
isagoo is dhibin oo buugna u fiirin wuxuu ugu warceliyay inay lacagaha deeqaha
ku bixiyaan wadiiqo hufan, sidoo kalana leeyihiin nidaam islaxisaabtan oo adag,
isagoo xusayna inuu aqriyay buugaagta uu hayay aqoonyahanku, magacaabayna qoraaga
buugaagtaas Francis Fukuyama!
Walow aqoonyahankii buugaagta wattay si arxandaran u dhahay Soomaaliya u ma qalanta gargaarka balse wuxuu uga saxanaa safiirka in gargaarka Soomaaliya la siiyo la musuqmaasuqo taasoo safiirku dafirsanaa. Sidoo kale aqoonyahanku wuxuu ku saxsanaa inuu ku baraarujiyo ka soo qeybgalayaasha iney wixii isla-xisaabtan eh oo horumarka iyo gargaarka la xiriira iney dowladda Soomaaliya la aadaan ee aysan Mareykanka wax mas'uuliyadi ka saarneyn.
Waxey ahaataba, waxaa
filashadeyda ka hooseysay jawaab uu safiirku ka bixiyay su'aal la xiriirtay
fursadaha waxbarasho ee dowladdiisa bixiso ee dhalinyarada Soomaalida ka faa’ideysan
karaan, wuxuuna ku soo koobay iney jiraan programs badan ey xareysan karaan
ardayda isagoo faahfaahin buuxda ka bixin, wuxuuna ku taliyay in masuulka
arrimaha dadweynaha Christy Watkins kala xaajoodaan arrimahaasi.
Dhanka nabadgalyada,
waxaa la waydiiyay saameynta taban ee ka dhalan karta ka qaadista Soomaaliya cunaqabataynta
hubka, wuxuuna safiirka ku jawaabay inay kala shaqeynayaan dowladda Soomaaliya ilaalinta
nabadgalyada iyo xasiloonida... Hase ahaatee su’aalo badan oo la xiriira
arrimaha nabadgalyada Soomaaliya iyo tan gobolka oo ahayd in la waydiiyo
safiirka lama waydiin.
Waxa kale oo safiirka
la weydiiyay arrimo la xiriira dhaqaalaha sida su’aal ahayd sidee lugu xoojin
karaa xiriirka bankiyada Soomaalida iyo dhigooda Mareykanka, wuxuuna uga baxay
in ka shaqeynayaan xoojinta xiriirka maaliyadeed ee labada dal iyo wax lamid
eh. Waxa kale oo dhanka dhaqaalaha laga waydiiyay kiis laba shirkadood oo
Soomaaliyeed uu Mareykanku cunaqabateen saarey, wuxuuna safiirku difaacay go’aanka
hay’adaha cunaqabateynta ee dalkiisa isagoo marmarsiyo uga dhigaya inay aad uga
baarandagaan oo baaritaan qotadheerna sameeyaan inta ayasan go’aanka gaarin.
Aragtideyda, maadaama
laga hadlaayay xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ila
quruxbadneyd in kulanka si wada jir eh uga qeybqaataan safiirka Ameerika u
fadhiya Soomaaliya iyo masuul Soomaaliyeed oo ka socda wasaaradda arrimaha
dibadda amaba safiirka Soomaaliya ee u fadhiya Ameerika, hase ahaatee ma dhicin
waxeyn madasha ahayd dood uu soo bandhigay hal dhinac, kaliya safiirka
Ameerika, oo waxaa madasha ka maqnaa aragtidii mas’uuliyiinta Soomaalida.
Gunaanadkii, madashu aad bay u koobnayd oo ku dhawaad hal saac kaliya bay socotay, waxeyna dhamaatay iyadoo ka qeybgalayaasha qaar gacmaha taagayaan, rabana iney su'aalo waydiiyaan safiirka. Ka dibna waxaa la aaday isbarasho iyo sawir wadareed.
Sawirro:
Sawirkaan oo aan ka muuqdo waxaa la qaaday waqtigii aan sugeynay safiirka. |
Comments
Post a Comment