Posts

Falanqayn Buugga “Aargoosiga Juqraafiga”

Image
  Falanqayn Buugga “Aargoosiga Juqraafiga” Hordhac: Buugga “The Revenge of Geography: What the Map Tells Us About Coming Conflicts and the Battle Against Fate” waa dhigaal soo baxay sannadkii 2012, waxaana qoray Robert D. Kaplan, waana buug jidbixinay saameynta juqraafigu ku leeyahay masiirka bulshooyinka iyo dowladaha; wuxuuna ku qotomaa fikrad u dhexeyso laba aragtiyood oo xagjir ah, lidna isku ah, oo kala ah: aragti ku dooda in casrigaan ay dalalku haystaan tiknoolajiyad sarreysa iyo gantaalo ka goosha qaaradaha aysan muhimad lahaynin juqraafiga, iyo aragtida labaad oo ku biyoshubaneyso “Qaddarta Juqraafiga” oo ah in bulshooyinka ku gowracanyihiin deegaanka ay ku noolyihiin, aysan sinnaba uga bixi karin qaddartaas. Inkastoo Kaplan uusan aaminsanaynin qaddarta juqraafiga, haddana wuxuu aaminsanyhay in mudnaanta juqraafigu taagan tahay xilli walba, colaad iyo nabadba, iyo in xudduuda juqraafiga tahay tan dhabta ah ee bulshooyinka kala qaybisa, wuxuuna qabaa soohdin kasta ama kal...

Madal aan Rukun U Ahaa 3 Sano

Image
  Ku dhawaad 3 sano waxaan si joogta ah habeen kasta oo Talaado ah u tagijiray naadi aqris oo la magacbaxay “Saaloonka Garaad Sheekeysi”; wuxuuna iiga qiimo badnaa kulanka habeenkaas kulamada iyo shirarka aqoonta ay soo abaabulaan jaamacadaha iyo hay’adaha cilmibaarista ee joogtada ahayn, sababo dhowr ah dartood. Saaloonka Garaad-sheekeysi sida magaciisa laga dheehan karo waa goob garaadka lagu shiilo iyada oo la siinayo ka soo qaybgalayaasha iyo doodjeediyaha waqti ku filan – badanaa 3 saacadood oo xiriir ah - oo ay ku doodaan, kuna deedifeeyaan dhinacba dhinaca kale, waana arrin dhif ah oo aan ka dhicin kulamada iyo shirarka aqoonta. Habeenba waxaan u madlanaanjirnay cinwaan gaar ah, badanaaba la xiriira noloshada casriga ee Soomaalida, sida suugaanta Soomaaliyeed, dowladnimada casriga, siyaasadda arrimaha dibadda dalkeena, falsafadda, mandiq, taariikhda gobonimodoonka Soomaalida, nidaamka dowliga iyo qaar kale. Badanaa waxaa soo diyaarinjiray cinwaanka dooda oo jeedinjiray r...

Falanqayn Qormo Cinwaankeedu yahay “Sababta aan uga Tagay Shaqada Macallinimada”

Image
  Sannadihii u dambeeyay waxaa soo ifbaxay dhacdooyin beeniyay sawirka malo-awaalka ah ee aan ka haysanay jaamacadaha Galbeedka, dhacdooyinkaas oo muujiyay inay yihiin jaamacadahaasi hay’ado siyaasadeeyay aqoonta, ayna maamulaan dabaqadda aristokraadiga ee ku howlan ilaalinta danaheeda dhaqaale oo kaliya. Waxaa dhacdooyinkaas kow ka ah dagaalka Qaza, ina tusiyay munaafaqadda Galbeedka gaar ahaan hay’adaheeda aqoonta iyo warbaahinta, intuu dagaalku socday – walina waa socdaa – waxaan wararka ka daawanay jaamacado Mareykan u badan oo ka horistaagaya ardaydooda taageerida Filistiin, xitaa waxaan wararka ka daawanay xarumo aqooneed oo shaqada ugu buriyay macalimiin taageeridda Filistiin darteed.  Sidoo kale waxaa ka mid ah dhacdooyinkaas fadeexadeeyay jaamacadaha Galbeedka kiiska Jason Arday oo hadda dunidu hadalhayso. Hoobadka iyo sumcadbeelka ku socday jaamacadaha Galbeedka waxaa sababay arrimo dhowr ah oo aynaan midmid u dulistaagi karin, balse sababta ugu hadalhaynta bada...

Waa Kee Buluugga Furan Ee Uu Leeyahay Calankeenu?

Image
  “Qolobaa calankeedu, Waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xiddigyahay cadi...”. Heesta Calanka Soomaaliya. Qodobka 6aad ee Dastuurka 2026 iyo Dastuurkii Kumeel Gaarka wuxuu dhigayaa in calanka Soomaaliya yahay laydi buluug furan oo dhexda kaga taal xiddig cad, balse qodobkau ma xadidin midabka buluuga furan, wuxuuna noqon karaa midabo tirada badan oo isla buluug furan ah, sida ka muuqato sawirka kore, arrintaasina waxay u baahantahay cid jaangoysa. Taariikhda markay ahayd 08/06/2026, Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook qoraal nuxurkiisu yahay in midabka calanka Soomaaliya yahay midabka buluuga ee leh Hex Code: B5D7F1 (RGB: 181, 215, 241), arrintaas oo dad badan ay u riyaaqeen, u na qaateen in qoraalka guddiga uu soo afmeeriyay jahwareer ka jiray midabka buluuga furan ee uu qodobku xusay. Hase yeeshee, waxaa is waydiin mudan in guddiga kan uu leeyahay awood sharciyeed uu ku fasiri karo ...

Isbarbardhig Sida ay Uga Hadleen Hay’adda Garsoorka Dastuurka Kumeel Gaarka ee 2012 Iyo Wax-ka-badalka Dastuurka ee 2026:

Image
  W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi & Xuseen Maxamed Ciyaaye Hordhac Inkastoo Dastuurka Kumeel Gaarka gudihiisa, gaar ahaan Cutubka 15aad, lagu qeexay habraaca qabyotirka iyo dib-u-eegista dastuurka, haddana muddo dheer ayuu ahaa mid qabyo ah, waxaana awoodi waayay inay dhameystiraan ama wax-ka-beddel ku sameeyaan dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray tan iyo sanadkii 2012. Dowladdii ugu horreysay ee lagu soo dhisay dastuurkaas oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadihii 2012–2017, iyo dowladdii xigtay ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee 2017–2022, midkoodna kuma guuleysan inuu soo gabagabeeyo dib-u-eegista dastuurka. Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale dib loo doortay 15-kii May 2022, ayaa muddo xileedkiisa labaad dadaal xooggan ku bixiyay dhammeystirka iyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel gaarka ah. Ugu dambeyn, taariikhda 04/03/2026 Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ...