Falanqayn Buugga “Aargoosiga Juqraafiga”
Falanqayn Buugga “Aargoosiga Juqraafiga” Hordhac: Buugga “The Revenge of Geography: What the Map Tells Us About Coming Conflicts and the Battle Against Fate” waa dhigaal soo baxay sannadkii 2012, waxaana qoray Robert D. Kaplan, waana buug jidbixinay saameynta juqraafigu ku leeyahay masiirka bulshooyinka iyo dowladaha; wuxuuna ku qotomaa fikrad u dhexeyso laba aragtiyood oo xagjir ah, lidna isku ah, oo kala ah: aragti ku dooda in casrigaan ay dalalku haystaan tiknoolajiyad sarreysa iyo gantaalo ka goosha qaaradaha aysan muhimad lahaynin juqraafiga, iyo aragtida labaad oo ku biyoshubaneyso “Qaddarta Juqraafiga” oo ah in bulshooyinka ku gowracanyihiin deegaanka ay ku noolyihiin, aysan sinnaba uga bixi karin qaddartaas. Inkastoo Kaplan uusan aaminsanaynin qaddarta juqraafiga, haddana wuxuu aaminsanyhay in mudnaanta juqraafigu taagan tahay xilli walba, colaad iyo nabadba, iyo in xudduuda juqraafiga tahay tan dhabta ah ee bulshooyinka kala qaybisa, wuxuuna qabaa soohdin kasta ama kal...