𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗱𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮
Waddooyinka
waa halbowlaha nolosha casriga eh, waxeyna door weyn ka qaataan horumarka
dhaqaalaha ee bulshooyinka, waana mid ka mid halbeegyada lugu cabbiro horumarka
dhaqaale uu dali leeyahay. Ayaandarro dalkeena Soomaaliya oo muddo dheer ku
jiray colaado sokeeye ayaa gabi ahaanba lumiyay kaabayaashii dhaqaalah oo ugu
horreeyaan waddooyinka.
Hase ahaatee dowladda federaalka
iyo maamulka gobalka Banaadir waxey si joogta eh uga qaadaan bulshada
caasimadda canshuuro kala duwan, ha ugu horreeyaan canshuurta gaadiidka
noocyadiisa kala duwan xamuul, bas, bajaaj iyo baabuurta raaxadaba. Balse waxaa
la moodaa adeegyadii gaadiidleydu filayeen ama bulshada reer muqdisho si guud
in aysan wada helin, uguna horreyso waddooyin nidaamsan oo nadiif eh.
Sikastaba ha ahaatee, sanaddadii
ugu danbeeyay waxaa lacag siyaab kala duwan dowladda ku soo galey, qaarkood
yihiin deeqo dibadda ka yimi, kuwana yihiin canshuurtii oo lugu kabey lacago
kale oo bulshada laga uruuriyay, dib loogu dhisay tobaneeyo laami oo ku yaala
magaalada caasimadda oo horey u burbursanaa, dadka iyo gaadiidkuna rafaad iyo
kaxar ku marijireen, balse iyagu laftirkoodu waxaa la moodaa intii la
dayactiray filashooyinkii laga qabay inaan laga wada helin, walina jiraan
cillado iyo daldaloolo in wax laga qabto tahay.
Sidaa awgeed qormadaan waxaan ku
falanqeyn doonaa cilladaha haysta waddooyink caasimadda, sidoo kalana waxaan
xusi doonaa dadaallada socda, ugu danbeyna waxaan ku soo afmeeri doonaa qormada
talobixinno aan ugu gudbi karno cilladahaasi.
CILADAHA HAYSTA WADDOOYINKA
CAASIMADDA:
Ayaandarro, waxaa aad u hooseeyo
wacyiga reer muqdisho ee dhanka waddooyinka sababtuna waxeyna heysan sawir hore
oo la barbadhigaan kan hadda, waxeyna dareemaan baahida hagaajinta iyo
dayactirka waddooyinka kaliya xilliyada roobabka oo waddooyin badan howlgab
noqdaan, iyo maalmaha uu qulqulka gaadiidku badanyahay oo isgoysyadu jaam
(traffic jam) noqdaan sida maalmaha khamiista iyo Sabtiga.
Balse, ceebta ugu weyn ee ka jirta
laamiyada caasimadda waa la’aanshaha ilinada biyaha ay ka baxaan, taasina waxey
sababtay in biyaha roobku siyaabo kala duwan u waxyeeleeyaan laamiyada, mar
waxey burburiyaan oo dilaaciyaan laamiga, mararka qaarna waxey laamiyada ka
dhigaan balliyo, waxaana tusaale uga soo qaadan karnaa Ceelqalow, Daallo iyo
Isgoyska Fagax oo intuba isu-badala xilliyada roobka balliyo, gaadiidkuna
rafaad u maro sidey uga wareegan lahaayeen.
Badi qurbajoogta ku soo laabta
Xamar waxey la anfariiraan fiildarrada iyo nadaafadxumada ka muuqata
waddooyinka, inkastoo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir ay leeyihiin
shaqaalo malaamley eh oo loo xilsaaray xaaqidda waddooyinka haddana waa dhif in
la arko waddooyin bilic qurxoon leh, waana yartahay in la arko shaqaalo si
joogta eh u nadiifiya waddooyinka. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay mas’uuliyaddii
bulsho ee waddooyinka, badi ganacsatada waxey xil iskasaaraan ganacsiyadooda
isla jeerkaasna waxey iska-indhatiraan waddooyinka ganacsiyadooda ku laalaan.
Waxaaba xamar caado ka noqotay in
qashinka maqaayadahay (raashinka iyo lafaha) lugu tuuro waddooyinka gaar ahaan
agagaarka dhismayaasha iyo boosaska cidlada eh, iyadoo loo soo dhiibayo
gaari-dameerlayaal lacag yar ku qaada oo kolba si masuuliyad darro eh ugu tuura
jawaan qashinkaas eh waddada ilaa uu ka gaaro dhul looma ooyaane uu ku rogo
qashinkaasi intii ugu danbeysay; waxey badanaa ku daadiyaan Jidka-warshadaha
gaar ahaan agagaarka Isbartiibada, mar dhexdaasi waxaa qashin badan la soo
dhoobi jiray Isgoyska Warshadda Caanaha walow hadda sidii hore ahayn.
Waxaa kale oo xusid mudan, waxaa
waddooyinka caasimadda ka jira ciriir aan innaba caadi aheyn, waxaana ka
qeybqaata ciriirigaas la’aanshiyaha baarkinnada gaadiidka ee xarumaha bulshada
adeegsato sida cusbitaalada, jaamacadaha, supermarket-yada iyo hotellada,
waxaana dhacda gaadiidka hor-baakimada xarumaha qaar inuu abuuro jaam (traffic
jam), sidoo kale gaadiidka dadweynaha (PL) ee ka hawlgala caasimadda malaha
boosteejooyin ay istaagaan oo ay ka qaataan rakaabka, waxeyna si qaabdarro eh u
isticmaalaan laamiga dadweynaha iyagoo marar badan hakad galiya isa-socodk
gaadiidka, tusaalana waxaa u eh basaska hoomeyda ee ka rakaabsada Isgoyska
Baar-Ubax iyo Isgoyska Bakaaro.
Waxaa kale oo la fududeysan karin
oo caado ka noqotay caasimadda gaadiidka oo u hoggaansamin shuruucda
waddooyinka oo waxaaba gabi ahaanba jirin ganaax ku dhaca gaadiidkii adeegsada
seed (haad) aan kiisa ahayn; waxaaba dhacda in laamiyada si isku dhex-yaac eh
loo adeegsado, taasina waxey abuurtaa jaam hor leh.
Waxa kale oo xusid mudan,
amnidarrada iyo cabsiada qaraxyada ayaa qeyb ka eh ciriiriga ka jira
waddooyinka caasimada oo waxaaba iska xeran waddooyinka qaar oo xaalado amni
loo marin, sidoo kale check-points lagu baaro gaadiidka ee waayaadan danbe soo
batay ayaa ciriirigii hore ujiray uga sii daray, walow askarta check-points
jooga gaadiidka ku qasbaan iney raacaan seedadka saxda eh, haddana waxey hakad
galiyaan isasocodka iyo qurlqulka gaadiidka.
Sidoo kale waxaa foolxumeeyay
bilicda caasimadda xoolaha magaalada lugu dhaqdo oo marar qaarna shilal sababa
sidoo kale abuura jaam gaar ahaan gaari-dameerku waa caqabad taagan oo marar
badan la arko isagoo rar culsu sida oo aayar u luudaya oo gaadiid badanna ku
daba faylanyihiin.
DADAALLADA SOCDA:
Waxaa jira dadaallo kala duwan oo dowladda Fadaraalku iyo tan Gobolka Banaadir
wadaan oo si toos eh ama dadban u taabanaya hormarinta waddooyinka, waxaana ka
xusi karnaa:
Xeridda Kaamirooyinka: waxaa hadda
socdo dadaalo dowladda Federaalku ku xereyso goobaha ganacsiga iyo guryaha
kaamerooyin loogu talogalay inay door weyn ka qaataan yareynta falalka amnidarrada
eh ee ka dhaca gobolka Banaadir. Sidoo kale waxey kaamerooyinka si dadban ugu
qeybqaadan karaan yareynta shilalka; waxaa awal adkayd in la ogaada sida dhabta
eh ee shilalka u dhacaan haddase waxaa soo bixi doono xogo badan oo shilalka
lugu yareyn karo.
Joojinta adeegsiga bacaha: waxey
wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada joojisay inta lugu guda jiray
sanadkaan (2024) adeegsiga bacaha, taasoo la rabo inay ka qeybqaadato bilicda
waddooyinka iyo deegaanka si guud. Walow si buuxda u hirgalin ammarkaasi.
Xakameynta Bajaajta iyo gaadiidka
Xamuulka: waxaa kale oo maamulka gobolka Banaadir bilaabay sanadkii hore 2023
siyaasad lugu joojinaayo Bajaaj cusub in dagadda laga soo dajiyo sidoo kale
kuwa shaqeeyo lugu qaybinayo laba koox A iyo B oo danta laga lahaa ahayd in
lugu yareeyo jaamka, hase ahaatee dad badani waxey rumeysanyihiin iney wax
isbadal eh abuurin, walina bajaaj hor leh laga keeno gobollada kale. Sidoo kale
wuxuu maamulka gobolka Banaadir iskudayay inuu ku koobo gaadiidka xamuulka inuu
socdo habeenkii, hase ahaatee ma hirgalin.
Dhisidda raand-boodyo/ roundabouts: wuxuu maamulka caasimadda ka dhisay tiro
isgoysyada caasimadda roundabouts, si lugu yareenayo jaamka, hase ahaatee
jaamkii waa sidiisii hadduuna ka darinba.
Waxa kale uu maamulka Banaadir
iskudayay inuu joojiyo dhaqashada xoolaha, kumana guuleysan. Halka gobolka
Banaadir iyo dowladda Federaalku si wada jir eh ugu fashilmeen xal u helidda
biyaha magaalada fariista oo dadaalkoodii ku soo idlaaday in booyada dhuuqa loo
diro laamiyada balliyada noqda xilliyada roobka.
TALO SOOJEEDIN:
Hore ayaana loo yiri “Habar
fadhidaa lagdin la fudud!” Xalka waddooyinka ma fudud farsamo iyo qarashba oo
si waddooyinkeena u la mid noqdaan laamiyada waddamada horumarey waxey u
baahantahay waqti, qarash iyo dowladda daacad u eh waxqabad.
Waan ognahay in maamulka caasimadda
awoodin xilligaan inuu dhiso shabakad bullaacado eh oo badda ku dara ama
buundooyin iyo laamiyo duula (laamiyo u dhisan sidii buundooyinkii) ama tareeno
dhulka hoostood mara iwm. Hase ahaatee, maamulka gobolka Banaadir wuxuu fulin
karaa waxqabadyo kumeelgaar eh sida haddii uu awoodin inuu dhiso shabakad
bullaacado eh oo badda ku dara waa inuu ugu yaraan ka leexiyaa biyaha fariista
waddooyinka una leexiyaa waraha hadda jiraa (warta Boondheere, warta Siigaale
iyo kuwa kale); kana raro dadka degan agagaarka warahaas oo dib u dajiyaa
dhulka tirade badan ee dowladdu leedahay ee maalin walba ganacsatada laga gado.
Waxaa kale uu maamulka Banaadir ku
dhajin karaa isgoosyada nalalka-taraafikada (samaafaro) oo yareen kara jaamka
ku abuurma kala sugid la’aanta. Sidoo kale waxaa dowladda soo rogi kartaa
ganaaxyo ka dhan gaadiidka seedadka qaldan gala, ha ugu horreeyaan gaadiidka
ciidanka ee qardajeexa ku socda. Ama waxaa laamiyada lugu dhajin karaa biro
dalooliya baabuurta jihada qaldan ku socda.
Geesta kale, wuxuu maamulka gobolka ama degmooyinka shaqojoojin ku sameyn
karaan ganacsiyada aan laheyn baarkinnada ee sida joogtada u adeegsada
waddooyinka.
Waxa kale uu maamulka gobolka
joojin karaa gabi-ahaanba dhaqidda xoolaha iyo adeegsiga dameerada oo qeyb ka
eh waddo-xumada caasimadda ka jirtaa. Waxa kale dowladda federaalku awooddaa
iney caasimadda u sameyso boosteejooyin ka baxsan laammiyada oo yareyn doona
jaamaka.
Waxaa habboon in maamulka gobolka
Banaadir uu ka shaqeeyo badqabka shacabka oo gabi ahaanba joojiya howlaha
dhismo ee iska indhatira badqabka dadka hoos maraya dhismayaashaas, sidoo kale
ganacsiyada halisaha watta sida kaalmaha shidaalka ee sida dayacan ugu dhisan
laamiyada ee aan badqabka muhimad siin.
Waxaa kale oo aan soojeedinaaya,
dhireynta waddooyinka iyo daryeelka deegaanka waa in lugu daraa miisaaniyadda
wadooyinka. Iyo dhisidda qashinqubyo horumarsan oo ka baxsan magaalada. Sidoo
kale maamulka gobolka Banaadir waxaa laga rabaa inuu dib u nashqadeeyo
magaalada una xadeeyo bad fiican goobaha bulshada ku nastaan ee laga maarmanak
u eh sida darjiimada, barxadaha iyo beeraha oo dhamaan hadda jirin.
War iyo dhamaantii, Kobaca bulshada
Muqdisho waa mid muuqda oo hadday noqoto dadka deegaanada kale ka soo hayaamaya
ee caasimadda deegaan u soo raadsanaya iyo haddayba noqoto tirade caruurta ee
dhalanaysa, sidaa awgeed dowladda dhexe iyo maamulka Banaadir waxaa la gudboon
iney dib u habeyn balaaran ku sameeyaan waddooyinka magaalada, haddii loo baahdana
jeexaan waddooyin hor leh.
Comments
Post a Comment