Posts

Isbaddelka Ku Dhacay Ibraahin Hawd

Image
Ibraahin Yuusuf Hawd waa halabuure magacweyn qoreyna ruwaayadda aanadii Nageeye, tiro sheekooyin gaagaaban iyo qormooyin tiro beel eh, waxaana lagu tiriyaa hormuudka sheeko-faneedda Soomaaliga, labeeya Maxamed Daahir Afrax oo eh aabaha sheeka-faneedka Soomaaliga, qoreyna riwaayadda ugu caansan Soomaalida ‘Maanafaay’ iyo sheekooyin kale, sidoo kalana katagay tiro dhigaallo falanqeynaya suugaanta Soomaalida. Hase ahaatee, Hawd wuxuu dheeryahay Afrax iyo suugaanyahanno badan baraarujinta dhalinyarta dhanka maanfurnaanta iyo la dagaalidda quraafaadka iyo aragtiyaha xagjirka, isagoo u soomarinaya dhanka mareegyada iyo baraha-bulshada, wuxuuna tusaale (role-model) u noqday dhalinyaro badan oo xiiseeya akhriska. Sanadaan danbe, ka dib doorashadii Muuse biixi 2017, Hawd wuxuu la soo baxay dhaqan lid ku eh qiyamkii uu ku hababin jiray dhalinyarta, wuxuuna u xuubsiibtay dhaqan geeljire oo sinaba u la jaanqaadi karin nolosha magaalowga, isbadalkaasi waxaa la fajacay indheergarad badan oo jaal l...

Nidaamak Doorasho Ee Ku Habboon Soomaaliya

Image
  Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowge eh sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay. Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka. Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan, laakin doorashadoodu waxey u ekeyd xilkaqaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis eh, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musa...

Cadaawadda Itoobiya Ma aha Aragti Shirqool

Image
  Laga soo bilaabo dhamaadkii qarnigii 19aad xilligii gumeystayaashii reer yurub soo gaareen Geeska Afrika ilaa maanta 2024 waxey dowladda Itoobiya ku howlanayd walinga ku howlatnahay inay dhul hor leh Soomaalida ka qaadato; kumana joogsan qaaadashadii Herer, si la mid eh kuma hakan qaadashadii gobolka baaxadda leh ee Soomaali-galbeed, maantana waxey sahmisatay badda iyo dhulka gobollada waqooyi. Colaadda Itoobiyaanka u hayaan Soomaalida waa mid shaacsane ah, kuna koobneyn qowmiyad Oromada ee hadda talada haysa ee Soomaalidana dariska la’eh; tiro hoggaamiyaal oo soomarey talada Itoobiya oo ka soo kala jeedda qowmiyadaha Amharada, Tigreegga iyo Oramada (Minilik, Heyla Salaase, Mela Sanaawi iyo Abey Axmed) ayaa si isku mid eh ugu halaaqay in Soomaalidu u qalmin dhulka baaxadda leh iyo badda ay haystaan. In badanna waxey Soomaaliya ugu yeereen dhaxal Talyaani oo ula jeedaan dowlad gumeystihii Talyaaniaga abuuray oo hore jiritaan u lahayn! Waa iyaga iyo Allahoodee, Soomaalidii hor...

Taariikhdu Ma Dhimrido!

Image
Qormadaan koobani waxaan ku soo bandhigeynaa sooyaalka ruux burburiyey sumcaddiisii wanaagsaneyd, tacabkiisiina ka dhigey hal bacaad lagu lisey, kalgacalkii loo hayayna u rogey naceyb iyo sumcadbeel, ruuxa aan ka hadleyno waa Ulysses Grant oo noqdey madaxweynihii 18aad ee Mareykanka, xilkana soo hayay muddo siddeed sano eh, sanaddadii 1869 – 1877. Grant wuxuu door mug leh ka qaatay soo afjaridda dagaalkii sokeeye ee Mareykanka oo ahaa dagaal ba’an oo aad loogu halligmay, ku dhinteen dad kor u dhaafaya 600,000 qof; wuxuuna guulo waa weyn u soo hoyey dowladda dhexe ee Mareykanka oo u dagaalmeysay qaddiyadd akhlaaqi eh (adddonsiga in la joojiyo), taas oo dhaxalsiisey howlwadeenadii iyo saraakiishii dagaalka sida Grant inay helaan taageero baaxad leh. Haddaan dib u jaleecno sooyaalka dagaalkii Sokeeye ee Mareykanka (1861 - 1865) halka uu Ulysses Grant ka soo dhexbexay, magaca iyo taageeradana ka kasbadey. Dagaalka sokeeye ee Mareykanku wuxuu bilowdey ka dib markey soo ifbaxeen olole ...

Prisoner's Rights in Somalia Law and International Law: Comparative Analysis

Image
  Abstract: The article, titled "Comparative Analysis of Prisoners' Rights in Somali Law and International Law," seeks to investigate the compatibility of Somalia's domestic legislation with prevailing global standards, treaties, and principles relating to the rights of prisoners. The research methodology utilized in this study is qualitative, with a specific focus on document analysis, the researcher considers this method is regarded more reliable than alternative methods due to its precise interpretation of legal content. Existing literature on Somalia's prison facilities reveals substandard living conditions that do not meet international benchmarks, encompassing issues such as inadequate food and water quality, poor sanitation, legal system uncertainties, and insufficient mechanisms for monitoring prison conditions; therefore, this study will address the gap in comparing prisoner rights at the national and international levels where such a comparison is curren...

Goorma Ayuu Qishku Xalaal Noqday?

Image
  Bishii Maay ee sanadkii 2019, wasaaradda waxbarashadu ee federaalku waxay laashay imtixaankii dugsiga sare oo meel dhexe marayay ka dib markii internetka lagu baahiyay nuqullo ka mid eh imtixaanka, go’aankaasina wuxuu ka carraysiiyay ardaydii imtixaanka galaysay iyo maamul-goboleeyada qaar sida Hirshabeelle oo waagaas ku hanjabtay inay iskeed u qaadan doonto imtixaankeeda.[1] Dhacdadaasi maaha markii ugu horreysay oo la soo dusiyo qishka imtixaanka dugsiga sare, sidoo kale kuma ekeyn sanadkaas oo wixii ka danbeeyay sanadkaasi waxaaba la dhihi karaa si joogto eh baa loo soo dusinayay imtixaanka dugsiga sare. Qishku micna ahaan waa imtixaanka oo si tuuganimo looga shaqeeyo, se micnaha ay u dajiyeen bahda waxbarashada waa ka balaaran yahay, waxaana soo hoosgalaya khiyaano kasto uu ardaygu sameeyo si uu ugudbo ama buundo dheeri eh ku helo, tusaale: jawaabaha imtixaanka ama layliga oo si sharcidarro eh u helo, imtixaanka oo looga shaqeeyo, ardayga oo sheegta xog uusan lahayn (plag...