Posts

Soomaalida Mareykanka Waa Miskiin Baa Misko La Fuulo Leh

Image
  Waayadaan waxaa ku socday Soomaalida Ameerika olole suuradxumeyn ah oo laga wada dhigayo inay yihiin dad dulsaar ku ah dadka Mareykanka, lidna ku ah dhaqanka iyo qaayasoorka bulshada Mareykank, wuxuuna ololahaasi la bilawday dib-u-doorashadii Donald Trump oo hadda laga joogo sanad iyo bilo. Trump oo tan iyo xilligiisii hore caadeystay ijaafada dadyowga Afrikaanka baa waayadaan si takoor ah u bartilmaamaydsaday Soomaalida, isagoo marar kala duwan ku tilmaamey ereyo liidasho ah sida: inay qashin “ garbage ” yihiin, inay musuqmaasuq miiran yihiin, iyo inay burcad-badeed yihiin, inay leeyihiin dalka ugu xun adduunka, inaysan waxba ku kordhin shacabka Mareykanka iqk. Sidoo kale wuxuu Trump si tirabeel ah u aflagaadeeyay xilidhibaanadda matasha bulshada Soomaalida Minisoota ee Ilhaan Cumar, isaga oo ku tilmaamay inay tahay qashin, mar kale ku tilmaamay inay mudan tahay in laga musaafuriyo Mareykanka, mar kale ku tilmaamay inay tahay tuugad, xitaa ku tilmaamay inay tahay “bitch”. ...

Falanqayn Kooban Sheekada Maanafaay

Image
  Maanafaay waxay ka mid tahay sheeko faneedyada fara ku tiriska ah ee ku soo baxay af Soomaali ee lugu tilmaamay inay u babacdhigi karto sheeko faneedyada caalamaka, waxaana ku farayareystay sheekada Maxamed Daahir Afrax oo ah qoraa rugcaddaa ah oo badi yaqaanaan bahda aqriska, balse caamadu aysan wada aqoon. Wuxuuna ka tagay qoraagu AHUN dhigaallo kala duwan oo xiriir la leh suugaanta Soomaalida, balse ugu caansantahay sheekadiisa Maanafaay. Sheekada kan Maanafaay ee ku falanqeyn doono qormadaan, waxaa bogaadin iyo amaan huwiyay qoraayo iyo suugaanyahanno wax ku qora afka Soomaaliga kuwooda ugu magaca-dheer sida Barfasoor Cali Jimcaalle oo ku tilmaamay Maanayfaay inay tahay sheekadii u horreyday ee Soomaali ah oo u qalanta in lugu tilmaamo sheeko-faneed, sidoo kale Barfasoor Andrzejewski wuxuu ku tilmaamay inay sheekadu si buuxda u sawirtay noloshada ka jirtay magaallada Xamar. Halka Ibraahin Hawd uu xusay in sheekada Maanafaay jeclaysiisay aqriska iyo qoraalka sheekada Soomaal...

Mareegta Geeska.. Mashruuc Lugu Wiiqayo Midnimada Iyo Qaranimada Soomaaliya

Image
  Geeska.com waa website soo ifbaxay labadii sano ee ugu danbeeyay, daneeya arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo amniga sida ku cad bogga ‘Nagu Saabsan’ ee website-ku isku qeexayo. Waana website ku baxa afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.   Sida ka muuqato magaca iyo loogada ee loo xulay mareegta, waxay si gaar ah diiradda u saartaa arrimaha bulshaweynta Geeska Afrika, waxeyna mareegtu sheegatay inay hiigsanayso inay u horseeddo isbaddal togan bulashada dagta mandiqadda Geeska Afrika ee isugu jira Soomaali iyo shucuub kale. Hase ahaatee, muddooyinkii ugu danbeeyay madashu waxay ka beensheegtay istacriifinta ay saaxadda ku soo gashay, waxayna muujisay falal lid ku ah sheegadeeda. Intaan la gaarin isu soo dhaweynta bulshada Geeska Afrika, waxey madashu ka shaqeysay kala ququbidda Soomaalida oo ah ciddii ugu mudnayd inay isu keento. Waxaana lugu baahiyay “Geeska” qormooyin ka buuxaan nacayb, oo kala fogeynaya beelaha Soomaaliyeed. Waxayna noqotay madal baahisa aragtiyaha t...

Tarjumaanku Ma Khiyaanoolaa?

Image
  Hawraarta ‘ Traduttore Traditore ’ oo eh maahmaah Talyaani oo micnaheedu yahay [tarjumaanku waa khaa’in] ayaa aalaaba la adeegsado marka la tilmaamayo in tarjumiddu marnaba wada gudbin karin macnaha dhabta ee uu leeyahay qoraalka asalka. Run ahaantii afafku waa ku kala gaddisanyihiin qaab-dhismeedka iyo balaaqada, aalaabana waa adagtahay in si buuxda loo soo wada minguuriyo macnaha ay xanbaarsanyihiin, haba ugu darnaato suugaanta tiraabta eh oo mar kasta adagtahay in la raro macnaha iyo dareenka ay xambaarsanatahay. Waxaana jira tiro khubaro eh oo taageersan khiyaanada lugu eedeeyo tarjumaanada, waxeyna u kala qaadaan khiyaanada mid dadban oo ka baxsan awoodda tarjumaanka iyo khiyaano toos eh uu tarjumaanku ku lug leeyahay. Khiyaanada dadban waxey ku qeexaan in tarjumaanku minguuriyo fahankiisa qoraalka (ama hadalka) uu tarjumayo, taasoo keeni karta inuu ka leexdo micnihii uu qoraagu ula jeeday. Hase ahaatee taasi waa cilad aadamiga uu dhani lahaan karo, hore ayaana loo yiri ‘had...

Kulankii Safiirka Mareykanka

Image
  Madasha Minbar oo looga bartay soo qabanqaabidda doodaha dadweynaha ayaa shaley oo taariikhdu ahayd 10 December 2024 soo agaasintay kulan doodwadaag eh oo lugu wareysanayo safiirka Mareykan Richard Riley . Iima aheyn markii iigu horreysay ee aan ka qeybgalo kulamada Minbar, waxaan hore uga qeybgaley kulamo badan oo ay u soo qabanqaabisay siyaasiin Soomaaliyeed iyo kuwa masuuliyiin ajnabi eh ba. Kulanka kan ee safiirka Mareykanka waxaa lugu qabtay gudaha xerada Xalane, halka ay degaan safaaradaha iyo shisheeyaha Soomaaliya ka shaqeeya. Gaar ahaan wuxuu kulanka ka dhacay RA Hotel, wuxuuna ahaa kulan agaasimkiisu aad u heer sarreeyay oo si quruxbadanna loo nidaamiyay fadhiga, hase ahaatee lama dhowrin waqtigii lagu balansanaa in la bilaabo (10:00 AM) ku dhawaadna saacad ayuu dib udhacay kulanku. Waxaana cinwaan looga dhigay kulanka [ understanding Somalia-US relations: the way forward ]; wuxuuna kulanka ku bilowday furfurasho kooban uu sameeyay agaasimaha madasha Minbar, ka dibna wa...

Horumarinta Waddooyinka Caasimadda

Image
  Waddooyinka waa halbowlaha nolosha casriga eh, waxeyna door weyn ka qaataan horumarka dhaqaalaha ee bulshooyinka, waana mid ka mid halbeegyada lugu cabbiro horumarka dhaqaale uu dali leeyahay. Ayaandarro dalkeena Soomaaliya oo muddo dheer ku jiray colaado sokeeye ayaa gabi ahaanba lumiyay kaabayaashii dhaqaalah oo ugu horreeyaan waddooyinka. Hase ahaatee dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir waxey si joogta eh uga qaadaan bulshada caasimadda canshuuro kala duwan, ha ugu horreeyaan canshuurta gaadiidka noocyadiisa kala duwan xamuul, bas, bajaaj iyo baabuurta raaxadaba. Balse waxaa la moodaa adeegyadii gaadiidleydu filayeen ama bulshada reer muqdisho si guud in aysan wada helin, uguna horreyso waddooyin nidaamsan oo nadiif eh. Sikastaba ha ahaatee, sanaddadii ugu danbeeyay waxaa lacag siyaab kala duwan dowladda ku soo galey, qaarkood yihiin deeqo dibadda ka yimi, kuwana yihiin canshuurtii oo lugu kabey lacago kale oo bulshada laga uruuriyay, dib loogu dhisay tobanee...